Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka daahfurtay Ololaha 16-ka maalmood ah ee la dagaallanka tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka.

Date:

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi, ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furtay ololaha 16-ka Maalmood ee la Dagaallanka Tacadiyada loo geysto Haweenka, Ololahan ayaa 16-ka cisho ee soo socota si xooggan uga socon doona guud ahaan dalka.

Munaasabadda daah-furka waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maxamed Bashiir Cumar, wakiilo ka socda Ururrada Haweenka, Bulshada Rayidka ah, iyo Saaxiibada Caalamka.

Wasiir Khadiija ayaa khudbaddeeda furitaanka kula wadaagtay kasoo qeyb-galayaasha dadaallada joogtada ah ee ay Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS ugu jirto sidii loola dagaallami lahaa tacadiyada loo geysto Haweenka Soomaaliyeed.

Wasiir Khadiija ayaa si gaar ah u xustay in dadaallada Wasaaradda ay ugu muhiimsan yihiin diyaarinta iyo meel-marinta shuruucda lagu ilaalinayo xuquuqda haweenka, kuwaas oo ay kamid yihiin:

1. Hindise-Sharciyeedka Dembiyada Kufsiga iyo Anshax-xumada.

2. Hindise Sharciyeedka Reebidda Naafeynta Xubinta Taranka Dhedigga (FGM).

Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka waxay ugu baaqeysaa dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada inay ka qeyb qaataan ololahan qaran, si loo xaqiijiyo badqabka iyo sharafka haweenka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...