Xulka Qaranka Soomaaliya oo laga soo sagootiyay Kampala

Date:

Munaasabad isugu jirta Casho sharaf iyo sagootin isugu jirta ayaa xulka Qaranka Soomaaliya oo ka qeyb galayay Koobka Bariga iyo bartamaha Afrika Xalay loogu sameeyay Magaalada Kampala ee Dalka Yugaandha.

Munaasabadan ay soo abaabuleen qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee Magaalada Kampala ayaa waxaa kasoo qeyb galay madaxda Ururka ciyaaraha Soomaalida ee Uganda, ganacsato iyo Guddoomiyaha xariirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Cabdiqani Saciid Carab.

Qaar ka mid ah madaxda Jaaliyadda ayaa uga hambalyeeyay xulka Qaranka dedaalkii ay sameeyeen intii ay ciyaarayeen iyo sidii ay kor ugu qaadeen sumcadda Soomaaliya.

Cumar Cabdullaahi, oo ah ciyaaryahankii dhaliyay Goolkii ay Soomaaliya uga badisay xulka Burundi oo ka hadlay Casha sharafta ayaa si guud ugu mahad-celiyay Soomaalida ku nool Uganda sidii qiima badnayd ee ay u Garab istaageen markii ay baratanka kula jireen kooxihii kale.

Cabdiqani Saciid Carab, Guddoomiyaha xiriirka Kubadda Cagta ayaa sheegay in waajibkii lagu lahaa Jaaliyadda iyo taageeradii ay u muujiyeen xulkooda ay kasoo baxeen.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ciyaarahii Soomaaliya ay la wadaagtay kooxaha kale ay ka xiiso badnaayeen kuwa Dalalka kale ciyaarayeen oo Soomaaliya marka ay ciyaaraysay garoonka lasoo buuxinayay oo ticket aad u badan la iibsaday.

Waxana taasi ammaanay maamulka Koobka Bariga iyo bartamaba Afrika sida Jaaliyadda Soomaalida ay xulkooda u taageereen.

Maanta ayaa la filayaa in ay  Ciyaartooyda xulka Qaranka Soomaaliyeed ku kala laabtaan Dalalkii ay ka kala yimaadeen.

   

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlayay xoojinta wacyigelinta adeegyada Aqoonsiga Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho

Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa magaalada Muqdisho...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qayb galay daahfurka Xusuus-Qorka Madaxweynihii hore Cabdullaahi Yuusuf

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...