Home Blog Page 900

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Värmland, Sweden Oo Aruurinaysa Deeq Lacageed

0

Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan qaaradda Yurub ayaa haatan bilaabay aruurinta deeqo lacageed si ay uga qeyb qaataan samata bixinta qoysaska Soomaaliyeed oo ay saameeyeen fatahaadaha iyo daadadkii ka dhashay roobabkii dalka ku dhuftay.

Maxamed Faarax Canshuur oo ah wariye madax bannaan oo ku sugan magaalada Karlstad ee Gobolka Värmland ee dalka Sweden oo la hadley Radio muqdisho  ayaa sheegey in jaaliyada Soomaaliyeed ee Sweden ay dadaal dheeri ah ku bixiyeen sidii ay qeybtooda uga qaadan lahaayeen gurmadka socda.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Sweden ayaa wada qorshe ay ku aruurinayaan dhaqaale ay damacsan yihiin in kaga qayb qaataan taakulada qoysaskii ay ku habsatay fatahaadaha webiga iyo daadadka roobabka xilliga deyrta.

Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha dalka ayaa deeqihii ugu horreeyay gaarsiiyay qoysaska ay dhibaatada ka soo gaartay fatahaadaha waxaana Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee hadda billaabeen in ay aruuriyaan lacago ay doonayaan in ay gacan kaga geystaan gurmadka fatahaadaha.

Marwada 1-aad Oo Mareykanka Ka Bilowday Qaylo Dhaaanta Gurmadka Fatahaadaha “Sawirro”

0

Seynab Cabdi Macalin, oo ah marwada Koowaad ee Dalka ayaa Gobollada dalka Mareykanka ka bilowday Olole loogu gurmanayo dadka Soomaaliyeed oo ay dhibaatadu ka soo gaartay fatahaadaha ay Webiyada iyo Roobabka oo is-biirsaday ay ka geysteen Gobollada Hiiraan, Bakool iyo Gedo.

Ololahan oo qeyb ka ah haweenka iyo dhallaanka kuwaasi oo ah dadka ugu nugul ee bulshada ayna saameyn xoog leh ka soo gaarteen fatahaadaha, iyagoo u baahan gurmad deg-deg ah.

Marwada oo la hadleysay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobolka Columbus ee Mareykanka ayaa la wadaagtay xaaladda bini’aadannimo ee ka taagan deegaannada fatahaaduhu ay saameeyeen, waxa ayna sidoo kale uga warbixisay dadaallada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ugu gurmadeen.

“Dadka Soomaaliyeed waligoodba waxay caan ku ahaayeen is taakuleynta, maantana ku maba sii jirto oo 70-kun oo qoys wax ka badan ayaa magaalooyinkaasi ka barakacay. Maanta oo kale waxaa na looga baahanyahay midnimo, istaageerid, samafal iyo in kuweena wax haysta ay gacan ka gaystaan gurmadkaas.”

Marwada ayaa bogaadisay isku duubnida Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Gobollada Maraykanka waxaana ay tilmaamtay in dadaalkeeda ku aaddan howlaha gurmad ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Maraykanka uu yahay mid sii kaabi doona qorsheyaasha Qaran ee lagu samata bixinayo dadka dhibaataysan.

Olalaha Marwada Koowaad ayaa ah in ay in la gaarsiiyo gobollada kale ee dalka Maraykanka, si loo dardargeliyo dadaallada wax-ku-oolka ah ee dib loogu dhisayo nolasha dadkii ay saameeyeen fatahaaduhu, gaar ahaan haweenka iyo dhallaanka.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Colombus ayaa inta ay socotay munaasabaddu waxa ay iska uruuriyeen lacag dhan $137,000 (boqol, soddon iyo toddoba kun oo doollar) oo si deg-deg ah loo gaarsiin doono magaalooyinka Beledweyne, Bardaale, Baardheere iyo deegaannada kale ee ay fatahaaduhu saameeyeen.

Israa’iil Oo Duqeyn Ku Dishay Dad Rayid Ah  Iyo Sarkaal Sare Oo Ka Tirsan Ururka Jihaad

0

Ciidamada Israel ayaa dilay sarkaal sare oo ka tirsan kooxda  Jihaadul Islaam ee ay taageeraan Iiraan Ka dib weerar ka dhacay Marinka Gaza oo lagu bartilmaameedsaday ninkaasi.

Dilka sarkaalkaasi oo lagu magacaabo  Baha Abu Al-Atta, ayaa dhacay xilli uu ku sugnaa hoygiisa oo sida la sheegay ku yaala degmada Shejaia ee Gaza  waxaana sidoo kale duqeyntaasi lagu dilay haweeneey, halka uu dhaawac soo gaaray laba ruux oo kale .

War murtiyeed ay soo saarteen Kooxda reer Falastiin  ayaa maanta lagu xaqiijiyay geerida sarkaaalkaasi oo da’diisa lagu sheegay 42-sano jir.

Duqeyntaasi ka dib tiro gantaallo ah ayaa lagu weeraray deegaannada dadka Yuhuudda ee ku dhow Gaza, mana jiraan faah-faahin  ku saabsan khasaaraha gantaaladaasi oo ka yimid madaxda Israa’il.

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka JFS oo gaaray Itoobiya

0

Wafdi uu hogaamninayo Guddomiyaha Golaha  Shacabka  Jamhuuriyadda Federalka Soomaliya Mudane Maxamed Mursal Shekh C/raxmaan ayaa  Gaaray Magaalada Addis-ababa ee Dalka Itoobiya.

Guddoomiyaha Waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyey Guddoomiyaha Baarlamnka Federalka Itoobiya, Xildhibaanno, Iyo Mas’uuliyiin kale oo Ka socota dalkaasi

Safarka Guddoomiye Mursal oo la tilmaamay in uu salka ku hayo xoojinta xiriirka labada dale e Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ka dambeeyay casuumaad uu ka helay dhiggiisa dalka Itoobiya.

Madaxweyne Farmaajo oo Nairobi kaga qayb-gelaya Shir Caalamiga ah

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Nairobi kaga qayb-gelaya Shirka Dadweynaha iyo Horumarka oo ay soo qaban-qaabisay Qaramada Midoobey.

Shirkan oo uu hoggaaminaayo Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Horumarinta Dadka (UNFPA) ayaa lagu jaangooynayaa qorsheyaasha loo dhan yahay ee dhinacyada horumarka iyo halbeegga sanadlaha ah ee heer qaaradeed iyo heer caalami ee hiigsiyada xasilloonida iyo horumarka.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa hordhac u sii ahaa diblumaasiyiin iyo khubaro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya kuwaas oo la sii qaabeeyey dhiggooda dalalka ka qayb-gelaya shirweynahan qorsheyaasha lagu falanqaynayo, iyagoo gudbiyey qodobbada hortabinta u leh shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Soomaaliya Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa tilmaamay muhiimadda uu dalkeenna u leeyahay shirkani maadaama Hay’adaha Qaramada Midoobey ay kaalin mug leh ku leeyihiin dib u kabashada iyo horumarinta dalkeenna.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay mudnaan gaar ah siinaysaa madal kasta oo looga arrinsanayo horumarka iyo iskaashiga, maadaama dalkeennu uu u baahan yahay maalgashi iyo garab istaag. Shirkaan waxaa si gaar ah diiradda loogu saarayaa arrimaha awood-siinta haweenka iyo kaalinta dhallinyarada ee hoggaamminta iyo horumarka si loo gaaro Hadafyada Horumarka ee Joogtada ah kuwaas oo ahmiyad weyn u leh dalkeenna.”

Wafdiga Madaxweynaha ee ku wehliya Shirka Dadweynaha iyo Horumarka waxaa ka mid ah Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Marwo Fowsiya Abiikar Nuur iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Nuur Diiriye Xersi (Fuursade).

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Faransiiska

0

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay qayb ka yihiin wasiirrada amniga iyo waxbarashada ayaa gaaray magaalada Paris oo ay uga qayb gelayaan shirka sanadlaha ah ee madasha nabadda Paris oo maanta furmaya

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa inta uu socdo shirka madasha oo looga hadlaya xal u helidda dhibaatooyinka ka jira daafaha caalamka, waxuu kulamo gaar ah la qaadanayaa qaar kamid ah madaxda kala duwan ee kasoo qayb geleysa kulanka.

Marka uu soo dhammaado shirka oo socconaya muda sedax maalin ah, ayaa Ra’iisul Wasaare Khayre waxuu u safrayaa magaalada Brussels ee xarunta midawga Yurub si uu kulamo ula qaato hoggaanka cusub ee midawga Yurub.

Wasiirka Shaqada XFS oo kormeeray dib u dhiska ka socda Xarunta Wasaaradda

0

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa maanta kormeeray dib u dhiska ka socda xarunta wasaaradda.

Wasiirka ayaa kullamo la qaatay agaasimaha guud ee wasaaradda Shaqada, agaasime Waaxeedyada iyo howlwadeennada Wasaaradda,isagoo ku ammaanay dardar gelinta howlaha ay Qaranka u hayaan iyo sida aysan saameyn ugu yeellan howlaha Wasaaradda ee ah dib u dhiska ballaaran ee ku socda xarunta wasaaradda.

Wasiir Sadiiq, ayaa shalay ka soo laabtay magaalada Washington ee dalka Mareykanka, halkaa oo howlo shaqo u tagay,isagoo la kulmay muddada uu ku sugnaa Marekanka Madaxweyne ku-xigeenka Bangiga Adduunka, halka uu ka qeybgalay kullan heer wasiirro ah oo ay ka qeybgaleen wafuud ka soctay Caalamka.

Maamulka degmada Mahadaay oo baaq u diray Guddiga Gurmadka Fatahaadaha

0

Guddoomiyaha degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha dhexe, mudane, Axmed Xuseen Afrax oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in dadkii ka barakacay fatahaadda webiga Shabeelle uu ku sameeyay degmada iyo deegaanada hoostaga ay heysato dhibaatooyin badan oo dhanka nolosha ah.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in dadkaas ay soo wajahday hoy la,aan,Cunno yari iyo Caafimaad darro,isagoo Guddiga gurmada Fatahaadaha ee ay magacaawday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in dadkaas ay gargaar deg deg ah soo gaarsiiyaan maadaama Dowladda Soomaaliya ay arrintaas u wakiilatay guddiga.

Axmed Xuseen Afrax,Guddoomiyaha degmada Mahadaay ayaa sidoo kale hay’adaha gargaarka iyo qurba joogta ka soo jeeda degmada ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan gurmadka lagu bad baadinayo nolosha dadka danta yar ee ay fatahaaddu ku saameysay degmada iyo deegaannaa hoostaga oo qoysas badan ay ka barakaceen.

Degmada Mahadaay iyo deegaanno badan oo hoostaga ayaa waxaa saameyn xooggan ku yeeshay fatahaada uu sameeyay webiga Shabeelle,iyadoo dadki ka barakacay ay u baahanyihiin gargaar deg deg ah.

Maleeshiyada Al-Shabaab oo iskaga baxay Gobolka Mudug

0

Wararka naga soo gaaraya Koofurta gobolka Mudug  ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maleeshiyada argagaxisada Al-shabaab ay iskaga baxeen deegaanno hoos yimaada degmada Xarar-dheere ee Gobolka Mudug.

Maleeshiyada ayaa iskaga baxday deegaanada Deeqlo iyo Maraale oo hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug kadib markii cabsi xooggan ay kasoo wajahday dhanka Ciidanka Xoogga dalka oo wado howlgallo lagu baacsanayo Horjoogeyaal ku dhuumaaleysanayo deegaannada qaar.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in maleeshiyadu ay iskaga baxday deegaanadaas, kadib markii ay Ciidanka Xoogga iyo Saaxibadooda Caalamka ay duqeymo ka fuliyeen todobaadki lasoo dhaafay,iyagoo sheegay in ay wadaan howlgallo argagaxisada looga saarayo tuulooyinka ay kaga dhuumaaleysanayaan deegaanada maamulka Galmudug.

Argagaxisada Al-shabaab oo dhibaato ku heyso dadka shacabka ah ee ku nool deegaannada ay ku suganyihiin ayaa waxaa soo wajahday cabsi xooggan kadib howlgallo ka bilaawday Gobolada dalka.

Maamulka degmada Xamar-jajab oo dadaal ugu jira dib usoo celinta bilicda deegaanka

0

Maamulka degmada Xamar-jajab ee Gobolka Banaadir ayaa wada olole nadaafeed oo dib loogu soo celinayo bilicda xaafadaha kala duwan ee ay ka  kooban tahay degmadaas.

Bulshada qeybaheeda kala duwan oo leh Haween iyo rag oo uu wehlinayo guddoomiyaha degmada Xamar-jajab Mudane Guhaad Sheikh Xasan ayaa xalay howlo dib loogu soo celinayo bilicda laguna ilaalinayo nadaafadda degmada waxay ka sameeyeen Isgoyska Ceel-gaabta ilaa iyo isgoyka Afisyoone degmada Xamar-jajab ee Gobolka Banaadir.

Wadadaan ayaa dhowr jeer oo hore laga sameeyay howlo nadaafadeed,balse waxaa soo noq noqday Biyaha wasaqda ah oo xilliyada habeenkii ay ku shubaan dadka ku ganacsada hareeraha wadada.

Guddoomiyaha degmada Xamar-jajab Guhaad Sheikh Xasan ayaa shacabka degmada gaar ahaan Ganacsatada ugu digay iney waxyaabaha aan u wanaagsaneyn bilicda iyo caafimaad qabka dadka ay ku shubaan wadada iyo goobaha kale ee danta guud.

“Tiro dhowr jeer ah oo aan nadiifinayna waxay ku soo baxday si fiican oo nadiif ah,balse wuxuu culeys ka yimid dhanka goobaha ganacsiga oo nala garan waa maadaama habeenkii aan nadiifineyno in iyagana maalintii ay ka ilaaliyaan wasaqda,” ayuu yiri guddoomiye Guhaad.

Ugu dambeyntii, Guddoomiye Guhaad Sheikh Xasan ayaa Bulshada degmada Xamar Jajab ugu baaqay iney lagama maarmaan ay tahay ilaalinta deegaanka iyo bilicda intaba.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dadaal ku bixinaya sidii loo hagaajin lahaa nadaafadda dibna loogu soo celin lahaa bilicda caasimadda si ay ula tartanto dhiggeeda caalamka.