Home Blog Page 899

R/Wasaare Khayre & Xoghayaha Guud Ee Wariyayaasha Aan Xuduudda Laheyn Oo Kulmay

0

R/Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Paris ee dalka Faransiiska kula kulmay Christophe Deloire oo ah Xoghayaha Guud ee Wariyaasha aan xudduuda laheyn.

Kulanka dhex maray R/Wasaaraha iyo Christophe Deloire ayaa waxaa ka soo qeyb galay Arnaud Froger oo ah agaasimaha Afrika ee Wariyaasha aan xuduudda laheyn iyadoo kulankaasi looga hadlay dardar gelinta dadaallada dowladdu uga hortagayso dhibaatooyinka kooxaha argagaxisadu ay ku hayaan wariyaasha Soomaaliyeed.

Kheyre ayaa sheegay in dowladda Soomaaliyeed cidna aysan ka oggolaaneyn in lagu xad gudbo warfidiyeennada oo ah indhaha bulshada.

Sanadihii la soo dhaafay waxaa hoos u dhacay dhibaatooyinka ay la kulmaan warfidiyeennada, waxaana dowladda Soomaaliyeed ay dadaal xooggan ugu jirtaa sidii loo sii horumarin lahaa iyo sidii howl-wadeennada warbaahinta iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen amni iyo nabad gelyo buuxda oo qayb ka qaata horumarka iyo himilooyinka ummadda Soomaaliyeed.

Horjooge ka tirsan Nabad diidka “Al Shabaab” Oo La Khaarajiyay

0

War-saxaafadeed ka soo baxay Taliska ciidamada Maraykanka ee AFRICOM ayaa lagu faah faahiyey duqeyn cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe oo Horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al Shabaab ku dhuumaaleysanayeen.

Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya shalay oo ku beegneyd 12/11/2019 ay  duqeyn hawada ah ka fuliyeen degmada Jilib oo ka tirsan gobolka Jubada Dhexe, isla markaana ay la beegsadeen Xubno ka tirsan  Al-Shabaab.

Weerarkaas ayaa Mareykanka waxaa uu sheegay inay ku dileen horjooge  ka tirsanaa Al Shabaab, isla markaana weerarkaas aysan waxyeelo ka soo gaarin dad rayid ah.

Mareykanka ayaa sanadkan 2019 waxa uu kordhiyey weerarada dhinaca hawada ah ee uu ka fuliyo Soomaaliya, iyadoo khasaaro kala duwan loogu geystay Argagaxisada Al Shabaab kuwaas oo dadka Soomaaliyeed dhibaato badan ku haya.

Horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab oo duqeyn lagu dilay

0

War-saxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in duqeyn dhinaca Cirka ah oo ka dhacday agagaarka Magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada hoose lagu dilay horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab.

Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibbadooda Soomaaliya ay Shalayto weerar xagga Hawada ah ay ka fuliyeen meel ku dhow Degmada Jilib , isla markaana ay la beegsadeen xubno ka tirsanaa  Al-Shabaab.

Taliska Africom ayaa sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid si taxaddar leh loo fuliyay, isla maraakana aysan wax dhibaato ah kasoo gaarin Dadka Raidka ah ee ka ag dhowaa halka ay duqeyntu ka dhacday.

Mareykanka ayaa Sanadkan 2019-ka waxa uu kordhiyey weerarrada xagga Cirka ah uu ka fuliyo Soomaaliya, waxaana duqeymahaasi qasaaro kala duwan loogu geystay kooxda nabad-diidka ah ee Al-Shabaab

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo la kulmay Wasiirrada arrimaha dibedda Ruushka iyo Findland

0

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane; Xasan Cali Khayre , ayaa Shalay kulamo gaar gaar ah kula qaatay Magaalada Paris ee Caasimadda Dalka France, Wasiirrada arrimaha dibedda Dalalka Russia, Sergey Lavrov iyo dhiggiisa Finland, Pekka Haavisto.

Kulanka RW Kheyre iyo Wasiirrada arrimaha dibedda Ruushka iyo Findland ayaa qeyb ka ahaa shirka madasha nabadda Paris, iyagoo ka wada hadlay arrimo la xiriira nabadda iyo xoojinta iskaashiga Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya iyo Dalalkaas.

Dowladaha Ruushka iyo Soomaaliya ayaa lahaa xiriir qoto dheer oo dhinacyo badan ah, iyadoo ay haatanna Dowladda federaalku waddo qorshayaal lagu sii horumarinayo cilaaqaadka ka dhexeeya Labada Dowladood.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Beesha Caalamka ugu baaqay in wax laga beddelo qaabka loo caawiyo Dowladda Soomaaliya

0

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre oo Dalka Faransiiska uga qeyb galay shirka Sanadlaha ah ee madasha nabadda Paris, ayaa sheegay in ay habboon tahay in saaxiibbada Caalamka ay muhiimad gaar ah siiyaan maal gelinta hannaanka dib u kabashada Dalka.

“Maalgelinta dib u dhiska hay’adaha Dowladeed, waa in ayada lafteeda loo arkaa in ay ka mid tahay dedaallada la doonayo in lagu gaaro himilooyinka horumarka Qaranka.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dood uu ka qeyb galay waxa uu ka caddeeyay in Soomaaliya ay hiigsaneyso horumar ballaaran oo u horseedda in ay soo ceshato kaalintii ay Dunida horay ugu lahayd.

Madaxweyne Farmaajo Oo Khudbad Ka Jeediyay Shirka Q/Midoobey Ee Horumarka..

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee Horumarka iyo Dadweynaha oo ka furmay magaalada Nayroobi ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay dadaal muuqda gelisay awoodsiinta dhallinyarada iyo in ay kaalin hoggaamineed ka qaataan dalka.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay madaxda, masuuliyiinta iyo ka qeyb galayaasha shirkan dhibaatooyinka sinnaan la’aanta dhanka bulshada ee adeegyada dadweynaha iyo dhaqaalaha, waxa uuna adkeeyey mowqifka joogtada ah ee Dowladda Soomaaliya ay ka taagan tahay taageeridda Olalaha Caalamiga ah ee lagu xaqiijinayo horumarka iyo hiigsiyada barwaaqo-geynta dadweynaha.

“Waa inaan aqbalnaa in ay jiraan caqabado aan wadaagno oo ku aaddan hirgelinta koboc dhaqaale oo loo siman yahay, bixinta adeegyo dadweyne oo la heli karo iyo fursad u abuuridda dhallinyarada adduunka oo badankood ay ku nool yihiin qaaradda Afrika.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa soo bandhigay kororka muuqda ee tirada dadka Soomaaliyeed ku yimid sanadihii danbe, waxa uuna xusay fursadaha horumarineed iyo dhaqaale ee ugu jira arrinkan dowladnimada Soomaaliya, maadaama tirada ugu badan ee shacabkeenna ay yihiin dhallinyaro u hanqal-taagaya sidii dalkoodu uu ula tartami lahaa dalalka Caalamka ee horumarsan.

“Waxa aan garawsannahay baahida loo qabo in si deg-deg ah loo taageero dhallinyaradeenna si kororka dadweyne aan uga faa’idaysanno dhanka xasilloonida iyo abuuridda fursado loo siman yahay.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa si faahfaahsan uga warbixiyey doorka haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin nabadeynta iyo dib u dhiska dalka, isaga oo soo bandhigay fursadaha siyaasadeed iyo kuwa dastuuriga ah ee soojireenka ah oo ay ku tilmaaman yihiin Haweenkeenna Soomaaliyeed.

Shirka oo socon doona muddada u dhaxeysa 12-14ka bishan ayaa lagu soo bandhigayaa fursadaha horumarineed iyo caqabadaha barnaamijyada dadweynaha, kor uqaadista maalgelinta adeegyada aasaasiga, joojinta tacadiyada ka dhanka ah haweenka iyo sare u qaadista saamiga dhallinyarada ee hoggaaminta.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Oo Ergeyga QM Kala Hadlay Geeddi Socodka Siyaasadda Soomaaliya

0

Wasiirka arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya, Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay shalay, wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, ahna madaxa howlgalka kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), James Swan.

Labada Mas’uul ayaa waxay ka wada hadleen arrimaha la xiriira siyaasadda, nabadgelyada, Bini’aadannimada iyo dhaqaalaha.

Wasiir Cawad waxa uu soo dhoweeyay mowqifka wanaagsan ee Q/Midoobey ay ka taagan tahay taageeridda iyo tallaabooyinka dowladda ee ku wajahan mideynta Soomaalida si loo gaaro himillada Dadka, isagoo caddeeyay in kulamada noocan oo kale ah ay xoojinayaan kaalinta Q/Midoobay ee danaha dadka Soomaaliyeed.

Caasha Shaacuur Oo Deeq Gaarsiisay Dadkii Ku Waxyeelloobay Fatahaadaha “Sawirro”

0

Marwo; Caasho Shaacuur Ugaas, ayaa si toos ah Guddiga Qaran ee gurmadka fatahaadaha  ugu wareejisay deeq isugu jirta dharka Dumarka, maro Kaneecooyin, Bustayaal, Salliyadda lagu fariisto iyo Bacaha Roobka laga galo,

Deeqda waxaa la soo mariyay hay’ada Hinna oo ka shaqeysa arrimaha gargaarka iyo samafalka, iyada oo uu deeqdaasi kala wareegay guddoomiyaha Guddiga, Wasiir; Xamsa Saciid Xamsa.

Sidoo kale, hay’adda socdaalka Iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed ayaa lacag dhan $10,000 ugu deeqay dadka ay saameeynta ku yeesheen fatahaadaha Webiyada dalka, Lacagtaas oo lagu wareejiyay Guddiga Qaran ee gurmadka.

 

 

Wasaaradda Warfaafinta XFS Oo Shaqada Ka Hakisay Hay’ado Warbaahineed.

0

Wasaaradda Warfaafinta XFS Soomaaliya, ayaa hakisay shaqooyinkii ay dalka ka hayeen hey’adaha Media Ink iyo Perspective Media, ka dib markii ay raaci waayeen nidaamka ay Wasaaraddu u dejisay hey’adaha ka shaqeeya warbaahinta ee Ku sugan gudaha dalka.

Wasiiru-Dowlaha Waxbarashada Oo Furay Shirweynahii 5-aad ee Machadka Cilmi-Baarista Soomaaliyeed “Sawirro”

0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya, C/raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri, ayaa Maanta Muqdisho ka furay shirweynihii 5-aad ee Machadka cilmi baarista Soomaaliyeed ISOS.

Furitaanka shirweyna waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, Agaasimaha hiddaha iyo tacliinta sare ee Wasaaradda waxbarashda, Ismaaciil Yuusuf Cusmaan, madaxda Jaamacadda Muqdisho, aqoon-yahanno ka kala yimid Jaamacadaha iyo marti sharaf kale.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Mudane C/raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri ayaa bogaadiyay Jaamacadda Muqdisho oo uu sheegay in ay ka mid tahay Jaamacahadaha hormuudka ka ah dalka.

Wasiiru Dowlaha waxbarashada Soomaaliya ayaa sidoo kale u  hambalyeeyey Agaasimaha Machadka , wuxuuna sheegay in kulanka uu ahmiyad gaar ah u leeyahay bahda waxbarashada dalka.