Home Blog Page 89

Duqa muqdisho oo qaabbilay madaxa howlgalka xafiiska hay’adda UNICEF ee Soomaaliya

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa kulan la qaatay wafdi uu hogaaminaayo Madaxa Howlgalka Xafiiska Hey’adda UNICEF ee Soomaaliya Mads Oyen.

Kulanka ayaa looga hadlay dardargelinta adeegyada caafimaadka guud ee Gobolka Banaadir, xoojinta adeega nafaqeynta caruurta, balaarinta goobaha keydka talaalka iyo in hey’adda UNICEF ay door ka qaadato horumarinta xarumaha caafimaadka Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa bogaadiyay doorka Hey’ada UNICEF ee Caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka, asigoona hoosta ka xariiqay in laga wada shaqeeyo gaarista yoolka caafimaadka loo dhanyahay.

 

 

Howlgallo lagu baacsanayo khawaarijta oo ka socda degaanno katirsan gobolka Hiiraan

0

Ciidamada Qaranka iyo kuwa xaq u dirirka dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan ayaa maanta cadowga Khawaarijta ah ku baacsanaya dhulka howdka ah ee u dhaxeeya deegaanada Mabaax iyo Ceelhareeri, halkaas oo dagaal saakay soo bilowday lagu jebiyey Khawaarijta.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay inay toogteen dhagarqabayaal ay cadowgu qaraxyo ku soo xireen, howlgalka oo weli socda ayaa si buuxda loogu jebiyey Khawaarijta.

Wixii ka soo kordha howlgalka ka socda Hiiraan kala soco Warbaahinta Qaranka.

Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Dibadda oo faahfaahiyay muhiimada booqashada Claver Gatete ee Muqdisho

0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Isaaq Maxamuud Mursal, ayaa faahfaahin ka bixiyay booqashada magaalada Muqdisho uu ku yimid Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Claver Gatete.

Wasiir ku-xigeenka ayaa sheegay in imaatinka wafdigan sare uu qeyb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo xiriirka wada shaqeynta ka dhaxeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay. Waxa uu tilmaamay in inta ay ku sugan yihiin Muqdisho, wafdiga uu hoggaaminayo Claver Gatete ay booqan doonaan qaar kamid ah wasaaradaha ay wada shaqeynta dhow kala dhaxeyso Qaramada Midoobay.

Sidoo kale, Wasiir Isaaq Maxamuud Mursal ayaa xusay in wafdigu ay kulamo muhiim ah la qaadan doonaan madaxda ugu sarreysa dalka, si loo sii ambaqaado iskaashiga dhinacyada horumarinta, bini’aadannimada, iyo nabadgelyada.

 

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo si rasmi ah u furay Kulanka Isu Duwidda Dowladaha Hoose

0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku daahfuray Kulanka Qaran ee isu-duwidda Dowladaha Hoose.

Wasiir Cali Xoosh oo ka hadlay Kulanka ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda dhismaha Dowlaha Hoose, isagoo yiri” Dhismaha dowladaha hoose ee dalka waa tiir muhiim u ah dowlad-dhiska iyo kor u qaadidda adeeg bixinta shacabka Soomaaliyeed.

“Kulankan waxa uu ka turjumayaa sida ay nooga go’antahay in aan dhisno nidaam dowladeed oo hoos-u-daadegsan, si loo helo dowlado hoose oo la tayeeyay kana jawaabi kara baahiyaha dhabta ah ee shacabku qabaan, Dowladaha Hoose waa wajiga ugu horreeya ee dowladda, waana hay’adda dowladeed ee ugu dhow shacabka “ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiir Cali Xoosh

Kulanka oo socon doona muddo labo cisho ah ayaa waxaa goobjoog ka ah masuuliyiin ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada dalka, Gobolka Banaadir iyo Hay’adaha ka shaqeeya arrimaha Dowladaha Hoose.

Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS waxaa ka go’an daadejinta awoodda iyo baahinta nidaamka matalaadda, iyadoo hortabin siineysa in si toos ah loo doorto matalayaasha dowladaha hoose.

Howlgallo lagu burburiyay khawaarijta oo ka dhacay degmada Aadan Yabaal

0

Howlgallo culus oo ka dhacay xaafadda Howlwadaag ee degmada Aadan Yabaal, gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa lagu burburiyay labo xarumood oo Khawaarijtu ay u adeegsan jireen diyaarinta gaadiidka dagaalka iyo kaydka hubka.

Mid ka mid ah xarumaha la beegsaday ayaa lagu soo waramayaa inay ku jireen gaadiid lagu diyaariyay waxyaabaha qarxa, waxaana la arkayay xaruntaasi oo si daran u gubanaysa markii lagu burburiyay howlgal bartilmaameed ah.

Fadlan la soco: Faahfaahin dheeraad ah iyo muuqaallo ku saabsan howlgalkaan guuleystay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Kulan Doceed la yeeshay Dhigiisa Dowladda Kuwait

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Salaan Cabdi Cali, ayaa kulan doceed muhiim ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Kuwait, Mudane Cabdullahi Cali Elihya. Kulankaasi ayaa dhacay intii uu socday shirkii 51-aad ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

labada wasiir waxay si qoto dheer uga wada hadleen xaaladaha siyaasadeed iyo amni ee gobolka, arrimaha caalamiga ah, iyo isbeddellada ka socda mandaqadda. Sidoo kale, waxaa la xoojiyay muhiimadda ay leedahay sii ballaarinta iskaashiga laba geesoodka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kuwait, si loo kobciyo xiriirka taariikhiga ah ee labada dal.

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐬𝐚𝐠𝐨𝐨𝐭𝐢𝐧 𝐚𝐡 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐔𝐍𝐈𝐂𝐄𝐅 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

0

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka, Dr. Ali Haji Adam, ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan sagootin ah kula qaatay Marwo Wafaa Saeed, Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya, oo dhamaysatay muddo-xileedkii ay ka shaqaynaysay dalka.

Kulanka ayaa looga hadley wada shaqeyntii dhoweyd ee u dhexeysay Wasaaradda iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Hey’adda UNICEF intii ay Marwo Wafaa xilka haysay, gaar ahaan taageerada joogtada ah ee UNICEF ay ku bixisay horumarinta adeegyada caafimaadka, tallaalka, nafaqada, iyo daryeelka hooyada iyo dhallaanka.

Wasiir Dr. Ali Haji Adam ayaa uga mahadceliyay Marwo Wafaa shaqadii ay qabatay iyo sida ay uga go’nayd taageerada Caafimaadka Soomaaliya, isagoo u rajeeyay mustaqbal wanaagsan iyo guulaha howlaheeda danbe, waxa uuna sheegey Wasiirka in Wasaaradda Caafimaadka ay mar walba diyaar u tahay la shaqeynta bah-wadaagta caalamiga ah si loo gaaro himilooyinka Caafimaad ee Qaranka.

Ciidamada Xoogga Dalka oo fuliyay howlgal guuleystay

0

Ciidanka Geesiyaasha Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garabsanaya Ciidamadda Uganda ee UPDF ayaa guul weyn ka gaaray dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta, kadib howlgal qorsheysan oo si guul leh looga fuliyay deegaanada istaraatiijiga ah ee Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkaan oo si taxaddar leh loo diyaariyay ayaa lagu jabiyay Khawaarijta, waxaana lagu qasbay inay isaga cararaan meelihii ay ku dhuumaaleysanayeen. Ciidanku waxay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta deegaannadaasi, waxayna hadda wadaan howlgal amni xaqiijin ah oo lagu sugayo nabadgelyada shacabka deegaanka.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in guushan ay ka tarjumeyso dadaalka joogtada ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta iyo dhismaha dowladnimo ku dhisan amni iyo kala dambeyn.

 

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah ururada Siyaasadda dalka

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay qaar ka mid ah ururada siyaasadeed ee ka jira dalka, waxaana sidoo kale kulanka ka qeyb galay Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux iyo sidoo kale Guddoomiyaha Guddiga Xeerhoosaadka,Anshaxa, Xasaanadda iyo Daryeelka ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Ibraahim Cali (Maxamed Cajiib).

Xubnaha matalayay ururada siyaasadeed ee kulanka ka qeyb galay ayaa Guddoomiyaha uga warbixiyay qaabka ay u howlgalaan ururada siyaasadda iyo sida ay u taageersanyihiin qorshaha awooda shacabka loogu celinaayo oo ah in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, waxayna balan qaadeen in ay dowladda ku garab istaagayaan in dalka la gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah iyo dagaalka dalka looga ciribtirayo Khawaariijta.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa xisbiyadda siyaasadeed ee dalka uga mahadceliyay is abaabulkooda iyo sida ay mar walba dowladda ugu garab taaganyihiin in ay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ugu dambeyn sheegay in dowladda ay taageersantahay ururada siyaasadda ee dalka ka jira iyo inuu dalku yeesho xisbiyo siyaasadeed, dowladana ay ka go’antahay in shacabka awooda dib loogu celiyo si ay codkooda ugu doortaan hogaanka dalka.

Wasiirka Arrimaha guddaha oo qabtay kulan looga hadlayo Amniga goobaha lagu xusayo maalmaha xoriyadda

0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa Guddoomiyay Kulanka Aminga ee Guddigga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda Iyo Midnimada oo ka dhacay Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Kulanka oo looga arrinsaday sugidda amniga goobaha laga qabanayo munaasabadaha maalmaha xorriyadda ee 26-juun iyo 1-da Luulyo iyo fantisayaha ka horreeya ee lagu dabbaal-dagaayo maalmahaas.

Kulanka ayaa waxaa qaybgalay Wasiirrada Xubnaha ka ah Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda Iyo Midnimada, Saraakiil sare oo ka kala socda Ciidanka Boolsika Soomaaliyeed, Hay’adda Nabad-sugidda, iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.