Ciidanka Booliiska oo hawlgallo kawadda magaalada Jowhar

Date:

Bulshada ku dhaqan magaalada Jowhar oo si diirran u soo dhaweeysay howlgallo ay ciidamada booliisku ka billaabeen xaafadaha magaaladaasi.

Cutubyo ka tirsan ciidanka Booliiska ayaa xaafadaha magaalada Jowhar ka billaabay howlgallo lagu sugayo ammaanka magaaladaasi,  loogana hortagayo haddi ay jiraan kuwo falal amnidarro  ah ka wada halkaasi.

Wariyaha nooga soo warama magaalada Jowhar Abuukar Maxamed Bacadle ayaa soo sheegaya in  ciidamada booliisku ay howlgalladan ku baahiyeen dhamaan afarta xaafadood oo  ay ka koobantahay Jowhar, wuxuuna intaasi ku daray in ciidamada la arkayo iyagoo waqtidambe taagan waddooyinka xaafadaha.

“Bulshada ku dhaqan afarta xaafadood oo ay ka koobantahay degmada Jowhar ayaa si isku mid ah u soo dhaweeyay howlgalkan oo ay ku tilmaameen mid lagu adkeeynayo amnigooda islamarkaana kalsoonibadan ku siinaya in ay si toos ah ula shaqeeyaan ciidamada” sidaasi waxaa yiri Abuukar Maxamed Bacadle oo u saaka u waramay Newsroomka warbaahinta Qaranka.

Ammaanka magaalada Jowhar oo markii horeba hagaagsanaa ayaa haddana howlgalkani wuxuu bulshada ku dhiirrigelinayaa in ciidamada ay kala shaqeeyaan ammaanka, maaddaama ay ciidamadu habeen iyo maalin ku suganyiihiin xaafadaha magaalada Jowhar.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...