Madaxweynaha Ruushka & Hogaamiyaha Jarmalka Oo Ka Hadlay Xaaladda Dalka Liibiya.

Date:

Madaxweynaha dalka ruushka Vladimir Putin ayaa si cad u tilmaamay in xaaladda ka taagan dalka Liibiya ay si weyn u saamayn doonto xasiloonida wadamada gobalka isla markaana ay liddi ku tahay dalalka Yurub.

wuxuuna hadalkaan sheegay xilli uu socday shirjiraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen hogaamiyaha dalka jarmalka Angella Merkal iyo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Kulankan oo qaatay mudo ka badan saddex saacadood oo ka dhacay caasimadda Moscow ayay sidoo kale kaga hadleen xaaladaha ka jira dalalka ku yaalla bariga dhexe iyo dalka Liibiya, iyagoo isku raacay inay yihiin xaalado aan la dhayalsan karin.

Putin wuxuu tilmaamay in la joogo xilligii wadahadal iyo is-fahan nabadeed lagu dhammeyn lahaa arrimaha liibiya, si taas loo meelmariyo ayay tahay in caasimadda Jarmalka ee Berliin la isugu keeno dhinacyada isku haya dalka Liibiya.

Hogaamiyaha Jarmalka Angela Markel ayaa si cad u tilmaantay in dawladdeedu aysan ku tala gelin inay fara gelin ku samayso xaaladda Liibiya balse ay doonayso in wadahadal lagu xalliyo dhibaatada ka taagan dalka Liibiya.

Angela Merkel iyo Vladimir Putin ayaa sidoo kale isku raacay in haddii ay sii socdaan xaaladaha cakiran ee ka jira dalalka bariga dhexe ay saameyn xooggan ku yeelan karaan dalalka gobolka iyo dhammaan caalamka intiisa kale, iyagoo Maraykanka iyo Iiraan ugu baaqay inay joojiyaan weerarada iyo colaadaha ka dhex aloosmay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...