Home Blog Page 924

Soomaaliya, Masar iyo Kenya oo shir ku yeeshay Magaaladda New-York

0

Magaalada New York waxaa wadda hadallo ku yeesheey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta iyo Madaxweynaha Masar Mudane Cabdulfataax Al Sisi kulankas ayaa ku soo idlaaday  is faham.

Kulankan ay yeesheen madaxda Soomaaliya ,Kenya iyo Masar ayaa  waxaa soo qabanqabiyay guddoomiyaha Midowga Afrika, ahna Madaxweynaha Masar Mudane Cabdulfataax Al Sisi ayaa sheegay in loo bahaan yahay in la hagaajiyo xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, lana qaado tallaabooyin diblomaasiyadeed oo lagu dhisayo kalsoonida labada dowladood iyo shacabka.

Madaxweynayaashu waxa ay ku heshiiyeen in la sameeyo guddi isku dhaf ah oo ka kooban labada dhinac kuwaas oo ka shaqeynaya ka mira dhalinta isafgaradka laga gaaro xaaladda hataan tagaan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku adkeysatay in kiiska badda go’aan kiisa loo daayo Maxkamadda Caddaaladda Adduunka, taas oo la isku waafaqay.

Madaxda Soomaaliya,Kenya iyo Masar  ayaa sidoo kale isla gartay in laga dhawrsado wax walba oo uu keeni kara  kala fogaansho shucuubta gobolka, dadaalladana la isugu geeyo sidii looga adkaan lahaa kooxaha argagixisada ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga mahadcelinaysaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar Mudane Cabdulfataax Al-Sisi dowrka hoggaamineed uu ka qaatay wada hadalladan oo bilow fiican u ah isu soo dhawaanshaha labada dal.

 

Madaxweyne Farmaajo oo kulan layeeshay dhiggiisa dalka Turkiga

0

Madaxwaynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa intii lagu guda jiray Shirka 74-aad ee Qaramada Midoobay, waxaa uu wada hadal kula yeeshay magaalada New York Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogan.

Labada Madaxwayne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga iyo sidii loo  dardargalinta iskaashiga saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya labada dowladdood.

Sidooo kale Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo wuxuu magaalada New York kula kulmay Madax ka socota dalalka Caalamka, kuwaas oo ka qayb galay shirka Qamada Midoobay ee lagu qabtay New York.

 

Soomaaliya oo Ku Guuleysatay Guddoomiye Ku xigeenka Hay’adda Caalamiga ee Soolarka “Sawirro”

0

Danjiraha cusub  ee Soomaaliya ayaa ka qayb gashay shirka hay’adda  caalamiga ah ee Solarka aduunka ee ISA kadib shirkaasi waxaa Soomaaliya ku guulastay  kursiga gudoomiye ku xigeenka gudigga sharciga hay’adda caalamiga ah ee Solar aduunka waxaana hadda gudoomiye ka ah gudiigan sharciga   dalka Australi .

Kulan guud oo ay yesheen Agaasimaha guud ee hay’adda  ISA Upendra Triphty iyo Safiirka Soomaaliya ee India Marwo fadumo Cabdullaahi ayaa waxa looga wada hadlay sida looga fa’iideysankaro Tamarta cadceedda Soomaaliya.

Hay’adda ISA ayaa sheegtay in Soomaaliya ka sameyn doonto Mashruuc looga faa’iidaysanayo keydla qoroxda  ka dibna loo badalo hab Koronta ah iyo  Tababaro loo sameynayo dhalinyaro Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn Madaxda Hay’adda ISA ayaa kullan laqaatay Safiiradda Caalamka oo Shirkaas ka qeyb galay iyaga oo arrimo badan kawada hadlay.

Danjiraha cusub ee Soomaaliya u fadhida dalka Hindiya Marwo Faduma Cabdullahi Maxamuud ayaa dhawaanahan waday boqoshooyin ay ku tagesay xarumaha Dowladda India hay’addaha caalamiga ah ee dagan dalkaas iyo safaradaha ay Soomaaliya xariirka dhaw leyihiin sida kuwa Africa, Carabta iyo Dowladaha kale ee caalamka.

Hoos U dhac Faa’iidada Saliidda Sacuudiga Kadib Weerarkii Warshadda Aramco ee Sacuudiga.

0

DUBAI/LONDON/RIYADH (Reuters) – Sacuudiga ayaa waxaa suurtagal ah in ay in ay diiwaageliyaan shirkadeeda baaxadda weyn sanadkani kadib markii weerar lagu qaaday horaantii bishan ceelasheeda shidaalka, sida ay muujinayaan labo ilo wareed oo laga helay shirkadda Aramco.

Warar billow ah oo laga helay shirkadda oo ah tan ugu weyn ee shidaal dhoofinta dunida – ayaa la sheegay in ay tahay tiirka ugu weyn ee isbedelka Sacuudiga marka loo eego xagga farqiga dhaqaalaha ay kahesho saliidda ay kusoo jiidato shirkadaha shisheeyaha.

Guddoomiyaha Shirkadda Aramco, Yassir al-Rumayyan, ayaa todobaadkii hore sheegay in weerarka kadib uu hoos u dhac ku yimid wax-soosaarkii saliidda iyadoo shirkadda ay ahayd tan ugu dhoofinta badan caalamka.

Qiiq iyo uuro ayaa cirka isku shareeray kadib markii rasaas lagu dhuftay warshadda shidaalka ee shirkadda saliidda Aramco ee dalka Sacuudiga oo kutaala Abqaiq, Saudi Arabia, 14-kii September, 2019.

Heshiiska shirkadda oo dib loo dhigay sanadkii lasoo dhaafay, ayaa la filayay inuu dhaco bishii November, ilo wareed ayaa sheegay in ay shirkaddu bixisay 1% taasi oo ah talaabadii ugu horeysay oo ay ku bartilmaameedkeeda oo ahaa 5% xagga saliid iibinta dunida taasi oo ay dhici karto in ay dhaqaalaheeda uu gaaro $100 bilyan oo doolar.

Aramco oo ah shirkadda saliidda ee dowladda Sacuudiga ayaa ah shirkadda jirta 85-sano taniyo markii la aas aasay ayaanan ka jawaabin codsiyo loo jeediyay si ay uga hadasho arimahani, halka ay ilo wareedyo muujinayaan in ay shirkaddu diiday in ay kala cadeyso macluumaadka la xiriira wararkaasi.

Hadal-jeedinta Madaxweynaha JFS Abaalmarinta Hoggaaminta ee Shirweynaha New york.

0

Waxa sharaf ii ah inaan galabta idin la joogo shirweynaha sannadlaha ah ee Concordia. Waxaa sidoo kale sharaf ii ah inaan guddoomo Abaalmarinta Hoggaamineed ee Concordia, sannadkan 2019.

Waxaan si gaar ah Hoggaanka Concordia uga mahadcelinayaa inay aqoonsadeen dadaalka joogtada ah ee ay madaxda Geeska Afrika ugu jiraan sidii gobolka nabad loogu soo dabbaali lahaa.

Khilaafka iyo dagaalku waxay siyaabo kala duwan u siyaadiyeen saboolnimada ka jirta gobolka, sida inay dhaawac weyn u geysteen kaabayaasha dhaqaale; hay’adaha iyo waxsoosaarka; burburinta hantida; qoqobka iyo kala daadashada mujtamaca iyo shabakadaha bulsho; barakac khasab ah iyo shaqo la’aan iyo sicir barar joogto ah. Waxa intaasi dheer, kheyraadka oo yar oo ay wehliso koror dadweyne oo xawli ah, saboolnimada iyo horumar la’aanta ayaa sidoo kale ah qodobo qeyb ka qaata xasillooni la’aanta gobolka.

Nabaddu waxay lagama maarmaan u tahay in la helo koboc waara, waxaana sidoo kale ka tarjumaysaa heshiis ama wada noolaansho bulsho, deganaan iyo barwaaqo.

Waxa sharaf ii ah inaan idin la wadaago in Geeska Afrika ay hadda ka jirto saansaan rajo iyo nabdeed kaddib sannado badan oo nabadgelyo la’aan ah. Si kastaba, in nabadda la joogteeyo waxay u baahan tahay kalsooni dhis, isu-tanaasul, wadajir, faham iyo in ay taasi ka go’an tahay dhammaan dhinacyada qaybta ka ah khilaafka.

Heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee u dhexeeyay saddexdeenna waddan waxa uu xoogga saarayay isdhexgalka dhaqaale, waxaana mahad iska leh Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Ereteriya Mudane Isaias Afwerki.

Intaas marka laga yimaaddo, waxa weli jira caqabado u baahan in lagaga gudbo taageero dhanka dhaqaalaha ah iyo mid siyaasadda ah.

Ugu dambayntii, waxaan jeclahay inaan Concordia ku bogaadiyo inay isu keentay dhammaan bulshooyinka caalamka, waxaana uga mahadcelinayaa abaalmarintan hoggaamineed ee ay igu sharfeen.

Fadlan halkaas ka sii wada hawsha qiimaha leh ee aad haysaan.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Booliiska Singapore Oo Xiray Dhowr Qof Oo Lagu Eedeeyay Taageere Daacish

0

Singapore:- Ciidamada Boliiska dalka Singapore ayaa xabsiga dhigay sadex haween oo lagu eedeeyay in ay taageero dhaqaale u fidin jireen kooxda Daacish.

Haweenkaan oo ka soo jeeda dalka Indonesiya, waxaa muddo u dhaxeysa 6 ilaa 13-sano ay ahaayeen  shaqaale ka xoogsada gudaha dalka Singapore.

Magacyadan saddexda eedeeysane ee haweenka ah ayaa lagu kala magacaabaa Anindia Afiyantari, oo 33-sano  jir ah, Retno Hernayani oo 36-sano jir ah  iyo Turmini oo 31-sano jir ah, waxayna sameysteen shabakad xiriirka qadka ah oo ay la wadaageen kooxda ISIL.

Dowladda ayaa sheegtay in saddexda haween ay sidoo kale ahaayeen kuwo gacansaar la leh shabakado shisheeye oo ka dambeeya argagixisada caalamka, waxaana warku intaa ku darayaa in xarigga haweenkaasi uu muujinayo sii socoshada fekirka khaldan ee kooxda ISIL.

Madaxweynaha JFS Oo La Guddoonsiiyay Abaalmarin Caalami ah

0

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa la guddoonsiiyay Abaalmarinta Sanadlaha ah ee Hoggaaminta Suubban ee Concardia.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa abaalmarintan la qeybsaday Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Eriteriya Mudane Isaias Afwerki kaalintii ay saddexda hoggaamiye ka qaateen nabadaynta iyo is dhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika.

Dhanka kle Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir-doceedyo la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Estonia Marwo Kersti Kaljulaid iyo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Ireland Mudane Leo Varadkar iyaga oo ka wada hadlay yagleelidda iskaashi ku dhisan dan-wadaag iyo wax wadaqabsi.

Jamhuuriyadda Estonia waxay ku guuleysatay in ay sanadka cusub ku biirto xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka taasoo ay Soomaaliya uga baahantahay taageero diblomaasiyadeed iyo mid horumarineed, halka Jamhuuriyadda Ireland ay tahay xubin firfircoon oo ka tirsan Midowga Yurub oo si xoog leh uga qeyb qaata amniga iyo dib u dhiska Soomaaliya.

Madaxweynaha oo sidoo kale kulan la qaatay Madaxweynaha Bankiga Horumarinta Afrika Mudane Akinwumi Adesina ayaa la wadaagay dadaallada ay Soomaaliya ugu jirto barnaamijka dayn-cafinta iyo kaalinta uu Bankiga Horumarinta Afrika ka qaadan karo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha ee Soomaaliya.

Wasiirka Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya oo Isku shaandheeyay Agaasimeyaal katirsan Wasaaradda.

0

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS mudane Maxamed Cadullaahi Salaad(Oomaar) ayaa isbedel ku sameeyay qaar kamid ah agaasimeyaasha waaxyaha wasaaraddaasi

Qoraal ka soo baxay xafiiska wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee XSF mudane Maxamed Cadullaahi Salaad(Oomaar) ayaa lagu shaaciyay isbedel lagu sameeyay qaar kamid ah agaasimeyaasha waaxaha ee wasaaraddaasi.

Halkan ka Akhriso:

 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdigiisa oo lagu soo dhaweeyay New York

Wafdi uu hoggaaminayo madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa gaaray magaalada New york ee dalka Maraykanka,halkasi oo si diirran loogu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa magaalada New york kaga qaybgalaya shirka sanad laha ah ee golaha guud ee Jimciyadda quruumaha ka dhexeysa. meertadiisa 74-aad ee  ,kaasi oo looga hadlayo arrimo badan oo quseeya Caalamka.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa madaxda ka qaybgalaysa shirkaasi uga warbixindoona arrimaha Soomaaliya,iyo guud ahaan horumarka ay ku talaabsanayso Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu kulammo doceedyo gooni gooni ah la yeelan doonaa madaxda ka qaybgalaysa shirkaasi,si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka Soomaaliya uu kala dhaxeeyo dowladaha kale ee dunida oo hoggaamiyaashooda shirkaasi ka qaybgalaya.

Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxaya New York.

0

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qayb-gelaya fadhiga 74-aad ee Golaha Qaramada Midoobey

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay dalka Marykanka, si uu uga qayb galo fadhiga 74-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Madaxweynaha ayaa khudbad ka jeedin doona madashaasi kulminaysa Hoggaamiyayaasha Caalamka, iyadoona fadhigaasi 74-aad ee Qaramada Midoobey lagu suntay “Dib-u- xoojinta dadaallada wada-jirka ah ee lagu dabar-goynayo saboolnimada, baahinta waxbrasho tayo leh iyo ka hortagga dhibaatooyinka isbeddellada cimillada.”

Wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ka qayb-gelaya madasha caalamiga ah ee loo dhanyahay ayaa kulamo doceedyo lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga la qaadan doona dhiggooda dalalka Caalamka ee ka soo qayb-gelaya shirweynaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Ajandeyaasha ugu waaweyn ee Hoggaamiyayaasha Caalamku ay kaga arrinsan doonaan kulankaasi 74-aad ee Golaha Qaramada Midoobey ayaa waxaa ugu muhiimsan xoojinta fursadaha shaqo iyo siyaasadeed ee dhallinyarada, xal u helista colaadaha iyo khilaafaadka caalamiga ah, kobcinta dhaqaalaha, ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo mideynta dadaallada lagu wajahyo.