Home Blog Page 973

Tartamayaasha Xamar Jajab oo gaaray kulanka kama dambeysta ah (Final) ee tartanka

Muqdisho (SNTV)– Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 9-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho waxaa caawa kulankiisa sagaal iyo labaatanaad ee wareegga Afar dhamaadka (Semifinal) ku tartamay Degmooyinka Xamar Jajab iyo Yaaqshiid oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir, waxaana barnaamijka sanadkii lixaad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Xamar Jajab iyo Yaaqshiid ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan,maadaama lagu guda jiro wareegga afar dhamaadka ee tartanla, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Xamar Jajab

Tartameyaasha Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal, iyagoo iska qalday Afar su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Yaaqshiid, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Xamar Jajab ay heleen waxay noqotay  Sideed (8) dhibcood.

Yaaqshiid

Tartamayaasha Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Hal su’aal, iyagoo iska qalday Lix su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi oo ay heleen, sidaasi darteed wadarta guud dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Yaaqshiid waxay noqotay Labo (2) dhibcood.

Hadaba kulankii 29-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa kulanka kama dambeysta ah (Final) u soo gudbay tartamayaasha Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir, waxana ay fooda is dari doonaan dhigooda Kismaayo oo Finalka fadhida, waana tartamaayasha difaacanaya tartanka..

Habeen dambe oo ah habeenka 30-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa kaalinta saddexaad ku tartami doona Degmooyinka Dhahar iyo Yaaqshiid oo ka kala tirsan Gobollada Sanaag iyo Banaadir.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo soo Xiray Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare Ee Dalka

0

Muqdisho (SNTV)-Ra’iisul wasaraaaha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre oo uu wehliyo wasiirka waxbarashadda ayaa soo xiray imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee dalka oo si guul iyo nabad-gelyo ah kusoo dhamaaday.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre yaa booqday Xarunta Gahayr ee jaamacadda umadda Soomaaliyeed oo kamid ah goobaha imtixaanku maalmahaan ka socoday si uu u ogaado xaalada ardayda gashay imtixaanka uguna dhiiri galiyo in ay sii wadaan heerarka kala duwan ee Waxbarashada.

Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa ardayda Soomaaliyeed ee u soo dhabar adaygay waxbarashada u rajeeyey guul, waxa uuna  ku booriyey in ay dadaalka iyo dul-qaadka sii wadaan  si hogaamiyaasha dalka uga mid noqdaan.

Imtixaanka Shahaadiga ah oo sannadkaan ay ka qayb galeen  31,258 arday ayaa waxa uu si isku mid ah uga socday magaalada Muqdisho iyo goballada dalka laga soo billaabo 27/05/2019.

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay kulan degdeg ah oo uu Boqorka Sucuudi isugu yeeray dalalka Jaamacadda Carabta

0

Makkah (SNTV):-Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga qeyb galay magaalada barakeysan ee Makkah kulan degdeg ah oo uu Boqorka Sucuudi Carabiya Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis isugu yeeray dalalka ku bahoobay Jaamacadda Carabta.

Shirkan ayaa laga hadlay xaaladaha ugu danbeeyey ee dalalka ku bahoobay Jaamacadda Carabta, danaha wada jirka ah ee ka dhaxeeya iyo sidii loogu midoobi lahaa dhibaatooyinka iyo caqabadaha ku xeeran dowladaha iyo shucuubta Carbeed.

Arrimaha ugu waaweyn ee shirkan sida gaarka xooga loogu saaray waxaa kamid ahaa in la cambaareeyo lagana hortago faragelinta iiraan ay ku hayso qaar kamid ah dowlaha carabta iyo sidii loo xakameyn lahaa gantaalada Maleeshiyaadka Xuutiyiinta ah ay ku weeraraan wadamada khaliijka gaar ahaan weeraradii ugu dambeeyay ee ka dhacay Sucuudiga iyo xeebaha imaaraatka Carabta, waxaana shirkan gabagabadiisa xalay laga soo saaray War-murtiyeed ka kooban dhoor qodob.

Dhanka kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abdullaahi Farmaajo ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay Madaxa Golaha Milatariga Kumeel Gaarka ah ee Suudaan Sarreeye Guud Cabdulfataax al-Burhan iyo Ra’iisul Wasaaraha Qadar Sheekh Cabdullaahi Bin Naasir Bin Khaliifa Al Thani.

Tartamayaasha Kismaayo oo markii Labaad oo xiriir ah u soo gudubtay kama dambeysta (finalka) tartanka

Muqdisho (SNTV)- Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 9-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho waxaa caawa kulankiisa Sideed iyo labaatanaad ee wareegga Afar dhamaadka (Semifinal) ku tartamay Degmooyinka Kismaayo iyo Dhahar oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Hoose iyo Sanaag, waxaana barnaamijka sanadkii lixaad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

 

Tartameyaasha labada degmo ee Kismaayo iyo Dhahar ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan,maadaama lagu guda jiro wareegga afar dhamaadka ee tartanla, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Dhahar

Tartameyaasha Degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Labo su’aal, iyagoo iska qalday Shan su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Dhahar ay heleen waxay noqotay  Afar (4) dhibcood.

Kismaayo

Tartamayaasha Degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal, iyagoo iska qalday Afar su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareer martay dhigooda Dhahar, sidaasi darteed wadarta guud dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Kismaayo waxay noqotay Sideed (8) dhibcood.

Hadaba kulankii 28-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga kama dambeysta ah (Final) u soo gudbay tartamayaasha Degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, waana markii labaad oo xiriir ah oo ay Kismaayo timaado Finalka, maadaama ay tahay tartamaayasha difaacanaya tartanka, waxaana tartamayaasha labada degmo ay isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe oo ah habeenka 29-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona Degmooyinka Xamar Jajab iyo Yaaqshiid oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir, iyadoo degmadii soo baxda ay kulanka kama dambeysta ah la loola midoonaan dhigooda Kismaayo oo caawa u soo gudubtay finalka tartanka.

James Swan oo loo magacaabay wakiilka QM ee Soomaaliya

0

Muqdisho (SNTV)- Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterrs ayaa James Swan oo ah diplomaasi u dhashey dalka Mareykanka waxaa uu u magacaabay in uu noqdo Ergeyga gaarka ah ee xafiiska siyaasadada ee Qaramada Midoobe ee Soomaaliya(UNSOM).

James Swan ayaa waxaa uu bedelaya Nicholas Haysom oo ah diplomaasi dalka Koonfur Afrika ka soo jeedo,kaasi oo dowladda Soomaaliya ay shaacisay in aanay wadashaqeyn karin,taasi oo keentay in Qaramada Midoobey ay soo magacowdo Wakiil cusub.

Antonio Guterrs ayaa magacaabista Mr. Swan kadib waxaa uu sheegay in mas’uulkan uu yahay shaqsi khibrad iyo aqoon durugsanba u leh arrimaha diblomaasiyadda,isagoo xusay in waqtigiisa inta badan uu ku soo qaatay qaaradad Afrika.

Wadamada uu Ergey ahaan uga  soo shaqeeyey waxaa kamid ah  Jamhuuriyadd Dimoqraadiga ee Congo,2013 ilaa 2016, 2011-2013 Soomaaliya,2008-2011 Dalka Jabuuti,sido kale waxaa uu ka soo shaqeyeey Cameroon, Nicaragua iyo Haiti.

Sidoo kale Antonio Guterrs  aya intaasi ku daray in James Swan uu soo noqday ku-xigeenkii kaaliyaha xoghaya arrimaha dibada ee Mareykanak ee Afrika, 2006-2018,2005-2006 agaasimaha xafiiska sirdoonka iyo dabagalka ee Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Guddoomiyay Shir Looga Hadlayay Isdhex-galka Dhaqaale ee Geeska Afrika

0
Muqdisho (SNTV)- Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda fedraalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta guddoomiyay shir looga hadlay Isdhex galka dhagaale iyo ganacsiga ee gobalka geeska Afrika.

Shirka oo ay ka qayb galeen wasiirro kamid ah xukuumadda ayaa aad looga dooday sida Soomaaliya ay u diyaarin karto mashaariic dalka faa’iido u leh dalalka geeska Afrikana ay ka faa’iidaysan karaan, maadaama uu jiro dadaal xooggan oo la doonayo in dalalku ka wada faa’iidaystaan is-dhex galka ganacsiga iyo dhaqaalaha.

Kulanka ayaa qayb ka ahaa diyaar garoow loogu jiro shir ay yeelanayaan wadamada gobalka oo lagu soo bandhigayo mashaariicda dalalku ay soo diyaariyaan ee faa’iidada u leh dhammaan bulshada gobalka.

Wasiirka wasaaradda qorshaynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha, Jamaal Maxamed Xasan oo qayb ka ahaa wasiirrada shirka ka qayb galay ayaa sheegay in looga tashaday qorshaha ugu haboon ee Soomaaliya ay uga faa’iidayn karto is-dhex galka, wasiirradana la faray in ay ka fakaraan mashaariicda ugu muhiimsan ee lagu soo bandhigayo shirka looga hadlayo is-dhex galka ee dalalka geeska Afrika.

Ciidanka Amniga oo Howlgallo ballaaran ka sameeyey gudaha iyo duleedyada Muqdisho

0

Muqdisho (SNTV) Howlgalkaan lagu sugayay Amniga Caasimadda ayaa Ciidamada sida gaarka ah u tababaran waxaa ay ka sameeyeen waddooyinka Sodonka,Warshadaha iyo duleedka magaalada Muqdisho,si loo xoojiyo amniga caasimadda,si bulshada ay u helaan amni la isku haleyn karo.

Intii uu socday Howlgalkaan ayaa waxaa la baarayay Gadiidka nuucyadiisa kala duwan iyo dadweynaah,taasi oo qeyb ka ah qorshaha amniga.

Ciidamadan oo tababaro dheerad ah heysta ayaa ugu horeyn howlgaladooda ka bilaabay isgoyska Baar-ubax ee jidka Sodanka,waxaana lagu hubinayay gadiidka & dadweynaha,iyadoo   si  taxadir leh loo xogwareysanayay dadweynaha.

Intaa ka dib ayay Ciidamadu u ruuqaansadeen duleedka magaalada Muqdisho,iyagoo gaaray Calamada iyo deegaanka Ceelasha Biyaha,dadweynaha ayaa u muuqday kuwo ku faraxsanaa howlgalada ay wadeen ciidanka amaanka dowladda Soomaaliya,maadama ay ka hortagayaan dhagaraha cadowga.

Saraakiisha laamaha ammaanka ayaa sheegay inay  sii wadi doonaan Howlagaladan inta laga xaqiijinayo Amniga caasimadda.

Maleeshiyada Alshabaab ayaa  bulshadu u geysta gabood  qaraxyo iyo weeraro,balse waxaa dhanka kale diyaarsan ciidamo naftooda u huraya in ay shacabku ay ka qabtaan cadowga Argaggixisada.

Maleeshiyaad Alshabaab ka tirsan iyo horjooge soo goostay oo Gedo ku dagaalamay

Gedo (SNTV)– Wararka ka imaanaya Gobalka Gedo ayaa sheegaya in dagaal culus uu ku dhexmaray dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab iyo Horjooge la sheegay inuu ka goostay Al-Shabaab kuwaas oo dadka shacabka ah dhibaato ku haya.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanka Buusaar iyo dagmada Ceelwaaq ee Gobalka Gedo haalkaas oo muddo saacado ah ku dagaalamayeen,iyadoo 2 argaggixiso ah ay ku geeriyootay dagaalka dhexmaray kooxdaasi.

Muddooyinkii dambe Al-shabaabka ugu badan ayaa waxaa ay isku dhiibayaan ciidamada Xoogga ee  ku sugan Gobalka Gedo iyo deegaano kale.

Duqa Muqdisho oo faray Waaxaha Maamulka Gobolka xaqiijinta horumarka iyo bilicda Caasimadda

0

Muqdisho (SNTV)- Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyeha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa faray Waaxaha Maamulka Gobolka, Dowladda Hoose ee Xamar iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka fulinta qodobadii iyo talooyinka horumarineed ee kasoo baxay Shirka Tubta Horumarinta Gobolka Banaadir ee shalay qabsoomay, kaas oo goob joog uu ku ahaa Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo taliyeyaasha Ciidanka Booliska iyo Asluubta.

Guddoomiyaha ayaa bogaadiyey dadaalka joogtada ah ee howlwadeennada Gobolku ay ku xaqiijinayaan fayo dhowrka iyo bilicda Caasimadda oo bilihii la soo dhaafay isbaddel weyn lagu sameeyey.

“Inkastoo la gelay xilli roobaad, haddana dhammaan waxaa laga markhaanti kacay isbaddelka muuqda ee aan ku sameynay Naadafadda iyo bilicda, gaar ahaan goobihii ay biyuhu fariisan jireen gudaha magaalada, annagoo dib u hawl gelinay bulaacadihii guud ee magaalada.”

Eng.Yariisow ayaa ku ammaanay Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo Taliskoodaba gacanta muuqata ay ka geysanayaan dib u dhiska taallooyinka Qaranka ee ay ku tilmaamnayd Caasimadda.

Sidoo kale, Guddoomiyeha Yarisow, Kuxigeennadiisa iyo Hawlwadeennada Gobolka ayaa la wadaagay Raiisul Wasaaraha Xukuumadda hawlaha socda oo ay ka mid yihiin dib u dhiska qaar ka mid xarumaha Degmooyinka, Waddooyin halboowle u ah isu socodka Caasimadda, naleynta iyo dardar gelinta Barnaamijka Isxilqaan ee dib loogu dhisayo Tiyaatarka iyo Madxafka Qaranka.

Tartamayaasha Xamar Jajab oo caawa soo tiigsaday wareegga Afaraad ee tartanka

Muqdisho (SNTV)- Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 9-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho waxaa caawa kulankiisa Todobo iyo labaatanaad ee wareegga saddexaad ku tartamay Degmooyinka Xamar Jajab iyo Howlwadaag oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir, waxaana barnaamijka sanadkii lixaad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

 

Tartameyaasha labada degmo ee Xamar Jajab iyo Howlwadaag ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Xamar Jajab

Tartameyaasha Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen shan su’aal, iyagoo iska qalday Labo su’aal, Waxa ay ka faa’iideysteen Labo su’aal oo soo hareer martay Tartamaayasha Howlwadaag, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Xamar Jajab ay heleen waxay noqotay  Afar iyo Toban (14) dhibcood.

Howlwadaag

Tartamayaasha Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Shan su’aal, iyagoo iska qalday Labo su’aal, waxa ay ka faa’iideysteenHal su’aal oo soo hareer martay dhigooda Xamar Jajab, sidaasi darteed wadarta guud dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Howlwadaag waxay noqotay Labo iyo toban (12) dhibcood.

Hadaba kulankii 27-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga Afaraad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir, waxaana wareegga afar dhamaadka ah isugu soo haray, Degmooyinka Kismaayo, Dhahar, Yaaqshiid iyo Xamar Jajab oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Hoose, Sanaag iyo Banaadir.

Habeen dambe oo ah habeenka 28-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona Degmooyinka Kismaayo iyo Dhahar oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Hoose iyo Sanaag.