Taliska Booliska Soomaaliya oo faafaahin ka bixiyay Qaraxii ka dhacay laanta Canshuuraha.

Date:

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa faahfaahin ka bixiyay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa oo Saakay lala beegsaday waaxda ilaalada Canshuuraha Biriga oo ku taalla kasoo horjeedda Dekedda Muqdisho gaar ahaan  Dhabarka dambe ee Xarunta degmada Xamarjajab.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali ayaa sheegay in Qaraxaasi ay ku dhaawacmeen Shan ruux oo ka mid ahaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan Ciidanka ilaalinayay xarunta.

Waxaa uu sheegay in Ciidanka Booliska rasaas ku fureen ka hor inta uusan soo gaarin xarunta Ilaaladda Canshuuraha, islamarkaana uu ku geeriyooday kaliyah qofkii waday gaariga Qarxay.

Afhayeenka ayaa nooca gaariga qarxay ku sheegay in uu ahaa kuwa raaxada  ee loo yaqaana Surf Madow ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Gaashaandhigga oo xaqiijisay dilka Macallin Jinoow

Waxaa la xaqiijiyay dilka Macallin Jinoow, kaas oo Wasiirka...

Dab ka kacay Suuqa Bakaaraha oo damintiisa lagu guuleystay

Waaxda Gurmadka Deg Degga ah ee Maamulka Gobolka Banaadir...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeysay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...