Wasaaradda Warfaafinta waxay si gaar ah u dhiirigalinaysaa doorka Xirfadlayda Saxaafadda Soomaaliya

Date:

Muqdisho .(SNTV):- Ugu horeyn Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiisku DFS ah waxay mar labaad u diraysaa Suxufiyiinta Soomaaliyeed hambalyo ku aadan 03 May maalinta Saxaafadda Aduunka, waxay fadliga Bishan Barakaysan ee Ramadaan u rajaynaysaa kheyr iyo Barwaaqo.

Intaas ka dib, isla xuskii shalay ee 3 May, kulamo ay yeesheen qaar ka mid ah ururada Suxufiyiinta waxay eed inteeda badan aanay waxba ka jirin u soo jeediyeen Dawladda Soomaaliya oo siyaasad ahaan iyo shuruuc ahaan u taagan ilaalinta xornimada Saxaafadda, Xoriyatul qawlka iyo u sahlida Suxufiyiinta xogta Dawladda.

Wasaarad ahaan waxaa qiraynaa in Suxufiyiinta Soomaaliyeed ku shaqeeyaan duruuf adag. Sida ay sheegeena ay kooxaha argagixisada ah ee Alshabaab kala kulmaan dil, handadaad iyo Cabudhin, dhibtaas oo aanay Argagixisadu ku hayn Suxufiyiinta oo keliya ee ay sidoo kale ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, Ganacsatada iyo xataa masuuliyiinta Dawlada maadaama ay yihiin cadow calaami ah oo aan cidna u tudhayn.

Dawladdda Soomaaliya waxay ka xuntahay, isla markaana cambaaraynaysaa nooc kasta oo xadgudub ah oo loo geysto xoriyada Saxaafadda iyo suxufiyiinta ku shaqeynaya qaab waafaqsan xirfada Saxaafadda iyo shuruucda dalka, Dawladda waxay diyaar u tahay in ay gacan buuxda ka geysato oo kala shaqeyso ururada Suxufiyiinta sidii loo hagaajin lahaa duruufaha ay ku shaqeeyaan Suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo madaxbanaanida Saxaafadda, taasoo aanay danni ugu jirin Suxufiyiinta oo kaliya ee sidoo kale ay dani ugu jirto dib u dhiska Qarannimada iyo kobaca Dimuqraadiyadda Soomaaliya ee curdinka ah.

Dawladda Soomaaliya waa Dawlad ku dhisan oo aaminsan sareynta sharciga, waxay si buuxda ugu hogaansan tahay Dastuurka iyo Shuruucda kale dalka oo dhamaantood damaanad qaadaya Madax banaanida Saxaafada iyo xoriyatul qowlka, iyo sidoo kala xeerarka iyo qaraarada caalamiga ah ee aanu qaybta ka nahay. Dhamaan hay’adaha Dawladda ee xidhiidhka la leh shaqada suxufiyiinta sida Booliska waxay ku amran yihiin ilaalinta xoriyada, madax banaanida iyo nabadgelyada Suxifiyiinta. Hase yeeshee maadaama dalku ka soo kabanayo burbur iyo nidaam xumo mudo dheer soo jirtay, isla markaana dagaal lagula jiro Argagixiso ku imaanaysa weji kasta oo ay waxyeelo ku geysan karto, waxaa mararka qaarkood dhici kara in Ciidamada nadabgelyadu hakiyaan Suxufiyiinta iyadoo ka taxadaraya badbaadada naftooda, mida ciidanka Booliska iyo shacabka.

Hadaba, eedaymaha ay ururada Suxufiyiinta qaarkood u jeediyeen Dawladda waa ku aan ku dhisnayn xaqiiqda dhabta ah ee Soomaaliya ka jirta, waa kuwo aan awood u lahayn in ay eedeeyaan cidda dilaysa weriyayaasha ama cabudhinaysa oo ah Argagixsada Alshabaab, waa kuwo aan marna xusin daruufta adag ee ay ku shaqeeyaan Ciidamada Nabadgelyadu iyo taageerada joogtada ah ee ay Ciidamadu maalin kasta siiyaan Suxufiyiinta si ay u gutaan waajibaadkooda,

Wasaaraddu markii ay u kuurgashay Cabashada iyo Eedaymaha waxaa u muuqatay in arrimaha qaar laga badbadiyey, Tusaale ahaan, Ururada hadlay waxay xuseen in Sanadkii tagay uu ahaa sanad u xun Suxufiyiinta mana sameyn wax is barbardhig ah, waxay sheegeen in loo diiday in ay helaan xogta ay u baahan yihiin iyagoo tusaale usoo qaatay xilligan uu jiro cudurka covid19 in aanay Dawladdu siinin xogtii ay u baahnaayeen, hase yeeshee la ogyahay in maalin kasta 5ta Galabnimo ay masuuliyiinta sarsare ee Dawladdu qabtaan shir jaraa’id oo u fasaxan in Suxufi kastaa yimaado, su’aashu uu qabano weydiiyo masuuliyiinta. Dawlad ahaan waxaanu aaminsan nahay in xoriyada Saxaafadda iyo suxufiyo kortay in ay jirtay Dawladda Nabad iyo Nolol marka la barbardhigo sanadihii ka horeeyey.

Ugu dambeyntii, Wasaaradda Warfaafintu waxay si gaar ah u dhiirigalinaysaa doorka Xirfadlayda Saxaafadeed ee maalinkasta utaagan quudinta dhagaha iyo indhaha Shacabka Soomaaliyeed. Wasaaraddu waxay soo dhowaynaysaa abuurista jawi wanaagsan oo u sahla Saxafiyiinta in ay si hufan u gutaan shaqadooda, iyadoo u aragta lagama maarmaan dhamaystirka Sharciga Saxaafadda iyo dhismaha Gudiga Warbaahinta Soomaaliyeed oo fure u ah helista nidaam lagu wada shaqeeyo oo ilaaliya Madax Banaanida Saxaafadda iyo suxufiga.

Wasaaraddu waxay u aragtaa in qaar ka mid ah fariimaha ay direen ururada hadlay ee Saxaafadeed aanay ku socon Dawladda iyo shacabka Soomaaliyeeed, maadaama aanay haba yaraatee jirin hal codsi ama cabasho oo si toos ah Ururada Saxaafadu ugu soo gudbiyeen Wasaaradda ama hay’adaha kale ee Dawladda. Wasaaradu waxay u soo jeedinaysaa Suxufiyiinta Soomaaliyeed in ay ka dheeraadaan in loo isticmaalo ujeedooyin ka baxsan Xirfadooda oo aanay ku milmin aragtiyada Siyaasadeed oo kala duwan, taasoo ah wax aan u wanaagsanayn xirfadooda iyo ku kalsoonaanta suxufiyiinta.

Halkan ka fiiri lifaaqa War-saxaafadeedka 

Jawaab Eedeyn

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tartamayaasha Degmada Caabudwaaq oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Laascaanood oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Bardaale oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Xamarweyne oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...