Ciidanka Booliiska oo hawlgallo kawadda magaalada Jowhar

Date:

Bulshada ku dhaqan magaalada Jowhar oo si diirran u soo dhaweeysay howlgallo ay ciidamada booliisku ka billaabeen xaafadaha magaaladaasi.

Cutubyo ka tirsan ciidanka Booliiska ayaa xaafadaha magaalada Jowhar ka billaabay howlgallo lagu sugayo ammaanka magaaladaasi,  loogana hortagayo haddi ay jiraan kuwo falal amnidarro  ah ka wada halkaasi.

Wariyaha nooga soo warama magaalada Jowhar Abuukar Maxamed Bacadle ayaa soo sheegaya in  ciidamada booliisku ay howlgalladan ku baahiyeen dhamaan afarta xaafadood oo  ay ka koobantahay Jowhar, wuxuuna intaasi ku daray in ciidamada la arkayo iyagoo waqtidambe taagan waddooyinka xaafadaha.

“Bulshada ku dhaqan afarta xaafadood oo ay ka koobantahay degmada Jowhar ayaa si isku mid ah u soo dhaweeyay howlgalkan oo ay ku tilmaameen mid lagu adkeeynayo amnigooda islamarkaana kalsoonibadan ku siinaya in ay si toos ah ula shaqeeyaan ciidamada” sidaasi waxaa yiri Abuukar Maxamed Bacadle oo u saaka u waramay Newsroomka warbaahinta Qaranka.

Ammaanka magaalada Jowhar oo markii horeba hagaagsanaa ayaa haddana howlgalkani wuxuu bulshada ku dhiirrigelinayaa in ciidamada ay kala shaqeeyaan ammaanka, maaddaama ay ciidamadu habeen iyo maalin ku suganyiihiin xaafadaha magaalada Jowhar.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii ugu horreeyay ee qaata kaarka codeynta

Madaxweynaha Dowlad Goboleeda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Koonfur Afrika u tegay furitaanka Safaaradda cusub

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya,Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali,ayaa...