Home Blog Page 924

AUN: Agaasimihii Madbacadda Qaranka Axmed Faarax Gaatamoow Oo Lagu Aasay Muqdisho

0

Waxaa goor dhaw magaalada Muqdisho lagu aasay Allaha u naxariiste Agaasimihii Madbacadda Qaranka Axmed Faarax Gaatamow oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Aaska waxaa ka qeygalay masuuliyiin ka socday wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumada federaalka Soomaaliya, qaar ka mid ah bahda warbaahinta iyo ehelka marxuunka geeriyooday.

Madaxda iyo shaqaalaha wasaarada warfaafinta oo uu la soo shaqeeyay mudo dheer  Axmed Faarx Gaatamoow  Agaasimihi madbacada qaranka ayaa ku sifeeyay in uu ahaa shaqsi afgaaban oo laga nabad galo.

Allaha u naxariistee Axmed Faarax Gaataoow  ayaa ka soo shaqeeyay warbaahinta  gaarka loo leeyahay sidda idaacada shaballe, Idaacada Codka nabada oo uu Agaasime ka soo noqday, iyo warbaahinta qaranka uu xilal kala duwan ka soo qabtay, sidda Agaasimaha Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed  (SONNA) Agaasimaha Radio Muqdisho, iyo Agaasimaha Madbacada qaranka,

 

 

 

 

 

Ciidanka Xoogga dalka oo ka wada howlgal lagu xaqiijinayo amniga wadada xiriirisa Shalaanbood iyo Afgooye

0

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa  Howlgalo Amni  lagu Xaqiijinayo  Kawda Wadada  udhexeeysa Shalaanbood iyo Afgooye ee gobolka shabeelaha hoose.

ujeedka howlgalkani ayaa ahaa xaqiijinta amaanka dhabaha xiriiriya degaanka shalaanbood iyo degmada afgooye ee gobolka shabeelaha hoose .

Ciidanka ayaa intii ay howlgalka kuguda jireen waxay kusoo qabteen rag lala xiriirinayo in ay katirsanyihiin maleeshiyaadka al-shabaab ku was oo qaarkood looga shakiyay in ay ku howlanaayeen falal amniga lid ku ah.

Taliyaha ururka 14aad guutada 14 october dhamme cisman Muuse Mohamed oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay wadeen howlgalo qorsheysan oo looga hortegaayo dhagarta kooxda la,shabaab.

Ciidanka xooga dalka soomaliyeed ayaa kordhiyeye howlada dalka looga sifeeynaayo kooxda al.shabab.

Wasiirka caafimaad XFS oo kulan qadka internet-ka la qaadatay Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya

0

Wasiirka Caafimaadka, Dr. Fawziya Abikar Nur ayaa maanta kulan toos ah ayaa qadka internet-ka la qaadatay Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, H.E. Donald Y. Yamamoto iyo madaxda Hay’adda Maraynkan u qaabilsan Dhanka Horumarka (USAID).

Wasiirka caafimaad XFS ayaa Dowladda Maraykan-ka uga mahadcelisay dalaadallada ay ka wadaan Soomaaliya ee ku aadan COVID-19, sidoo kalena kala hadashay sidii ay gacan buuxda uga geysan lahaayeen gurmadka wax looga qabanayo cudurka COVID-19.

Dowladda Maryakan-ka ayaa balan qaaday in ay Soomaaliya ka caawin doonaan xakamaynta iyo xal u helidda cudurka COVID-19.

Dowladda oo Muqdisho Ka qeybisay agab caafimaad oo Qeyb Ka qaadanaya qorshaha xakameynta cudurka COVID-19

0

Dowladda Oo Muqdisho Ka Qeybisay Agab Caafimaad Oo Qeyb Ka Qaadanaya Qorshaha Xakameynta Cudurka COVID-19
Muqdisho:(SONNA) Dowladda Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho ka bilaawday Qeybinta Maaskarayaal (Facemasks) qaybta ah qorshaha kahor tagga iyo xakameynta faafitaanka cudurka COVID-19.

Qeybinta maaskaraha oo qorshuhu yahay in la gaarsiiyo dhammaan dadka Sooaamliyeed ayaa loo qeybiyay darawallada Bajaajta iyo gaadiidka dadweynaha iyo qeybo kale oo kamid ah dadweynaha magaalada Muqdisho.

Qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa soo dhaweeyay qroshaha bulshad loogu geybinayo maaskaraha iyo dadaallada kale ee dowladdu ku xakameyneyso faafitaanka iyo saameynta kale ee bulshada uu ku yeelanayo COVID-19.

Dowladda oo si wanaagsan isaga xil saartay xakameynta faafitaanka cudurka ayaa horay u qaaday tillaabooyin lagu yareynayo saameynta uu COVID-19 ku yeelanayo bulshada Soomaaliyeed.

Doowladda Soomaaliya oo ku howlan dalka in ay ku soo celiso muwaadiniin Soomaaliyeed ku xayiran Sacuudiga

0

Wasiirka caafimaadka ayaa  sheegay in dowladda ay ku howlantahay inay dalka kusoo celiso mawaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayiran Sucuudiga iyo dalal kale,

sidookale Doowladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa  xaqiijisay in la soconeyso xaaladda mawaadiniin ku xayirnaa dalka Turkiga oo dalka dib loogu soo celiyay.

Dowladda ayaa qaaday tillaaboyin lagu xakameynayo cudurkaan COVID-19 ee dunida dhibaatada badan ku haya, waxay mawaadiniinta Soomaaliyeed ugu baaqeysa inay wadajir u qaataan talooyinka caafimaad ee qaybta ka ah dadaallada lagu xakameynayo cudurka COVID-19.

 

Olole Shacabka Looga Wacyi-Gelinayo Halista Cudurka Corono Virus Oo Ka Socda Balad-Xaawo

0

Dhalinyarada Degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo ayaa Bilaabay wacyi- gelin ku aadan halista Cudurka Corona Virus.

Xili Lagu guda jiro Bisha Barakaysan ee Ramadaan,islamarkaana ay jirto cabsi ku aadan halista Cudurka coronvirus ayaa maanta Dhalinyarada daryeelka Bulshada ee Degmada Balad-xaawo waxay sameeyeen wacyi-gelin la xiriirta Sidii looga hortagi lahaa Cudurka Covid-19, iyagoo socod ku soo maray xadka u dhaxeeya degmoyinka Mandheera iyo Balad-xaawo maadama degmada Baladxaawa ay kutaalo Xuduudda dalalka Itoobiya iyo Kenya.

Sida ay warbaahinta Kenya ku warantay,ku dhawaad 8-kiis oo Cudurka Corono Virus ayaa laga sheegay magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya,taas oo kaabiga ku heyso Degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo

Qaar kamid ah Dhalinyarada Daryeelka Bulsho ee Degmada Balad-xaawo oo ah dhalinayaro iskood isku xilqaamay ayaa bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Degmada Balad-xaawo iyo nawaaxigeeda waxay Kaga digeen halista uu leeyahay cudurka Covid-19, waxana ay bulshada kula dardaarmeen in ay ku dadaalaan nadaafadda.

Qeybaha Bulshada Gaalkacyo Oo Soo Dhaweeyay Golaha Wasiirada Cusub Ee Galmudug

0

Kadib markii Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Abdi Kaariye uu magacaabay xubnaha Golaha Wasiirada Maamulkiis ayaa qaybaha bulshada magaalada Gaalkacyo waxa ay soo dhaweeyeen sida ay u arkaan dhismaha golahha Wasiirada Galmudug

Nabadoon Cabdikariin Maxamuud oo ka mid ah waxgaradka magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in Madaxweynaha Galmudug uu ka soo baxay hawlihii loo igmaday, isaga oo aad u soo dhaweeyey xubnaha golaha Wasiirada oo uu sheegay in ay yihiin kuwo wax ka badali kara hawlaha Galmudug.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa si wadajir u qiray inay soo dhaweynaaan Golaha Wasiirada Galmudug, iyagoo sheegay in wax weyn Galmudug laga qabtay, Madaxweynahana looga baahanyahay in uu dhamaystiro waxyaabaha u dhiman.

Golaha Wasiirada cusub ee Galmudug ee dhawaan uu soo magacaabay Madaxweynuhu ayaa looga fadhiyaa in ay la yimadaan wax qabad muuqda, iyada oo meela kamid ah gobolka aad looga taageeray dhismaha golaha wasiirada galmudug oo laga filayo in ay kasoo baxaan shaqada hortaala

 

Xiliga Uu Boris Johnson, R/Wasaaraha Ingiriiska Uu Shaqada Dib Ugu Laabanayo Oo Daaha Laga Rogay.

0

Xafiiska R/Wasaaraha Britain ee Downing Street ayaa shaaciyay in Boris Johnson uu maalinta berito ee Isniinta ah ay taariikhdu ku beegan tahay 27-ka bisha April 2020-ka uu  shaqada ku soo laaban doono.

Muddo laba todobaad laga joogo ayay ahayd markii uu ra’iisal wasaaraha ka soo baxay cisbitaal ku yaal London, halkaasi oo uu mar cudurka Covid-19 u galay qeybta xaaladda degdega ah.

Waxa uu saameynta xanuunka uga soo reysanayay hoygiisa rasmiga ah, halkaasi oo uu telefoonka kula hadlay Boqorad Elizabeth, golihiisa wasiiradda iyo Madaxweyne Trump.

Mr. Johnson ayaa xafiiska kusoo laabanaya xilli uu wajahayo dhaleeceyn ku aaddan qaabka uu ula tacaalay cudurka safmarka ah ee Covid-19.

Ilo wareedyo ka tirsan dowladdiisa ayaa sheegay inuu aad uga taxadari doono goorta iyo qaabka loo qaadayo xayiraadda saaran Britain ee uu keenay cudurka.

Xoghayaha Arrimaha Gudaha, Priti Patel, ayaa meesha ka saartay khafiifinta tallaaboyinka ay qaaday dowladda, kadib markii uu xoghayihii hore ee maaliyadda, Philip Hammond ku biiray dadka ku baaqaya in xukuumadda ay la timaado qorshe ay dib ugu hawlgelinayso dhaqaalaha dalka.

R/Wasaare Boris Johnson ayaa noqday hogaamiyihii ugu horreeyay ee dalalka awoodda leh ee uu ku dhacay cudurka karoona fayras.

In ka badan 20,000 oo qof ayaa Britain oo keliya cudurka ugu dhimatay, waxaana dalkaasi uu kamid yahay shanta dal ee ugu dhimashada badan caalamka.

 

Madaxweyne Farmaajo Oo Xil Ka Qaaday Guddoomiye K/Xigeennada Maaliyadda & Hawlaha Guud Ee G/Banaadir

0

Madaxweynaha Jamh.Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xeer uu soo saaray ku magacaabay Mudane Axmed Xasan Iimaan inuu noqdo Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee Gobolka Banaadir, halka Cumar Cali Cabdi loo magacaabay inuu noqdo Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Banaadir ee Hawlaha Guud.

“Madaxweynaha ayaa markii uu arkay in ay jirto baahi loo qabo in loo magacaabo Gobalka Banaadir K/xigeennada Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda iyo Hawlaha Guud. Markii uu tixgeliyay khibradda shaqo ee ay mudanayaashan xilkan loo magacaabayo u leeyihiin howlaha loo magacaabay waxa uu soo saaray xeerkan.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyay labada Guddoomiye K/Xigeen inuu Eebbe u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isaga oo kula dardaarmay inay si hufan u gutaan hawlaha baaxadda leh ee horyaalla,

Waxaa la baabi’iyay xeer kasta oo kan ka horreeyay oo ka hor imaanaya magacaabistan cusub, wuxuuna dhaqangalayaa maanta oo ah Axad, taariikhduna ay ku beegantahay 26-ka Abriil, 2020.

Dowladda Oo Xaqiijisay In Ay Soo Kordheen Xaalado Cusub Oo Covid-19 Ah

0

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada iyadoo gudanaysa waajibka ka saaran inay la wadaagto bulshada Soomaaliyeed hadba wixii kasoo kordha xaaladda Caabuqa COVID-19, waxay bulshada la wadaagaysaa xaalado cusub oo la xiriirta cudurka.

Baaritaanadii maanta la sameeyey, waxaa cudurka COVID-19 laga helay 46 qof.

Bayaan ay soo saartay Wasaaradda caafiaadka ayaa lagu sheegay in baaritaankii la sameeyay ay soo baxday in 46 qof oo horleh laga helay cudurka Coronavirus, taasi oo tirada guud ee laga helay cudurka ka dhigaysa 436 qof.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in cudurka COVID-19 ay u dhinteen 5 ruux, waxaana tirada guud ee dadka u dhintay cudurka ay noqoneysaa 23 ruux.

26 April 2020: Warbixinta COVID-19 ee Soomaaliya,

Waxaa cudurka COVID-19 laga helay 46 qof, waxaana ay kala yihiin sidatan:-

> Lab: 33

> Dhedig: 13

> Bogsasho: 0

> Dhimasho: 5

> Tirada Guud: 436

> Dhimashada Guud: 23

> Bogsashada Guud: 10