Madaxweyne Farmaajo Oo Xarigga Ka Jaray Madxafka Qaranka Daawo “Sawirrada”

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xarigga ka jaray Madxafka Qaranka ayaa ku bogaadiyey dhallinyaradii isu xilqaamay dib u dhiska Madxafka, ganacsatada Soomaaliyeed iyo shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda sida ay uga mira dhaliyeen baaqii ku saabsanaa in dib loo dhiso xarumaha danta guud, bilicda iyo kaabeyaasha nolasha.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay dhallinyarada Soomaaliyeed sida ay Dowladda ugu gacan siinayaan horumarinta iyo dib u dhiska dalka, iyaga oo mideysan kana fog qabyaaladda iyo kooxeysiga, taas oo ah jidka kaliya ee ay kula tartami karaan barbaarta caalamka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku adkeeyey Taariikhyahannada iyo hal abuurka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan doorkooda ku aaddan ilaalinta taariikhdii gobonimo doonka dalkeenna oo ku suntan midnimo, wadajir iyo howlkarnimo, isla markaasna ay uga tagaan shacabkeenna dhaxal Hiddo-raac ah oo u iftiiminaya mustaqbalkooda.

“Dhismaha Madxafka Qaranka waa tallaabadii ugu horreysay ee ku aaddan soo nooleynta taariikhda dadkeenna iyo dalkeenna, waxaa ina hortaalla shaqo baaxad weyn oo ku saabsan sidii aan dib ugu soo celin lahayn aasaartii iyo milgihii keydsanaa ee dalkeenna, waana arrin uu gacan ka geysan karo muwaadin kasta oo qadarinaya sooyaalka iyo mustaqbalka Umadda Soomaaliyeed.”

Munaasabadda Xarig-jarka Madxafka Qaranka waxaa ka qaybgalay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed Filish iyo Ku-xigeennadiisa, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo Guddiyada Heer Federaal iyo Heer Gobol ee Xuska 60-guurada Xornimada iyo Midnimada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Jaamacadda Ummadda iyo Jaamacadda Ruwaanda oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo dhinacyada waxbarashada

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) iyo Jaamacadda Ruwaanda (University of...

TALIYAHA CIIDANKA XDS OO SHIR GUDDOOMIYAY SHIRKA SUBAXLAHA EE TALISKA GUUD EE CIIDANKA

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed...

Safiirka JFS ee Dalka Liibiya oo laga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Liibiya, Mudane Cabdifataax...

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Jowhar Casho Sharaf ugu Sameeyay Saxafiyiinta iyo Hobollada Qaranka Waaberi

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe),...