Xukuumadda Oo Ka War Bixisay safarkii Ra’iisul Wasaaraha Ee Geneva

Date:

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Jamaal Maxamd Xasan, oo qayb ka ah wafdiga Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre hoggaaminayo ee Geneva maalmahaan ku sugnaa ayaa ka war bixiyay shirarkii kala duwanaa ee ay la yeesheen qaar kamid ah madaxda ka qeyb geleysay madasha Qaxootiga adduunka.

Jamaal Maxamd Xasan ayaa sheegay intii ay joogeen in Ra’iisul Wasaaruhu uu kulamo wax ku ool ah la qaatay madax ka socota wadamo kala duwan iyo madaxda hey’adda Qaxootiga adduunka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa khudbad ka jeediyay xiritaanka madasha qaxootiga adduunka oo markii ugu horreysay sannadkaan la qabtay loogana hadlay arrimaha qaxootiga ku nool dunida dacalladeeda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...