Home Blog Page 91

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Shir Guddoomiyey Kulanka Guddiga Joogtada ah.

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa shir guddoomiyey kulanka 9-aad ee Guddiga Joogtada, kaas oo ka dhacay xarunta Villa Hargeysa.

Guddoomiyaha ayaa furitaanka kulanka ku bogaadiyey guddiyada Golaha Shacabka dadaalladooda ku aaddan diyaariyeynta shuruucda iyo kulamada la xisaabtanka ah ee lala yeesho wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda.

Sidoo kale, Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe wuxuu warbixin ka siiyey Guddiga Joogtada shirkii Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Urur-Goboleedka Bulshada Bariga Afrika ee ka dhacay magaalada Kampala, Uganda, halkaas oo lagu doortay inuu noqdo Guddoomiyaha Golaha Guddoomiyaasha Baarlamaanada Ururkaasi. Waxaa sidoo kale lagu go’aamiyey in Soomaaliya martigeliso shir sanadeedka bartamaha 2026.

Ugu dambeyn, xubnaha Guddiga Joogtada ayaa guddi kasta ka dhageystay warbixinno la xiriira shuruucda horyaalla, waxaana lagu sameeyay ajendeyn iyo jadwaleyn rasmi ah kulamada Golaha ee toddobaadka soo socda.

Guddoomiyuhu wuxuu ugu dambeyn ku dardaarmay guddiyada in ay dardargeliyaan shaqada sharci dejinta si waajibaadka Golaha Shacabku u noqdo mid si buuxda u shaqeeya.

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintiisa afaraad.

0

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo ka socda magaalada Muqdisho ayaa galay maalintiisa afaraad, iyadoo maanta lagu soo bandhigay dood cilmiyeedyo muhiim ah oo diiradda lagu saarayo mowduucyada la xiriira dowlad-wanaagga, la-dagaallanka fikradaha xagjirka ah, iyo saameynta taban ee dagaallada qabaa’ilka ku leeyihiin midnimada bulshada iyo amniga dalka.

Kulanka maanta waxaa goobjoog ka ah Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, iyo sidoo kale qaar ka mid ah Wasiirrada dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, xildhibaanno, aqoonyahanno iyo culumo ka kala yimid dalka iyo dibadda.

Doodaha cilmiyeedka ayaa ujeedkoodu yahay sidii loo xoojin lahaa wadajirka bulshada Soomaaliyeed loona horumarin lahaa doorka culimada ee ku aaddan wacyigelinta, ka hortagga xagjirnimada, iyo dhiirrigelinta nabadda. Waxaa sidoo kale xoogga la saarayaa kaalinta diinta Islaamka ay ku leedahay nabadeynta iyo garsoorka caddaaladda ku dhisan.

Shirweynahan ayaa noqonaya mid gogol xaar u ah isu-duwidda dadaallada culimada Soomaaliyeed ee ku aaddan ka qeyb qaadashada nabadeynta iyo horumarinta dalka.

NISA oo gacanta ku dhigtay shabakad Khawaarij ah oo ka Kooban 11 dhagar-qabe.

0

War-saxaafadeedka.

Muqdisho, 27 Nofeembar 2025 Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa gacanta ku dhigay shabakad Khawaarij ah oo ka kooban 11 dhagar-qabe, kuwaas oo ku howlanaa falal argagixiso isla markaana ku dhuumaaleysanayay Muqdisho iyo deegaano ka tirsan gobollada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

Dhagar-qabeyaashan ayaa Khawaarijtu u soo diyaarisay in ay fuliyaan shirqoollo argagixiso, falal basaasnimo, iyo in ay isku dhex qariyaan shacabka. Hase yeeshee, Sirdoonka Qaranka oo hayay xogtooda dhammeystiran ayaa mid mid u soo qabtay, iyadoo qaar ay gacanta kula jireen falal argagixiso xilligii la qabtay.

Xubnahan Khawaarijta ah waxaa loo gudbin doonaa hay’adaha ku shaqada leh si loo marsiiyo sharciga.

Fadlan Muwaadin Wixii khatar amni ah ama xog la xiriirta Khawaarijta Al-Shabaab/Daacish, la wadaag NISA adigoo wacaya.

199 / 0770747474 / 0620545454.

Duqa Muqdisho oo ka qeybgalay doorashada Xoghayaha Ururka Magaalooyinka Carabta.

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa ka qaybgalay shir fogaan-arag ah oo lagu dooranayay Xoghayaha Guud ee Ururka Magaalooyinka Carabta.

Ururkan oo u taagan horumarinta wada-shaqeynta, is-dhaafsiga khibradaha iyo isku xirka maamullada magaalooyinka Carabta, ayaa doorashada Xoghayaha Guud ku qabtay shir ay ka qeyb galeen madaxda caasimadaha xubnaha ka ah ururkaas.

Mudane Badr Waill Bad Al-Ijail Al-Askar ayaa loo doortay Xoghayaha Guud, isaga oo xilkaasi u hayn doona muddo-xileedka cusub, waxaana isla shirkaas lagu ansixiyay barnaamijyo horumarineed oo uu hoggaamin doono.

Dr. Muungaab ayaa ku biiray madaxda kale ee hambalyeysay Xoghayaha cusub, wuxuuna ballanqaaday in Gobolka Banaadir iyo Dawladda Hoose ee Muqdisho ay si dhow ula shaqeyn doonaan hoggaanka cusub ee ururka.

Ururka Magaalooyinka Carabta ayaa la aasaasay 1967, xaruntiisana waxay tahay dalka Kuwait. Waxa uu yahay madal horumarineed oo u taagan kobcinta magaalooyinka Carabta.

Guddiga Horumarinta adeegga Bulshada ee Aqalka Sare oo kormeer ku tagay Hay’adda SoDMA.

0

Guddiga Horumarinta adeegga Bulshada, arrimaha bani’aadanimada, warfaafinta iyo dhaqanka Aqalka Sare, ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinya Qaranka SoDMA.

Xubnaha Guddiga oo uu halkaas ku soo dhaweeyay guddoomiyaha SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa ugu horrayn wax ay ka dhegeystay warbixin guud oo la xiriirta howlaha iyo waajibaadka Hay’adda caqabadaha iyo dhibaatooyinka bini’aadamnimo ee ka jira dhammaan dalka ama la filan karo xilliyada dhow.

Intaas kadib xubnaha Guddiga oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Sanatar Cismaan Maxamuud Maxamed Dufle, ayaa ku bogaadiyay madaxda hay’adda shaqada baaxadda leh ee ay Qaranka u hayaan iyo kaalintooda wax ku oolka ah, isagoo sheegay in ka guddi ahaan aya kala shaqeyn doonaan waxyaabaha kaga aaddan caqabadaha ay ka dhageysteen iyo talooyinka kale ee ay u soo jeediyeen.

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga todobaad kulankiisa 15-aad, waxaana shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Kulanka oo ku furmay 140 Xildhibaan, ayaa ajendihiisu waxa uu ahaa akhrinta labaad ee Heshiiska Aas-aasida Ciidanka Heeganka ah ee Bariga Afrika oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Difaaca Dalka, kaasoo hore akhrinta koowaad usoo maray islamarkaana uu kasoo shaqeeyey Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah oo kaashanaya Guddiga Difaaca.

Intaasi ka dib Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa ka dooday qodobada heshiiska, iyagoo su’aalo ku saabsan muhiimada iyo ahmiyadda uu dalka u leeyahay heshiiska weydiiyey Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhiga oo kulanka joogay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa faray guddiyada ku shaqada leh heshiiskan in ay soo diyaariyaan akhrinta sedaxaad ee heshiiskan islamarkaana dib ugu soo celiyaan golaha si cod loogu qaado.

Ugu dambeyn Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa loo qeybiyey akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Daawada.

Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kulan lagu qiimeeyay horumarka Caddaaladda iyo Asluubta.

0

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u soo xiray kulan heer sare ah oo uu yeeshay Guddiga Hagista Barnaamijka Caddaaladda iyo Asluubta. Kulankaas ayaa lagu qiimeynayay horumarka barnaamijka sannadka 2025.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirrada Caddaaladda ee Dowlad-Goboleedyada, mas’uuliyiin ka tirsan Garsoorka, iyo hay’adaha caalamiga ah sida UNDP, UNODC, UNSOM, Midowga Yurub iyo bah-wadaagta kale ee taageera dib-u-habeynta caddaaladda.

Wasiir Xasan Macallin ayaa sheegay in kulanka uu yahay fursad lagu falanqeeyo guulaha la gaaray, caqabadaha taagan iyo dejinta jihada istiraatiijiga ah ee sannadka 2026.

Waxaa lagu soo bandhigay horumarro ay ka mid yihiin:

– Kordhinta adeegyada caddaaladda ee dowlad-goboleedyada

– Dib-u-habeynta siyaasadda xallinta khilaafaadka dhaqanka iyo shareecada.

– Tababbarro lagu tayeynayo garsoorayaasha.

– Horumar lagu sameeyay maamulka xabsiyada iyo adeegyada daryeelka maxaabiistaWasiirku wuxuu ammaanay bah-wadaagta gudaha iyo caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha caddaaladda, isagoo adkeeyay in dib-u-habeynta caddaaladda ay tahay tiir muhiim u ah dowladnimada iyo xaqiijinta cadaalad loo siman yahay.

Waxaa maalintii seddexaad galay shirweynahan Culimada Soomaaliyeed.

0

Shirweynahan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS, ayaa maanta diiradda lagu saaray dood cilmiyeedyo kala duwan oo ku saabsan kaalinta dowlad-wanaagga ee xasilloonida iyo horumarinta bulshada. Sidoo kale, waxaa lagu soo bandhigay dooddo gaar ah oo lagaga hadlayo horumarka amniga dalka iyo Waxaa maalintii seddexaad galay shirweynahan Culimada Soomaaliyeed.  guulaha ciidamada Xoogga Dalka ay ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

Shirweynaha waxaa maanta ka qeyb galaya Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS, Sheekh Mukhtaar Roobow, Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, culumaa’udiin ka kala yimid gudaha iyo dibadda dalka.

Ka qeyb-galayaasha ayaa sidoo kale qeyb ka ah doodaha, iyagoo su’aalo weydiinaya culimada, borofasoorada iyo aqoonyahanada ka qeyb qaadanaya dooda.

Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Qaahira ee dalka Masar. Safarkiisa ayaa la xiriira ka qeyb galka Shirka 55-aad ee Golaha Wasiirrada Warfaafinta dalalka Jaamacadda Carabta.

Inta uu joogo Qaahira, Wasiirka ayaa kulammo la qaadan doona dhiggiisa Carbeed, wuxuuna diiradda saari doonaa sidii Soomaaliya uga heli lahayd kaalmooyin dhanka horumarinta warbaahinta iyo iskaashiga warfaafineed ee dalalka Carabta.

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa sidoo kale booqday safaaradda Soomaaliya ee Qaahira, halkaas oo si diirran loogu soo dhoweeyay, waxaana kusoo dhaweeyay Safiirka Soomaaliya ee dalka Masar, Danjire Cali Cabdi Awaare.

War-murtiyeed laga soo soo-sooray Shirweynaha Labaad ee Hay’adda Aqoonsiga Qaranka.

0

War-murtiyeed ayaa laga soo saaray Shirweynaha Labaad ee Hay’adda Aqoonsiga Qaranka, kaas oo maanta si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

1. Shirweynaha 2aad ee Aqoonsiga Qaranka Soomaaliya ee ay qabatay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa lagu qabtay Muqdisho 24–25 Noofembar. Waxaa si rasmi ah u soo xiray Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana furay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamsa Cabdi Barre. Waxaa ka qayb galay madaxda sare ee Dowladda, Dowlad Goboleedyada, Maamulka Gobolka Banaadir, safiiro, saaxiibada caalamiga ah, bulshada rayidka, jaamacadaha, ganacsatada, iyo warbaahinta.

2. Ka-qaybgalayaashu waxay bogaadiyeen dadaalka Dowladda Federaalka iyo Hay’adda NIRA ee hirgelinta nidaamka Aqoonsiga Dhijitaalka ah ee Soomaaliya, iyagoo xusay doorka Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ee hirgelinta qorshaha NIRA.

3. Shirku wuxuu aqoonsaday guulaha NIRA ay gaartay 2-dii sano ee la soo dhaafay, sida dhismaha hay’adda, kobcinta kaabayaasha Aqoonsiga Dhijitaalka ah, iyo diiwaangelinta in ka badan 1 milyan oo Soomaali ah.

4. Waxaa la soo dhoweeyey xiriirka Aqoonsiga Qaranka iyo adeegyada muhiimka ah sida bangiyada, waxbarashada, ganacsiga, baasaboorka, iyo maamulka dowladda, taasoo sahlaysa adeegyada “e-KYC” iyo maamulka hufan.

5. Shirku wuxuu adkeeyey in nidaamka Aqoonsiga Qaranka lala xiriiriyo diiwaan-gelinta dadka danyarta ah, adeegyada bulshada, iyo sugidda nabadgelyada, isagoo muhiim u ah qorsheyaasha horumarinta iyo dowlad wanaagga.

6. Aqoonsiga Qaranka oo ammaan ah ayaa muhiim u ah dhismaha dowladnimada, adeegyada iyo isku xirka bulshada.

7.Waxaa la adkeeyay baahinta adeega aqoonsiga si cid walba uga faa’iideyso, gaar ahaan dadka nugul sida barakacayaasha, haweenka iyo naafada.

8.La xoojiyay muhiimadda ilaalinta xogta iyo amniga internetka iyadoo sharciyo iyo siyaasado la raacayo.

9.Bandhig tiknoolajiyadeed oo lagu soo bandhigay hal-abuurka shirkadaha iyo hay’adaha dhijitaalka ah ee Soomaaliya.

10. Waxaa la soo jeediyay in la dhiso koox farsamo oo isku xirta nidaamyada dowladeed iyo kuwa gargaarka si looga fogaado is barbar yaac.

11.Waxaa la mahadceliyay dhammaan taageerayaashii hirgelinta nidaamka aqoonsiga, gaar ahaan hay’adaha caalamiga ah sida Bangiga Adduunka, NADRA, UNDP, IOM iwm.