Home Blog Page 948

Muqdisho (SNTV) Guddiyada Joogtada Labada Gole ee BJFS oo kulan wadajir ah ku yeeshay Muqdisho”Sawirro”

0

Muqdisho(SONNA):-Kulan wadajir oo xalay magaaladda Muqdisho ay ku yeesheen guddiyadda joogtada ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa si wadajir ah u shir Guddoomiyanayay Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.

Kulanka oo ay Sidoo kale ku sugnaayeen guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka Mudane Cabdi wali Sheekh Ibraahim “Muudey” iyo Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare Mudane Abshir Maxamed Axmed “Abshir Bukhaari” waxa uu ahaa kulan lagusii amba qaadayay dar dar gelinta wada shaqeynta Baarlamaanka Soomaaliya oo ka kooban Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa sheegay in la xaliyay kala aragti duwanaansho yar oo labada Aqal dhexdooda ka jirtay ,islamarkaana Guddiyada isku shaqada ah ee Baarlamaanka wada shaqeyntooda ay sii xoojin doonaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay labada aqal ay hal baarlamaan isku yihiin wada Shaqeyn joogta ahna ay ka dhaxeyso,sidoo kalena gudiyada joogtada ah loogu baahanyahay in ay sii xoojiyaan.

 

Xildhibaanno ka tirsan puntland oo sharci darro ku tilmaamay xarigga hawlwadeennada dhismaha Waddada Boosaaso

0

Muqdisho (SNTV) 10 mudane oo ka tirsan Xildhibaannada Dowlad Goboleedka Puntland ayaa si wada jir ah u cambaareeyay xarigga uu maamulkoodu kula kacay samafalayaal si tabarucaad ah ugu shaqeynayay Laamiga dhex mara Magaalada Boosaaso.

Xildhibaan; Saadaq Abshir Garaad, oo ka mid ah mudanayaasha baaqa jeediyay ayaa sheegay in sida ku qoran Dastuurka Puntland aan Qofna loo qaban Karin, loo xiri karin loona ciqaabi Karin fal markii uu shaqsigu galo aan dembi ku ahayn sharciga.

“Dastuurka Puntlanna ma qabo, xeer ay Golahayaasha Dowladdu ansixiyeenna ma jiro, mid uu Baarlamanka uu jideyayna ma jiro, in dhaqaalaha Dowladda Soomaaliya Bulshadu ugu deeqdo ay dembi tahay, ciqaabna looga dhigo maxkamadna lagu geynayo , Ninkii sharcigaa hayaa annaguu noo keenayaa” ayuu yiri Xildhibaan, Saadaq.

Xildhibaannadan ayaa waxay si wada jir ah ugu baaqeen maamulka Puntland in sida ugu dhaqsiyaha badan loo sii daayo Dadka xiran, iyagoo sharci darro ku tilmaamay in dembi laga dhigo howlaha samafalka ah iyo dhaqaalaha ay bixisay Dowladda Federaalka.

Puntland ayaa dhowaan Xabsiga dhigtay xubno si mutadawacnimo ah isugu xil qaamay in ay dayactir iyo dhismo ku sameeyaan Waddooyinka dhex mara Magaalada Boosaao, iyaga oo lagu eedeeyay in aysan soo marin maamulka.

 

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle oo Daah-Furay Mashruuca Qolalka Isgaarsiinta “Sawirro”

0

Muqdisho (SNTV) Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa Maanta Magaaladda Jowhar ka daah-furay barnaamijka qololka Isgaarsiinta ee Mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta oo World Bank uu ka hirgaliyay Xafiisyada Hirshabelle.

Mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta oo ah mid ka mid ah mashaariicda uu bankiga aduunku ka wado Dalka, ayaa waxa uu kala shaqeeyaa arrimaha Tecnolojiyada Wasaaradaha Boostada iyo isgaarsiinta Dawladda Dhexe iyo kuwa Maamul Goboleedyada Dalka, waxaana mashruucani uu yahay mid dalka oo dhan laga hirgaliyay.

Munaasabadda Daah-furka oo ka dhacday madaxtooyada Hirshabeelle ee Magaalada Jowhar ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxda Hirshabeelle oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Maamulkaasi, Madaxweyne ku-xiggeenka, Guddoomiye ku xiggeenka koowaad ee Baarlamanka, Xubno ka tirsan Labada Golle, Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe, xubno ka tirsan labada gole ee Hirshabelle, Maareeyaha Mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta iyo Mas’uuliyiin kale.

Maareeyaha mashruucani Cabdisalaan Shariif Xuseen oo faah faahin ka bixiyay mashruuca ayaa u mahad-celiyay madaxda Hirshabeelle sida quruxda badan ee ay u soo dhoweeyeen mashruuca islamarkaana kala shaqeeyeen shaqalaaha shaqada qabtay, sidoo kale waxa uu u mahad-celiyay Wasiirka Wasaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda ee Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda Bankiga Aduunka oo kaalin weyn ka qaatay Mashruucaan.

Wasiirka Boostada isgaarsiinta iyo Tecnolojiyadda Maamulka Hirshabeelle Mudane C/Weli Sheekh Cali oo mashruucani Qolalka Isgaarsiinta Casriga ah iyo qalabkooduba la wareegay ayaa ka mahadceliyay fulinta mashruucani, waxaana uu sheegay ka wasaarad ahaan ay wadaan dadaalo la xiriira horumarinta isgaariinta iyo ticnoolajiyada islamarkaana ay hadda ku howlanyihiin tayeynta Internetka xafiisyada Dowladda.

Madaxweyne Ku Xigeenka Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe oo hadal kooban ka jeediyay munaasabadda ayaa ku dheeraaday ka sheekeynta ahmiyada mashruudani uu u leeyahay xafiisyada Maamulkaasi oo koobaya howlaha shaqo oo mararka qaar ay noqon jirtay in la isku safro

Madaxweynaha Dawlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa ka warbixiyey mashruuca iyo faa’iidooyinkiisa waxa uuna uga mahad celiyey madaxda Mashruuca sida wanaagsan ee ay u fuliyeen mashruuca, kadibna waxa uu xariga ka jaray qolalka isgaarsiinta ee laga hirgeliyey Hirshabeelle.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Kulan la qaatay Guddiga Diyaarinta Sharciga Doorashooyinka “Sawirro”

0

Muqdisho (SNTV) Guddoomiyaha golaha shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo uu wehliyo guddoomiye ku-xigeenkiisa 1-aad Mudane Cabdiweli Sh. Ibraahim Muudey ayaa maanta kulankii ugu horeeyay la qaatay Gudiga Diyaarinta iyo Sameynta Sharciga Doorashooyinka Qaranka ee uu dhawaan magacaabay, waxaana uu kala hadlay dardar gelinta howlaha diyaarinta sharciga doorashooyinka iyo siddii Guddiga Marka hore dhexdiisa hoggaan isaga dhex dooran lahaa.

Guddoomiyaha ayaa Guddiga waxa uu faray in muddo ku siman lixdan cisho ,waxaana sharcigaan oo ay xukuumadda Federaalka Soomaaliya usoo gudbisay golaha uu muhiimad gaar ah u leeyahay doorashooyinka Dalka ka qabsoomi doona Marka la gaaro 2021-ka.

Geeska kale, Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay qabiir ka socda Qaramada Midoobay oo qaabilsan dhinaca xuquuqul Insaanka Soomaaliya.

Waxa ay ka wada hadleen dar dar gelinta wada shaqeynta xafiiska Qaramada Midoobay ee dhinaca xuquuqul Insaanka iyo golaha shacabka gaar ahaan Guddiga xuquuqul insaanka ee golaha.

MADAXWEYNE FARMAAJO “DAGAALKA AAN KULA JIRNO ARGAGIXISADA WAA MID U YAALLA DHAMMAAN DALALKA GOBOLKA.

0

MUQDISHO “SNTV” Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa casho sharaf lagu maamuusayo Madaxweynihii Hore ee dalka Koonfur Afrika Mudane Thabo Mbeki iyo wafdiga uu hoggaaminayo ugu fidiyey Madaxtooyada Qaranka.

Madaxweynaha oo wafdigan uga warbixiyey miradhalka dadaallada dib u dhiska dalka iyo caqabadaha ay doonayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed in ay wadajir uga gudbaan ayaa tilmaamay muhiimadda ay arrintaasi u leedahay amniga Gobolka.

“Dagaalka aan kula jirno argagixisada ma ahan mid ku kooban Soomaaliya, waa dagaal u yaalla dhammaan dalalka Gobolka. Wax ka qabashada aragagixisadu waxa ay u baahan tahay jawaab heer Gobol ah iyo aragti mideysan oo aan ka yeelanno xaqiijinta amniga guud ee Gobolka.”

Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Famaajo ayaa sheegay in doorka Dowladda Soomaaliya ay ka qaadanayso arrimaha Geeska Afrika iyo goobta istaraatiijiga ah ee uu dhaco dalkeennu ay horseedayso in aan xarun weyn u noqonno diblomaasiyadda iyo ganacsiga Gobolka.

Dhankiisa, Madaxweynihii Hore ee dalka Koonfur Afrika, haatanna ah Madaxa Guddiga Sare ee Latalinta Midowga Afrika Mudane Thabo Mbeki ayaa dib u milicsaday sooyaalka dalkeenna iyo maqaamkii aynu ku lahayn Qaaradda Afrika iyo caalamka, isaga oo ka sheekeeyey doorkii hormuudnimada ahaa ee Soomaaliya ay ka qaadatay taageeridda dhaqdhaqaaqyadii xornimo doonka dalalka Afrika.

“Sharaf ayay ii tahay in aan Muqdisho imaado 45 sanno ka dib. Waxaan halkan joogay 1974, xilligaas Soomaalidu waxa ay ahaayeen dad mideysan iyo dal xoog leh.”

Munaasabadda casho sharafta oo ahayd mid si heersare ah loo agaasimay ayaa waxaa ka qayb-galay, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed, Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ciidanka XD oo qabtay Maleeshiyaad Al-Shabaab ah iyo Walxaha Qarxa “Dhageyso”

0

Muqdisho (SNTV) Howlgallo ay Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa maamulka Jubbaland ay ka sameeyeen deegaanno ka tirsan Gobolka Jubadda Hoose ayaa waxey gacanta ku soo dhigeen 3 qof oo looga shakisanyahay in ay ka tirsanyihiin maleeshiyaadka Alshabaab.

Taliyaha Guutada 11-aad qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Maxamed Xasan Badal oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in Saddexdaan qof ay saarnaayeen gaari BL ah oo ku wajahnaay magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubadda Hoose.

Taliyaha ayaa tilmaamay in Saddexdaan qof ee lagu tuhmaayo in ay ka tirsan yihiin argagixisada Alshabaab ay heleen xog ah in ay ka mid ahaayeen Alshabaab  ka dibna ay gaariga kala degeen, isagoo sheegay in ay ku soo qabteen qalab ay wateen ayna ku wareejiyeen lamaaha amniga si baaritaanno dheeraad ah loogu sameeyo.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo maanta Kormeer howleed ku tagay Tiyaatarka Qaranka “Sawirro”

0

Muqdisho (SNTV) Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa Maanta kormeer Shaqo ku tagay Golaha murtida iyo Wacyigelinta Qaranka oo ay ka socdaan howllo dayactir iyo dib u dhis ah.

Mudane; Maareeye, oo ay booqashadiisa ku wehlinayeen Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, Dr; C/raxmaan Ducaale Beyle iyo Maareeyaha Tiyaatarka Maxamed Abuukar Ma’da ayaa waxay la kulmeen Injineerrada dhisaya Tiyaatarka iyo Kooxda Is- xilqaan ee howlaha mutadawacnimada halkaasi ka wadday.

Labada Wasiir waxay aad u amaaneen howsha gebagebada maraysa ee Tiyaatarka ka socota, waxeyna ballan qaadeen in ay diyaariyaan wixii dhinaca Dowladda ku dhiman.

“Waxaan la kulannay Kooxda is-xil qaan iyo Injineerrada mas’uulka ka ah dhismaha Tiyaatarka, waxannu aniga iyo Wasiirku kala hadalnay heerka uu marayo dhismaha Tiyaartarka iyo waxyaabaha ka dhiman shaqada halkan ka socota, war bixin fiican bay na siiyeen,kormeer baan ku sameynay qaabka uu dhismuhu u socdo, oo runtii raja badan na gelisay, ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Wasiir Maareeye, ayaa sheegay in 80% ay dhamaatay shaqadii halkaasi ka socotay, sharafna ay u tahay Dadka Soomaaliyeed in ay is-xilqaan wax ku qabsan karaan.

Wuxuuna taabba gelinta howshan ku ammaanay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Dalka oo hormuud ka ahaa Barnaamijka Is-xilqaan.

 

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Safiirrada Caalamka Fadhigoodu yahay Muqdisho Kula Kulmay Dhuusomareeb

0

Muqdisho (SNTV) Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Dhuusamareeb kula kulmay safiirrada dowladaha saaxiibada la ah Soomaaliya ee saldhiggoodu yahay magaalada Muqdisho iyo wakiillada hey’adaha caalamiga oo maanta magaalada  gaaray.

Kulanka ayaa intiisa badan looga hadlay dadaallada uu Ra’iisul Wasaaruhu hormuudka ka yahay ee lagu dhisaayo Galmudug loo dhan yahay oo qeyb ka qaadata horumarinta dalka iyo ka guul gaaridda himilooyinka Ummadda Soomaaliyeed.

Mas’uuliyiinta kulanka ka qayb galay ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku bogaadiyay dadaalladiisa dhismaha hey’adaha Galmudug, qarameynta Ciidamada deegaanka iyo isu diyaarinta xoreynta deegaannada argagaxisadu uga sugan tahay Galmudug.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa xubna ka tiran xukuumadda oo ay kamid yihiin wasiirrada arrimaha gudaha iyo amniga iyo sidoo kale madaxa fulinta dowlad gobaleedka Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha oo mas’uuliyiinta kulanka uu la qaatay uga warbixiyay heerarka kala duwan ee ay soo mareen dadaallada lagu dhisayo Galmudug, ayaa ka codsaday in ay laba jibbaaraan taageeradooda iyo garab istaagga Soomaaliya si  guul wax ku ool ah looga gaaro dhismaha hey’adaha dowladeed ee Galmudug.

Mas’uuliyiinta beesha caalamaka ee  Ra’iisul Wasaaraha kulanka la qaatay waxaa kamid ahaa wakiillada Qarmada Midoobay, Midawga Afrika iyo IGAD, iyo safiirada Midawga Yurub, Qatar, Turky, Ethiopia, Talyaaniga, Norway iyo Kenya.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa maalintii 29-aad deegaannada Galmudug ugu sugan dhismaha Galmudug sal adag, loo dhan yahay oo xiriir dhawna la leh dowladda federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo oo qaabilay Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya iyo Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane; Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa wadajir u qaabbilay Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya , James Swan iyo Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya, Ben Fender.

Madaxweynaha ayaa kala hadlay wakiilka iyo Danjiraha muhiimadda ay u leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya in lagu Gacan siiyo dhammeystirka qorshaha deyn cafinta Soomaaliya si dib uga kabto arimahaa dhaqaalah ee kobac kusocdo.

Soomaaliyaa ayaa tabaabusheysi ugu jirta sidii ay halganka dayn cafinta ay guullo uga gaari lahayd, sidoo kale dowladdaha deeq bixiiyaasha caalamiga ayaa sheegay in ay garab istaagi doonnaan sidii uu  usoo kabaan lahaa dhaqaalaha dalka Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale kala hadlay Madaxweynuhu u diyaar garowga doorashooyinka 2021-ka iyo baahinta adeegyada aasaasiga ah ee Bulshada ay u baahan yihiin.

Madaxweyne Lafta gareen iyo Safiirka Qadar oo ka wada hadlay mashaariic laga fulinayo Koofur Galbeed

0

Madaxweynaha maamul goboleedka Koofur  Galbeed, C/casiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) ayaa Shalay Xafiiskiisa Baydhabo ku qaabbilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Safiirka Soomaaliya u jooga Dowladda Qadar, Xasan Binu Xamza.

Wafdiga ka socday Qadar waxay booqasho ku mareen goobo badan oo ka mid ah Magaalada Baydhabo iyo xarumo kale oo ay ka fulinayaan dhowaan mashaariic kala duwan, waxaana kamid ah School, Gegida Diyaaradaha ee Shaati-gaduud iyo Madaxtooyada maamulka Koofur Galbeed.

Dowladda aynu Walaalaha nahay ee Qadar iyo hay’adaheeda samafalka ayaa Gacan ballaaran ka geysatay dib usoo kabashada Soomaaliya , iyagoo sidoo kale door wanaagsan ka qaatay Qalabeynta Ciidamada kala duwan ee Dalka.