Madaxweyne Farmaajo Oo Cuman Uga qayb galaya Aaska Loo Sameynayo Suldan Qaaboos

Date:

Madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goordhow u amba baxay dalka Cumaan, si uu uga qeyb galo tacsida qaran ee u taala shacabka iyo saldanada aanu walaalaha nahay ee Cumaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hore ugu tacsiyeeyay bulshada iyo dowladda Cuman geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Allaha u naxariiskee Suldan Qaaboos Bin Saciid oo dalkaasi soo xukumayay muddo dheer.
Madaxweynaha J. Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in muddada uu joogo halkaasi uu ka qeybgalo baroordiiq iyo tacsi loo sameeynayo boqorkii geeriyooday ee Cuman.
Labada dowladod ee Soomaaliya iyo Cuman ayaa leh xiriir soo jireen ah oo ku dhisan taariikh walaalnimo iyo waxwada qadaqabsi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo La Kulmay Agaasimeyaasha Waaxyaha Wasaaradda

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasaaradda Caafimaadka oo soo bandhigtay khasaaraha ka dhashay howlgalka hubka dhigista ee Muqdisho

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixin rasmi ah...

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan geesiyaasha sida gaarka...

Madaxweynaha JFS oo Danjire Salaad Cali Jeelle u magacaabay Lataliyaha Sare ee Madaxweynaha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo...