Home Blog Page 972

Madaxweynaha oo dalka dib ugu soo laabtay kaddib safarro shaqo oo uu ku tagay Sucuudiga iyo Itoobiya

0

Muqdisho (SNTV): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalmahan booqasho shaqo ku joogay Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweynaha oo ka qayb galay shirkii degdegga ahaa ee Jaamacadda Carabta iyo kii caadiga ahaa ee Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa uga mahadceliyay Boqorka iyo Dhaxal-sugaha sidii diirranayd ee isaga iyo wafdigiisa loogu soo dhaweeyay Boqorka ortooyada Sucuudi Carabiya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa intii uu ku sugnaa Boqortooyada dalka Sucuudiga waxa uu kulan doceedyo la yeeshay qaar kamid ah madaxda dalalka Islaamka isaga oo kala hadlay xaaladda Soomaaliya iyo sidii dowladda gacan loogu siin lahaa dib u dhiska dalka iyo la dagaallanka kooxaha nabad-diidka ah.

Dhanka kale, Madaxweynaha oo saaka ka soo kicitimay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Jeddah ayaa dhawr saacadood ku hakaday magaalada Addis Ababa halkaas oo Garoonka Diyaaradaha ee Bole uu ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed.

Wadahadallada ay yeesheen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa xoogga lagu saaray sidii loo sii dardargelin lahaa iskaashiga dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha iyaga oo sidoo kale isla soo hadal qaaday xaaladihii ugu dambeeyay ee Gobolka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo xaflad duco ah u qabatay Shahiid Xuseen Ceelaabe Faahiye

0

Muqdisho (SNTV)- Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa Sabtidii xaflad duco ah u qabatay Xuseen Ceelaabe Faahiye oo ku shahiiday weerar gaari biimaysan loo adeegsaday oo lala beegsaday gaadiid dad rayid ah ay leeyihiin oo isku dayayay inay ka gudbaan bar baaris ciidan oo ku dhow Daljirka Dahsoon ee Muqdisho 22-kii bishii hore ee May.

Wasiirka Maaliyadda, Mudane Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, oo hadal ka jeediyay kulanka ducada ayaa sheegay in mabaadiida qaran ee uu dhaqangeliyay Marxuum Xuseen Ceelaabe intii uu ku jiray geedi socodkiisaa qorsheynta , maaliyadda iyo diblomaasiyadda ay dhabbo wanaagsan u xaartay howlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Xuseen Ceelaabe Faahiye waxa uu noqday Wasiirka 13aad ee Arrimaha Dibadda sanadkii 2007. Waxa kale oo uu qabtay xilalka Wasiir ee Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha, Daryeelka Naafada iyo Agoonta ee Xukuumadda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya intii u dhexeysay sanadihii 2005-2007. Waxa uu noqday muddo 12 sano ka badan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka ee Dowladdii dhexe ee Soomaaliya ee uu Madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre.

Ceelaabe kama aanu cararin dalka intii uu socday dagaalka sokeeye, magangalyana uma doonan dalal kale, hayeeshee waxa uu doorbiday inuu ku nagaado dalka, oo uu u adeegayay muddo 58 sano, oo ay ku jirto 13 sano oo uu ka howlgalayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, waxa uu in badan oo waqtigiisa nololeed ku bixiyay u adeegidda dalkiisa iyo dadkiisa si daacadnimo ah oo nafhurnimo leh.

Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Mudane Cabdullaahi Sheekh Cali ayaa ka sheegay isu imaatinka ducada in Shahiid Xuseen Ceelaabe uu kaalin muuqata ka qaatay iskudubaridka ololaha bani’aadannimo ee Dowladda ay fulisay sanadkii 1974, kaasi oo dib u dejin loogu sameeyay dad ku dhow nus milyan ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee ku nool Waqooyi iyo gobollada bartamaha oo loo raray gobollada koonfureed si looga badbaadiyo abaartii darnayd ee loogu magacdaray ”abaartii daba-dheer” ee saamaynta ku yeelatay deegaanno badan oo dalka ka tirsan.

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Saciid Xaaji Maxamuud Faarax ayaa ka sheekeeyay taariikh nololeedka Shahiid Xuseen Ceelaabe, halka Danjire Cabdisalaam Xaaji Axmed Liibaan oo xubin ka ah Guddi latalin oo hoostaga Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Nuur Axmed Wehliye oo lataliye ka ah Wasaaradda Qorsheynta iyo Mudane Xuseen Siyaad (Caato) oo ka mid ah mas’uuliyiinta sare ee Wasaaradda Maaliyadda ay soo bandhigeen guulaha shahiidka.

Aayadado Qur’aanka Kariimka iyo ducooyin islaami ah ayaa laga akhriyay bilowga iyo dhammaadka xafladda ducada oo lagu qabtay dhismaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda, iyadoo ay ka soo qeybgaleen qaar ka mid ah xubnaha labada aqal ee baarlamaanka federaalka, danjireyaal, qaar ka mid ah Agaasimeyeyaasha Guud ee Wasaaradaha, diblomaasiyiin, shaqaallaha rayidka iyo qaar ka mid ah ehellada shahiidka.

Tartamayaasha Dhahar oo caawa kaalinta saddexaad ku guuleysatay

Muqdisho (SNTV):- Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 9-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho waxaa caawa kulankiisa sodonaad ee kaalinta 3-aadku tartamay Degmooyinka Dhahar iyo Yaaqshiid oo ka kala tirsan Gobollada Sanaag iyo Banaadir, waxaana barnaamijka sanadkii lixaad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Dhahar iyo Yaaqshiid ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, maadaama loo tartamayay kaalinta 3-aad, waxaana uu ahaa kii ugu xiisaha badnaa, uguna adkaa inta uu tartanka socday mudada 30-ka cisho.

Dhahar

Tartameyaasha Degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Shan su’aal, iyagoo iska qalday Labo su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Dhahar ay heleen waxay noqotay  toban (10) dhibcood. 16-dhibcood

Yaaqshiid

Tartamayaasha Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, iyagoo iska qalday Saddex su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Dhahar, sidaasi darteed wadarta guud dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Yaaqshiid waxay noqotay Toban (10) dhibcood.

Markii tartanka uu ku soo idlaaday waqtigii loogu talagalay bar bar dhac, 10 iyo 10, ayaa lagu daray su’aalo dheeri ah, waxaana la weydiiyay min shan su’aal, iyadoo Yaaqshiid ay la timid afar dhibcood, halka Dhahar ay heshay lix dhibcood, wadarta guud Yaaqshiid ayaa noqontay 14 dhibcood, waxaana Dhahar ay heleen 16 dhibcood.

Hadaba kulankii 30-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa kaalinta saddexaad ku guuleystay tartamayaasha Dhahar Gobolka Sanaag.

Habeen dambe oo ah habeenka 31-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa kulankiisa kama dambeysta ah (Final) ku tartami doona Degmooyinka Kismaayo iyo Xamar Jajab oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Hoose iyo Banaadir, waxaana Kismaayo ay u noqoneysaa markii labaad oo xiriir ah ay soo tiigsato final.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo Kulan La Qaatay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Qatar

0

Dooxa (SNTV):-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre oo galabta gaaray magaalada Dooxa ee xarunta  dalka Qatar ayaa kulan la qaatay wasiirka arrimaha dibadda ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Qatar ayaa ka  wada hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka aha ee labada dal iyo labada shacab iyo mashaariicda horumarineed ee Qatar ay Soomaaliya ka wado.

Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa leh xariir qota dheer oo soo jireen ah.

Duqa Muqdisho oo Degmada Kaxda ka furay Xarun Gurmad iyo MCH

0

Muqdisho (SNTV):- Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Md. C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow) ayaa Maanta kormeer shaqo ku tagay Degmada Kaxda, Halkaasi oo uu ugu kuur galaayay Mashaariicda Horumarineed ee ka socota Degmada.

Waxa uu sidoo kale xariga ka jaray Xafiiska Ururka Haweenka, dhismaha taalada laga dhex sameeyay gudaha Degmada, iyo weliba gaari gar-gaar (Ambulance) oo ay yeelatay Degmada.

Duqa Muqdisho ayaa waxaa uu kormeer kusoo sameeyay wadooyin jid-cadayaal ah oo laga hergeliyay gudaha degmada iyo kuwo hada ku socda habeyn.

Shacabka Degmada Kaxda ayuu ku amaanay Eng. Yariisow, sida ay isugu tashteen, isla markaana ay horumarka degmadooda gacan weyn ugu geysteen.

Madaxweynaha JFS oo la kulmay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Malaysia

0

Makkah (SNTV):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qasriga uu ka dagganyahay magaalada Makkah waxa uu wada hadallo kula yeeshay R/Wasaare Ku Xigeenka Malaysia Marwo Wan Azizah Wan Ismaaciil.

Mudane Maxamed Abdullaahi Farmaajo iyo Marwo Wan Azizah Wan Ismaaciil ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhaqaalaha, horumarinta iyo waxbarashada farsamada gacanta.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale horay kulamo doceedyo la yeeshay qaar kamid ah Madaxda, Boqorrada iyo Amiirrada dalalka Islaamka, isagoona la wadaagay dadaalka Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku bixinayaan horumarka iyo dowladnimada, waxuuna ka codsaday dhankooda in ay sii kordhiyaan tageerada iyo garab istaagga walaalahooda Soomaaliyeed.

Xuseen Ceelaabe wuxuu ahaa Qaamuus ka baxay Qaranka

0

Muqdisho (SNTV):- Alle ha u naxariistee Xuseen Ceelaabe faahiye, waxaa uu ku dhashay magaalada Seylac ee gobolka Awdal, halkaas ayuu ka bilaabay waxbarashada, Dugsigii qur’aanka, 1947 dii ayuu galay waxbarashada aas- aasiga oo ku soo dhammeystay gobolada waqooyi.

Geeridiisa ka hor mar uu ka faalooday biloowgii waxrashadiisii waxa uu yirri”  iskuulka waxaa gacantiisa igu qoray Sh Cabdirahmaan Qaadi aad baan u gaabnaa waxaa igu wargaliyey inaan da’dii iskuulka gaadhin Macalin Xasan  Allatuug oo ardayda qorayay, Waxbarashada oon aad u jeclaa aawadeed daaqada fasalka ayaan subixii Soo joogsan jiray laba maalmood ayuu isha ila helay Cabdirahmaan Qaadi  Maalintaa ayuu go’aansaday inuu ii qoro iskuulka isagoo agabkii waxbarashada dhammaan iguddoonsiiyey”

Waxaa uu ka mid ahaa dhowr qof oo lagu aas aasay wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya 1963-dii markaas oo wasaaradu aheyd xafiis hoostaga Ra’isalwasaarihii xukuumaddii rayidka.

ka hor shaqada waxbarashadii koowaad ee jaamacadda waxaa uu ku soo qaatay Makareri Collage, markii uu bilaabay shaqada waxaa uu ka mid ahaa dadkii ugu horeeyay ee loo qaaday Mareynkanka aqoon kororsi ahaan sida uu ii sheegay Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda Soomaaliya Prof. Cabdulaahi Sheekh Cali Qaloocoow oo ay isla soo shaqeeyeenin in ka badan 30 sano.

”Waxa uu ahaa qof shaqo jecel, shaqada wuu inooga soo horumari jiray, waana uu nooga dambeyn jiray, waxaa uu ahaa Macalin na dhiira galiya oo shaqada nala qabta, wuu af gaabnaa waxaa uu ahaa Soomaali aanay u kala soocneyn dadkiisa” Prof. Qaloocoow”

1963-dii aas aaskii wasaaradda qorsheynta xiligii dowladii rayidka ilaa dowladii Milatariga burburtay 1991 dhammaan mashaariicdii waa weyned ee dalka laga hirgaliyay oo aan qoraal lagu koobi karin waxaa uu u ahaa laf dhabar Allaha u naxariistee Wasiir Ceelaabe

Aqoonyahanadii la soo shaqeeyay waxa ay ku tilmaameen inuu ahaa aabihii tirakoobka Soomaaliya (Father of Somali Statistics)

Xilal wasiir, xildhibaan, iyo heer maamul ayuu ka soo qabtay  golayaashii dowladihii Soomaaliya soo maray, haba ugu badnaadeen Wasaaradaha Qorsheynta iyo Arrimaha Dibadda.

kadib burburkii dowladii Kacaanka waxaa uu ka mid ahaa dadkii dhabar adeegay ee dalka aan ka bixin waxaana uu la soo shaqeeyay dowladihii ku meel gaarka ahaa iyo dowladaan rasmiga iyo tii ka horeysay.

“Waxaa uu ahaa Qaamuus Qaran, Aqoontiisii iyo waaya aragnimadiisii waa uu la tagay, lagama faa’iidaysan, lama fahmin, lama fahmin waxaa uu ahaa Qaamuus kan ugu sareeyo oo laga heli karo eray walba (Encyclopedia) dhulka Soomaaliya meelkasto waa uu yaqaanay waxa uu ku sheegi karay meel walba iyo mashruuca ku haboon Xuseen Ceelaabe” Prof Qaloocoow

Prof:  Xuseen Siyaad oo ka tirsan Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo ay soo wada shaqeeyeen waxaa uu ku tilmaamay qof mudan xasuus oo lahaa dad isku wadid Soomaalinimaduna ku weyn tahay.

” Alaha u naxariisto Xuseen Ceelaabe wax weyn ayuu ka soo qabtay horumarka dhinaca dhaqaalaha iyo bulshada Soomaaliyeed, intaan ka aqaano waxa uu ahaa nin dad wada wanaagsan, dadka makala saari jirin, wuu la shaqeyn jiray soona dhaweyn jiray waxaa uu ahaa hogaamiye (Team Leeder) waxaan rajaynayaa in dowladu qirto kaalintii uu ka soo qabtay dhaqaalaha Soomaaliya oo meel qiimo leh lagu magacaabo si magaciisa jiilka soo korayo ugu daydaan” Prof. Xuseen Siyaad

Alle ha u naxariistee Wasiir Xuseen Ceelaabe Faahiye waxaa uu ka mid noqday dadkii ku dhintay qarax ka dhacay Muqdisho 22 kii May 2019 maalin Ramadaan ah isla maalinkii xigay ayaa Muqdisho waxaa loogu sameeyay aas Qaran.

Sida muuqato aqoontii iyo waaya aragnimadii uu lahaa sidii mudneed loogama faa’idin.

Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Soomaalliya Prof. Cabdullaahi Sheekh Cali (Qaloocoow) waxaa uu ii sheegay in loo baahan yahay in laga faa’iidaysto Aqoonyahanada waaya araga ah ee nool si aanay u lumin taariikhda ummadda, masuuliyad gaar ahna ay  iska saaro dowladda iyo dadka Soomaaliyeed.

Waxaa Qoray Cabdishakuur Cali Axmed

Ra’iisul Wasaare Khayre oo u Duulay Dalka Qatar

0

Muqdisho (SNTV):- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta u safray dalka Qatar.

Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Dalka ayaa inta uu joogo Qatar waxa uu kulamo looga hadlayo xoojinta xiriirka labada dal la yeelan doonaa mas’uuliyiinta dalkaasi.

Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa leh xariir qota dheer oo soo jireen ah.

Q.Midoobay oo kun Askari ka dhimeysa ciidamada AMISOM ee Soomaaliya

0

Muqdisho (SNTV):- Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maalinimadii Jimcaha ee shalay go’aamiyay in ciidamada AMISOM ee jooga dalka Soomaaliya laga dhimo 1,000 asksri.

Golaha ayaa si wadajir ah ugu codeeyay in hoos loo dhigo tirade ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya , laakiin Golahaasi ayaa la sheegay in uu u furan yahay albaabka si dib loogu eego go’aankaas haddii ay soo baxaan Qatar ama dhibaato kale.

Qaraarka dhimista ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ee Soomaaliya waxaa soo gudbiyay dowladda Ingiriiska,iyadoo ciidamadaasi ay ahaayeen bishii la soo dhaafay ee Febraayo 19,626 Askari.

Ciidamada AMISOM oo la aasaasay sanadkii 2007,waxay isugu jiraan Askar ka socota dalalka Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya iyo Uganda,kuwaas oo ka howlgala Konfurta iyo Bartamaha Soomaalia.

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay Shir-madaxeedka Ururka Iskaashiga Islaamka ee Makka

0

Makka (SNTV):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galay Meertada 14aad ee Shir-madaxeedka Ururka Iskaashiga Islaamka kaasoo diiradda lagu saarayay iskaashiga, amniga iyo horumarka dalalka Islaamka.

Shirkan ayaa laga soo saaray baaq wadajir ah oo loogu magac daray ‘Baaqa Makka’ kaasoo adkeynaya midnimada Dowladaha Iskaashiga Islaamka, lagagana soo horjeestay ururrada argagixisada iyo fikirka xagjirka ah ee dhibaatada ku haya dadka Muslimiinta ah.

Madaxweynaha ayaa inta uu shirka socday waxa uu kulan doceedyo la yeeshay qaar kamid ah Madaxda, Boqorrada iyo Amiirrada dalalka Islaamka, isagoona la wadaagay dadaalka Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku bixinayaan horumarka iyo dowladnimada, waxuuna ka codsaday dhankooda in ay sii kordhiyaan tageerada iyo garab istaagga walaalahooda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xasuusiyey hoggaamiyeyaasha uu la kulmay dhibaatooyinka ku gadaaman Muslimiinta ku nool daafaha dunida oo shirkani u arkayey fursad wax lagaga qaban karo dhibaatooyinkooda, haddii la muujiyo midnimo, wadashaqeyn iyo iskaashi.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Boqor Salmaan Binu Cabdulcasiis martigelinta sare ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa tan iyo markii ay soo gaareen dhulka Boqortooyada Sucuudi Carabiya.