Home Blog Page 901

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Faransiiska

0

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay qayb ka yihiin wasiirrada amniga iyo waxbarashada ayaa gaaray magaalada Paris oo ay uga qayb gelayaan shirka sanadlaha ah ee madasha nabadda Paris oo maanta furmaya

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa inta uu socdo shirka madasha oo looga hadlaya xal u helidda dhibaatooyinka ka jira daafaha caalamka, waxuu kulamo gaar ah la qaadanayaa qaar kamid ah madaxda kala duwan ee kasoo qayb geleysa kulanka.

Marka uu soo dhammaado shirka oo socconaya muda sedax maalin ah, ayaa Ra’iisul Wasaare Khayre waxuu u safrayaa magaalada Brussels ee xarunta midawga Yurub si uu kulamo ula qaato hoggaanka cusub ee midawga Yurub.

Wasiirka Shaqada XFS oo kormeeray dib u dhiska ka socda Xarunta Wasaaradda

0

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa maanta kormeeray dib u dhiska ka socda xarunta wasaaradda.

Wasiirka ayaa kullamo la qaatay agaasimaha guud ee wasaaradda Shaqada, agaasime Waaxeedyada iyo howlwadeennada Wasaaradda,isagoo ku ammaanay dardar gelinta howlaha ay Qaranka u hayaan iyo sida aysan saameyn ugu yeellan howlaha Wasaaradda ee ah dib u dhiska ballaaran ee ku socda xarunta wasaaradda.

Wasiir Sadiiq, ayaa shalay ka soo laabtay magaalada Washington ee dalka Mareykanka, halkaa oo howlo shaqo u tagay,isagoo la kulmay muddada uu ku sugnaa Marekanka Madaxweyne ku-xigeenka Bangiga Adduunka, halka uu ka qeybgalay kullan heer wasiirro ah oo ay ka qeybgaleen wafuud ka soctay Caalamka.

Maamulka degmada Mahadaay oo baaq u diray Guddiga Gurmadka Fatahaadaha

0

Guddoomiyaha degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha dhexe, mudane, Axmed Xuseen Afrax oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in dadkii ka barakacay fatahaadda webiga Shabeelle uu ku sameeyay degmada iyo deegaanada hoostaga ay heysato dhibaatooyin badan oo dhanka nolosha ah.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in dadkaas ay soo wajahday hoy la,aan,Cunno yari iyo Caafimaad darro,isagoo Guddiga gurmada Fatahaadaha ee ay magacaawday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in dadkaas ay gargaar deg deg ah soo gaarsiiyaan maadaama Dowladda Soomaaliya ay arrintaas u wakiilatay guddiga.

Axmed Xuseen Afrax,Guddoomiyaha degmada Mahadaay ayaa sidoo kale hay’adaha gargaarka iyo qurba joogta ka soo jeeda degmada ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan gurmadka lagu bad baadinayo nolosha dadka danta yar ee ay fatahaaddu ku saameysay degmada iyo deegaannaa hoostaga oo qoysas badan ay ka barakaceen.

Degmada Mahadaay iyo deegaanno badan oo hoostaga ayaa waxaa saameyn xooggan ku yeeshay fatahaada uu sameeyay webiga Shabeelle,iyadoo dadki ka barakacay ay u baahanyihiin gargaar deg deg ah.

Maleeshiyada Al-Shabaab oo iskaga baxay Gobolka Mudug

0

Wararka naga soo gaaraya Koofurta gobolka Mudug  ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maleeshiyada argagaxisada Al-shabaab ay iskaga baxeen deegaanno hoos yimaada degmada Xarar-dheere ee Gobolka Mudug.

Maleeshiyada ayaa iskaga baxday deegaanada Deeqlo iyo Maraale oo hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug kadib markii cabsi xooggan ay kasoo wajahday dhanka Ciidanka Xoogga dalka oo wado howlgallo lagu baacsanayo Horjoogeyaal ku dhuumaaleysanayo deegaannada qaar.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in maleeshiyadu ay iskaga baxday deegaanadaas, kadib markii ay Ciidanka Xoogga iyo Saaxibadooda Caalamka ay duqeymo ka fuliyeen todobaadki lasoo dhaafay,iyagoo sheegay in ay wadaan howlgallo argagaxisada looga saarayo tuulooyinka ay kaga dhuumaaleysanayaan deegaanada maamulka Galmudug.

Argagaxisada Al-shabaab oo dhibaato ku heyso dadka shacabka ah ee ku nool deegaannada ay ku suganyihiin ayaa waxaa soo wajahday cabsi xooggan kadib howlgallo ka bilaawday Gobolada dalka.

Maamulka degmada Xamar-jajab oo dadaal ugu jira dib usoo celinta bilicda deegaanka

0

Maamulka degmada Xamar-jajab ee Gobolka Banaadir ayaa wada olole nadaafeed oo dib loogu soo celinayo bilicda xaafadaha kala duwan ee ay ka  kooban tahay degmadaas.

Bulshada qeybaheeda kala duwan oo leh Haween iyo rag oo uu wehlinayo guddoomiyaha degmada Xamar-jajab Mudane Guhaad Sheikh Xasan ayaa xalay howlo dib loogu soo celinayo bilicda laguna ilaalinayo nadaafadda degmada waxay ka sameeyeen Isgoyska Ceel-gaabta ilaa iyo isgoyka Afisyoone degmada Xamar-jajab ee Gobolka Banaadir.

Wadadaan ayaa dhowr jeer oo hore laga sameeyay howlo nadaafadeed,balse waxaa soo noq noqday Biyaha wasaqda ah oo xilliyada habeenkii ay ku shubaan dadka ku ganacsada hareeraha wadada.

Guddoomiyaha degmada Xamar-jajab Guhaad Sheikh Xasan ayaa shacabka degmada gaar ahaan Ganacsatada ugu digay iney waxyaabaha aan u wanaagsaneyn bilicda iyo caafimaad qabka dadka ay ku shubaan wadada iyo goobaha kale ee danta guud.

“Tiro dhowr jeer ah oo aan nadiifinayna waxay ku soo baxday si fiican oo nadiif ah,balse wuxuu culeys ka yimid dhanka goobaha ganacsiga oo nala garan waa maadaama habeenkii aan nadiifineyno in iyagana maalintii ay ka ilaaliyaan wasaqda,” ayuu yiri guddoomiye Guhaad.

Ugu dambeyntii, Guddoomiye Guhaad Sheikh Xasan ayaa Bulshada degmada Xamar Jajab ugu baaqay iney lagama maarmaan ay tahay ilaalinta deegaanka iyo bilicda intaba.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dadaal ku bixinaya sidii loo hagaajin lahaa nadaafadda dibna loogu soo celin lahaa bilicda caasimadda si ay ula tartanto dhiggeeda caalamka.

Dowladda FS oo war ka soo saartay hadalkii ka soo yeeray Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya

0

Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay aad ula yaabtay hadalkii lama filaanka ahaa ee ka soo yeeray Mudane Shariif Sheikh Axmed, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo ahaa hadal filan-waa ku noqday guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, kaasoo aan uqalmin maqaamka iyo karaamada laga filan karo qof dalkaan Astaan Qaranka u soo noqday.

Halkan hoose ka akhriso: Warsaxaafadeed ay arrinkaasi ka soo saartay Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Soomaaliya.

PRESS-RELEASE

Wasiirka Maaliyadda DFS Oo Ka Warbixiyay Waxqabadka Wasaaradda Iyo Guulihii Ay Ku Tallaabsadeen

0

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane, C//raxmaan Ducaale Beyle ayaa  maanta magaalada Muqdisho ku qabtay kulan uu kaga warbixinaayey waxqabadkii kala duwanaa ee bishii la soo dhaafay u suurtagalay Wasaaradda iyo guulaha wax ku oolka ah ee ay ku tallaabsatay wasaaradda.

Kulankaan oo ah mid bishiiba mar loo qabto bulshada ayaa waxa uu la xiriira sidii dadka loo siin lahaa faah-faahinta Maaliyadeed iyo waxa u qabsoomay wasaaradda mudada bisha ah ee tagtay

Waxaan soo bandhigay natiijadii ka soo baxday shirarkii aan la soo galay madaxda hey’ada ha kala ah, IMF, World Bank iyo Bangiga Horumarinta Afrika, ayuu yiri Wasiirku.

Mudane Beyle ayaa xusay in bulshada lala wadaagayo hiigsiga ku aadan hanaanka deyn-Cafinta oo uu tilmaamay in rajo wanaagsan laga  leenahay sanada soo socota ee 2020,

Wasiirka Maaliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Beyle ayaa shacabka kula dardaarmay in si wadajir ah gacmaha la is-qabsado islamarkaana loo shaqeeyo dalka.

Wafdi Ka Socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Gaaray Xeraale

0

Wafdi ka socda xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ay hoggaaminayaan la taliyaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa maanta gaaray deegaanka Xeraale oo ka tirsan maamulka Galmudug.

Wafdigaan oo ay ka mid ahaayeen xubnaha la socday Agaasimayaasha dib-u-heshiisiinta iyo federaaleynta, waxa ay Xeraale kula kulmay guddiga Farsamada dhammeystirka dadaallada dib-u-heshiinta Xeraale iyo Huurshe.

Duqa Muqdisho Oo Ka Qeyb Galay Shirka Barasaabyada Oo Ka Furmay Durban

0

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud ayaa ka qeyb galay shirka Caalamiga ah ee Barasaabyada Caalamka, kaasoo maanta ka furmay magaalada Durban ee dalka Koofur Afrika.

Shirkan ayaa ah kii u horeeyay ee uu ka qeyb galo Duqa magaalada Muqdisho Cumar Filish, tan iyo markii xilka loo magacaabay labo bil ka hor.

Inta uu socdo shirka ayaa diiradda lagu saarayaa arrimo kala duwan oo ku saabsan horumarka iyo koritaanka magaalooyinka caalamka, iyadoo Caasimadda Muqdisho ka mid tahay magaalooyinka ka soo koraya oo ay xilligan ka muuqato horumar iyo kobac dhaqaale.

Dhinaca kale Duqa Muqdisho ayaa la kulmay dhiggiisa duqa magaalada Bristol ee dalka Ingiriiska, iyagoo ka wada hadlay iskaashiga labada magaalo, xiriirka iyo in la mideeyo labada magaalo ee Muqdisho iyo Bristol.

Diyaarado Sida Shixnado Gaargaar Oo Ku wajahan Beledweyne, Hirshabeelle State

0

Diyaaradahan oo gargaar u sida dadka ay saameeyeen  fatahaada Webiga Shabeelle  ee Magaalada Beledweyne ayaa lagu wadaa in ay ka ambabaxaan Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha ayaa ku howlanaa Muddooyinkan sidii  gaar dhameystiran loo gaarsiin lahaa Shacabka ay saameeyeen Fatahaadaha iyo roobabka.

Shalay ayey ahayd Markii Diyaarado shixnado gargaar oo gurmad isugu jiro daawooyin iyo Raashin la gaarsiiyey magaalada Bardaale , sidoo kale magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiraan ayaa horay loo gaarsiiyay Gargaar.