Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo goorhaw ka furmaya Muqdisho

Date:

Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ka furmaya Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed, oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Shirkan waxaa ka qeybgalaya wafuud ka badan 300 oo ah culimada Soomaaliyeed oo ka kala yimid daafaha caalamka, madax ka socota dowladda iyo marti-sharaf kale.

Inta uu socdo shirka waxaa lagu falanqeyn doonaa qodobo ay ka mid yihiin midnimada shacabka Soomaaliyeed iyo sida bulshada loogu baraarujin karo muhiimadda iyo faa’iidada ay leedahay midnimadu.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, Ibraahim Aadan Nadaara, oo faahfaahin ka bixiyay Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in shirkan uu yahay mid sanadkiiba mar ay isugu yimaadaan culimada Soomaaliyeed, loogana hadlayo arrimaha ku saabsan midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Qaar ka mid ah culimada soomaaliyeed oo ka qeybgalaysa shirka ayaa la hadlay warbaahinta Qaranka.

Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Ibraahim Shakuul: “Marna ma bannaana in dad walaalo ahi ay si macno-darro ah isku dilaan.”

Sheekh Mustafa iyo Sheekh Maxamed Dulmidiid: “Culimada ha yimaadaan baraha bulshada oo ha ka wacyigeliyaan dadka fitnada qabaa’ilka.”

Sheekh Usuuli: “Shirweynahan sanadkan wuxuu ku soo aaday xilligii ugu habboonaa, si aysan u kala dhantaalmin midnimada bulshada.”

Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Cumar Sheekh Axmed Diinle: “Culimada Soomaaliyeed aad bay uga xun yihiin in maanta dadkeenna ay isku laayaan qabyaalad iyo qabaa’il.”

Shirkan wuxuu imaanayaa xilli maalmihii dambe culimada Soomaaliyeed ay Muqdisho iyo gobollada dalka ka wadeen wacyigelin la xiriirta colaadaha u dhexeeya beelaha walaalaha ah ee ku wada nool qeybo ka mid ah dalka. Waxaana uu qeyb ka yahay dadaallada wacyigelineed ee culimadu ay wadaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...