Home Blog Page 93

Cutubyo ka tirsan Kumaandooska oo loo xiray tababar aqoon-kororsi ah

0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kormeeray bandhig ay sameeyeen cutubyada sida gaarka ah u tababaran ee CXD oo soo gabagabeeyay tababar ay ku qaadanayeen Kulliyadda Tababarka Ciidamada ee TURKSOM.

Wasiirku waxa uu ku bogaadiyay ciidamada gaarka ah dadaalkooda iyo u diyaargarowgooda difaaca dalka iyo la-dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah.

 

Madaxweynaha JFS oo maanta gaaray magaalada Kismaayo

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Jubaland.

Inta uu ku sugan yahay magaalada Kismaayo, Madaxweynaha wuxuu sii wadi doonaa wadatashiyada ku aadan geeddi-socodka dowlad-dhiska dalka.

Safarka Madaxweynaha wuxuu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee Madaxweynaha iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu jiraan adkeynta midnimada dalka, kor u qaadidda isfahamka iyo mideynta aragtiyada ku saabsan mustaqbalka Soomaaliya.

Ciidanka Xoogga oo howlgallo miino baaris ah ka wada degmada Awdheegle

0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya Ciidamada AUSSOM ayaa maanta hawlgallo miino baaris ah ka wada magaalada Awdheegle ee Gobolka Shabeellada Hoose, kadib markii Kooxdii Khawaarijta ay miinooyin ku aaseen Waddooyinka, hareeraha magaalada iyo guryaha shacabka.

Hawlgalka ayaa si gaar ah diiradda loogu saarayaa in la baabi’iyo dhammaan waxyaabaha qarxa ee khatar ku ah nolosha shacabka iyo Ciidamada, si bulshada deegaanka ay ugu laabtaan guryahooda si nabad ah.

Ciidamada Xoogga Dalka iyo AUSSOM ayaa sidoo kale sameynaya baaritaanno dheeraad ah oo lagu xaqiijinayo in magaalada laga sifeeyo haraadiga Khawaarijta ah, taas oo qeyb ka ah howlgal ballaaran oo lagu sugayo amniga degmada Awdheegle iyo deegaannada hoos yimaada.

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo si rasmi ah u furay Maalinta Soomaaliya ee Bandhigga Adduunka Expo 2025 oo lagu qabtay Osaka

0

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Xildhibaan Isaaq Maxamuud Mursal, ayaa si rasmi ah u furay Maalinta Soomaaliya ee Bandhigga Caalamiga ah Expo 2025 ee ka socda Osaka, Japan.

Munaasabadda oo lagu soo bandhigay dhaqanka, hiddaha iyo suugaanta Soomaaliyeed ayaa soo jiidatay marti badan oo caalami ah, iyadoo muujisay muuqaalka cusub ee Soomaaliya ee fagaaraha dunida. Wasiir Isaaq Mursal ayaa khudbaddiisa ku adkeeyay in dhaqanka iyo gobannimada ay yihiin astaanta shacabka Soomaaliyeed, isla markaana uu dalku ku tallaabsaday horumar iyo isbeddel ku dhisan Qorshaha Isbeddelka Qaranka iyo Aragtida 2060.

Danjire Yasushi Misawa, ku-xigeenka guddoomiyaha Expo 2025, ayaa amaanay ka qeybgalka Soomaaliya, isagoo sheegay in ay tahay dal leh fursado badan iyo dhaqan soo jiidasho leh.

Wasiir Fiqi: “Wasaaradda Difaaca waxaa u qorsheysan in agoonta shuhadadii CXD Loo sameeyo hay’ad gaar ah oo ka shaqeysa xanaaneyntooda”

0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in Wasaaradda Difaacu ay qorsheyneyso in agoonta shuhadadii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed loo sameeyo hay’ad gaar ah oo ka shaqeysa xanaaneyntooda.

“Wasaaradda Difaaca waxaa u qorsheysan in agoonta shuhadadii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed loo sameeyo hay’ad gaar ah oo ka shaqeysa xanaaneyntooda, mar dhow ayaana Golaha Wasiirrada horgeyn doonaa sharciga hay’addaas,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiirka oo ka hadlayay munaasabad tababar loogu soo xirayay saraakiil iyo saraakiil xigeen ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa xusay in sharcigaas dhowaan la horgeyn doono Golaha Wasiirrada, isagoo carrabka ku adkeeyay in aysan dayaci doonin carruurta shuhadada geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa tilmaamay sida ay Xukuumaddu uga go’an tahay tayeynta, qalabaynta iyo joogteynta tababarada Ciidanka Xoogga Dalka, si loo helo ciidan awood u leh ciribtirka kooxaha argagixisada iyo difaaca madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ciidamada amniga oo soo afjaray weerarkii Xarunta Baarista Jilacow

0

kooxda Khawaarijta Al-Shabaab ayaa weerar fulaynimo ah ku soo qaaday Xarunta Baarista Jilacow oo ah goob lagu baaro eedeysanayaasha ka tirsan kooxaha argagixisada.

Ciidamada amniga ayaa ku guuleystay in muddo kooban gudaheed ay ku soo afjaraan weerarkii argagixisadu qaaday, ayna toogtaan dhammaan dhagarqabayaashii weerarka fuliyay, kuwaas oo tiradoodu ahayd toddobo (7) xubnood.

Waxaa xusid mudan in argagixisadu adeegsadeen gaari nooca Cabdi-Bilaha ah oo ay ku buufiyeen midabka iyo astaanta ciidamada amniga, islamarkaana ay xirnaayeen darees u eg direyska ciidamada. Tani waxay u suurto galisay inay si sahlan uga gudbaan baraha koontarool ee laga ilaaliyo amniga caasimadda, maaddaama aan baaritaan rasmi ah lagu sameyn gaadiidka ciidamada qalabka sida. Arrintan ayaa muujinaysa baahida degdegga ah ee loo qabo hubinta iyo xakamaynta gaadiidka lagu rinjiyey midabka ciidamada ee gudaha caasimadda. Waxaa lama huraan ah in si buuxda loo dhaqan geliyo xeerarka, habraacyada iyo go’aannada maamulka ee khuseeya amniga caasimadda iyo xakameynta hubka.

Weerarka argagixiso ee galabta dhacay wuxuu ka tarjumayaa rafashada cadawga argagixisada ah ee shalay, 03-da Oktoobar 2025, jab xooggan loogu geystay gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo laga xoreeyay deegaannada Awdheegle, Raqayle, Shaangarre iyo Malabo. Sidoo kale, 24-kii saac ee la soo dhaafay, duqeymo culus oo ka dhacay deegaannada Jilib, Mubaarak, Ugunji iyo Kuunya-Barrow ayaa lagu dilay horjoogayaal waaweyn oo ka tirsan kooxda Khawaarijta, oo uu ka mid yahay ku-xigeenkii madaxa guud ee Amniyaadka kooxda Al-Shabaab, ahaana madaxa adeegga iyo soo iibinta walxaha qarxa, dhagarqabe Maxamed Cusmaan Maxamed (Tuutax).

Ugu dambeyn, waxaa la farayaa hay’adaha amniga in ay si buuxda u dhaqan geliyaan:

• Xeerka Amniga Xarumaha Dowladda (X.Lr. 134)

• Xeerka Amniga Xarumaha Gaarka ah (X.Lr. 135)

• Xeerka Xakameynta Hubka Caasimadda (X.Lr. 123)

Waxaa si gaar ah loo farayaa hay’adaha amniga in ay si adag u xakameeyaan dhaqdhaqaaqa hubka iyo gaadiidka ciidamada ee gudaha caasimadda.

Waxaan tacsi u direynaa ehellada iyo ciidamada amniga ee ay ka shahiideen geesiyaashii ka hortagay weerarkii argagixisada, halka inta dhaawaca ah aan u rajeyneyno caafimaad degdeg ah.

Muqdisho oo maanta dib loo furayo in ka badan 50 wado oo u xirnaa sababo Amni

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka dib u furaysa qaar ka mid ah waddooyinka magaaladda Muqdisho oo sanadihii u dambeeyey u xirnaa sababo amni,furista waddooyinka ayaa timid ka dib markii dowladda ku guulaysatay sugista amniga Caasimadda.

Ra’iisulwasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya oo uu wehliyo guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo madax kala duwan ayaa goordhow furi doona 50 wado oo ka mid ah kuwa ugu muhiimsan caasimadda.

Shacabka caasimadda ayaa si weyn u soo dhoweeyey furista waddooyinka iyo sida balaaran ee dowladda ugu guulaysatay sugista amniga caasimadda.

In waddooyinka xirnaa la furo ayaa ka dhigan guul weyn oo ay gaareen haya’addaha u xilsaaran sugidda amniga caasimadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo goordhow furaya Shirka staraatijiyadda iskaashiga ganacsiga Soomaaliya iyo Maraykanka

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow Muqdisho ka furi doona shirka Qorshaha iskaashiga ganacsiga ee Maraykanka iyo Soomaaliya.

Shirkan ayaa looga hadlayaa iskaashiga ganacsiga ee dalalka Maraykanka iyo Soomaaliya iyadoo shirka uu socon doono mudo laba maalmood ah.

Shirkan ayaa waxa ka soo qayb gelaya madaxda kala duwan ee dowladda Federaalka Soomaaliya,masuuliyiin ka socota Dowladda Maraykanka,ganacsato iyo qaybaa kala duwan ee bulshadda.

Maraykanka iyo Soomaaliya ayaa leh xiriir qotodheer oo ku dhisan dhinacyada iskaashiga ganacsiga,amniga iyo Siyaasadda ah.

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo la wareegay Degmada Awdheegle

0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo gacan ka helaya howlgalka AUSSOM si gaar ah qeybta Ciidamada Uganda ayaa goordhaw la wareegay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose sida lagu xaqiijiyey bayaan ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga xukuummadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxay Shalay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Kooxda Khawaarijta ka xoreeyeen tuulooyin kala ah Shaamgare iyo Raqayle oo ka tirsan Degmadda Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Kooxda khawaarijta ayaa badi ba laga saaray godadkii ay kaga dhuumanayeen gobolka shabeellaha Hoose.

Ra’iisulwasaare ku-xigeenka XFS oo si weyn loogu soo dhaweeyey dalka Maraykanka

0

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka halkaas oo uu kula kulmi doono jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool gobolkaas.

Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa inta uu joogo Minnesota waqti la qaadan doona bulshada Soomaaliyeed ee gobolkaas ku dhaqan, isaga oo warbixin ka siin doona xaaladda guud ee dalka, horumarka laga gaaray dhinacyada kala duwan, sida amniga, dhaqaalaha, la dagaallanka Khawaarijta iyo dadaallada dowladda ee dib u dhiska, nabadeynta, iyo horumarinta adeegyada bulshada.