Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Iyo Amiirka Qatar Oo Dooxa Ku Kulmay

Date:

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Dooxa kulan kula qaatay Amiirka Qatar, Tamim bin Hamad Al Than.

Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre iyo Amiir Tamim bin Hamad Al Than ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga laba geesoodka ah labada dowladood iyo labada shacab ee walaalaha ah.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Amiirka ayaa sidoo kale isla soo hadal qaaday horumarka ay dowladda Soomaaliyeed ku tillaabsatay sedaxdii sano ee lasoo dhaafay iyo sida guulaha laga gaaray isbedelladii la sameeyay ay dalka ugu soo jeedinayaan indhaha maal gashadayaasha caalamka oo Soomaaliya u akra dal ay ka jirto fursad wanaagsan oo ka dhalatay isbedelka guud.

Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa leh xariir soo jireen ah oo qota dheer iyo iskaashi ganacsi, amni iyo dhaqaale, waxaana dowladda Qatar ay Soomaaliya ka fulisaa mashaariic horumarineed oo looga qayb qaadanayo dib u soo kabashada dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qeybgalay Kalfadhiga 49-aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo yeeshay kulan doceed

Addis AbabA- Intii uu socday Kalfadhiga 49-aad ee Golaha...

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Cambaareyneysaa Weerarradii lala Beegsaday Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

War-saxaafadeed.Muqdisho, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si kulul u cambaareyneysaa...

Ciidanka Xoogga Dalka goor oo dib ula wareegay deegaanka Sumadaale

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa goordhow howlgal qorsheysan dib...