Home Blog Page 92

Wasiirka Howlaha Guud oo sheegay in Muqdisho laga hirgelin doono waddooyin tayo leh iyo biya mareenno waara

0

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska XFS, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay billaabayso mashaariic waaweyn oo horumarineed oo wax weyn ka tari doona dhismaha waddooyinka iyo xal u helidda biyo-mareenada Muqdisho, kuwaas oo xilli roobaad kasta caqabad ku ahaa isku socodka shacabka.

Wasiir Cilmi oo waraysi gaar ah siiyay Barnaamijka Raad Raac ee Warbaahinta Qaranka ayaa tilmaamay in mashruuca cusub ee lagu magacaabo “𝐍𝐀𝐆𝐀𝐀𝐃” hadda lagu tijaabiyay lix magaalo oo ay ka mid yihiin Muqdisho, Garowe iyo Hargeysa, isla markaana uu horseeday isbeddel muuqda oo dhanka bilicda, dhismaha waddooyinka iyo furista biyo-mareenada magaalooyinka.

Wasiirka ayaa sheegay in mashaariicda hadda ka socota dalka ay si weyn u beddeleen qaab-dhismeedka magaalooyinka, isla markaana ay sare u qaadeen bilicda iyo la jaanqaadka magaalooyinka caalamka, isagoo xusay in billowga bisha November Muqdisho lagu qaban doono shirkii ugu horreeyay ee dhismaha dalka, kaas oo ay ka qeyb-geli doonaan daneeyayaasha caalamka.

Wajiga koowaad ee mashruuca ayuu sheegay in diiradda lagu saari doona qodista biyo-mareennada dhulka hoostiisa, iyadoo qorshuhu yahay in laga sameeyo laga billaabo isgoyska Number Afar ilaa xeebta Liido, mashruucan oo ku kacaya in ka badan $50 milyan.

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska XFS, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa sheegay in mashruucan si rasmi ah loo billaabi doono horraanta sanadka 2026, taas oo meesha ka saaraysa cimriga gaaban ee waddooyinka Muqdisho oo roobabku burburin jireen.

“Dowladdu waxay samaysay qorshe cad oo xalka waara ah, waxaana mashaariicda waddooyinka caasimadda keliya ku baxay ku dhowaad $1 bilyan, tani waa billow cusub oo rajada iyo riyooyinka shacabka Soomaaliyeed u beddelaya xaqiiqo la taaban karo,” ayuu yiri Wasiir Cilmi.

 

Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmay dhiggiisa dalka Sweden

0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qaabilay dhiggiisa Boqortooyada Sweden, Mudane Pål Jonson oo booqasho rasmi ah ku yimid dalka.

Kulanka labada Wasiir ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Sweden, gaar ahaan dhinacyada ammaanka, iyo taageerada dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada.

Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyay Dowladda Sweden dhinacyada kala duwan ee ay Soomaaliya ka caawiyaan, isagoo xusay in xiriirka labada dal uu ku saleysan yahay iskaashi saaxiibtinimo iyo dan guud oo ku wajahan xasillinta gobolka.

Dhankiisa, Wasiirka Gaashaandhigga Sweden ayaa ku ammaanay Dowladda Federaalka Soomaaliya dadaalka ay ku bixineyso sugidda nabadda iyo guulaha ay ka gaartay dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, isagoo ballan qaaday in dalkiisu sii wadi doono taageerada iyo horumarinta xirfadda ciidamada Soomaaliyeed.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga oo Garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Wasiirka difaaca Sweden

0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cumar Cali Cabdi, ayaa maanta kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde International Airport, Wasiirka Gaashaandhigga Boqortooyada Sweden, Mudane Pål Jonson iyo wafdi uu hoggaaminayo, kuwaas oo booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho.

Inta uu ku sugan yahay Muqdisho, Wasiirka Gaashaandhigga Sweden waxa uu kulamo la yeelan doonaa madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo uu ka mid yahay Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, si ay uga wada hadlaan xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinaca difaaca iyo amniga.

 

 

 

 

Kulan looga hadlayay Isu-duwidda Maareynta Masiibooyinka oo lagu qabtay Muqdisho

0

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka SoDMA iyo UN Women ayaa magaalada Muqdisho ka furay kulan looga hadlayay Isu-duwidda Maareynta Masiibooyinka iyo xoojinta doorka iyo ka-qaybgalka haweenka.

Kulankaan waxuu qayb ka yahay dadaallada lagu xaqiijinayo in jawaabaha iyo qorshayaasha la xiriira musiibooyinka dalka ay noqdaan kuwo ay Haweenku si buuxda uga qayb qaataan, si loo hubiyo ka mid noqoshadooda go’aamada iyo howlaha la xiriira gurmadka iyo isu-duwidda xaaladaha degdegga ah.

Shirka waxaa furtay Agaasimaha Guud ee Hay’adda SoDMA, Marwo Luul Axmed Galwo, iyadoo sheegtay in Haweenku ay door muhiim ah ku leeyihiin hawlaha gurmadka iyo ka hortagga musiibooyinka, iyadoo xustay in tababarradan iyo kulamadan ay muhiim u yihiin dhisidda awoodda haweenka ee hoggaanka iyo maamulka masiibooyinka dalka.

Ugu dambeyn, Xalima Yuusuf Xasan, Agaasimaha Waaxda Gender-ka ee SoDMA, ayaa sheegtay in kulankan uu yahay mid lagu horumarinayo fahamka iyo dhaqangelinta siyaasad cad oo lagu xoojinayo doorka Haweenka, isla markaana kor loogu qaadayo awooddooda hoggaamineed ee goobaha shaqada iyo bulshada.

Wasiirka Qoyska oo Geneva kulamo kula yeelatay qaar ka mid ah danjirayaasha caalamka ee QM

0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya danjire Khadiija Maxamed Al-Makhzuumi ayaa magaalada Geneva kulammo gaar ah kula qaadatay qaar ka mid ah safiirrada dalalka caalamka u fadhiya xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva.

Kulammadan ayaa qayb ka ah ololaha ay Soomaaliya ka waddo magaalada Geneva, halkaas oo uu ka socdo Shirweynaha 60-aad ee Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobay (UN Human Rights Council).

Kulanka koowaad, Wasiiraddu waxay la yeelatay H.E. Naser Abdullah Alhayen, Safiirka Dowladda Kuwait ee Geneva. Kulanka labaadna waxay la qaadatay H.E. Dr. Hend Abdulrahman Al Muftah, Safiirka Dowladda Qatar ee Geneva, halka kulanka saddexaadna ay la yeelatay H.E. Ambassador Burak Akçapar, Safiirka Dowladda Turkey ee Geneva.

Safiirrada dalalkaasi waxay dhamaantood muujinayeen taageero buuxda oo ay u hayaan dadaallada ay Soomaaliya ku doonayso in ay dib u soo ceshato doorkeeda iyo madax-bannaanideeda ku aaddan waajibaadka qaran ee xuquuqul insaanka, ka dib muddo 30 sano ah oo ay ka maqneyd maareynta madax-bannaan ee arrintan muhiimka ah.

Dadaalladan ayaa qayb ka ah qorshaha ballaaran ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku wajahan soo celinta kaalinteeda firfircoon ee Qaramada Midoobay, iyo xaqiijinta horumar ku dhisan ilaalinta xuquuqda aadanaha, caddaaladda iyo sinnaanta bulshada.

Waxaa la filayaa in maalinta Arbaco, 8-da Oktoobar 2025, la qabto codbixinta Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay, taas oo Soomaaliya ay u tartamayso xubinnimo, iyadoo ololahan uu qayb weyn ka yahay dadaallada iyo kulammada diblumaasiyadeed ee ay Wasiiraddu hoggaamineyso.

Safiirka JFS ee Aljeeriya oo kulan la qaatay Taliyaha Guud ee Booliska dalkaas

0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Aljeeriya, Danjire Yusuf Axmed Xasan (Yusuf Jeego), ayaa kulan muhiim ah la qaatay Taliyaha Guud ee Booliska Qaranka Aljeeriya, Mudane Cali Badaawi.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinaca ammaanka, gaar ahaan horumarinta awoodda booliska Soomaaliyeed. Labada dhinac ayaa ka wadahadlay kor u qaadidda tababarada gaarka ah, dhismaha hay’adaha booliska, iyo horumarinta hababka casriga ah ee baarista dembiyada, sida baarista faraha, DNA-da iyo goobaha dembiyada.

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada socda ee lagu xoojinayo xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga amni ee Soomaaliya iyo Aljeeriya.

40-sanno ka dib Sarkaal Soomaali ah oo ka qalin-jabiyay Akademiyada Ciidanka UK

0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qayb galay munaasabad lagu maamuusayay Dhamme Maxamed Muuse Maxamed, oo noqday sarkaalkii ugu horreeyay ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee 40 sano ka dib ka qalinjabiyay Akaadeemiyada Ciidammada Boqortooyada Ingiriiska ee Sandhurst (Royal Military Academy Sandhurst).

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya, Danjire Charles King, U-qeybsanaha Ciidanka ee Safaaradda UK, Captain James Edwards, Taliye-ku-xigeenka Ciidanka Dhulka XDS, S/Guuto Cabdullaahi Aadan Xuseen (Cirro), iyo saraakiil ka socday CXD, Wasaaradda Gaashaandhigga, iyo Safaaradda Ingiriiska.

Wasiir Fiqi ayaa u hambalyeeyay Dhamme Maxamed Muuse, isagoo ku bogaadiyay dadaalkiisa iyo sida ay uga go’an tahay kor u qaadista aqoonta iyo xirfadda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa sidoo kale bogaadiyay doorka Dowladda Boqortooyada Ingiriiska iyo taageerada ay siiso Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, tababarrada ciidamada, iyo xoojinta hay’adaha difaaca.

 

Ciidanka NISA oo cashar u dhigay Khawaarijtii weerartay Godka Jilacow

0

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Hay’adda NISA ee Gaashaan ayaa xalay door lama ilaabaan ah ka qaatay howlgalkii lagu soo afjarayay koox ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab ee weerar fulaynimo ah ku qaaday xarunta iyo xabsiga Godka jilacow oo ay leedahay Hay’adda NISA, iyaga oo aan kala reebeyn shacab, maxaabiis iyo ciidankii ammaanka ee goobta ku sugnaa.

Argagixisada Al-Shabaab ayaa weerarka u adeegsaday gaari walxaha qarxo laga soo buuxiyay, kadibna waxa ay bilaabeen in ay si aan kala sooc laheyn oo axmaqnimo ah ay uridaan rasaas iyaga oo aan wax dan ah ka laheyn shacabka soomaaliyeed ee deggan hareeraha Xabsiga iyo kuwii Wadada marayay toona.

Geesiyada Gaashaan oo si degdeg ah uga jawaabtay weerarkaas ayaa daqiiqado kooban kusoo afjartay argagixisadii nafla caariga aheyd ee ku dhuumaaleysanaayay goobo ka baxsan aaggaga muhiimka ah ee xarunta Godka Jilicow,miyaa oo toogtay shaman 7-dii Dhagarqabe ee weerarka argagixisonimo soo qaaday.

Ciidamada Gaashaan, ayaa sidoo kale waxa ay badbaadiyeen Maxaabiis gaareysay ilaa 85 xubnood, iyo sidoo dad shacab ah oo goobta la weeraray ku go’doonsanaa.

Howlgalkii xalay ee sifeynta argagixisada Khawaarijta ayaa kusoo dhamaaday guul iyada oo ciidankii geesiyada ahaa ee Gaashaana uusan wax qasaaro ah kasoo gaarin.

Ciidanka Gaashaan ee Hay’adda NISA oo ah ciidan ku caan ah soo afjaridda weerarada argagixiso ee noocaan ah ayaa waxa ay mar kale muujiiyeen geesinimo iyo karti dagaal oo dhif iyo naadir ah iyaga oo ka dhabeynaya magacooda iyo dhaartii ay ku mareen in ay gaashaan uga noqdaan shacabka Soomaaliyeed ee wajahaya halista aan loo Aabe-yeelin ee argagixisada.

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo la kulmay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub

0

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxames Aadan Macallin ( Soomaali), ayaa maanta kulan la yeeshay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya, Amb.Francesca Di Mauro,

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub, gaar ahaan dhinacyada isgaarsiinta, horumarinta dijitaalka, iyo amniga internetka.

Wasiirka isgaarsiinta dalka mudame Maxames Soomaali ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Wasaaradda, gaar ahaan mashruuca dhowaan la soo gabagabeeyay ee “Initiative for Digital Government and Cybersecurity (IDGC) for the Horn of Africa”, oo uu maalgeliyay Midowga Yurub, kaas oo diiradda saaray horumarinta e-dowladda iyo amniga dijitaalka ee dalalka gobolka.

Dhankeeda, Danjiraha cusub ee Midowga Yurub, Amb. Francesca Di Mauro, ayaa xaqiijisay in Midowga Yurub uu sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya, iyadoo carabka ku dhufatay muhiimadda ay leedahay horumarinta dijitaalka, xirfadaha dhallinyarada, iyo mashaariicda lagu xoojinayo isku xirka gobolka iyo maalgashiga tiknoolojiyadda cagaaran.

Kulankan udhexeeyey wasiirka wasaaradda isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Soomaali iyo safiirkaMidowga Yurub ayaa muujinaya sida ay labada dhinac uga go’an tahay xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya labada dhinac, si loo horumarinta dijitaalka, amniga internetka, iyo horumarinta adeegyada casriga ah ee dowladnimada.

 

Cutubyo ka tirsan Kumaandooska oo loo xiray tababar aqoon-kororsi ah

0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kormeeray bandhig ay sameeyeen cutubyada sida gaarka ah u tababaran ee CXD oo soo gabagabeeyay tababar ay ku qaadanayeen Kulliyadda Tababarka Ciidamada ee TURKSOM.

Wasiirku waxa uu ku bogaadiyay ciidamada gaarka ah dadaalkooda iyo u diyaargarowgooda difaaca dalka iyo la-dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah.