Home Blog Page 957

Haweenay soo xirtay dharka Ragga oo ay Ciidamada Amniga Gobolka Mudug ay gacanta ku soo dhigeen

0

Ciidanka booiiska dagmada Galkacyo ayaa gacanta kusoo dhigay qof dumar ah oo isku ekeeysiisay ragga, kadib hawlgallo ay ciidamada ka wadeen dagmada Galkacyo ee xaruunta gobolka Mudug.

Intii u socday hawlgalka lagu sugayay  amniga ayaa waxaa ciidanka  usura gashaya soo qabshada haweeneydan ku labisaneyda  dharka ragga sidoo kalanaa ku hubeysnayda bastoolada.

Taliyaha qeybta booliiska gobalka Mudug G/sare Maxamed Nuur cali Gadaar oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay sii socon doonaan hawlgalada lanaa sii wadi doono baarista haweenayda  hatan gacanta lagu hayo,dhanka kalana ay jiraan tuhumo  kalo ay kudaba jiraan  ciidanka ammaanka gobolka aynaa soo bandhigi doonnaan marka ay soo gabagabeeyan baarista.
Qofkaan dumarka ee  sidtay dharka ay ku labistan ragga oo warbaahinta ay wax kaweydiisay ayaa sheegtay in ay tahay qof dumar ah.

Maalmihii u danbeeyay waxaa magaalada Galkacyo ka dhacay falal ay
fuliyeen kooxo lagu tuhun san yahay ineey ka tirsan yihiin argagixisada
Al shabaab.

 

 

 

Eng.Yarisow “Dadaal aynu ku bixinnay weynaynta Maalmaha Xurriyadda”

0

Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo abaal marin guddoonsiiyey guddiyada heer gobol ee qaban qaabada xuska maalmaha xoriyadda ayaa ku bogaadiyey bulshada gobolka kaalinta mugga weyn ee ay ka qaateen dabbaal degyada maalmahan Qaran.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in shacabka Gobolka Banaadir ay taariikh dheer ku leeyihiin sooyaalka xornimo-doonka dalka iyo qaban qaabada munaasabadaha taariikhiga ah ee heer qaran.

“Munaasabaddan aan idin kugu mahad celinayno oo ay nagala qeyb galayaan xubno ka tirsan Kooxda Xiddigaha Geeska Afrika ee fadhigoodu yahay Hargaysa, waxa ay ka tarjumaysaa sida aynu isugu xilqaannay weynaynta maalmaha xurriyadda dalkeenna iyo muujinta in Caasimaddu ay markale diyaar u tahay kulminta dhammaan shacabka Soomaaliyeed.”

Dhankiisa, Raiisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Maxamed Guuleed oo munaasabadda kasoo qeyb galay ayaa ku adkeeyey Maamulka iyo bulshada Caasimadda in ay sii laba laabaan sannadka danbe qaban qaabada dabbaal degyada maalmaha xurriyadda, maadaama ay astaan u yihiin midnimada, wadajirka iyo horomarka dalka.

“Xuska sannad guurada 59-aad ee xurriyadda Soomaaliya sannadkan waxa ay ku suntanayd hilowga shacabka Soomaaliyeed ay u qabaan midnimada iyo dowladnimada. 30-sano kaddib waxaa xoogeysatay xiriirka dhexdeenna ah iyo dareenkeenna waddaniyeed.

Intii ay socotay munaasabaddu waxaa sugaan wadani ah ku soo bandhigay hobollo Soomaaliyeed iyadoona abaal-marin la guddoonsiiyey xubnihii guddiyada Gobolka Banaadir ee ka qeyb qaatay xuskamaalmaha xurriyadda ee sannad guurada 59-aad.

Munaasabaddan waxaa ka soo qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaannada laba Aqal ee Baarlmaanka, Guddoomiye Kuxigeennada Maamulka Gobolka, Guddoomiyeyaasha 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir, Saraakiil ka tirsan Ciidanka Qalabka Sida iyo xubno ka mid ah urrurada bulshada rayidka ah.

Guddigii xaqiiqa raadinta dadkii lagu dilay Gaalkacyo&Dhuusamareeb ooo Boosaaso gaaray

0

Muqdisho (SNTV) Xubnaha Guddiga xaqiiqa raadinta ahaa ee ka kala socday Xildhibaanada golaha shacabka iyo maamulka Koonfur galbeed oo gaaray magaala xeebeedka boosaaso ee xarunta gobolka bari waxaa halkaasi kusoo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Maamul Goboleedka Puntland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaaladaasi.

Guddiga ayaa magaaladda boosaaso kulan kula qaatay bulshada kasoo jeeda deegaanadda koonfur Galbeed ee ku nool magaaladaasi iyagoo ka xog wareystay xaalka deegaanadda ay ku noolyihiin iyo hadii ay jiraan caqabado heysta iyagoo intaaasi ka dib kormeeray xabsiyada magaaladaasi oo ay dad eedeymo kala duwan loo heysto ay ku xiranyihiin,waxaana ka hadlay qaar ka mid bulshadii iyo waxgaradkii Kulanka ka qeybgay iyo sidoo kale xildhibaano.

Sidoo kale xubnaha guddiga ayaa kulan la qaatay madaxda Dowlad Goboleedka Puntland,waxaana ma mid ah wasiirka Dekadaha,Wasiiru Dowlaha wasaaradda Arrimaha gudaha,Guddoomiyaha Gobolka Bari iyo sidoo kale taliska qeybta booliska,waxaana kulanka inta uu socday aad looga hadlay dadka xabsiyada ku xiran iyo dembiyada loo heysto iyo sidoo kale in la kala saaro oo si deg deg dadka xiran maxkamad loo horkeeno si dembiilayaasha ay garsoor cadaalad ah u helaan  kuwii dembi lagu waayana dib xoriyadooda loo siiyo.

Guddigan ayaa loo diray in ay warbixino xaqiiiqo raadin ah ka keenaan dhibaatooyinkii dadka Badan lagu laayay ee dhawaan ka  dhacay magaalooyinka Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb.

R/Wasaare Khayre: “Dhamaystirka dhismaha Galmudug waxay fursad inoo siineysaa dhameystirka dagaalka aan kula jirno khawaarijta”

Dhuusamareb (SNTV) Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Cali Khayre ayaa maanta sheegay in lagama maarmaan tahay midnimada Galmudug, si loo dhameystiro howlgalka khawaarijta looga xoreynayo goobaha ay kaga harsan yihiin Dowlad Goboleedka Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha oo maanta salaaddii Jimcaha kula dukaday masjidka Ragaya boqollaal qof oo reer Dhuusamareeb ah ayaa hadal uu ka jeeiyay ku bogaadiyay dadaalka ay culumadu hoggaamineysay ee lagula dagaallamay khawaarijta Al-shabaab, isaga oo ku baaqay in loo midoobo sidii dalka oo idil looga ciribtiri lahaa.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka digay dhibaatada ay qabyaaladdu leedahay iyo saameynta xun ay bulshada ku reebto. Waxa uu farta ku fiiqay in loo baahan yahay in si wadajir ah looga dagaallamo.

Quburo ka socota Jaamacadda Carabta oo bogaadisay sida ay u shaqayso hay’adda duulista Hawada Soomaaliya

0

Muqdisho-(SNTV)-Xubno ka socday Ururka hay’adda duulista Rayidka ee Jaamacadda Carabta oo Muqdihso ku sugnaa Maalmahaan ayaa laga sagootiyay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cade International Airport.

Quburadan oo ka kooban Afar xubnood ayaa Muqdisho u yimid in ay qiimeyn ku sameeyaan maamulka Hawada Soomaaliya, si loo ogaado heerka jewiga guud ee Madaarka iyo sidii ay Gacan uga geysan lahaayeen tababarrada shaqaalaha iyo qalabaynta Garoomada Dalka.

Xubnahan ka socday Ururka hay’adda duulista Rayidka ee Jaamacadda Carabta, ayaa Afartii Cisho ee ay ku sugnaayeen Muqdisho waxay si weyn ugu kuur galeen shaqada ka socota Garoonka, iyagoo Dowladda Soomaaliya ku ammaanay sida ay u xoojineyso horumarinta adeegyada Caalamiga ah.

Maareeyaha hay’adda duulista Rayidka Soomaaliya, Axmed Macallin Xasan, ayaa sheegay in Jaamacadda Carabtu ay ka jawaabeen dalabkii Dowladda, isagoo intaa ku daray in ay soo dirtay Qubaro qiimeyn ku samaysa Garoonka, iyagoo u kuur galay shuruucda hay’adda duulista, wuxuuna sheegay in ay sameeyeen Dukumiintiyo qeexaya xogtii ay uruuriyeen.

Baarlamaanka Soomaaliya ayuu Maareeyuhu ka codsaday in ay dadejiyaan sharciga maamulka Hawada kaas oo wax ku ool u ah dhammaystirka qorshaha la wareegista Hawada Dalkeenna oo maraya heerkii ugu dambeeyay.

Wasiirka ganacsiga Soomaaliya oo ka warbixiyay Safar uu dhowaan ku tagay Shiinaha

0

Muqdisho-(SNTVA)-Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo Wershadaha xukuumadda FS oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, ayaa ka warbixiyey xiriirka Ganacsi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Dalka Shiinaha.

Injineer; Cabdullaahi Cali Xasan, Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo Wershadaha, oo ka mid ahaa wafdi uu hoggaaminayay Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dalka oo dhowaan booqasho ku tagay Dalka Shiinaha ayaa ka war bixiyay safarkooda iyo ujeeddada ka dambeysay.

Mudane; C/llaahi Cali Xasan ayaa sheegay in ay halkaasi kaga qeyb galeen shirka bandhigga Koowaad ee Waddamada Afrika iyo Shiinaha, wuxuuna xusay in halkaasi lagu soo bandhigay wax soo saarka Dalalka Qaaradda iyo Shiinaha, si loo horumariyo fursadaha maalgashiga, is-kaashiga iyo isu dheelli tirka waxyaabaha ay Labada dhinac isu dhoofiyaan.

Wasiirka ayaa sheegay in ay la kulmeen, Ra’uul wasaare ku xigenka Dalka Shiinaha iyo xubno ka tirsan Xukuumaddaasi, waxanay kulankaasi Diiradda ku saareen horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga Labada Dal, iyagoo si wda jir ah u sameeyay guddi dhaqaale.

“Labada dhinac waxay ka wada hadleen sii xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee Labada Dal, waxyaabaha Dal walba uu Dalka kale dhaafsan karo, sidii ganacsatada Soomaaliyeed loogu fududeyn lahaa Fiisaha Dalkaasi, sidii ay Safaaradda Shiinaha si dhammeystiran uga howl geli lahayn Muqdisho, si ay ugu sahasho Dal ku galka ay u baahan yihiin ganacsatada Soomaaliyeed, ayuu yiri Wasiir Xasan.

Dowladaha ayaa sidoo kale ka wada hadlya sidii badeecadaha Soomaaliyeed loogu heli lahaa Suuq, in Shirkadaha Shiinaha lagu dhiirri geliyo in ay maalgashi ku sameeyaan qeybaha kala duwan ee wax soo saarka Soomaaliya, sida kalluumeysiga, Beeraha, Xoolaha iyo qeyraadka kale ee uu Dalku leeyahay.

Wafdiga uu hoggaaminayay Ra’iisul wasaaraha Dalka, isla markaana uu qeyb ka ahaa wasiirka ganacsiga Soomaaliya ayaa intii ay halkaa ku sugnaayeen waxay booqdeen Wershadaha sameeya Gaadiidka iyo qalabka culus ee Tareennada.

Bandhiggan oo Labadii Sanaba mar la qabto ayaa daba socday shirkii madasha is-kaashiga Shiinaha iyo Afrika ee 2018-kii lagu qabtay Magaalada Beijing, kulankaas oo uu Soomaaliya xilligaasi uga qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya , Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Xukuumadda Oo Ansixisay Heshiiska Cusub Ee dowladdu La Gashay Shirkadda Favori Iyo Labo Hindise Sharciyeed

0

Khamiis, July 04, 2019—Shirka golaha wasiirrada oo maanta uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa lagu asixiyay heshiiska cusub ee dhex maray dowladda federaalka iyo shirkadda Favori ee gacanta ku heysa garoonka Aadan Cabdulle.

Heshiiska oo golaha ay u soo gudbisay wasaarada duulista hawada ayaa cod aqlabiyad leh lagu meel mariyay.

Shirka maanta ay golahu yeesheen ayaa sidoo kale lagu ansixiyay hindise sharciyeedka Nootaayada dadwaynaha iyo Hindise Sharciyeedka qareennada Soomaaliya oo ay usoo gudbisay wasaaradda caddaaladda XFS.

Golaha wasiirrada ayaa hamblayo, bogaadin, taagero iyo duco isugu daray Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre iyo howl wadeennada la shaqeynaya ee deegaannada dowlad gobaleedka Galmudug u jooga dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha dowlad gobaleed Galmudug loo dhanyahay.

Madaxweyne Farmaajo oo ka guddoomay dhiggiisa Masar hambalyo ku aaddan maalmaha Xorriyaddada

0

Muqdisho (SNTV): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka guddoomay dhiggiisa Dalka Masar Mudane Cabdifataax Al-Siisi hambalyo ku aaddan sannadguuradii 59-aad ee xornimada Soomaaliya.

Dhambaalkan hambalyada ah ayaa ku wajahan Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyadoona lagu sheegay in walaalaheenna dalka Masar shacab iyo Dowladba ay ina la qeybsanayaan farxadda maalmaha xurriyadda ee 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo.

Mudane Cabdifataax Al-Siisi ayaa sidoo kale ku amray Xoghayaha Madaxtooyada Masar in uu Safaaradda Soomaaliye uu kala qeyb qaato farxadda iyo dabbaal degyada sannadguuradii 59-aad ee xornimada Soomaaliya.

Dhankiisa, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad celiyey Mudane Cabdifataax Al-Siisi bogaadinta iyo rajadiisa ku aaddan Soomaaliya oo horumar iyo barwaaqo ku tallaabsatay ee uu u soo diray dowladdeenna iyo shacabkeenna.

Madaxda dalalka aan walaalaha iyo saaxiibbada nahay ee caalamka ayaa la wadaagaya Dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya hambalyada Toddobaadka Xorriyadda ee 26-ka Juun – 1-da luulyo, taas oo ka tarjumaysa dib u kabashadeenna dowladnimo iyo doorka muhiimka ah ee aan ku leenahay Gobolka Geeska Afrika.

Dawladda Soomaaliya oo Xiriirka u Jartay Jamhuuriyadda Guinea.

0

Muqdisho (SNTV)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad oo maanta Shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in Dawladda Soomaaliya Xiriirka ay u jartay Jamhuuriyadda Guinea.

Sababta ay Dawladda Soomaaliya Xiriirka ugu Jirtay Jamhuuriyadda Guinea ayuu Wasiir Cawad ku sheegay in dalkaasi uu ku xad-gudbay Qarannimada, Midnimada iyo Wadajirka Ummadda Soomaaliyeed.

Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa sidoo kale Sheegay in Dawladda iyo Ummadda Soomaaliyeed aysan u dulqaadaneynin Xad-gudub lagu sameeyo Madax-banaanida iyo Midnimmada Soomaaliya.

Ugu Dambeyn Wasiir Cawad ayaa sheegay in Dawladda Soomaaliya ay u taagan tahay Ilaalinta iyo Dhawrista Midnimmada, Madax-banaanida iyo Qarannimada Ummadda Soomaaliyeed, isaggoo xusay in Go’aan kasta oo Dawladda ay qaaadaneyso uu ku saleysan yahay u adeegidda danta Shacabka iyo Difaaca Qaranka.

Dowladda Soomaaliya Oo Maanta Si Rasmi Ah Dhuusamareeb Uga Billaawday Diiwaan Gelinta Ciidanka Ahlu Sunna

Khamiis, July 04, 2019—Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta Magaalada Dhuusamareeb si rasmi ah uga bilowday diiwaan gelinta ciidamada Ahlu Sunna si ay uga mid noqdaan ciidanka qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre oo qayb galay Munaasabadda daah-furka qaramaynta iyo diiwaan gelinta ciidanka dowladdu ay kala wareegtay Ahlu Sunna, ayaa u mahadceliyay Ahlu Sunna iyo guud ahaan hoggaanka Galmudug, waxa uuna sheegay in Galmudug ay direyso farriin cad oo ah in ay astaan u tahay qaranka iyo dowladnimada.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in munaasabadda maanta Dhusamareeb ka dhacday ay farriin u dirayso kooxda Kharaarijta ah, isaga oo ugu baaqay shacabka hubka heysta in ay ku daydaan Ahlu Sunna oo ay hubka ku wareejiyaan dowladda, si loogu isticmaalo difaacidda qarannimada.

Ra’iisul Wasaaaraha ayaa caddeeyay in askari kasta ee la diiwaan geliyo uu xuquuqdiisa ka helayo dowladda Soomaaliya, saraakiisha ciidanka Ahlu Sunna iyana ay kamid noqonayaan saraakiisha ciidamada qalabka sida ee dalka, ayna ka howl gelayaan deegaan kasta oo dowladdu u dirto in ay ka shaqeeyaan.

Ciidamada Ahlu Sunna ee diiwaan gelinta maanta lagu billaabay ayaa lagu kala darayaa qaybaha uu ka koobanyahay ciidanka qalabka ee dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana la marsiinayaa hab-raaca diiwaan welinta habka Bio-metric kaas oo horseedaya in arkari kasta xogtiisa oo dhammaystiran la keydiyo.

Munaasabadda daahfurka ayaa waxaa goob joog ka ahaa madaxa fulinta Ahlu sunna, xildhibaanno, wasiirro, wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha guddiga midawga Afrika u qaabishan Soomaaliya, Francisco Madeira, iyo ergayga gaarka ah ee IGAD, Mohamed Ali Guyo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa munaasabadda kadib kormeeyay xarumo ay ka billaabatay diiwaan gelinta ciidanka, waxa uuna faray mas’uuliyiinta ku howlan in sida ugu dhaqsaha badan ay shaqada ku qabtaan, si ciidanku ugu diyaar garoobaan xoreynta deegaannada cadawgu uga suganyahay dalka.

—DHAMMA