Home Blog Page 91

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka oo Daah-furay Xarunta cusub ee Shaybaarrada (SARIS)

0

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa si rasmi ah u daah-furay xarunta cusub ee tijaabooyinka (Laboratory Complex) oo hoos timaadda Hay’adda Sharciyeynta iyo Dabagalka Beeraha Soomaaliyeed (SARIS).

Wasiirka oo ka hadlayey furitaanka xarunta ayaa sheegay in laga bilaabo maanta ay mamnuuc tahay in dalka la keeno abuur ama sunta beeraha iyadoo aan la marin hay’adda SARIS. Wasiirka ayaa si cad u sheegay:

“Wixii maanta ka dambeeya, qofkii dalka soo galiyo sunta ama abuurka beeraha oo aan soo marin Hay’adda SARIS, waa dambiile; sharciga ayaana la horgeyn doonaa.”

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka XFS, Mudane Maxamed Cabdi Maareeye, ayaa ku adkeystay in xaruntani ay qayb ka tahay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu jirto sugidda tayada agabka beeraha iyo daryeelka beeraleyda, si loo gaaro isbeddel muuqda oo ku yimaada wax-soosaarka gudaha.

Xarunta Cusub Ee Shaybaarrada Waxay Ka Kooban Tahay Saddex Waaxood Oo Muhiim Ah:

1. Shaybaarka Sunta Cayayaanka (Pesticide Laboratory):

Waxaa lagu baarayaa tayada, badqabka, iyo saameynta sunta cayayaanka ee loo adeegsado beeraha.

Waxay ka hortagaysaa sunta halista ku ah caafimaadka bulshada iyo deegaanka.

2. Shaybaarka Tijaabada Abuurka (Seed Testing Laboratory):

Waxaa lagu hubinayaa tayada abuurka si loo xaqiijiyo inuu yahay mid tayo leh, ku habboon deegaanka, kana fayoow cudurro.

Tani waxay si toos ah u taageereysaa beeraleyda Soomaaliyeed, kana caawinaysaa horumarinta wax-soosaarka dalagyada.

3. Shaybaarka Caafimaadka Dhirta (Plant Health Laboratory):

Waxaa lagu baarayaa caafimaadka dhirta, cudurrada iyo cayayaanka waxyeelada leh.

Waxaa la tijaabin doonaa muunado dhir ah si looga hortago faafidda cudurrada dhirta ee keeni kara khasaare dhaqaale iyo mid deegaan.

Ujeeddooyinka Guud Ee Xarunta Laabka:

In la helo nidaam casri ah oo lagu hubiyo tayada agabka beeraha sida abuurka, sunta, iyo caafimaadka dhirta.

In la xoojiyo kormeerka, ilaalinta tayada, iyo badbaadinta bulshada iyo deegaanka.

In la taageero horumarinta wax-soosaarka beeraha iyadoo la adeegsanayo cilmibaaris iyo tijaabo rasmi ah.

 

 

 

Mashruuc Hormarineyd oo ay soo Agaasintay Wasaaradda Howlaha Guud ayaa laga hirgeliyay Garoowe

0

Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyada oo u hoggaansameysa siyaasadda horumarineed ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah u dhammaystirtay dhismaha buundada casriga ah ee magaalada Garoowe.

Buundadan cusub, oo ah tii labaad ee ay yeelato caasimadda Puntland, ayaa si weyn uga qayb qaadan doonta fududeynta isku socodka bulshada, dardargelinta adeegyada, iyo kobaca dhaqaale ee gobolka Nugaal. Dhismaha buundadan ayaa sidoo kale xoojinaya isku xirnaanta gobollada dalka, iyadoo kaabeyaal muhiim ah loo dhisayo bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta, Mudane Dr. Elmi Mahamoud Nur, ayaa ammaanay mashruucan, isaga oo sheegay in buundadan ay tahay mid ka mid ah mashaariicda ugu waa weyn ee dalka laga hirgaliyo tan iyo burburkii dowladeed. Wasiirku wuxuu carabka ku adkeeyay in mashruucan uu caddeyn u yahay dadaalka dowladda ee ku wajahan horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha dalka.

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray buundadan. Madaxweynuhu wuxuu u mahadceliyay Bangiga Adduunka iyo dhammaan daneeyeyaasha mashruuca, isaga oo xusay in dadaalka iskaashiga ah ee dowladda dhexe, dowladda hoose, iyo beesha caalamka uu miro dhalay.

Mashruucan waxaa iska kaashaday Mashruuca Nagaad ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowladda Puntland, Maamulka Gobolka Nugaal, Maamulka Degmada Garoowe, iyo Bangiga Adduunka oo si toos ah u maalgeliyay.

Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Mashruuca Nagaad (SURPII) waxay sii wadaan barnaamijyo horumarineed oo waaweyn, kuwaas oo diiradda lagu saarayo dib-u-dhiska dalka, adkeynta isku xirnaanta juqraafiyeed ee dalka, iyo dhiirrigelinta kobaca dhaqaale iyo bulsho.

Buundadan casriga ah ee la furay waxay caddeyn u tahay in Soomaaliya ay u socoto xilli cusub oo rajo iyo dib-u-dhis ah.

Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyada oo ku dhaqmeysa siyaasadda horumarineed ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa si guul leh u dhammaystirtay dhismaha Buundada casriga ah ee magaalada Garoowe.

Buundadan cusub, oo ah tii labaad ee ay yeelato caasimadda Puntland, waxay door muuqda ka qaadan doontaa horumarinta isku socodka bulshada iyo kobaca dhaqaale ee gobolka, iyada oo lagu xoojinayo isku xirka gobollada dalka.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta JFS, Mudane Dr. Elmi Mahamoud Nur, ayaa si weyn u bogaadiyey dhismaha buundadan, taas oo uu ku tilmaamay mid ka mid ah mashaariicda ugu waaweyn ee dalka laga hirgeliyo tan iyo burburkii. Wasiirku wuxuu carabka ku adkeeyay in buundadani ay astaan u tahay isbeddel dhab ah oo ka socda dalka, gaar ahaan xagga horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa si rasmi ah xariga uga jaray Buundadan. Madaxweynuhu wuxuu si gaar ah ugu mahadceliyay Bangiga Adduunka iyo dhammaan daneeyeyaasha mashruucan, isaga oo ammaanay sida hufan ee ay masuuliyadda uga soo dhalaaleen dhismaha buundada iyo wadooyinka kale ee casriga ah ee la socda.

Mashruucan dhismaha buundada waxaa iska kaashaday Mashruuca Nagaad ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska & Guriyeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowladda Puntland, Maamulka Gobolka Nugaal, Maamulka Degmada Garoowe iyo Bangiga Adduunka oo si toos ah u maalgeliyay.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qeyb galay kulan Wacyigelin oo ku saabsan Doorashooyinka

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xarunta Degmada Yaaqshiid kaga qeyb galay kulan Wacyigelin oo ku saabsan Isdiiwaangelinta Dadweynaha ee Doorashooyinka tooska ah.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray muhiimada ay leedahay isdiiwaangelinta dadweynaha ee doorashooyinka tooska ah, taasi oo qeyb ka ah qorshaha dimuqraadiyeynta dalka oo talada dib loogu celinaayo bulshada, si ay usoo doortaan hogaankooda, isla markaana ay xuquuqdooda aasaasiga ah u helaan.

Guddoomiye Muungaab ayaa sheegay in gacanta shacabka ay ku jirto Muqdisho oo hesha maqaamkeeda, isla markaana la mid noqota Maamul Goboleedyada dalka, taasi oo lagu gaari karo in bulshada ay u dareeraan goobaha isdiiwaangelinta si ay usoo doortaan golayaashooda deegaanka.

Duqa Muqdisho ayaa soo dhaweeyay gogosha qaran ee uu fidiyay Madaxweynaha JFS, asigoona shacabka ugu baaqay in ay ilaashadaan horumarka iyo amniga ka jira Magaalada Muqdisho, lana xoojiyo wada-shaqeynta hey’addaha amniga, iyadoo la taageerayo dagaalka ay ciidamada xooga iyo kuwa deegaanada kula jiraan kooxaha Khawaarijta.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Md. Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid, Xildhibaano, Siyaasiyiin, Odayaal dhaqan, Culuma’udiin, Bahda Waxbarashada, Haweenka, Dhalinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ciidamada Xoogga Dalka oo fuliyay howlgallo ka dhan ah Khawaarijta

0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sadexdii cisho ee u dambeysay si isdaba joog ah hawlgallo amni xaqiijin ah uga fulinayay deegaannada Lukugooraw, Xaaway-Heedaw, Dabgal illaa Ceel-Lahelay oo ka tirsan gobolka Bakool.

Taliye ku xigeenka Guutada 9-aad ee Qeybta 60-aad, CXDS Dhamme Cilmi Aadan Isaaq, oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyey in ciidanka ay gaareen tuulooyinkaasi, oo ay horay gabaad uga dhigan jireen maleeshiyaadka Khawaarijta. Wuxuu sheegay in argagixisadu aysan u adkeysan karin culayska dagaalka, isla markaana ay iskaga firxadeen goobihii ay ku dhuumanayeen.

Taliye ku xigeenka ayaa intaa ku daray in la burburiyey goobohii ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaarijta, taasoo qeyb ka ah howlgallada joogtada ah ee dalka looga sifeynayo cadowga argagixisada ah.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku howlan ciribtirka khatarta Khawaarijta, si shacabka Soomaaliyeed ay ugu noolaadaan nabad iyo xasillooni waarta.

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐒𝐚𝐟𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐓𝐚𝐥𝐲𝐚𝐚𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

0

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yusuf Mohamed, ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Safiirka Jamhuuriyadda Talyaaniga ee Soomaaliya, Amb. Pier Mario Daccò Coppi. Kulankan oo ka dhacay xarunta dhexe ee Wasaaradda ayaa diiradda lagu saaray xoojinta hay’adaha shaqada ee dalka iyo horumarinta fursadaha shaqo ee Soomaaliya.

Wasiirka iyo Safiir Pier Mario ayaa si qoto dheer uga wada hadlay sidii Talyaanigu u kordhin lahaa taageeradiisa, gaar ahaan dhinacyada farsamada gacanta (TVET), shaqo-abuurka iyo horumarinta xirfadaha shaqaalaha. Sidoo kale, kulanka ayaa lagu falanqeeyay sidii dib loogu soo noolayn lahaa xiriirka istaraatiijiyadeed ee labada dal ee ku aaddan TVET-ka, iyo sidii dhalinyarada Soomaaliyeed loogu abuuri lahaa fursado shaqo oo waara si ay ugu diyaar garoobaan suuqa shaqada.

Inta lagu guda jiray kulanka, labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadley sidii Soomaaliya iyo Talyaanigu uga wada shaqeyn lahaayeen Ajendaha Shaqo Wanaagsan (Decent Work Agenda), kaas oo ah qorshe caalami ah oo lagu xoojinayo xuquuqda shaqaalaha, ka hortagga shaqo la’aanta, iyo kor u qaadista tayada shaqo ee dalka. Waxa ay sidoo kale ku heshiiyeen in ay sii xoojiyaan iskaashiga labada dal ee arrimaha shaqo iyo horumarinta bulshada.

 

 

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA.

0

Guddiga Joogtadda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankiisa caadiga ah ku yeeshay xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka furay ayaa xubnaha guddiga warbixin ka siiyay dib u bilaabida howlaha Golaha ka dib markii laga soo laabtay fasax kooban oo ahaa maalmihii Ciida iyo gudashada waajibaadka Xajka, waxa uuna xubnaha guddiga kula dardaarmay dardargelinta howlaha Golaha iyo sidoo kale ka shaqeynta shuruucda agtaala golaha inta ka harsan kalfadhiga lixaad.

Intaasi ka dib xubnaha Guddiga Joogtada ayaa laga dhageystay guddi walba shuruucda agtaala iyo habraacyada u dhiman iyo sidoo kale xiliga la horgeynayo kulamada guud ee Golaha, waxaana sidoo kale xubnaha Guddiga Joogtada ay ka doodeen jadwalka ajendayaasha kulamada guud ee Golaha todobaadka soo socda.

Shirka wadatashiga ee uu dhawaan ku baaqay Madaxwaynaha JFS oo barri ka furmayo Muqdisho

0

Waxaa maalinta barri ah oo ku beegan 16-ka bishaan ka furmaya magaalada Muqdisho Gogoshii uu dhawaan ku baaqay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.

Madashaan waxaa ka qayb gelaya wufuud kala duwan oo ka kala imaanaya gudaha Dalka iyo dibadda, waxaana dhanka kale dhamaystirkii ugu danbeeyay ku jira diyaar garawga gogasha oo ay wadaan guddi gaar ah oo xukuumaddu u saartay taabagalinta shirka.

Gogoshaan ayaa Madaxda Qaranku waxa ay wadatashi la yeelanayaan indheergaradka Soomaaliyeed, iyada oo xoogga la saarayo arrimaha mudnaanta u leh Qaranka, sida Midnimada dalka, Amniga, Dastuurka iyo Doorashada.

War-Saxaafadeed: Wasaaradda Batroolka oo si rasmi ah shaacinaysa dhammaadka wajiga hore ee sahminta shidaalka

0

WAR-SAXAAFADEED

Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay si rasmi ah u shaacinaysaa dhammaadka wajiga hore ee sahminta shidaalka iyo macdanta ee lagu sameeyay qaar kamid ah xeebaha badda Soomaaliya taas oo lagu xaqiijiyay in khayraadkaas looga faa’iidaysan doono si hufan, cadaalad ah, waxtarna u leh koboca dhaqaalaha dalka iyo bararaha nololeed ee shacabka Soomaaliyeed.

Sidaa daraadeed, iyada oo gudanaysa xilka sharci, kuna shaqaynaysa siyaasadda Xukuumadda Dan Qaran, Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta waxay heshiisyo wax soo saar wadaag ah la gashay Shirkadda Turkish Petroleum (TPAO) taas oo baaritaan iyo sahamin shidaal ka billawday badda Soomaaliya 21-dii Oktoobar 2024 iyadoo baaritaan kaas uu fuliyey markabka Oruç Reis Seismic Research Vessel.

Baaritaankaa iyo sahminta shidaalka ayaa ahaa mid socday 234 cisho iyadoo Shirkadda Turkish Petroleum ka ururisay xog badan oo ku saabsan xeebaha Soomaaliya xog shidaal kuwaas oo la darsi doono si loo ogaado celesha iyo tirada shidaal ee ku jira goobihii sahminta lagu sameeyay.

Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta XFS waxay maanta oo ay taariikhdu tahay 15-ka Juun 2025 si rasmi ah u shaacinaysaa dhammaaday wajigii koowaad ee sahminta shidaalka ee ay wadeen Shirkadda Turkish Petroleum (TPAO). Wasaaraddu waxay shacabka Soomaaliyeed la soo wadaagi doontaa natiijada xigta oo la aruuriyey marka ugu horeysa ee xog sax ah soo baxdo.

Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta XFS waxay uga mahadcelinaysaa dhigeeda Wasaaradda Tamarta ee Turkiga wada shaqaynta iyo is-kaashi wanaagga ee u dhexeeya labada Wasaaradood ka oo fududeeyey in wax sahamin u qabsanomd sidii loo ogaan lahaa muddadii ay socotay hawlaha baarista iyo sahminta shidaalka.

Wasaaraddu waxay uga mahadcelinaysaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xassan Sheikh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre kaalintoodii hoggaamineed ee la addin soo saarta iyo ka faa’iidaysiga khayraadka shidaalka dalka.

Ugu dambeyntii, Wasaaraddu waxay ugu bishaaraynaysaa Ummadda Soomaaliyeed in dalkennu uu socdo dhabbaha horumarka iyadoo la raacayo hufnaan iyo cadaalad.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Magacaabay Agaasimaha Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Mudane Maxamed Cabdullaahi Abubakar, u magacaabay Agaasimaha Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho. Waxaana xilkii laga qaaday Ismaaciil Cali Sheekh Nuur oo ahaa agaasimihii Xafiiska Guddoomiyaha gobolka Banaadir

Madaxweyne Xasan Sheekh :Madaxda Dowladda waxaa laga rabaa inay la tashadaan shacabka oo laga dhaafo waxa ay dhibsanayaan

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in ay muhiim tahay in madaxda dowladda ay la tashadaan shacabka, ayna dhageystaan argtiyadooda waxa ay dhibsanayaana ay dhowraan, si looga fogaado in lagu adkeeyo arrimo aysan raalli ka ahayn.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdu diyaar u tahay in ay la tashato qeybaha kala duwan ee bulshada, oo ay ka mid yihiin aqoonyahannada, siyaasiyiinta, iyo shacabka guud ahaan. Wuxuu xusay in talada dalka ay u furnaan karto dhammaan dadka Soomaaliyeed, balse go’aannada ugu dambeyna ay yihiin kuwa ay gaaraan hay’adaha dastuuriga ah ee dowladda.

“Madaxda dowladda waxaa laga rabaa inay la tashadaan shacabka oo laga dhaafo waxa ay dhibsanayaan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo xusay in dowladdu ay xil iska saarayso dhegeysiga iyo tixgelinta dareenka shacabka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dalka uu ku jiro marxalad horumarineed oo muhiim ah, islamarkaana loo baahan yahay in si wadajir ah loogu shaqeeyo sidii Soomaaliya ula tartami lahayd dowladaha kale ee gobolka.

“Maanta waxaan gaarnay heer aan kheyraadkeena soo saari karno,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh, isaga oo tilmaamay in taasi ay ka mid tahay guulaha muuqda ee dowladdu ku tallaabsatay.

Hadalkan Madaxweynaha ayaa ka mid ahaa khudbaddii uu ka jeediyey munaasabadda xil-wareejinta Agaasimaha cusub ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad, iyo Agaasimihii hore, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).