Howl-wadeenada Xafiiska Garyaqaanada oo Tababar loogu soo xiray Muqdisho

Date:

Tababar sare loogu qadayay aqoonta garyaqaanada ka hawl galah  xafiiska garyaqaanka guud  ayaa socday mudo labo maalin ah.

Howl-wadeenno ka  tirsan Xafiisyada  Xeer-ilaalinta Qaranka, Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Dastuurka, Maamulka Gobolka Banadir,  Bulshada Raydika ah iyo qaar ka mid ah Jamacadaha Mogadishu ayaa k qayb galay tababarka .

Tababarkaan ayaa ahaa mid baahi badan loo qabo iyo wada shaqeynta hey’adaha Sharciga ee dalka iyo  dardar-galinta tababarro sidaan oo kale ah oo loo qabto howl-wadeennada kala duwan ee bahda Cadaaladda iyo qeybaha bulshada Somaliyeed.

Wasiirka Cadaaladda Avv.Xasan Xuseen Xaaji, oo tababarka soo xiray ayaa sheegay inay muhiim tahay in sharci kasta la waafajiyo Dastuurka dalka, si sharuucda dalka iyo Dastuurka KMG ah aysan iskaga hor imaan, lana helo sharuuc iyo Dastuur Isla jaan-qaadi kara oo ka hirgala dalka heer Fadaraal iyo heer dowlad goboleed. wasiirku wuxuu kula  dardaarmay xubnaha qaatay Tababarkan in ay si daacadnimo iyo hufnaan leh ugu shaqeeyan dalkooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay daabulidda qalabka codbixinta.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay dayactirka Warta Boondheere. 

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fulisay deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan.

Muqdisho, Diseembar 16, 2025: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda...

Wasiirka Caafimaadka oo Furay Ololaha Tallaalka Cudurka Gowracatada

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...