Home Blog Page 974

Tartamayaasha Yaaqshiid oo soo gaaray wareegga Afaraad ee tartanka

Muqdisho (SNTV)- Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 9-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho waxaa caawa kulankiisa Lix iyo labaatanaad ee wareegga saddexaad ku tartamay Degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaxda oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir, waxaana barnaamijka sanadkii lixaad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

 

Tartameyaasha labada degmo ee Yaaqshiid iyo Kaxda ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Kaxda

Tartameyaasha Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal, iyagoo iska qalday Afar su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Kaxda ay heleen waxay noqotay  lix (6) dhibcood.

Yaaqshiid

Tartamayaasha Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, iyagoo iska qalday Saddex su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaasi darteed wadarta guud dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Yaaqshiid waxay noqotay Sideed (8) dhibcood.

Hadaba kulankii 26-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga Afaraad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, waxaana ay ku biiri doontaa Degmooyinka Kismaayo iyo Dhahar oo horey u soo tiigsaday wareega afar dhamaadka ee tartanka.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Guddoomiyay Shirka Tubta Guud ee Gobalka Banaadir”Sawirro”

0

Muqdisho (SNTV):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shirka tubta guud ee gobalka Banaadir oo lagu qabtay xarunta maamulka gobalka Banaadir.

Shirka oo looga hadlay dar-dar gelinta qorshaha adkaynta amniga iyo sare u qaadidda bilicda caasimadda, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu kusoo bandhigay wixii uu magaalada kusoo arkay intii uu ku jiray kormeer uu ugu kuur gelayay heerka uu gaarsiisanyihiin amniga iyo nadaafadda degmooyinka gobalka Banaadir.

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen taliyaasha xoogga, guddoomiyaha gobalka, kuxigeennadiisa, taliyayaasha ciidanka xoogga, booliiska iyo Asluubta ayaa si qota dheer looga hadlay in dhammaan dhinacyadu iska kaashadaan sidii amniga loo gaarsiin lahaa heerka ugu wanaagsan si looga hor tago falalka gurracan ee kooxaha argagaxisadu ku beegsadaan bulshada Soomaaliyeed.

Shirka ayaa sidoo kale looga dooday nadiifinta caasimadda iyo sare u qaadidda bilicda si bulshada ku nool ay ugu ciidaan magaalo qurux badan oo aan qashan la hayn, waxa uuna Ra’iisul wasaaruhu faray maamulka gobalka iyo dhammaan hay’adaha kale in ay si is-xilqaan ah ugu istaagaan hagaajinta nadaafadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddoomiyayaasha degmooyinka gobalka ku dhiirri geliyay in ay si gaar ah isaga xil saaraan nadaafadda degmooyinka ay madaxda ka yihiin, isaga oo u ballan qaaday maamulkii nadaafadda degmadiisa hagaajiya in abaal marinno uu ku farxo la guddoonsiin doono.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulanka kadib waxa uu kormeeray bangiga dhexe iyo dekadda Muqdisho si sare loogu qaado isla xisaabtan, daah-furnaanta iyo hufnaanta.

Madaxweynaha JFS oo gaaray magaalada Jeddah ee Dalka Sacuudiga

0

Jeddah (SNTV):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya, iyadoo halkaas si-weyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa waxay u sii gudbeen magaalada barakeysan ee Makka Al-Mukarramah halkaas oo uu uga qeyb gali doono Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sidoo kale isla Magaaladda barakeysan ee Makka kaga qeyb gali doono maalinta barri ah Shir Madaxeed aan caadi ahayn oo ay isugu imaanayaan Madaxda Dalalka Jaamacadda Carabta, kaas oo lagaga wada hadlayo xaaladaha ugu danbeeyey ee Dalalkaas, danaha wada jirka ah ee ka dhaxeeya iyo sidii loogu midoobi lahaa dhibaatooyinka iyo caqabadaha ku xeeran dowladaha iyo shucuubta Carbeed.

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo xiriirka laba geesoodka kala hadlay Safiirka Shiinaha

0

Muqdisho (SNTV) – Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Saciid Xaaji Maxamuud Faarax ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga China ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Qin Jian.

Kulanka ayaa la iskula eegay xiriirka laba geesoodka ee u dhexeeya labada dal ee saaxiibada ah iyo qaabkii lagu horumarin lahaa.

Xoghayaha Joogtada, oo uu wehliyay Safiirka Shiinaha iyo Agaasimayaasha Waaxyaha Maamulka iyo Maaliyadda iyo Asia ayaa waxa ay kormeer ku sameeyeen dhismaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ku socda dayactir ballaaran iyo qalabayn tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe 26-kii January, 1991.

Taliyaha Ciidanka Badda oo ka warbixiyay dib u habeynta balaaran ee lagu sameeyay Ciidamada Badda

0

Muqdisho (SNTV):-Taliyaha Ciidanka Badda iyo difaaca Xeebaha Admiral Cabbaas Amiin Cali ayaa ka warbixiyay dib u habeynta balaaran oo lagu sameeyay Ciidamada Badda.

Admiraal Cabbaas ayaa tilmaamay in labadii bil ee u dambeysay hoggaanka ciidanka badda oo kaashanaya taliska Ciidanka Xoogga ay sameeyeen qorshooyin muhiim ah oo lagu dardargalinayo shaqooyinka ciidanka badda.

“Anaga oo fulineyna masuuliyadda uu Madaxweynuhu noo igmaday iyo tilmaamaha na horyaala waxaan bilaawnay in aan dib u habeyn ballaaran ku sameyno ciidanka oo ay ka mid yihiin qalabeyn iyo tababarro”.

Taliyaha Ciidanka Badda ayaa sheegay in qalabeynta iyo dib habeynta ciidanka ay gacan ka geysanayaan qaar ka mid ah dowlaha taageera Soomaaliya. Waxa uuna rajo wanaagsan ka muujiyay in si deg deg ay u soo celin doonaa shqooyinkii looga bartay ciidanka Badda.

QM”Waxaan u bahanahay 100 Bilyen sanadkii si loo ilaaliyo Cimilada Dunida”

0

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa  sheegay in ilaalinta cimilada ay u baahan tahay $ 100 bilyan sannadkii. Isagoo ku adkeynaya in wadashaqeynta wadajirka ah ee u dhaxeysa dhammaan qeybaha  ay khuseyso arrintaasi ay gacan ka geystaan wejiga isbeddelka cimilada iyo kululaynta caalamiga ah iyo in la helo faa’iidooyin badan oo wax ku ool u noqonaya  bulshooyinka  adduunka ah.

Baaqan Antonio Guterres  ayaa ku soo beegmay furitaanka shirwaynaha cimilada ee caasimadda Austria ee Vienna sannadkii saddexaad oo isku xigta lagu qabanayo, waxaana ka soo qaybgalay dhowr shakhsiyaad caan ah.

Xoghaya Guud ee Qaraamada Midoobay Guterres ayaa bilaabay digniintan  ka dib markii uu booqday meelo badan oo laga dareemay inay ka dhalan karto masiibooyinka deegaanka, sida jasiiradaha Tuvalu ee Koonfurta Baasifiga, kuwaas oo lagu cabsi qabo  khatarta biyaha ka dhalan karto.

Guterres ayaa ka digay in halista xaaladani ay ka dhigayso ama loogu baahan yahay bulshada aduunka in ay  si degdeg ah wax uga qabato  isbeddelka cimilada kuwaas oo dadka ku qasbay inay ka  guuraan guryahooda iyo magaalooyinkooda.

Waxa uu yiri: “Waa inaan si degdeg ah u faragelinnaa si aan u badbaadino muwaadiniinta oo aan u badbaadino, gaar ahaan marka isbedelka cimiladu uu yahay masuuliyad saaray inay wax ka qabato Qaraamada Midoobay.

Guterres wuxuu tilmaamay in mudnaanta muhiimka ah  ay tahay in la nadiifiyo hawada, si ay wasakhowga uga faafin dalagyo badan oo aan kiimikada ahayn, yareeyo khasaaraha kala duwan ee noolaha, iyo bedlida habka aan ganacsiga u sameyno sida loo abuuro tamar, dhisida magaalooyin iyo quudinta adduunka.

“Waan ogahay in aan sameyn karno oo dhan haddii ay jirto rabitaan siyaasadeed.” Isagoo xusay in uu ku baaqay sababtan awgeed in uu shir isugu yimaado si aaggan bisha September sanadka soo socda ee New York.

Guterres ayaa weydiiyay hoggaamiyeyaasha caalamka inay sameeyaan qorshayaal wax ku ool ah oo lagu dhiirrigelinayo tallaabooyinka cimilada.

Waxa uu tilmaamay in uu farageliyay ujeeddadaas iyada oo la tashaday tiro madax ah oo dawladeed ah si ay u qabtaan dadaal heer sare ah si ay u abaabulaan taageerada dhaqaale ee shirarka cimilada ee soo socda si loo kordhiyo $ 100 bilyan oo laga helo ilaha guud iyo kuwa gaarka ah ee dalalka horumaray si loo badbaadiyo dalalka soo koraya iyo dib-u-dhiska Sanduuqa Cagaaran ee Cimilada.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale ugu baaqay maalgashadayaasha in ay joojiyaan maalgashiga mashaariicda qashinka ah ee cimilada iyo maalgashiga halkii ay ku yeelan lahaayeen mashruuc ilaalin geesinimo leh oo hami leh.

Waxa uu tilmaamay in ujeedada ugu dambeysa ay tahay in la abuuro dhaqaale nadiif ah oo ka madax bannaan qashinka iyo wasakheynta ilaa hadda ilaa qarniyada soo socoda wadamada aduunka si ay uga wada shaqeeyaan sidii loo yareeyn lahaa kor u kaca kuleylka aan ka badnayn heerka Darajada 1.5 sida waafaqsan Heshiiska Shirweynihii Paris ee Cimilada.

Dowoodda Australiya ee Vienna waxay martigelin doontaa shir labo maalmood ah oo cimilada caalamiga ah kaas oo diiradda saari doona mashaariicda ilaalinta cimilada ee la fuliyay oo sahmin doona siyaabaha cusub ee maalgelinta sida ku cad Charter Charter Charter ayuu yiri Antonio Guterres .

Wuxuuna intaa raaciyay in Shirka looga wada  hadli doono arrimaha kor u qaadida maalgashiga kaabayaasha deegaanka si loo abuuro dhaqaale cagaaran, iyaabo lagu caawiyo himilooyinka horumarinta ee Qaramada Midoobay ee Vision 2030, iyo sidoo kale aragti la wadaago ee bulshooyinka isku dhafan iyo ka yar.

Shirku wuxuu isku dayi doonaa inuu isku xiro oo uu xoojiyo wadooyinka isgaarsiinta ee u dhaxeeya wadamada  G20 , deeq  bixiyeyaasha teknoolajiyada iyo maalgashadayaasha dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Shir Madaxeedka dalalka Ururka Iskaashiga Islaamka kaga qeyb galaya magaalada Makka

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada barakaysan ee Makka kaga qeyb gali doona Shir Madaxeedka Ururka Iskaashiga Islaamka (IOC).

Meertada 14-aad ee Shir Madaxeedka Ururka Iskaashiga Islaamka oo lagu marti qaaday hoggaamiyeyaasha 57-dal ee ku bahoobay ururkan ayaa waxaa lagaga arrinsanayaa la dagaallanka argagixisada iyo fikirka gurracan ee xagjirnimada, qadiyadda Falastiin iyo dhibaatooyinka cunsuriyadeed ee ka dhanka ah Muslimiinta.

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Soomaaliya Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay muhiimadda uu dalkeenna u leeyahay shirkani maadaama Ururka Iskaashiga Islaamka ay muddadii u dambaysay tallaabooyin wanaagsan u soo qaadeen dhanka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isla Magaaladda barakeysan ee Makka kaga qeyb gali doono maalinta barri ah Shir Madaxeed aan caadi ahayn oo ay isugu imaanayaan Madaxda Dalalka Jaamacadda Carabta, kaas oo lagaga wada hadlayo xaaladaha ugu danbeeyey ee Dalalkaas, danaha wada jirka ah ee ka dhaxeeya iyo sidii loogu midoobi lahaa dhibaatooyinka iyo caqabadaha ku xeeran dowladaha iyo shucuubta Carbeed.

Wafdiga Madaxweynaha ee u amba-baxay magaalada barakaysan ee Makka waxaa hordhac usii ahaa diblumaasiyiin Soomaaliyeed oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Ciise Cawad oo la qaabeeyey ajandeyaasha shirarkan Wasiirrada dhiggiisa ah ee dalalka ku mideysan Jaamacadda Carabta iyo kuwa Ururka Iskaashiga Islaamka.

Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Danjiraha Soomaaliya ee Boqortooyada Sucuudiga

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto ugu magacaabay Mudane Cabdixakiim Xasan Ashkar in uu noqdo Danjiraha dalkeenna u qaabilsan dalka aan walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudiga.

“Madaxweynaha ayaa markii uu tixgeliyay aqoonta iyo waayo-aragnimada uu Danjire Cabdixakiim u leeyahay gudashada waajibaadka Danjiranimo waxa uu soo saaray xeerkan.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyay Danjiraha Cusub inuu Eebe u fududeeyo masuuliyadda culus, isaga oo kula dardaarmay inuu si hufan ugu shaqeeyo magaca iyo mataaladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ciidamada Myanmar oo mar kale ku dhaqaaqay dambiyo dagaal

0

Hey’adda Qaramada Mdoobay u qaabilsan Xuquuqul Insaanka (Amnesty  International)ayaa sheegtay in ciidamada Myanmar ay soo cusbooneysiiyeen weerarada lagu xasuuqayo Muslimiinta Rohingya ee ku nool gobolka Rakhine .

Hey;adda ayaa xustay in ciidamada Barma ay mar kale fuliyeen falal xasuuqa ah oo la mid ah kii dhacay sanadkii 2017-dii ,kaas oo loo geysanaayo dadka Muslimiinta,gaar ahaan jabhadda  ka dagaalanta Woqooyiga gobolkaasi.

Boqolaal qof ayaa ka barakacay dagaalada u dhexeeya ciidamada iyo jabhadda Mayanmar,waxaana  dad dhibanayaal ah ay sheegayaan in ciidamo ka socda qeybaha 22-aad iyo 55-aad ay wacaan howlgallo xasuuq ah oo lagu baacsanaayo muslimiinta.

Warbixin ay soo saartay Hey’adda Xuquuqul Insaanka maalinimadii Arbacada ayaa lagu sheegay in baaritaan la sameeyay ay muujinayaan in ciidamada Myanmar ay ku dhaqaaqeen dambiyo dagaal iyo xadgudub xagga bin’aadanimada ah.

Hey;addu waxa ay ku baaqday in xasuuqa ka dhacay gobolka ismaamulka Rakhine loo gudbiyo Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyada,isla markaana dalkaasi la saaro  cunaqabateyn buuxda.

Khilaafka ka jira Myanmar ayaa kordhay bishii Janaayo ee la soo dhaafay,ka dib markii 13-sarkaal ay dileen Jabhadda Arakan-ka ee la dagaalanta ciidamada dalkaasi.

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kormeeray Baraha Ciidanka Amnigu Ku Leeyihiin Wadooyinka Muqdisho

0

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda fedraalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre, ayaa xalay kormeer kedis ah ku tegay baraha ay waddooyinka Muqdisho uga suganyihiin ciidamada amniga ee sugaya amniga mawaadiniinta Soomaaliyeed.

Kormeerka ayuu qorshihiisu ahaa in Ra’iisul wasasaruhu u kuur galo sida ay u socdaan howla amni sugidda ee ciidanku wadaan iyo in ciidanka uu ku dhiirri geliyo dadaalka ay ugu jiraan ilaalinta amniga mawaadiniinta iyo hantidooda.

Ra’iisul Wasaaruha ayaa maray dhammaan baraha ciidamadu ay ku leeyihiin waddooyinka Warshadaha, Sodonka, Wadnaha iyo Maka Al-mukarrama.

Kormeerka kadib ayuu Ra’iisul Wasaaruhu kulan la qaatay saraakiisha laamaha amniga iyo maamulka gobalka Banaadir, waxa uuna la wadaagay xogtii uu soo helay intii uu kormeerka ku jiray, isaga oo faray in la dardar-geliyo dadaallada lagu sugayo amniga iyo in loo nuglaado shacabka amnigooda la sugayo.