Home Blog Page 902

G/miyaha Banaadir Oo Dibadbaxayaal Kula Hadlay Daljirka Dahsoon “Sawirro”

0

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamud “Cumar Filish” ayaa ku baxay xalinta banaanbax ka dhacay fagaaraha Daljirka dahsoon oo ay isku yimaadeen dad ka gudoodsan dil uu 2-qof oo shacab ah u geestay Askari katirsan ciidanka Boliiska Soomaaliyed gaar ahaan saldhiga degmada Boondhere.

“Waxaan marka hore idin kaga tacsiyeenaya dhibkii dhacay oo ahaa mid aad u fool xun islamarkaana qalbigeyga xanuujisay waana sababta keentay inaan hortiina imaado, sidoo kale madaxda dowlada wey xanuujisay waxeyna diyaar u yihiin in sida ugu dhaqsiyaha badan sharciga loo horkeeno gacan ku dhiiglihii falkaas geestay”.

Dhankale Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Cumar Maxamud (Cumar Filish) ayaa taliska qeybta guud Gobalka Banaadir ee Ciidanka Boliiska kula kulmay qoysaskii marxuumiinta wax uuna u sheegay in sharciga si deg deg ah loo horkeeni doono gacan ku dhiigle Xasan Aadan Xasan oo ah askarigii dilka geestay, sidoo kale duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay dowladda ay garab taagan tahay qoysaska marxuumiinta gardarada lagu dilay.

 

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish oo shacab dibadbaxayay kula hadlay Daljirka-dahsoon.

0

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ku baxay xalinta banaanbax ay dhigaayan dadweyne aad u tirabadan oo ka gudoodsan dil uu 2-qof oo shacab ah u geestay Askari katirsan ciidanka Boliiska Soomaaliyed gaar ahaan saldhiga degmada Boondhere.

Duqa magaalada Muqdisho mudane Mudane Cumar Filish ayaa fagaaraha taalada Daljirka Dahsoon kula hadlay dibadbaxyaasha.

“Waxaan marka hore idin kaga tacsiyeenaya dhibkii dhacay oo ahaa mid aad u foolxun islamarkaana qalbigeyga xanuujisay waana sababta keentay inaan hortiina imaado, sidoo kale madaxda dowlada wey xanuujisay waxeyna diyaar u yihiin in sida ugu dhaqsiyaha badan sharciga loo horkeeno gacan ku dhiiglihii falkaas arxandara ah geestay”.

 

Dhankale Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa taliska qeybta guud gobolka Banaadir ee ciidanka boliiska Soomaaliyeed kula kulmay qoysaskii marxuumiinta wax uuna u sheegay in sharciga si deg deg ah loo horkeeni doono gacan ku dhiigle Xasan Aadan Xasan oo ah askarigii dilka geestay, sidoo kale duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay dolwada ay garab taagan tahay qoysaska marxuumiinta gardara lagu dilay.

Beeraleyda Baardheere oo Khasaaraha ka soo gaaray Fatahaadii Webigga Jubba

0

Qoysaaska noloshooda ay ku tiirsantahay beeraha ayaa waxaa saameyn ku yeeshay  fatahaada Webiga Jubba  uu sameeyey 23-kii  bishan April.

ku dhawada 2321 beerood  oo ku teedsan afaafka Webiga Jubba ku waa so ku yaallah 63 tuulo  oo hoostaga degmada  Baardheere  ee gobolka Gedo ayaa fatahaadu sameeysay sida ay  sheegeen guddiga iskaashatada beeraleyada degmada  Baardheer.

Dalagyada ay fatahaada ay sameeynta ku sheey ayaa waxaa ka mid ah  Mooska, Bocorka,Cambaha,liinta,Yaanyo, Basal, Bataati, Basbaas, Qare, Digir,Galley iyo Sisinta oo ay beeraleyda abuureen  bilihii febarury iyo Marso ee sanadkan , ku waa soo ay Qorsheynayeen inay goostaan bisha Ramadaan.

C/raxmaan Xaaji Maxamed  Ismaaciil oo 60 jir ah oo ku nool tuulada Mardhaa oo Baardheere 9 Km kaga beegan dhanka waqooyi , kana mid ah beeraleyda fatahaaddu ay ka baabi’isay dalagyadoodii ayaa sheegay in 15 hektar oo uu ku beertay dalagyo kale gedisan ayey biyahu kala tageen,C/raxmaan Xaaji Maxamed  Ismaaciil ayaa sidokale sheegay inuu beerista dalagyadaan uu geliyey dhaqaale gaaraya $2700 sanadkan.

Degmada Baardheere iyo tuulooyinka hoostaga waxaa ku yaalla dhul beereed lagu qiyaasay 123,kun oo hektar oo isugu jira beeraha waraabka iyo kuwa ku baxa biyaha Roobka, Gudiga Iskaashatada Beeraleyda Baardheere ayaa khasaaraha soo gaarey beeraleyda Baardheere ku sheegay in ka badan $975 kun oo dolar.

    

Mashruuca Baxnaano waxa uu yimid wakhti ku haboon ! (Qormo)

0

Waxaan daawaday muuqaal lagu daah-furay mashruuc loo bixiyay ”Baxnaano” oo dowladda Soomaaliya ay dhaqaale lacageed oo qoondaysan ku siinayso qaar ka tirsan danyarta Soomaaliyeed ee loo gartay in ay baahida ugu badan u qabaan qoondadan.

Labo arrin ayaa markiiba igu soo dhacday marka aan muuqaalkaas arkay:

  • Tan koowaad waa, in Alle SWT ku hanuuniyay hoggaanka dalka in ammaanada ay qaadeen ay uga soo baxaan ugu yaraan qaab niyad wanaag iyo rabitaan leh.
  • Tan labaadna waa in hal-ku-dhigga dowladdan ee ah ”Nabad iyo Nolol” uu dhaboobay ama uu qarka u saaranyahay in uu dhaboobo. Ku celcelinta hadal wanaagsan oo dhegaha u roon wuxuu ku soo aadaa sida marar badan dhacda wakhti ay samadu furantahay oo uu Alle SWT ajiibo wixi afka addoomihiisa ka soo baxa,Waxaan tan ula jeedaa, in Alle aqbalay ujeedada ku hoos duugan oraahda ”Nabad iyo Nolol” oo ah labada ammuurood ee ayna sida aadka ah ugu il-darannahay.

Waxaan hadda ku jirnaa wakhti iyo waayo uu qofba taagtiis uga gaashaamanayo xanuun aan daawo iyo daryeel laheyn, waxa kaliya ee lagula tacaali karana lagu sheegay in ay tahay ”guryaha oo la jooga, dhaqdhaqaaqa iyo xiriirka dadkana la yareeyo”. Waa yaab! Taladaas wax miyeey u taraysaa qofka ku nool meerto-nololeedka loo yaqaan ” Nin quwaax helay, Nin qaroon helay, Ha la qarafsado”? Jawaabto waa maya, waayo waxaa qofkaas la deris ah ”labo kala daran mid dooro”.  Waa Gaajo guri og iyo cudur geeri og!

Mar haddii haahaabad waa hagar la’aane ay dowladdu dhabarka u ridatay nafaqaynta tira qoondaysay, waxaa dad badan oo adiga iyo aniguba aan ku jiro la gudboon in ay dhankooda ka billaabaan samatabixinta walaalaheenna kale ee tirada badan oo aysan gacanta dowladdu wada gaari karin.

Ganacsatada Alle wax siiyay waxaan aaminsanahay in ay dalka iyo dadka u faa’iideeyeen kana faa’iideysteen, sidaas darteedna ay mudan yihiin in loo mahadceliyo.

Mahadcelintaas ka sokow waxaa saaran mas’uuliyad weyn oo ku aaddan in ay gacan u fidiyaan dadka markoodii hore dan-yaraa oo diihaalka gaajada qabay haddana dunida kale la qaba dayaca uu Korona keenay.

Dowlad waa shacab, shacabna waa dowlad! Gacmo wadajir ayeey wax ku gooyeen, isgarabsiga waa lagu guulaystaa!

 W/Q: Cabdi Muuse Macalin

Qoraagu waa Suxufi madaxbanaan, Macalliin Saxaafadeed, Turjubaan iyo Nabadjire

Kumaandoska Soomaaliya oo Al-shabaab kala wareegay deegaanka Leego

0

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ayaa nabadiidka kala wareegay deegaanka Leego ee Gobolka Shabellada hoose.

Saraakiil ka tirsan Kumaandooska Soomaaliya oo la hadlay Idaacada Ciidamada ayaa sheegay in Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ay Labo jiho ka weerareen Deegaanka Leego ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Sidoo kale Saraakiisha Kumaandooska waxa ay sheegeen in gudaha degaanka ay ka fuliyeen Howlgal baaritaano ah oo lagu xaqiijinayo Amniga

Kumaandooska ayaa Howlgalka kusoo qabtay labo gadiid oo nabadiidka ay ku diyaariyeen Qaraxyo iyagona howlgalka ku bur buriyay keydka hubka Al-shabaab ee Gobolka Shabellada Hoose.

Tartamayaasha Degmada Wadajir oo caawa tartanka ka reebay tartamayaasha Xamar Jajab

0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii sagaalaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankii koowaad oo ah wareegga koowaad ku tartamay tartameyaasha Degmooyinka Wadajir Vs Xamar Jajab oo ka wada tirsan Gobolka Benaadir, waxaana barnaamijka sanadkii lixaad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Wadajir Vs Xamar Jajab  ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag.

Wadajir

Tartamayaasha Degmada Wadajir ee gobolka Benaadir waxaa la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen afar su’aal, iyagoo iska qalday saddex su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareermartay Xamar Jabjab,  sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Wadajir waxay noqotay toban (10) dhibcood.

Xamar Jajab

Tartameyaasha Degmada Xamar Jajab ee gobolka Benaadir oo ah tartamayaasha sanadkan difaacanaya maadaama ay ku guuleysatay tartanka sanadkii hore ayaa waxaa dhankooda la weydiiyey todobo Su’aal, waxa ay ka jawaabeen afar su’aal, waxaana ay iska qaldeen saddex su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal  su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Degmada Wadajir, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Xamar Jajab ay heleen waxay noqotay toban (10) dhibcood.

Sida sharciga tartanka uu dhigayo mar haddii labada degmo ay isku dhibco noqdaan, waxaa tartanka lagu daraa su’aalo dheeraad ah si loo kala saaro labada degmo ee loolamaya, waxaana su’aalaha dheeriga ah lagu daray ku guuleystay tartamayaasha degmada Wadajir oo keensatay 14 dhibcood, kadib markii ay ka jawaabeen su’aashoodii la weydiiyay, ayna ka faa’iideysteen su’aal kale oo dheeraad ahayd.

Tartamayaasha Degmada Wadajir ee Gobolka Benaadir ayaa caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka labaad ee tartanka, waxaa foodda is dari doono, tartamaayasha degmooyinka Beladweyne Vs Boondheere oo ka kala tirsan Gobollada Hiiraan iyo Banaadir.

 

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ee warbaahinta Qaranka oo si rasmi ah u furmay“SAWIRRO

0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye  ayaa si rasmi ah caawa u furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo sanad waliba ay Warbaahinta Qaranka u qabato degmooyinka gobollada dalka, iyadoo sanadkii todobaad oo xiriir ah ay  barnaamijka taaba galineyso maamulka gobolka Banaadir.
Munaasabad kooban oo lagu furayey Tartan Cilmiyeedka Ramadaan ee sanadkan oo lagu qabtay Istuudiyaha Radio Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Agaasimaha Radio Muqdisho, Agaasimaha Telefishinka Qaranka, Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska iyo xubnaha guddiga tartan cilmiyeedka Bisha barakeysan ee Ramadaan.
Agaasimaha Telefishinka Qaranka Faarax Salaad Dhahaar ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay ka qeyb galka kulanka lagu daah furayo tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka, waxaana uu intaa ku daray in tartanka uu sanadkan ku soo beegmay xilli adduunka iyo dalka uu ka jiro cudurka safmarka ah oo COVID-19.
“Si kasta oo ay daruufo u jirto waxaan go’aansanay in aan qabano tartanka si ay uga faa’iideystaan ardayda, tartamayaasha kaalimaha ka gala tartanka sida ay caadadu ahayd waxa ay heli doonaan abaal marino” ayuu yiri Agaasimaha Telefishinka Qaranka Faarax Salaad Dharaar.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa shacabka u diray hambalyo ku aadan bisha Ramadaan,
“Shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan waxaan leeyahay Ramadan Mubaarak, Kheyrka bisha Ramadan Alle hana siiyo, anaga sida aad la soocotaan in uu dunida iyo Dalkaba ka jiro cudur safmar  ah, loona baahanyahay in la raaco talooyinka dhaqaatiirta si looga hortago faafidda cudurka halista badan ee Coronavirus, waxaan markasta ka hormarineynaa shaqo kasta oo la qabanayo caafimaadka bulshada, waxaana ku guubaabinayaa in wax waliba ay ka hormariyaan caafimaadka”. Ayuu yiri Wasiir Maareeye.
Wasiirka ayaa mar uu ka hadlayay ahmiyadda uu tartanka u leeyahay bulshada Soomaaliyeed iyo xaaladda adag ee lagu jiro waxa uu hoosta ka xariiqay in waxkasta laga hormariyo caafimaadka qofka, isagoo bogaadin u jeediyay howlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta sida ay markasta uga go’antahay u adeegidda bulshadooda xilliyadan adag.
“Sida la sheegay tartan cilmiyeedka waxa uu yahay dood cilmiyeed aad u qiima badan oo ay ardayda cilmi ku kala faa’iideystaan, runtii daraasadda halkaasi ka soo baxdo cilmi baaris ayaa la qaadan doonaa, caawa waxaa ku tartamaya degmooyinka Xamar Jajab iyo Wadajir oo labaduba ka wada tirsan Gobolka Banaadir, waxaan u mahadcelinayaa shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta oo runtii u dhabar adeegay u adeegidda bulshadooda xilliyada adag, waxaana anigoo ka wakiil ah Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo howlo shaqo ku mushquulsan ku dhawaaqayaa in uu si rasmi ah noogu furanyahay tartanka”. Ayuu Wasiirka hadalkiisa ku daray.
Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo Daxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa shacabka ugu baaqay inay raacaan tallooyinka caafimaadka oo ay dhab u qaataan cudurka COVID-19
Wasiirka ayaa yiri “Waxaan shacabka ka codsaneynaa inay taxadaraan xanuunka aad aragteen in uu adduunka ka qeylisiiyay, tirooyin badan ay dhimanayaan wadamada qaar, marka shacabka ha u qaateen si dhab ah, runtii dowladda dadaal badan ay ku bixineysaa ka hortagga cudurka, waxaana rabaa in la raaco tallooyinka caafimaadka”.

   

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS oo amartay in guryaha lagu dukado salaadaha cishaha iyo Taraawiixda+sawirro

0

Wasaaradda Awqaafka iyo Arrimaha diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay soo saartay amarro ku aadan sida bulshadu ay u oogayaan salaadaha Cishaha iyo Taraawiixda,inta lagu guda jirow xiliyada Bandowga.

Wasiirka wasaaradaasi Sheekh Nuur Maxamed Xasan,wasiir ku-xigeenka Cismaan Aadan Dhuubow iyo mas’uuliyiinta kale ee wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowladda Soomaaliya ayaa kulan arrimahaasi looga hadlayay la yeeshey Culimaa’udiinka Soomaaliya,kulankaasi oo laga soo saaray amaro cusub.

Wasaaradda ayaa soo saartay amar ah in dadku salaadaha Cishaha iyo Taraawiixda ay ku oogaan guryohooda,islamarkaana loo hoggaansamo awaamiirta dowladda ee bandowga habeenkii,si looga hortago fiditaanka cudurka Coronavirus.

“Waxaan culimada isla qaadanay in loo hoggansamo amarada bandowga ah oo ka bilaabanaya 7:00 fiidnimo kuna eg 5:00 subaxnimo,dadkuna ay guryohooda ku dukadaan inta bandowga uu jiro,waana uga mahadcelinayaan culimada aan go’aankaasi isla qaadanay,waxaan ka codsanaynaa ganacsatada in ay u turaan shacabka oo qiimaha miciishada hoos loo dhigo,waxaa la rabaa in dadka aan naftooda khatar gelinin,maadaama uu faafayo cudurka,hana la qaato talooyinka caafimaad ee dowladda ay soo saartay”. ayuu yiri wasiir Sheekh Nuur.

 

R/wasaare Khayre oo khadka telfoonka kula hadlay dhiggiisa Kuwait

0

Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo amiirka Dalka Kuwait ayaa ka wada hadlay arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka labada dowladood.

Mudane Xasan Cali Khayre raiisul wasaaraha Dalka iyo Sheekh Sabaax Khaled Al-Xamad Al-Sabaax amiirka wadanka Kuwait oo khadka telfoonka ku wada hadlay ayaa waxaa ay isla soo hadal qaadeen iskaashiga Labada dal,gaar ahaan dhinacyada amniga,dhaqaalaha,siyaasadda iyo qodobo kale oo muhiim ah.

Intii uu socday wada hadalka labada dhinac qadka telfoonka ahaa ayaa waxaa ay sidoo kale ay ka wada hadleen sidii Dowladda Kuwait ay Dowladda Soomaaliya uga garab siin lahayd la dagaalanka cudurka safmarka ah ee Covid-19.

Dowladda Kuwait ayaa kamid ah wadamada Jaamacadda Carabta ee xiriirka iyo wax wada qabsiga uu kala dhexeeyo Soomaaliya,waxaana wada hadalkan uu imaanayaa iyadoo Dowladda Soomaaliya ay dadaal xoogan ay ku bixinayso sidii looga hortagi laha fiditaanka Covid-19.

Madaxweyne Farmaajo Oo Faray XKF In Ay Kor U Qaaddo Tayada C/fimaad & Xarumaha Karantiilka Covid-19 “Sawirro”

0

Madaxweynaha Jamh. Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kaga qeyb galay dhanka Internetka kulanka Guddiga Qaran ee Xakameynta Cudurka COVID-19 ayaa ka xog-wareystay dadaallada lagu xakameynayo cudurkan, caqabadaha iyo baahida caafimaad ee ka jira dalka.

Guddiga ayaa u soo bandhigay Madaxweynaha xog ururin ay ka diyaariyeen goobaha karantiilka caafimaad, taas oo ay ka muuqatay in ay jirto baahi xooggan oo la xiriirta qalabka caafimaad, gaar ahaan neefsiiyaha bukaannada, waxa uuna Madaxweynuhu faray Xukuumadda in ay si deg-deg ah uga howl gasho keenista qalabkan.

“Masuuliyad adag ayaa inaga saaran daryeelka muwaadiniinteenna uu soo rito cudurkan safmarka ah ee dunida aafeeyey. Muhiimadda ugu weyn waa in aan dadaal kasta gelinnaa ka hortagga cudurkan innaga oo xoojineyna tayada iyo adeegyadeenna caafimaad.”

Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay wada-shaqayn xooggan ee ka dhaxeysa Guddiga heer Federaal ee Xakameynta Cudurka COVID-19 iyo Guddiyada heer Dowlad Goboleed, arrinkaas oo muujinaya sida ay u garowsan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed halista caafimaad ee ku xeeran oo ay tahay in ay wadajir iyo midnimo u wajahaan.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah in ay labo-laabaan dadaalkooda ku aaddan samatabixinta dalkeenna, isaga oo ku bogaadiyey Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, laamaha caafimaadka dalka iyo Guddiga Qaran ee Xakameynta Cudurka COVID-19 dadaalka mugga weyn ee ay ku bixinayaan ilaalinta badqabka caafimaad ee shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay dadaallada bulshada rayidka iyo ganacsatada Soomaaliyeed ay ka gaysanayaan kahortagga cudurka Coronavirus iyaga oo kaalin mug leh ka qaadanaya wacyigelinta iyo garab istaagga bahda caafimaadka dalka.