Wasiirka Warfaafinta Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Agaasimaha Madbacadda Qaranka

Date:

Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiis Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye”, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda iyo dhamaan Madaxda Wasaaradda Warfaafingta ayaa si wada jir ah uga tacsiyadeeyay geerida Alle ha u naxariistee Axmed Faarax Gaatamow oo ahaa Agaasimaha Madbacadda Qaranka oo caawa maqribkii Muqdisho ugu geeriyooday wadno xanuun.

Wasiir Maareeya ayaa guud ahaan bahda saxaafadda iyo ehelada uga tacsiyadeeyay geerida ku timid Allaha u naxariisto Marxuum Axmed Faarax Gaatamow oo horey xilal kala duwan uga soo qabtay Wasaaradda Warfaafinta, kuwaasi oo kala ahaa Agaasimaha Radio Muqdisho, Agaasimaha Wakaaladda Wararka Qaranka SONNA iyo Agaasimaha Madbacadda Qaranka.

Allaha u naxariistee Marxuum Agaasime Gaatamow waxa uu ahaa shaqsi howlkar ah oo in muddo ah ku soo dhex jiray Warbaahinta, waxaana uu culuumta saxaafadda ka bartay Jaamacadda Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....