Agab Caafimaad Oo Maanta Dowladdu Geeysay Dhuusamareeb

Date:

Mas’uuliyiin ka socota xafiiska R/Wasaaraha iyo xubno ka tirsan guddiga qaran ee ka hortagga COVID-19 ayaa maanta agab caafimaad geeyay magaalada Dhuusa Mareeb ee xarunta GalMudug.

Agabkan ayaa loo adeegsan doonaa sidii loo xakameyn lahaa safmarka Coronovirus, waana maamulkii sadexaad oo agabkan la gaarsiiyo.

Maamulada Koofur Galbeed iyo Hirshabeele ayaa horey loogu wareejiyay agabkan ka yimid dowladda federaalka Soomaaliya oo loogu talagalay in lagula tacaalo bushiga COVID-19.

R/Wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa amray in dhammaan maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir dowladdu gaarsiiso agab iyo maaliyad loo adeegsado ka hor tagga safmarka Coronovirus

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...