Home Blog Page 893

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wakiilka cusub ee Hey’adda UNICEF u qaabilsan Soomaaliya

0

Muqdisho (SNTV)– Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, ayaa shalay  qaabilay xafiiskiisa Wakiilka cusub ee Hey’adda Qaramada Midoobey ee Caruurta (UNICEF) u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Werner Schultink.

Wasiiru dowlaha ayaa soo dhoweeyay wakiilka cusub ee UNICEF, waxa uu kala hadlay howlgalkiisa iyo howlaha hey’adda ee dalka, si gaar ah barnaamijyada bulshada, waxbarashada iyo caafimaadka si loo gaaro horumar lagu yarayn karo dhibaatada la soo gudboonaata caruurta.

Madaxweyne Farmaajo “Dadaalkoodu waxa uu ku hirgalay waa qabyaaladda ay ka fogaayeen iyo sida ay u aaminsanaayeen midnimada.”

0

Muqdisho (SNTV);- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ubax dhigay taallada SYL ee magaalada Muqdisho oo lagu maamuusayo dhallinyaradii 13-ka ahaa ee aasaasay ururkii gobannimo-doonka Soomaaliyeed ee SYL.

Madaxweynaha ayaa intaas kaddib waxa uu kala qayb galay boqollaal dhallinyaro ah oo ka kala yimid guud ahaan deegaannada dalka munaasabad lagu qabtay Taliska Gaadiidka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, taas oo ay ugu dabaal degayeen 76-aad guurada ka soo wareegtay aasaaska Ururkii Dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa madasha ka jeediyey kalmad uu ku dhiirri-gelinayo dhallinyarada Soomaaliyeed, isagoona dib u xasuusiyey doorkii taariikhiga ahaa ee ay ku lahaayeen xornimo doonkii, qaran-dhiskii iyo horumarintii dalka.

“Dadaalkii ay bixiyeen dhallinyaradeennii SYL ayaa horseeday in dalkeennu uu safka hore ka galo dalalkii xornimada ka qaatay gumeystihii. Dadaalkoodu waxa uu ku hirgalay waa sida ay qabyaaladda uga fogaayeen, una aaminsanaayeen midnimada, waddaniyadda iyo wadajirka dadkeenna.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle uga baryey naxariis iyo in uu jannadiisa ku abaal mariyo 13-kii dhallinyarada ahaa ee SYL oo baal dahab ah kaga jira sooyaalka shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Hobollada Kooxaha Qaranka ayaa munaasabadda ka sameeyey bandhig suugaaneed ay ku muujinayeen dadaallada dhallinyaradeennu ay ugu jiraan dib u dhiska dalkooda, rajada lagu qabo iyo caqabadaha ku xeeran ee dhanka fursadaha shaqada, qabyaaladda iyo fikirka gurracan ee argagixisanimada.

Munaasabaddan waxaa ka soo qayb galay Guddoomiye Kuxigeenka 2aad ee Aqalka Sare Mudane Mowliid Xuseen Guhaad, Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, Taliyeyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye-Gaas Daahir Aadan Cilmi, Booliska Sarreeye-Gaas Bashiir Cabdi Maxamed, Asluubta Sarreeye Guud Bashiir Maxamad Jaamac, Maamulka Gobolka Banaadir iyo xubno ka tirsan Urrurada Bulshada Rayidka ah.

Xukuumadda Soomaaliya oo Cambaareysay Weeraro lagu qaaday Labo Goobood oo Sacuudiga ku taalla.

0

Muqdisho (SNTV)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si kulul u cambaaraynaysaa weerarka argagaxiso ee loo adeegsaday diyaarado aan duuliya lahayn oo gacan ku samays ah oo waxyaabo qarxa lagu rakibay oo shalay subax oo Talaado ahayd lagu beegsaday labo goobood oo shidaal oo ku kala yaalla deegaannada Al Duwadimi iyo Afif ee bartamaha Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Soomaaliya waxa ay u aragtaa falalkaasi burburinta leh mid halis ku ah nabadgelyada gobolka, waxa ayna si dhammaystiran u garab taagan tahay Boqortooyada Sacuudi Carabiya hoggaankeeda, xukuumaddeeda iyo shacabkeeda si ay uga hortagaan iskuday waliba oo lagu waxyeeleynayo amniga qarankooda.

Dhammaad

Madaxweyne Farmaajo oo Dr. Nuur Diiriye (Fuursade) u magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada JFS

0

Muqdisho (SNTV)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u magacaabay Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Waxaan maanta u magacaabay Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada. Intii uu kamidka ahaa La-taliyeyaashayda, wuxuu Dr. Fuursade muujiyay inuu yahay shakhsi hufan oo daacadnimo iyo hawlkarnimo ay u dheertahay, waxaana Alle uga baryayaa inuu xilkan culus u fududeeyo.”

Madaxweynahu waxa uu sidoo kale u mahadceliyay Agaasimhii hore Madaxtooyada Marwo Drs. Aamin Saciid Cali oo uu ku tilmaamay in ay ahayd qof waqti badan galisay u adeegidda dalka iyo dadka.

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo U Hambalyeeyay Dhallinyarada Soomaaliyeed

0

Muqdisho (SNTV) —Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre, ayaa dhallinyarada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 15-ka May oo ku astaysan maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhallinyarada ku bogaadiyay kaalinta ay ka qaadanayaan dib-u-dhiska dalka, la dagaallanka cadowga iyo kobocinta dhaqaalaha dalka, isaga oo ku ammaanay sida ay hormuud uga yihiin dhammaan hay’adaha dowladda.

“Hambalyo dhallinyarada Soomaaliyeed. Maanta waxaan u dabbaal dageynaa maalin taariikh ku leh dalkeenna, waa maalintii ay dhallinyaro Soomaaliyeed aasaaseen ururkii SYL oo horseed u noqday gobannimada aan maanta ku naallooneyno. Maanta dhallinyarada waxaa laga doonayaa halgan lamid ah kii halgamayaashii SYL ee xornimada gaarsiiyay dalkeenna. Maanta waxaa waajib idinka saaran yahay dib-u-dhiska dalka iyo sameynta is bedel dhab ah oo inoo horseeda nabad iyo horumar”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

“Waxaan si gaar ah u bogaadinayaa dhallinyarada ciidamada ah ee aagagga hore ee dagaalka cadowga kula dagaallamaya iyaga oo sooman, isla markaana guulo waaweyn ka soo hoynaya. Waxa ay hureen dhiiggooda si carruurteena iyo hooyooyinkeena ay nabad ugu seexdaan. Waa halgamayaasha dhabta ah ee dalkuunnu maanta leeyahay” ayuu yiri Ra’iisul wasaaruhu.

Sannadkii 1943-dii ayaa dhallinyaro Soomaaliyeed oo 13 ah waxa ay aasaaseen ururkii gobannimo doonka ee SYL oo horseed u noqday xornimada uu dalkeennu maanta ku naaloonayo, waxaana maanta loo dabbaal degayaa 76 sano guuradii ka soo wareegatay aasaaskii ururkaas.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Oo Kormeeray Wasaaradda Dekadaha Iyo Dekadda Muqdisho

0

Muqdisho (SNTV):-Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta kormeeray wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka badda iyo dekadda magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa intii uu kormeerka ku jiray waxa uu kulan la qaatay wasiirka wasaaradda, Maryam Aways, agaasima waaxeedyada, khuburo kale oo ka howl gala wasaaradda iyo maamulka dekadda Muqdisho.

Kormeerka uu dekadda ku tegay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenku ayuu ku maray qaybaha kala duwan ee dekadda oo ay kamid tahay qaybta canshuurta dekadda halkaas oo uu kula kulmay maamulka canshuuraha oo uga war bixiyay sida ay howshu u socoto.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa ku dhiirri geliyay wasiirka dekadaha, agaasimayaasha iyo maamullada dekadda iyo canshuuraha in ay sii laba jibbaaraan howlaha ay qaranka ugu adeegayaan.

Shaqaalaha Madaxtooyada Qaranka oo ka qeyb galay Ololaha Isxilqaan

0

Muqdisho (SNTV):-Shaqaalaha Madaxtooyada Soomaaliya ayaa maanta markii shanaad ka qeyb qaatay Ololaha Isxilqaan ee dib loogu dhisayo xarumaha danta guud.

Hawl-wadeenada Madaxtooyada ayaa saaka xaadiray dhismaha Madxafka Qaranka halkaas oo ay ka socoto shaqada Isxilqaan ee dib u hawl-galinta Madxafka, sida caadi ahayd waxa ay shaqaaluhu isu qeybiyeen dhawr koox iyaga oo shaqo fiican ka qabtay dhismaaha Madxafka.

Ismaaciil Macalin Cabdullaahi oo ah hoggaanka Isxilqaan u qaabilsan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa shaqaalaha Madaxtooyada ee Isxilqaan ka qeyb galayay warbixin ka siiyay heerarka shaqada ay soo martay iyo kaalinta ay ku leeyihiin, waxa uuna kula dardaarmay in ay kasoo dhalaalaan doorkooda.

Dhismaha Xarumaha danta guud ee lagu dhisayo Ololaha Isxilqaan ee uu ku dhawaaqay Madaxweynaha JFS ayaa si xawli ah uga socda dalka iyada oo heer gabogabo ah ay marayaan dhismayaasha, Tiyaatarka Qaranka, Maktabadda, Madxafka iyo taalooyinka taariikhiga ah ee dalka.

SANNAD GUURADDII 76AAD EE HALGANKA XISBIGII S.Y.L

0

Muqdisho (SNTV):-Soomaaliyey toos maanta waa maali weyn oo qadarin mudan waan sanad guuradii 76aad ee asaaskii xisbigii xornimada doonka ahaa ee SYL sidaasi darted waxaa xusid muddan in mar walba aan xusno geesiyadii naftoodda u huray xornimadda maanta aynu haysano.

Dagaalkii Labaad ee adduunka  markii uu soo dhamaaday waxaa bilaabmay dhaqdhaqaad xornima doon ah nasiib wanaag dhalliyaraddii soomaaliyeed oo xiligaasi ka damqaday xanuunkii gumeysiga, oo ka koobnaa  13kii dhallanyaro oo  asaastay xisbigii gobanimadoonka SYL iyo dhamaan inta ka soo qayb qaadatay horseedkii xisbiga oo halgan adag u soo galay in dalka iyo dadka ba laga dul qaado gumeysii Talyaaniga waxay naga muddan yihiin in aan u duceyno oo aan marka walba xusno.

Odayaashii SYL wax yar oo fara ku tiris ah ayaa  weli ka nool dalka guddihiisa iyo dibadda ba oo  dawlada iyo shacaba aysan ka  warqabin  arrintaasoo ah mid aysan naga mudmeyn balse in laga warqabo isla markaasi na  waxayna naga muddan yihiin in aan u duceyno inuu ilaahay siiyo  siiyo caafimaad taam ah , sidaasi darteed waxaan kula dardaarmayaa dhallinyarada maanta jira in ay xil iska saaraan sidii ay u buuxin lahaayeen doorkaasi maanta ay baneeyeen odayaashii naftoodda u soo huray xoriyada maanta aynu haysano , waxaana dhallinyaradda looga baahan yahay in ay ku faanaan taariikhddii awoowayaashoodda oo ay mar waliba xusan sidii loo gaarsiin lahaa jiilalka soo socoda taasoo ah sharaf iyo qadarin ba u ah dhallinyaradii miraha xornimadda noo keenay.

Runtii waxaa manta ii faraxd ah in aan halkaani hambalyo iyo boogaadin ba u diro  dhamaan ummadda soomaaliyeed meel kast oo ay joogaan, munaasabadda maanta oo ah sannad guuradii 76aad halgankii gobanimadoonka ahaa iyo  guushii uu soo hooyey xisbigii S.Y. L. (Leegada) waxaan ilaahay ugu baryeenaa dhamaan geesiyaddii naftoodda iyo maalkoodda u hibeeyey xoriyadda maanta aynu haysano  inuu  Eebbe naxriistiisa ku maneysto oo jannadiisa  fardoosa ahayd na  ka waraabiyo , inta nool na waxaanu Ilaahay  ugu rajayneynaa caafimaad taam ah iyo in ay ku noolaadaan bash bash iyo barwaaqo, shacabka soomaaliyeed na dhibaatadda ku habsatay inuu ilaahay ka dul qaado, colaadana nabad ugu beddelo.

Dawladda maanta jirta Nabad iyo Noolal in ay  kordhiyaan dadaalka ay wadaan isla markaasi na ay saxaan wixii ka qaldama mucaaradkana waxaan leenahay in ay toosiyaan wax alla wixii qaldama laakiinse aysan noqonin kuwii wax dumin lahaa , wadankani wuxuu u baahan yahay inuu ka soo kabto xanuunkii muddada dheer uu ku jiray sidaasi darted dalka uma baahna dagaal sokeeye iyo burburin hor leh, waxaan leeyahay in laga fugaado is qab qabsi oo danta dalka iyo dadka aysan ku jirin balse waaxaa loo baahan yahay dawladda iyo sharci dajinta ee barlamaanka in ay si wada jir ah uga shaqeeyaan sidii dalkani loo gaarsin lahaa horumar iyo barwaaqo islam markaasi na lagu dadaalo sidii loo heli lahaa kalsoonidda shacab si loo helo nabad iyo noolal.

Intaasi ka dib haddii aan dib ugu soo noqdo mowduuci maanta ku saabsanaa xuskii xisbigii xaq u dirirka ee SYL  inta aan la aasaasin xisbigaasi waxaa kulmay dhallinyaro ka damqaday gumeysiga waxayna  ku guuleysteen in ay sameeyaan ururkii   ka la magac baxa  S.Y.C ( Somali Youth Club ) oo ahaa  urur aan siyaasi ahayn, maxaa yeelay mustacmarkii ingiriiska   markaasi dalka haystay  mar na ma oggaleyn in ay  kulmaan dhallin yaradda aqoonta leh, ujeeddada loo aasaasay na ay ahayd meel ay ku kulmaan dhallinyaradda soomaaliyeed. Ururka SYC muddo ka dib  wuxuu isku beddalay  urur siyaasi ah oo la magac baxay S.Y.L  (Somali Youth Club)

Mudane Cabdulqadir Sakhaawadiin oo ahaa guddoomiyihii ururka iyo Yaasiin Xaaji Cismaan  waxay qoraal codsi ah u gudbiyeen Wakiilkii Ingriisa ee Soomaaliya u fadhiyey Sir William Eric Hallstead waxayna ka codsadeen in dhallinyaradda soomaaliyeed ay dhistaan naadi ay ku kulmaan , nasiib wanaag Sir William Eric markii uu akhristay codsigii wuxuu yiri, “  {waan idin  oggolaaday  maxaa yeelay annaga waxaan nahayd dawlad dimuqaraadi ah hase yeeshee waxaan idin kaaga digayaa inaad saameyn ku yeelanin wax alla wixii aamniga iyo xasiloonida dalka qalqal gelin kara iyadoo hadda lagu jiro xilli dagaal oo xasaasi ah iyo inaad faraha la gelin arrimaha siyaasadda}” oggolaanshahaasi ka dib waxaa na dhidhibadda loo dhigay oo si rasmi ah loo furay subaxdii  taariikhdu ahayd 15.05.1943kii oo ay ku kulmeen 13 dhallin yaro oo kala ah :

  1. Cqaadir Sheekh Saqaawadiin
  2. Max’ed Xirsi Nuur (Siidii)
  3. Yaasiin Xaaji Cismaan Sharma’arke
  4. Xaaji Maxamed Xuseein Maxamed
  5. Cismaan Geedi Raage
  6. Daahir Xaaji Cismaan
  7. Dheexe Xaaji Dheere Xuseein
  8. Maxamed Cali Nuur
  9. Cali Xasan Maslax
  10. Huudoow Macalin Cabdulle
  11. Xaaji Maxamed cabdullahi (Xayeesi)
  12. Maxamed Faarax Hilowle
  13. Maxamed Cismaan Baarbe

Fadhigii ugu horeeyey Xoghaye guud Yaasiin Cismaan wuxuu soo bandhigay dastuurkii iyo barnaamijkii xisbiga oo ka koobnaa dhowr qodob oo  muhiim ah oo ay ka mid yihiin in la helo soomaaliy weyn oo mideysan , lana xaqiijiyo gobanimada iyo madaxbanaanida ummadda Soomaaliyeed waxaa kale oo ka mid ahaa in tacliinta kor loo qaado , in afka soomaaliyeed la qoro , in la tirtiro caadooyinka iyo dhaqamada foosha xun oo ay ka midka yihiin qabyaaladda iyo quursiga ama takoorka loo geysto dadka soomaaliyeed iyo qodobo kale eek u sabsan  xeer hoosaadkii yo maamulkii xisbiga ku dhaqmi lahaa.qodobadaasi oo idil si wada jir ay ayaa la isku waafay , xisbiguna howshiisa sidaasi ayay ku socotay , shacabka soomaaliyeed na oo aan kala harin ayaa soo dhaweeyey.

Muddo ka dib ururku wuxuu ku talaabsaday guulo wax ku ool ah  taasi na waxaa u suurta gelisay mabda adag oo ay qaateen dhallinyaraddaasi  {noolal ama geeri} oo ay isku dhaarsadeen. Munaasabadii weyned ee loo sameeyey sannad guuraddii 5aad ee ka soo wareegtay aasaaskii xisbiga S.Y.L (Somali Youth League)  May15, 1948kii, waxaa ka soo qayb galay wafuuddii kormeerka ku kala soo bixiyey dhulkaoo  soomaaliyeed oo dhan  , ujeeddada kormarkaasi laga lahaana uu ahaa in la helo soomaali weyn oo mideysan iyo in la wacyi geliyo dadweyanaha soomaaliyeed sidii loogu muujiyo wafuuddii United Nations oo ahaa afartii dawladdood ee ku guuleysatay dagaalkii labaad ee adduunka (Mareykanka, Ingriisakla, Ruushka, Faransiiska) ee markaasi dalka ku sugnaa si ay u oggaadaan in ay soomaaliya diyaar u tahay in la siiyo xornimo iyo in kale..

Guddigaasi durbadiiba waxay bilaabeyn in ay xog ururiyaan  waxayna dhegeysteen fikradahii iyo warbixinadii xisbiga SYL iyo Axsaabtii kale ee dalka ka jiray. Guddigii ka socday 4tii dawladood oo wakiilka ka ahaa United Nations  taariikhda markii ay ahayd 20/01/1948 la kulmeen Guddigii wakiilka  xisbigii SYL oo warbixintiisa xambarsaneyd himilooyinkiii iyo rabitaankii ummadda soomaaliyeed oo ahaa rabitaan madaxbanaani iyo xornimo taam ah .  Muddane Cabdullahi Ciise Maxamoud isaga oo wakiil ah SYL iyo xubnaha kale waxaa warbixintiisa United Nation hortiisa ka soo jeediyey uu ku caddeeyey in si deg deg ah oo aan shuruud aan ku xirneen ummadda soomaaliyeed loo guddoonsiiyo madaxbanaanideedda iyo inta himiladaasi laga gaarayo afarta dawladood oo xoogga waaweyni ay si wadajir u maamulaan dalka , iyagoo ka wakiil ah Jamciyadda Qruumaha ka dhaxeysa.

Xisibiyadda SYL (south) iyo SNL(North) waxay u gudbiyeen fikraddooda oo ku sabsaneyd  rabitaanka ummadda soomaaliyeed oo ah in ay hantaan madax banaanin oo aan maqaar saar ahayn.

Runtii waxaa xusid mudan  qoraalkii muddan Maxamuud Jaamac uurdoox uu u qoray Qaramada Middowey qoraalkiisa ku cadeeyey in 90% shacabka soomaaliyeed waxay diyaar u yihiin in ay helaan soomaali weyn  mideydsan oo xor ah isla markaasina waxay 4ta dawladdood ka codsandeen in ummadda soomaaliyeed in ay gaarsiyaan muddo 10 sannaddood gudohooda  xornimo taam ah, taasoo ujeeddadeedu ahayd in la diyaariyo hogaankii maamuli lahaa dawlada dhalan doonta.

Guddigii 4ta dawladood markii ay dhageysteen warbixinaddii kala duwanaa ee ay ka kala soo jeediyeen axsaabtii dalka ka jirtay, kuwaaso ay u kala qaybsanaayeen kuwa xornimadoon ah iyo kuwa ka soo hor jeedda , hase yeeshee guddigii markii uu arkay banana baxii weynaa ee ay soo qabanqaabisay xisbigii SYL iyo SNL  , iyo  wakiiladdii ka socoday Somali galbeed , NFD iyo Djabouti  ee ku sugnaa muqdisho , kuwaasoo  taageero ka heysta dadweynaha soomaaliyeed oo muujiyey in ay rabaan xornimo  , ka dib markii ay arkeen banana baxaasi , waxaa guddigaasi u cadaatay in shacabka soomaaliyeed uu rabo madaxbanaani taasoo ay warbixitoodina ay ku ayideen ama ay ku taageereen  in shacabka soomaaliyeed inuu hanto xornimadiisa .

Ujeeddooyinka ugu weyn ee xisbiga SYL wuxuu ahaa in la helo soomaali weyn hase yeeshee dhibatada ugu weyn waxay dhacday markii SYL ay diideen in Ingariiska gacanta loo geliyo inuu soomaaliya gaarsiiyo xornimo, taaso dawladda ingriisa  ka careesisay , hase yeeshee  caradaasi ka dib  Ingariisa   wuxuu cagta mariyey  himilooyinkii xisbiga SYL  diidmada la diiday awoogeed , sidaasi darteed Ingariiska  oo ka xun go’aankii xisbiga SYL  gaartay si la ma filaan ah dawladda Ingriiska  ah 2 qayb oo ka mid dhulka soomaaliyeey gacanta u geliyey  dalka Ethiopia iyo Kenya sidaasi ayayna ku burburtay himiladdii laga lahaa in la helo soomaali weyn.

Runtii Reer galbeedka iyo marekanka  waxay diidanaayeen in Ruushka uu fara gelin  ku yeesho Afrika gaar ahaan geeska Africka , Ruushka na wuxuu ka mid ahaa 4ta dawladood ee ku guuleysatay dagaalkii 2aad ee adduunka . United Nation ka waxay talo ku soo jeedisay  maadaam shacabka soomaaliy ay raali ka yihiin dawaladda talyaaniga in asiga loo dhiibo koonfurta soomaaliya muddo 10 sannadood ah lagu gaarsiyo madaxbanaani. United Nationka waxay soomaaliya u soo direen 4 dawladdood oo kala ah Egypt,Liberia, Philipin iyo Colombia si ay u kontoroolaan maamulka talyaaniga sannad  walbana ay u gubiyaan warbiin toodda United Nationka . Runtii mirihii ay beereen dhallinayraddii nafta u huray dalkoodda iyo dadkoodda waxaa la gurtay June 26, 1960kii  iyo July 1, 1960kii  maalintii xornimada iyo mideynta labad gobol Waqooyi iyo Koonfur.

Waxaan jiilka maanta jira looga baahan yahay in la dhamastiro himilooyinkii xisibga oo ahaa in la maalin maalin ka mid ah in la helo soomaali weyn oo mideysan ujedadaasi fog waxaa sal u ah ama lagu gaari karaa midnimo oo kaliya isla markaasi waxaa loo baahan yahay in si wada jir ah hal  meel looga soo hor  jeesto cadowga soomaaliyeed oo u soo hanqal taagay in ay boobaan dekadaheyn iyo badd.

Dhallinyaraddii shalay xornimada inoo keenay iyagoo hal heeskoodda uu ahaa: { midnimo midnimo, Axyaa Waddani Axyaa Waddani  iyo Soomaaliyeey toosooy toosooy isku tiirsada hadba kiini tag daran taagera weligin}” waddaniyadda ayaa  lagu gudbi karaa dhibaatooyinka isla markaasi na lagu gaari kara horumar iyo midnimo , taasi ayay na  ku soo noqon kartaa sharafkii shacabka  iyo nabadgalyadii dalka , Waxaan ummadda soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan guddaha iyo dibadda ba u rajaynayaa in sannadkaani sannadka xiga ay ku gaaraan guul iyo barwaaqo

Waxaa soo diyaariyey

Dr. Abdulkadir Ali Bolay

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgalo ka sameeyay Wadada isku xirta Marko, Nambar 50 iyo Laanta Buure

Muqdisho (SNTV)- Ciidanka Guutada 14-ka Oktoobar ee Xoogga Dalka ayaa Howlgalo qorsheysan ka fuliyay Wadada isku xirta Magaalada Marko, Nambar 50, Laanta Buure iyo Muure oo aan lamarin mudo kudhow 7sano.

Howlgalkan ayaa ujeedkiisa ahaa furitaanka Wadadaasi oo Argagixisada Al-shabaab ay ku aaseen Miinooyin si ay dad Soomaaliyeed ugu dhibaateeyaan taasi oo keentay in wadaasi isticmaalkeedu uu yaraado.

Inta uu Howlgalka socday ayaa waxaa lagu soo saaray dhowr Miino oo Aargagixisada wadada galiyeen.

Taliyaha Guutada 14 Oktoobar Gaashaanle Dhexe Axmed Cabdi Cali Axmed (Gaashaan)  oo howlgalka horkacayay ayaa Warbaahinta Ciidamada Qalabka Sida u sheegay in Wadada isku xirta Marko, Afgooye ilaa Muqdisho ay Howlgalo ay kasameeyeen ku guuleysteen haatana nadiif ay tahay islamarkaasna shacabka Soomaaliyeed ay si Nabad ah ugu safri karaan.

​Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo daahfuray mashruuca horumarinta shaqaalaha Soomaaliyeed

0
NSTV:-Wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Sadiiq Xersi Warfaa ayaa magaalada Nairobi kula kulmay deeq-bixiyeyaasha,isagoo halkaas ku daahfuray mashruuca horumarinta shaqaalaha Soomaaliya.
Kulanka waxaa wasiirka ku weheliyay wasiirrada shaqada ee dowlad-gobolleedyada dalka ee Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfurgalbeed,Jubbaland iyo mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada Soomaaliya.
Mashruuca horumarinta shaqaalaha Soomaaliya oo socon doona muddo saddex sanno ah ayaa ka taageerri doona dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada sameynta shuruucda muhiimka u ah shaqada iyo kor u qaadidda howl-wadeennada wasaaradaha.
Wasiirka shaqada, dhallinyarada iyo isboortiska Puntland, Jaamac Faarax Muuse ayaa sheegay mashruucan inuu sidoo kale diirrada saarayo shaqo abuur iyo mashaariic farsamadda gacanta ah oo bulshada Soomaaliyeed ay ku baranayaan xirfadaha gacanta.
Daahir Faarax Fiidow , oo ah wasiir ku-xigeenka wasaaradda shaqada ee dowlad-gobolleedka Galmudug ayaa dhankiisa sheegay mashruucan inuu waxbadan u faa’iideyn doono shacabka Galmudug iyo guud ahaan waddanka.
Gabagabadii, Wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Sadiiq Xersi Warfaa ayaa sheegay dowladda Soomaaliya inay ahmiyad gaar ah siinayso shaqo abuurka bulshada Soomaaliyeed, isagoo xaqiijiyay mashruucan inuu sidoo kale horumarinayo shaqaalaha Soomaaliya.
“Ula jeedka ayaa waxa uu ahaa mashruuc cusub oo kartidda iyo aqoonta dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka kor loogu qaadayo si ay u fuliyaan oo ay shaqadooda u garanayaan , marka ula jeedku wuxuu yahay qofka shaqada abuuraya in kartidiisa iyo khibradiisa kor loo qaado si shaqadiisa uu u fusho.” ayuu yiri wasiir Sadiiq Warfaa.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri ” Runtii waxaa sharaf weyn ii ah inan ku guuleystay dhammaan dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka wasaaradahooda shaqada inay casuumadii iga aqbaleen oo ay halkan isugu yimaadeen iyaga iyo deeq-bixiyeyaasha oo aan mashruucan rajeynayo marka ay dib u noqdaan inay hirgalin doonaan, kaas oo shaqaalaha aqoontoodda iyo kartidoodda kor loogu qaadayo, dalkana loo jiheeyo shaqo abuur , dhallinyarada Soomaaliyeedna la jiheeyo.”
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan shaqada adduunka ee ILO ayaa fulinaysa mashruucan oo ay taageerrayaan deeq-bixiyeyaal ay ku jiraan Midowga Yurub.