Home Blog Page 971

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo La Kulmay Agaasimaha Siyaasadda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ingiriiska

0

Muqdisho (SNTV)- Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay agaasimaha guud ee siyaasadda ee wasaaradda arrimaha dibadda Boqortooyada Ingiriiska, Richard Moore.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Richard Moore ayaa kulankooda uga hadlay xoojinta xariirka soo jireenka ah ee labada dowladood iyo taageerada Ingiriisku dowladda  ka siiyo tababarrada ciidanka iyo qorshaha ciidanka Soomaaliyed ay kula wareegayaan amniga dalka.

Kulanka Ra’iisul Wasare Xasan Cali Khayre iyo Richard Moore waxaa qayb ka ahaa safiirka boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya, Ben Fender.

Boqortooyada Ingiriiska ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ka teegeerta tababarrada ciidanka, dhismaha xarumaha tababarrada iyo qorshaha fog ee ciimadama amniga Soomaaliya ay ciidanka AMISOM ugala wareegayaan mas’uuliyadda amniga guud ee dalka.

R/Wasaare Khayre oo magacaabay guddigga qaban qaabada xuska todobaadka xoriyadda

0

Muqdisho (SNTV)- Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay guddi ka shaqeeya qaban qaabada munaasabadda xuska todobaadka xoriyadda Soomaaliya.

Guddigan uu magacaabay ra’iiusul wasaaraha Soomaaliya in ay ka shaqeeyaan qaban qaabada,sanadguuradii 59,aad ee ka soo wareegatay xorriyadda,midnimada iyo dhalashada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed,kaasi oo ka kooban 9 xubnood.

halkan hoose ka akhriso magacyada guddiga:

1: Maxamed Cabdi Xayir Maareeye,Wasiirka Warfaafinta Guddoomiye.

2: C/raxmaan ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda Xubin

3: Xasan Cali Maxamed,Wasiirka Gaashaandhigga xubin.

4: Maxamed Abuukar Islow Ducaale Wasiirka Amniga Gudaha Xubin.

5: Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha xubin.

6: Deeqa Yaasiin Xaji Yuusuf wasiirka haweenka iyo xuquuqulinsaanka xubin.

7: Sadiiq Xirsi Warfaa Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada xubin.

8-Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xubin

9-Bashiir Axmed Cusmaan Agaasimaha Golaha Wasiirada iyo xiriirka Baarlamaanka Xubin

Shaqada ay qabanayaan ayaa ah:-

1: In ay qaban-qaabiyaan xuska munaasabadda xoriyadda 26 June iyo 1 Luuliyo.

2: In ay si siman u xiriiriyaan hay’adaha qeybta ku leh qaban-qaabada maalmaha xorriyyadda.

3: in ay jaan-gooyaan kharashaadka ku baxaya xuska maalmaha xorriyadda.

4: In ay magacaabaan guddi hoosaad farsamo ee abaabulka maalmaha xorriyadda.

5: In ay sugaan amniga goobaha kala duwan ee  lagu qabanayo munaasabadaha 26 June iyo 1-da Luulyo 2019.

6:In ay kormeeraan sida ay u socdaan howlaha guddi hoosaadka farsamo ee abaabulka munaasabadaha Qaran.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay Amniga Caasimadda”Sawirro”

0

SNTV:-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa xalay shir guddoomiyay kulan looga hadlayay Amniga Caasimadda kaas oo lagu qabtay xarunta Guud ee qeybta Booliska.

Shirka Amniga Caasimada ayaa diirada lagu saaray dardargelinta sugidda Amniga, isdhexgalka bulshada, Deriseynta iyo horumarka Caasimada.

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiir kuxigeenka Amniga XFS Cabdinasir Siciid Muuse,Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko,Guddoomiye kuxigeenka Amniga Gobolka Banaadir iyo Saraakiil ka tirsan Booliska.

Wasiirka Difaaca XFS oo Baydhabo ka furay xarun tababar ciidan+sawirro

0

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Maxamed (Mardambe) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmahan ku sugnaa magaalada Baydhabo ayaa furey xarun cusub oo loogu talaalay in lagu tababaro ciidanka.

Munaasabadda Waxaa goob joog ka ahaa guddoomiyaha Baarlamaanka koonfur Galbeed Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye Richard Moore oo dowladda Ingiriiska u qaabilsan xafiiska siyaasadda arrimaha Dibadda,waxaana maalgelinaya xaruntani dowladda Ingiriiska.

Xaruntan tababarada ciidamada oo laga hirgeliyaya magaaladaasi baydhabo ayaa halkii mar lagu tababarikaraa ilaa 120 askari,taasi oo kordhinaysaa tayada tababarada ciidamadaasi.

Saraakiisha Militari ee ka socota dalka Britain ayaa ka qeyb qaadanayay tababarada ciidanka Soomaaliyeed ilaa 2017,waxaana ay siinayeen tababaro la xiriira dhinacyada caafimaadka,hoggaanka,ilaalinta agabka,farsamada iyo xuquuqda aadanaha.

Danhiraja Dowladda Britain bee Soomaaliya Ben Fender oo munaasabadaasi furitaanka ka hadlay ayaa sheegay in dowladda Biraitain ay diyaar u tahay sidii ay u garab istaagi lahayd ciidanka Soomaaliyeed,isagoo xusay in ay kamidka yihiin dowladda ugu badan ee taageera Soomaaliya.

Mudane Xasan Cali Maxamed Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa uga mahadceliyaya dowladda Ingiriiska isgarab taageeda Soomaaliya,wuxuuna xusay in amniga uu yahay mid muhiim ah,isagoo soo hadal qaaday gulufka lagula jiro maleeshiyada Alshabaab.

Qaramada Midoobay oo Geska Afrika u qoondeysay $45 milyan

0

Heyadda Isku dubaridka Gaargarka Degdegga ah ee Qaramada Midoobay ayaa lacago gaaraya $45 miyan u qooondeysay Sanduuqa Dhexe ee Waxqabadka Degdegga ah CERF si wax looga qabto macluusha iyo abaaraha ku habsaday dadka ku dhaqan qeybo ka tirsan Dalalka Somaaliya,Itoobiya iyo Kenya.

Dhaqaalaha inta badan oo ah $30 millyan waxaa loo leexin doonaa dalka Soomaaliya ,iyadoo 2.2 million oo dad ah ay bishii Disembar ay soo wajaheen macluul,halka 3.2 millyan la saadaalinayo in ay u baahan doonaan gurmad bini adanimo.

Qoondada Sanduuqa Dhexe ee Waxqabadka Degdegga ah,ayaa lagu waramay in uu kaabaya ama dhaameystiraya dadaalka dowladaha Soomaaliya,Itobiya iyo Kenya ,kuwaas oo lagama maarmaan ah in ay kaalmeeyaan dadka ay la soo derseen macluusha iyo abaaraha,gaar ahaan dadka u liita sida adka ah.

Sanduuqa Dhexe ee Waxqabadka Degdegga  CERF waxa ay ururada  samoalka u ogolaan doonaan in ay si degdeg ah uga jawaabaan kaalmada ay u baahan yihiin dadka ay haleeshay abaraha,gaar ahaan dalka Soomaaliya oo la tilmaamay in ay adkaanayaan ama ka sii darayaan xaaladaha.

Roobabkii xilligii bishii Abril iyo Juun oo yaraaday aawadeed ayaa la sheegay in ay sababeen cunto yari keentay macluul,waxaana laga cabsi qabaa in blaha Oktoobar iyo Disembar ay iyaguna hoos u dhacaan roobabka.

Lacagahaasi ay qoondeeyeen Qaramada Midoobay waxaa la filayaa in lagu iibiyo adeegyada nolosha ee lama uraanka u ah dadka sida cunto,biyo nadiif ah,fayo dhowrka iyo daawooyin.

Ciidanka Kenya iyo Maleeshiyad Alshabaab oo ku dagaalamay Waqooyi Bari.

0

Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa sheegay in iska hor imaad u dhexeeya ciidamada dalkaasi iyo maleeshiyaad la aaminsanyahay in ay ka tirsan yihiin Alshabaab uu ku dhexmarey deegaan u dhow magaalada Bandheere ee gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.

Guddoomiyaha gobolka Waqooyi Bari ee Kenya Mohamed Birik ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ciidankooda ay la dagaalameen maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab oo weerar  soo qaaday,wuxuuna xusay in 1 qof ay ka dileen,islamarkaana dhankoodi uu 1 askari kaga dhintay dagaalkaasi.

Deegaanka Fino oo weerarka  uu ka dhacay 24 saacadood ee la soo dhaafay gudahooda ayaa khayaas ahaantii 6 KM u jira xadka ay wadaagaan labada dal,waxaana uu xoostaga magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.

Hay’adaha sirdoonka Dalka Kenya ayaa sheegay ain goor sii horeysay ay heleen xogo ku saabsan in maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab ay qorsheynayeen weeraro ay ka geystaan gudaha dalkaasi mar kale,balse laga hortagay.

Mohamed Birik ayaa sheegay ay soconayaan howlaglo ballaaran,isagoo intaasi ku daray in ay ku raadjoogaan ragii weerarka soo qaaday.

Argagixisada Alshabaab ayaa dhowr jeer waxaa ay weeraro ka geysteen gudaha dalka Kenya,iyadoo dhawaan dowladdu ay soo saartay digniino ku aadan weerarada Alshabaab ay qorsheynayaan.

Madaxweyne Farmajo”Dhalinyaradu waa awooda Dalka”

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dhalinyarada ay yihiin awoodda kaliya ee dalkaan uu leeyahay, loona baahanyahay inay masuuliyad weyn iska saaraan hormarkiisa.

Madaxweynaha oo la hadlaayay Ciidamada ayaa ku bogaadiyay dadaalka ay ugu jiraan ka xureynta dalka maleeshiyaadka argagixisada Al-shabaab, wuxuuna ku tilmaamay kuwa naftooda u huray difaaca dalka, dadka iyo diinta.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed in ay ka shaqeeyaan nabada, isagoo xusay in muwaadin walba marka uu ka shaqeeyo hormarka iyo nabad gelyada dalka, qof walba uu helaayo nabad iyo Cadaalad dowlad nimaduna ay tahay waxa kaliya ee lagu heli karo adeegyada muhiimka u ah muwaadin walba.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maalintii shalay waxaa uu la ciiday ciidanka Xooga Dalka,isagoo ku bogaadiyay xoojinta gudashada waajibaadkooda,kuna amaanay nafhurnimada ay u sameynayaan shacaka Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay iney ka shaqeeyaan Nabadgelyadda.

0

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa shacabka Soomaaliyeed ee ciideysanaya ugu baaqay, iney ka shaqeeyaan nabad gelyada dalka ayna lashaqeeyaan Ciidamada qalabka sida.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladu ay tahay adeegayaal u shaqeeya Shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna tilmaamay in ay u taagantahay in Shacabku ay helaan adeegyada ay xaqa u leeyihiin sida, Waxbarasho lacag la’aan ah, Caafimaad iyo adeegyada kale, isagoo xusay in ay dowladu ay ku dadaaleyso sidii muwaadin kasta meel walba uu tagyo loogu xushmeyn lahaa Soomaalinimada.

Iyadoo maanta ay tahay maalinta labaad ee Ciidul fidriga ayaa waxaa magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka si weyn uga socda dabaal degyada lagu soo dhaweeynayo maalinta labaad ee Ciida, waxaana ammaanka si weyn u adkeeyay Ciidamada dowlada Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo oo dhalinyarada ku tilmaamay iney tahay awooda kaliya ee dalka

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dhalinyarada ay yihiin awooda kaliya ee dalkaan uu leeyahay, loona baahanyahay inay masuuliyad weyn iska saaraan hormarkiisa.

Madaxweynaha oo la hadlaayay Ciidamada ayaa ku bogaadiyay dadaalka ay ugu jiraan ka xureynta dalka maleeshiyaadka argagixisada Al-shabaab, wuxuuna ku tilmaamay kuwa naftooda u huray difaaca dalka, dadka iyo diinta.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed in ay ka shaqeeyaan nabada, isagoo xusay in muwaadin walba marka uu ka shaqeeyo hormarka iyo nabad gelyada dalka, qof walba uu helaayo nabad iyo Cadaalad dowlad nimaduna ay tahay waxa kaliya ee lagu heli karo adeegyada muhiimka u ah muwaadin walba.

Tartamayaasha Xamar Jajab oo caawa ku guuleystay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Muqdisho (SNTV)– Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 9-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho waxaa caawa kulankiisa kama dambeysta ah (Final-ka) ku tartamay Degmooyinka Xamar Jajab iyo Kismaayo oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Jubbada Hoose, waxaana barnaamijka sanadkii lixaad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Xamar Jajab iyo Kismaayo ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan.

Xamar Jajab

Tartameyaasha Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Shan su’aal, iyagoo iska qalday Labo su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Kismaayo sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Xamar Jajab ay heleen waxay noqotay  labo iyo toban (12) dhibcood.

Kismaayo

Tartamayaasha Degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, iyagoo iska qalday Saddexsu’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaasi darteed wadarta guud dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Kismaayo waxay noqotay Sideed (8) dhibcood.

Hadaba kulankii 31aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka, isla markaana ahaa kulankii kama dambeysta ah waxaa caawa ku guuleystay tartamayaasha Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir, halka Kismaayo ay gashay kaalinta 2aad, waxaana kaalinta saddexaad ee tartanka ku guuleysatay Dhahar oo ka tirsan Gobolka Sanaag.