Home Blog Page 948

Golaha Wasiirrada Oo Ansixiyay Siyaasadda Iyo Istaraatiijiyadda Qaran Ee Isgaarsiinta Iyo Teknoolojiyadda

0

Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa kulan maanta ay ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku meel mariyeen Siyaasadda iyo Istaraatiijiyadda qaran ee isgaarsiinta iyo teknoolojiyadda, oo ay golaha u soo gudbisay wasaaradda Post-da, isgaarsiinta iyo teknoolojiyadda.

Istaraatiijiyadda iyo siyaasadda Qaran ee isgaarsiinta iyo teknoolojiyadda oo loo dejiyay shanta sano ee soo socota (2020-2024), ayaa loo qorsheeyay in lagu jiheeyo dadaallada kala duwan ee isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalka oo ay wadaan dhammaan daneeyeyaasha kala duwan oo isugu jira dawladda, shirkadaha, hay’adaha ka shaqeeya horumarinta iyo cid kasta oo ay khuseyso.

Shirka golaha guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale lagu ansixiyay dib ugu biiritaanka Soomaaliya ee ururka la dagaallanka Ayaxa ee waddamada Bariga Afrika.

Siyaasadda iyo Istaraatiijiyadda qaran ee isgaarsiinta iyo teknoolojiyadda oo taabaneysa dhinacyada kala duwan ee lagu horumarin karo teknolojiyada, sida waxbarashada, caafimaadka, beeraha, ganacsiga iyo adeegyada kale ee dawladda, ayaa fulinteeda waxaa ka qeyb gelaya wasaaradaha ay khuseyso ee heer federaal iyo heer dawlad-goboleed.

Duqa Muqdisho iyo Danjiraha Midowga Afrika ee Soomaaliya oo ka wada hadlay Amniga iyo Doorashooyinka

0

Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya Danjire Francisco Medara.

Guddoomiyaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay arrimaha amniga, Doorashooyinka la qorshaynayo inay dalka ka dhacaan iyo xoojinta wada shaqaynta ka dhaxeysa Midowga Afrika iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Cumar Filish ayaa tilmamay muhiimadda ay leedahay in Saraakiisha howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo Maamulka Gobolka Banaadir ay diiradda wada saaraan sidii iskaashi buuxa uga yeelan lahaayeen amniga iyo sidii doorashooyin uga qabsoomi lahaayeen Caasimadda dalka, si talada dib loogu celiyo shacabka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay sameynayaan Xafiis amni oo labada dhinac xiriiriya, isla markaana mideeya qorsheyaasha uga dagsan amniga Caasimadda, isagoo xusay maamulkiisu inuu xoogga saarayo amniga in loo wajaho qorshe mida.

“Maamulka Gobolka Banaadir waxa uu ka shaqeynayaa sidii qorshe mideysan loogu wajihi lahaa amniga, anagoo kaashanayna dhinacyada bahwadaaga ku ah ammaanka, lana diyaariyo sidii shacabka Caasimadda talada loogu celin lahaa, maadaama dalka looga diyaar garoobayo doorashooyin”.

Dhankiisa, Danjire Francisco Medara ayaa bogaadiyey qorsheyaasha Maamulka Gobolka Banaadir ee ku aaddan horumarinta Caasimadda, isagoona ballaan qaaday in ay kaalintooda ka qaadanayaan barnaamijyada uu wado Maamulka Gobolka ee ku aaddan amniga iyo doorashooyinka.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar M.M. Filish iyo Danjiraha Midowga Afrika ee Soomaaliya Mudane Francisco Medara ayaa xaqiijiyey dardargelinta iskaashiga ka dhaxeeya labada dhinac.

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galaya shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo ay kaga qeyb galayaan Shir Madaxeedka Caadiga ahaa ee Urur Goboleedka IGAD.

Madaxda dalalka IGAD ayaa ka arrinsanaya qorshe cusub oo dib u habeyn loogu sameeynayo Urur Goboleedka IGAD, kaas oo ku saleysan in Ururku uu si siman uga turjumo dhammaan danaha dalalka ku bahoobay.

Sidoo kale, Madaxdu waxa ay ka wada hadli doonaan xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya dalalka Gobolka ee dhinacyada dhaqaalaha iyo nabad galyada.

Sidoo kale, hoggaamiyeyaasha IGAD waxa ay iska xog-wareysanayaan qorsheyaasha lagu guuleystay ee ku aaddan dadaallada lagu xasilinayo waddamada Gobolka, iyagoo warbixinno ka dhageysanaya Guddi Madaxeedyada u xilsaaran fulinta heshiisyadii hore iyo caqabadaha haatan jira.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la wadaagaya Madaxda dalalka IGAD, aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saleysan dib u habaynta Ururka Goboleedkan, si uu u noqdo madal ay ka muuqdaan danaha wadajirka ah ee dalalka Gobolka.

Inta shirkan lagu guda jiro, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan-doceedyo la qaadan doona Madaxda dalalka Gobolka ee kasoo qeyb galaya shirkan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo xaqiijineysa siyaasaddeeda ku aaddan Gobolka ayaa kaalin muhiim ah ka qaadaneysa dadaallada ku qotama nabadaynta iyo kor u qaadidda iskaashiga dhaqaale ee Gobolka.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ku guuleysatay abaal marin qaali ah

0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Fowziya Abiikar Nuur, ayaa abaal marinta Minerva Prize lagu guddoonsiiyay Magaalada Rooma ee Caasimadda Dalka Talyaaniga.

Abaal marintan ayaa Labadii Sanaba mar waxaa la guddoonsiiyaa Haweenka ugu  fir-fircoon Dunida, kuwaasi oo muujiya waxqabad saamayn wanaagsan ku yeesha Dalkooda ama Adduunka, isla markaana tusaale u noqda Dumarka kale ee Caalamka.

Wasiir Fawziyo Abiikar, ayaa Abaal marintan ku muteysatay waxqabad la taaban karo oo ay muujisay intii ay haysay xilka Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya.

  

Hay’adda FAO oo doomo casri ah ku wareejisay maamulka Puntland+Sawirro.

0

Hay’adda cunnada iyo Beeraha ee Qaramada midoobay (FAO), ayaa 12 Doomo kalluumeysi ah oo ay saaran yihiin Matoorro casri ku wareejisay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo kheyraadka Badda ee Dowlad Gobaleedka Puntland, si loo soo nooleeyo shaqada iskaashatooyinka kalluumeysiga ee ka howl gala Xeebaha Puntiland

Maamulaha mashruuca CCAP ee Xafiiska FAO  Soomaaliya, John Purvis, ayaa munaasabaddii ay Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland kula wareegtay Doomaha ka hadlay ayaa sheegay in Gaadiidkani uu fursad shaqo oo muhiim ah siinayo Dhallinyaradaha Soomaaliyeed.

“Doomahaan waa caawimaad kale oo ka timid mashruuca CCAP ee ay maal geliso midawga Yurub kaas oo ka shaqeeya horumarinta qeybta Kalluumeysiga  ee isku xirta fursadaha dahabiga ah ee ka jira Xeebaha Soomaaliya,sidoo kalana dhallinyarada Xeebaha fursado shaqo oo muhiim ah ka siiya xeyndaabka kalluumeysiga qiimaha leh,” ayuu yiri, John Purvis.

Wasiirka kalluumeysiga iyo kheyaadka Badda ee Puntland Cabdiqani Geelle Maxamed, ayaa sheegay in uu maamulkiisu ka go’an yahay in uu xaqiijiyo in Doomaha la guddoonsiiyay ay ka qeyb qaataan soo saaridda dakhliga iyo fursad siinta Dhallinyarada, isagoo hay’adda FAO iyo midowga Yurub ugu mahad celiyay taageeradooda joogtada ah ee lagu horumarinayo Kalluumeysiga Puntland.

Mashruucan ayaa waxaa ka faa’iideysanaya 1,000 Qofood, iyada oo hay’adda FAO sare u qaadayso, dhismaha awoodda hannaaka kalluumeysi, isla markaana bixinaysa tababarro lagu xoojinayo xirfadaha ballaaran ee looga baahanyahay Kalluumeysiga Dalka.

Soomaaliya oo qorsheynaysa in ay dib u dhisto Safaaraddeeda Dalka Turkiga+Sawirro.

Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya Danjire; Axmed Ciise Cawed iyo  wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku tagay Dalka Turkiga ayaa kulamo la qaatay dhiggiisa Dalka Turkiga Mudane; Melvut  Cavusoglu oo uu welinayay Danjira Safaaradda Sooaaliya ee Dalka Tukiga, Jamac Cabdullaahi Maxmed Caydiid.

Mas’uuliyiintan ayaa waxay ka wada hadleen, dhismaha Dhulka Safaaradda Soomaaliya ee Ankara in ay Dowladda Turkiga Gacan weyn ka geysato, cusboonaysiinta  heshiiska qoondada taageerada caafimaadka ee shaqaalaha Dowladda iyo waxyaabo kale oo ku saabsan xiriirka diblumaasiyadeed ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Wasirka Wasaaradda arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS  Danjire; Axmed Ciise Cawed  iyo dhiggiisa Dalka Turkiga, Melvut  Cavusoglu  ayaa  kala saxiixday heshiiskaasi.

Wuxuuna heshiiskaasi ahaa mid si gaar ah ugu dhexeeya Machadka Dibloomaasiyadda ee Soomaaliya iyo Akademiyada Dibloomaasiga ee Dalka Turkiga oo dhammaantood hoos taga Wasaaradaha arrimaha dibedda ee Labada Dal.

Wasiir Cawad ayaa u mahad celiyay dhiggiisa  Dalka Turkiga  iyo Shacabkooda, isagoo u waday Salaan ka timid Madaxweynaha JFS iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka ee Soomaliya.

Wuxuuna bogaadiyay sida fudud ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ay VISA uga helaan Turkiga, taageerada kaabayaasha dhaqaalaha oo ay ku jiraan Garoonka Diyaaradaha, Dekedda iyo qaar ka mid ah Isbitaallada Dalka soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale ka mahad celiyay Wasiirku deeqaha waxbarasho ee uu Sanad walba siiyo Ardayda Soomaaliyeed , taageeridda tooska ah ee miisaaniyadda Dowladda Soomaaliya iyo xiriirka diblumaasiyadeed ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

a couple of Ways To Meet up with European Woman

0

In this article we will talk about how to meet Western woman. You will discover two ways you can approach this but if you’re only thinking of assembly single females then it might be recommended that you try one first. If you are trying to get a date with an individual then a few tips will assist. If you’re opting for a night out it should be the same thing. So discussing take a look at how you should approach the two unique approaches.

The first method to way the idea of the right way to meet Euro woman is to find a local girl and strategy her first. Don’t travel straight up with her in the street, they have probably not going to work in your favour. You really should approach her on a community street that may allow you to communicate with more persons but then you might not be able to give her all the info she wants to know immediately. When you do methodology her be sure to have all the details you really want before you start talking to her. Which means that you should have images and advice about the person occur to be trying to contact. This should all be in a file where you can save for later and also show her exactly what you want saying to her. Additionally important make sure you have some information about yourself.

Right now, if you’re interested in finding a Eu woman then second procedure you have is to get her amount. If you’re nearing the woman in https://blushingbrides.net/eastern-europe/ a public lane, it would be far better to ask her first. You can use a good friend as a buffer between you and her. Then you can approach her and give her the data you prefer. However , it will be easier to receive her amount from her friends to ensure that you may have more those that can help you out when you need these people.

Wasaaradda Beeraha XFS oo dib u billowday dhoofinta Muuska Soomaaliya

0

-Wasiirka Beeraha Soomaaliya oo ay wehliyeyn Wasiir ku xigeenka Dekedaha, Guddoomiye ku xigeenka rugta ganacsiga, Xubno ka socday mashruuca GEEL , ayaa Maanta Daah-furay mashruuca dhoofinta Muuska/Mooska.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya, Mudane, Saciid Xuseen Ciid oo ka hadlay munaasabadda Daah-furka dhoofinta Muuska/ Mooska oo ka dhacday  Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in shaqadan ay qeyb ka tahay qorshaha ay Dowladdu ku dhiiri-gelineyso wax soo saarka Dalka.

Mudane; Ciid, ayaa Beeraleyda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay kordhiyaan wax soo saarkooda si uu  Dalku u gaaro isku filnaasho dhanka cuntada ah oo dhameystiran.

Intii lagu gudo jiray munaasabaddan ayaa Dekedda Muqdisho waxaa laga dhoofiyay Labo Konteenar oo horudhac ah oo ay hubinta tayadoodu iska kaashadeen Wasaaradda Beeraha, Shirkadda GEEL Project iyo ganacsato Soomaaliyeed oo kaashanaya Wasaaradda Beeraha, kaas oo si tijaabo ah loogu diray Dalka Sacuudi Carabiya.

Muuska oo ka mida dalagyada ugu badan ee Dalkeena laga dhoofin jiray 30 Sano ka hor ayay soo celinta iib-geyntiisu waxay faa’iida weyn u tahay dhaqaalaha Dalkeenna oo hadda ku jira soo kabasho wanaagsan.

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo gaaray Dhuusamareeb

0

Wasiirka arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane, Cabdi Maxamed Sabriye iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayay ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad goboleedka Galmudug.

Wasiirka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ku soo dhaweeyay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka sida,maamulka magaalada Dhuusamareeb iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo wafdigiisa ayaa magaalada Dhuusamareeb u tegay sidii loo dhisi lahaa Galmudug loo dhanyahay,iyadoo ay xusid mudantahay in dhawaan gudigga farsamada maamul u sameynta dowlad goboleedka Galmudug ay soo saareen habraaca doorashada maamulka Galmudug.

Webiga Shabeelle oo fatahaad ka sameeyay Tuulooyin hoos taga Afgooye

0

Webiga Shabeelle ayaa fatahaad ka sameeyay Tuulooyin hoostaga Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada hoose, taas oo saameyn ku yeelatay Bulshada halkaasi ku nool.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Shabeellada hoose ayaa goobaha uu Webigu kasoo fatahay waxay geeyeen Jawaanno si loo xiro meelaha ay Biyuhu jabsadeen, si loo yareeyo halista ka dhalan karta fatahaadda.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose, mudane, Ibraahim Aadan Cali li (Najax), ayaa sheegay in ay ku guuleeysteen xirista Afar meel oo uu Webigu ka jabsaday, wuxuuna ku baaqay in loo gurmado Dadka ay saameysay fatahaaddu.

Webiga Shabeelle ayaa waxa uu horay fatahaad xooggan uga geystay Gobollada Shabeellada dhexe iyo Hiiraan,iyadoo ay xusid mudantahay in hadda xaaladu ay tahay mid soo hagaageyso, waloow saameyntii uu geystay ay weli ka jirto meelaha qaar.