Home Blog Page 893

Tiradii ugu yarayd oo gudanaya acmaasha xajka ee sanadkan.

0

Acmaasha Xajka ee sanadlaha ah oo ay gutaan Muslimiinta ku nool daafaha dunida ayaa waxa ay billaabanayaan maanta oo Arbaca ah, hasayeeshee waxaa aad loo soo koobay tirada dadka Acmaashaas gudanaya fayraska korona awadii.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa waxa ay mamnuucday dadkii caalamka ka imaan lahaa ee tegi lahaa magaalada barakaysan ee Makkah al-Mukaramah, arrintaas oo ay dowladdu uga gol-leedahay sidii lagu xakamayn lahaa cudurkaasi safmarka ah.

Waxaa loo ogolaaday oo kaliya muwaadiniinta dalalka kale ka soo jeeda ee deggan boqortooyada inay Xajka sanadkan gutaan.

Illaa laba milyan oo qof ayaa caadiyan sanadkiiba Acmaasha Xajka guta, hasayeeshee sanadkaan ayaa waxaa la filayaa inay gutaan dad aanan ka badnayn 10,000 oo qof.

Dadka loo ogolaaday inay tagaan  Xajka sanadkaan ayaa waxaa laga baarayaa fayraska iyo heerkulka jirkooda markii ay soo gaaraan magaalada Makkah, sida ay ku warramayso wakaaladda wararka ee AFP.

Dowladda Hoose ee Xamar oo hirgalinaysa hannaanka dhismaha fudud ee waddooyinka.

0

Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda gobolka Banaadir mudane Axmed Xasan Iimaan iyo guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyigelinta Gobolka Basma Caamir Jakeeti ayaa si wadajir ah xarigga uga jaray Waddo loo qabeeyay hannaanka dhismaha fudud ee loo yaqaanno  Inter-lock ah oo ku taalla degmada Xamar-Jajab ee gobolka Banaadir.

Waddadaan inter-lock-ga ah oo aheyd mid ay dhibaato badan ku qabeen burburkeeda bulshada ku nool degmada Xamar-jajab iyo gaadiidka isticmaalo ayaa waxaa dhisay maamulka gobolka Banaadir iyo kan degmada Xamar-jajab oo uu horkacayo guddoomiyaha degmada Guhaad Sheekh Xasan.

Guddoomiye ku xigeennada gobolka Banaadir Axmed Xasan Iimaan iyo Basma Caamir Jakeeti ayaa bulshada degmada kula dardaarmay in ay ilaashadaan bilicda waddadaan iyo guud ahaan degmada Xamar-jajab si ay tusaale ugu noqdaan degmooyinka kale.

Dowladda hoose ee Xamar ayaa billooyinkii dambe billowday dib u dhiska waddooyinka loo yaqaan inter-locks oo aan dib loo dhisin burburkii kaddib,waxeyna bulshadu maamulka ku ammaaneed horumarinta waddooyinka.

DFS oo Barnaamijka Baxnaano ka daah furaysa Baydhabo.

0

Sii hayaha Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  mudane Sadiiq Xirsi Warfaa oo gaaray magaalda Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegay in ujeedka socdaalkiisu yahay qiimeynt  barnaamijka Baxnaano oo dowladda Soomaaliya ugu talo gashay in lagu taageero muwaadiniinta nugul ee danyarta ah.

Wasiirka ayaa sheegay in barnaamijka Baxnaano ee lagu taageerayo dadka danyarta ah uu ka socdo dhammaan dowlad goboleedyada dalka.

“Waxaan gaaray magaalada Baydhabo anniga iyo wafdi ka socda Wasaaradda, ujeeddada socdaalka waxay la xiriirtay qiimeynta Barnaamijka Baxnaano ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mohamed Abdullahi Farmaajo uu daahfuray 18 bishii April ee sannadkan 2020ka. Barnaamijkan oo Dowladda Soomaaliya ku taageerayso Muwaadiniinta nugul, wuxuu si isku mid ah ugu socdaa dhammaan Dowlad-gobolleedyada Dalka”ayuu yiri wasiir Sadiiq.

Wasiir Sadiiq ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya taageero dhaqaale oo soo kabasho ah siineyso muwaadiniinta uu saameeyay Ayaxa ku habsaday qeybo ka mid ah dalka.

“Waxaa kalo sharaf inoo ah Dowladda Soomaaliya inay taageerro dhaqaale oo soo kabasho ah siinayso Muwaadiniinta uu saameeyay Ayaxa ku habsadday qaybo ka mid ah Dalka, arrintan oo qayb ka ah socdaalka Baydhabo”ayuu yiri wasiir Warfaa.

Sii hayaha Ra’iisul wasaaraha oo kormeeray Bankiga dhexe.

0

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed, (Khadar) ayaa maanta kormeeray Bangiga dhexe ee dalka.

Sii hayaha Ra’iisul wasaaraha ayaa inta uu ku guda jiray kormeerka wuxuu maamulka Bangiga kala hadlay dardar-gelinta shaqooyinka qaranka ay u hayaan iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Kormeerkaan ayaa ahaa mid uu ugu kuur gelayay howlaha ka socda Bangiga dhexe iyo siddii loo dardar geli lahaa shaqooyinka loo hayo bulshada si uusan gaabis ugu imaan adeegyada kala duwan.

WHO oo faafaha daran ku tilmaantay musiibadii ugu darneyd dunida.

0

Hay’adda caafimaadka  adduunka ee WHO iyo khuburo dhinaca caafimaadka ka shaqeeya ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka shiray saamaynta uu cudurka Corona ku reebay dunida, waxayna warbixin ay soo saareen ku sheegeen in cudurka Corona noqday masiibado caafimaad midii ugu darnayd ama ugu xumayd ee caalamka soo martay.

Waxay sidoo kale intaa ku dartay WHO in cudurka Corona ama Covid-19 uu adduunka kusoo kordhiyay dhibaatooyin salka ku haya dhaqaale xumo iyo caafimaad darro isla markaana uu haleelay dad tiro ahaan gaaraya 16.5 milyan oo ku kala nool adduunka oo dhan.

Agaasimaha guud ee WHO Tedros Adhanom Gebresos ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Geneva ku sheegay arrimahan iyo kuwo kale oo la xiriira shaqooyinka ay WHO ka hayso caalamka.

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Puntland oo kormeeray Dhismooyin laga hirgeliyey Gaalkacyo “Sawirro”

0
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kormeeray Dhisme loogu talagalay in ay xarun u noqoto Xafiisyada Hayáddaha Dowladda ee Gobolka Mudug iyo Garoonka Kubadda Cagta ee Cawaale oo isaguna dhismihiisu meel wanaagsan marayo.
Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegaystay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad iyo Guddoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif muuse nuur oo Madaxweynaha uga warbixiyey xarumaha uu kormeeray.
Xarunta dhismaha Dowladdu waa xarun loogu talagalay inay xafiisyo u noqoto inta badan Hayáddaha Dowladda ee Gobolka Mudug, sida Guddoomiyaha Gobolka iyo qaar ka mid ah Wasaaraddaha Dowladda, waxaana uu qorshuhu yahay in dhowaan dhismihiisa la dhameystiro.
Sidoo kale Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxaa uu kormeeray Garoonka Kubadda Cagta ee Cawaale, Madaxweynaha ayaa ku dhex-lugeeyay garoonka si uu u arko qeybaha kala duwan ee Garoonka iyo sida dhismuhu u socdo.
Garoonka Kubadda Cagta ee Cawaale ayaa meel wanaagsan uu maraya dhismihiisu , waxaana uu Madaxweynaha  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni uu ballan qaaday in Dowladdu dhameystiri doonto dhismaha garoonka.

Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta oo faahfaahin ka bixisay go’itaankii internet-ka.

0

Khadka Internet-ka ayaa dib ugu soo laabtay Koonfurta & Bartamaha Soomaaliya, kadib markii si ku-meel-gaar ah loo xalliyay cilladdii jirtay, oo sababtay inuu internetku go’o shalay 26kii Luuliyo 2020, saacaddu markay ahay 10:38 barqo, iyadoo wixii markaasi ka dambeeyay ay Wasaaraddu fartay shirkadaha adeegga internetka bixiya inay sida ugu dhaqsaha badan u xalliyaan cilladda, isla markaana Wasaaradda la soo wadaagaan hadba meesha ay wax marayaan.

Shirkadda Dalkom, oo Soomaaliya wakiil uga ah xarigga internetka Eastern Africa Submarine Cable System (EASSY), ayaa warbixin ay soo gaarsiisay Wasaaradda ku sheegtay in iyaga oo kaashanaya EASSY ay u suurto gashay in ay dib u soo celiyaan addeegga Internetka si KMG ah, ka hor inta ay soo gaarayaan badweynta koox caalami ah oo ka caawisa hagaajinta cilladda ku timid khadka, taas oo ah meel xeebteena u jirta 27km. Shirkaddu waxay sheegtay in xarigga uusan go’in, balse uu soo gaaray dhaawac, balse haatan loo xalliyay si KMG ah (Ka eeg sawirka oo muujinaya meesha khadku ka cilladoobay).

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa u mahadceliyay shirkadaha Dalkom, Hormuud iyo shirkadaha kale dadaalka ay u ku bixiyeen in la soo yareeyo muddada uu internetku ka maqan yahay qeybo ka mid ah dalka, inta ka horreysana ku dadaalay inay internetka bixiyaan iyagoo adeegsanaya dayax-gacmeedka si aysan caqabad ugu iman adeegyada ku tiirsan internetka.

Wasiirka ayaa ugu baaqay shirkadaha bixiya adeegga internetka inay taxadar dheeri ah iyo heegan muujiyaan maalmaha soo socda inta cilladdan laga wada xallinayo si uusan hakad u galin adeegga ay bixiyaan. Dhinaca kale, wuxuu wasiirku sheegay in arrintani ay muujineyso baahida weyn ee magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya u qabaan in la helo xargo kale oo internet si looga badbaado inuu gebi ahaanba go’o internetka marka ay hal xarig cillad farsamo ku timaaddo sababtoo ah waa wax dhici kara inay cillado ku yimaadaan xargaha badda hoosteeda mara, balse dalalka kale aan la tabin maadaama ay haystaan kuwo kale.

Wasiirku wuxuu intaasi ku daray in dalkeenu uusan ka kabsan karin khadka internetka oo go’a maadaama ay ku tiirsan yihiin adeegyada bankiyada, xawaaladaha, isku-xirka taleefoonnada dibedda, tikidhada, waxbarashada, warbaahinta, adeegyada dawladda sida baasaboorrada, iwm. Sidaasi darteed in loo baahan yahay in xil dheeri ah la iska saaro maadaama qeybaha nolosha oo dhan ay haatan ku tiirsan yihiin internetka.

“Shirkadaha kale ee xargaha soo wada waxaan fareynaa inay dadajiyaan hawshooda, waayo dhowr mar ayaanu aragnay inay khatar weyn tahay in lagu tiirsanaado hal xarig oo kaliya, dhinaca kalena waa u fursad ganacsi oo muujineysa in adeeggooda baahi loo qabo,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay wasiirku.

Wasaaraddu waxay bulshada la wadaagi doontaa wixii arrintan ka soo kordha.

Dadkii ka barakacay Fatahaadii Wabiga Shabeelle ee Afgooye oo cabsi horleh ay soo wajahday.

0

Saacadihii la soo dhaafay waxaa bilaawday cabsi xoogaan usoo wajahay bulshooyinka ku haray degmada afgooye iyo deegaanada kale ee ku hareereysan maadaama biyaha wabiga haatan la dareemayo in kordheen ama xawaare sare ku socdaan kuwaasi oo fatahaaado hore oo ay markale wajahayaan deegaanno badan oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxaa jiro warakale oo sheegay inuu sidoo kale u gudbay deegaanka walaweyn iyo deegaanno hoostago kuwaasi oo haatan ay ka bilaawdeen barakac ay sameynayaan dadka deegaano oo ay hore isku baheysteen daruufooyin kale duwan oo sanadahaan ka jiray maadaama ay hore u wajahayeen dhibaatoyinka ay kala kulmayeen kooxaha argagixisada.

Nabadoon Ibrahim Kuuloow Axmed oo ka mid ah dadka deegaanka oo la hadalay radio muqdisho ayaa sheegay in biyaha haatan socdo ay sidoo kale ku jiraan bahalo iyagoo dhawaan gabar yar ku cunay yaxaas waxaana sidoo kale laga cabsi qabaa inay ka dhashaan cuduro maadaama adeegyadii caafimaadka guud ahaan ay biyaha qaadeen biyaha.

“Waxaan ka cabsi qabnaa inay ka dhashaan cuduro ka dib markii dhammaan adeegyadii caafimaadka ay biyaha qaadeen waana dhibaayin nagu soo foodleh hase ahaatee waxaana u baahnahay in nagala soo gaaro ayuu yiri nabadoon Ibraahim Kuuloow.

Inta badan xaafadaha ay ka koobantahay Degmada Afgooye ayaa laga barakacay kaddib markii ay saameeyeen fatahaadaha wabiga shabeellle waxaana socda gurmad ay sameeynayaan dowlad goboleedka Koofur galbeed ,maamulka Gobolka iyo kan degmada oo wada qeylo dhaan iyo gurmad si wax looga qabto xaalada cakin ee ka taagan gobolka Shabeellha Hoose.

Dowladda Soomaaliyeed ayaa iyane dhankeeda ku biirtay gurmadka dadka ka barakacay Afgoyee iyadoo lacag dhan 500,000 ama nus milyan ugu deeqday dadkaasi u baahanyahay gurmadka deg deg ah.

Xarunta Daryeelka Agoonta Xudurka oo qeyb-ka noqotay dhaxalka Qaran bur burkii Dalka+Sawirro.

0

Xaruntaan oo burburka weyn ka muuqda waxa la dhisay 2007 waxa loogu talagalay in lagu xanaaneeyo waxna lagu baro caruurta agoonta ah waxa ay ku taalaa duleedka Magaalada xuddur waa dhismo balaaran oo ka kooban qololka jiifka, qeybaha waxbarashada, Cuntada, Musqulo, Masaajid iyo meel banaan oo loogu talagalay in caruurta ay ku ciyaaraan, waana xaruunta keliya ee agoon lagu xanaaneyn jirey degmada xuddur ee Gobolka Bakool iyadoo dhismeed 2007 ilaa 2011.

Iyadoo meelkale looga soo duulin ayaa la bililiqeystay waxa laga qaatay Albaabadii, Dariishadihii jiingadihii iyo Alwaaxadii ku daboolnaa xitaa masaajidkii ayaa waxba loo reeban waxaana ka muuqda bur bur baahsan sidoo kale ma ahan oo keliya xarumaha dhaca iyo boobka loo geystay kuleejyada ee dhammaan xarumaha danta guud ayaa la boobay taasoo ugu wacnayd dhaxalkii qarankii dumay, sidoo kale waxa ay qeyb ka tahay nidaan la’aanta dalka soomartay.

Xaruntaan ayaa waxa markale dib loo dayactirey 2017 xiligaas oo deegaanka ka dilaacay cudurka shuban biyoodka waxana lagu karan tiilay bukaanadii uu soo ritay shuban biyoodka, hase ahaatee mar labaad ayaa dib loo burburiyey oo dhagxaantii xitaa laga qaatay dhul ahaan cid qabsatay malahan waxa ay ubaahan tahay in dib u dhis lagu sameeyo loogana faa’ideeyo caruurta agoonta ah oo aan haatan heysan daryeelka iyo xaqa ay ku lahaayeen dalkooda.

Dhallinyarada ku nool degmada Xudur ayaa haatan wada sidii loo bedeli lahaa fikirkaan saameynta ku yeeshay Agoontada waxaana socda da daalo ku aadan in markale dadka wax galka ah lagu baraarujiyo in dib loo dhiso xaruntaan xanaanada iyo hoyga u ah Agoonta deegaanka ee garabka u baahan.

 

Wasaaradda caafimaadka Puntland oo ka hadashay xaalada xnuuka Covid19.

0

Wasaaradda Caafimaadka dowlad Goboleedka Puntland ayaa shaacisay dad cusub oo laga helay Cudurka halista ah ee Coronavirus, iyada oo cudurka u muuqdo mid kasii yaraanaya deegaanada maamulkaas.
Qoraal ay soo saartay wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in 24-saac ee lasoo dhaafay cudurka laga baaray 24 qof, isla markaana laga helay 7 kamid ah dadkaas, kadib markii baaritaano kala duwan lagu sameeyay.
Dadka Cusub ee laga helay Cudurka ayaa waxa ay ku sugan yihiin magaalada Garoowe ee caasimadda maamulka Puntland, waxaana da’dooda ay u dhaxaysaa 13 sano jir ilaa 43 sano, iyadoona Cudurka uu ka bogsaday 1 qof.