Dowladda Soomaaliya oo saakay si rasmi ah dib ugu furtay Duulimaadyada gudaha Dalka.

Date:

ku dhawaad boqol cesho oo  ay xirnaayeen duulimaadyada gudaha dalka ayaa saakay si rasmi ah dib loogu furay ka dib saameyntii cudurka safmarka ah ee civod19 oo yaraatay.

munaasabad kooban oo haatan ka socota gudaha garoonka Adan Cade ayaa lagu maamuusayaa in dib loo furo garoonka iyadoo ay goob Joog ka yihiin masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Maareeyaha hay,adda duulista rayidka Axmed Macalin Xasan ayaa sheegay inay u diyarsanyihiin howsha adag ee hortaala maadaama wali uu jiro halista cudurka Karoona Feyrus.

Golaha Wasiirka xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shirka golaha ee Khamiislaha ah ku ansixiyay in dib loo furo duulimaadyada gudaha dalka oo hore loogu hakiyay si loo yareeyo faafitaanka cudurka covid19.

Dowladda Soomaaliya ayaa 29 bisha sedexaad ee sanadkaan 2020 hakisay sabab la xariiira cudurka safmarka ah ee Covid19.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo ka hadli doona arrimo ahmiyad leh oo ku aaddan xaaladda Guud ee Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Soomaaliya oo Markii Ugu Horreysay Ka Qeyb Gashay Shirweynaha Caalamiga ah ee ITF

Magaalada Leipzig ee dalka Jarmalka ayaa lagu soo gabagabeeyay...

Hoggamiyaha Koonfur Galbeed oo kormeeray goobaha ay ka socoto cod-bixinta doorashooyinka

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jibriil...

Guddoomiye Aaden Madoobe oo codkiisa ka dhiibtay Baydhabo

Musharax Madaxweyne, ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe,...