Shir u dhaxeeyay hay’adaha u xilsaaran dib u eegista Dastuurka iyo Beesha Caalamaka oo Muqdisho ka dhacay

Date:

 

Wasiirka Arrimaha Dastuurka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa gudoomiyay shir ay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Gudigga La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka iyo Gudigga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ay la yeesheen hay’adaha Beesha Caalamka ee ku lugta leh arrimaha dastuurka.

Shirka oo ay kasoo qaybgaleen gudoomiyaha iyo gudoomiye ku-xigeenka labada guddi, madaxa hay’adda UNDP ee Soomaaliya, iyo masuuliyiin ka kala socotay UNSOM, Norway, Sweden iyo Switzerland, ayaa waxaa ugu horeyn shirka furay Wasiir Saalax Axmed Jaamac isagoo ka warbixiyay horumarka laga sameeyay dhameeystirka dastuurka.

“Innaga ka wasaarad ahaan iyo labada guddi ee aan wada-sahqeeyno waxaan oran karnaa in boqolkiiba sideetan (80%) lagu guuleystay dhameystirka dastuurka kuwaa oo ah arrimaha u baahan farsamada qoraaleed, waxaa inoo dhiman waa arrimaha u baahan wadaxaajoodka siyaasadeed oo iyagana aan ku rajo weynahay in la dhameeystiro horaanta sanadka soo socdo” ayuu yiri Wasiirka.

Xubnihii mataleyay beesha caalamka ayaa waxay bogaadiyeen waxqabadka hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka iyagoo ballanqaaday inay sii joogteyn doonaan taageerada ay ku bixyaan howlaha lagu dhameeystirayo dastuurka. Waxay sidoo kale sheegeen in ay aaminsan yihiin seddexda hay’ad ee u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka inay ka miro-dhalin doonaan geedi-socodka lagu dhameeystirayo dastuurka.

Dhanka kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dastuurka iyo xubno ka tirsan labada guddi ayaa waxay sameeyeen soo jeedin ku saabsan qorshe howleedka seddexda hay’ad.

Ugu dambayn, Wasiir Saalax oo soo xiray shirka ayaa beesha caalamka u mahadceliyay isagoo sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka go’antahay dhameeystirka dastuurka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali...

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Hay’adaha Amniga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen....

DFS oo ka qeyb gashay kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Afrika ay la yeesheen Madaxweynaha K/Koonfureed

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), oo kaashanaysa Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka...