Ifraax Axmed oo Gudoontay Shahaadda PHD

Date:

Ifraax Axmed oo ah gabadh Soomaaliyedd kana shaqaysa arrimaha bulshadda ayaa Jaamacadda dalka Ireland ee Trinity guddoonsiisay Shahaado sharafeeda sare ee PHD-da Sharciga.

Ifraax ayaa mudo dheer u ololaybaysa u doodisa xuquuqda Haweenka Soomaaliyeed iyo joojinta gudniinka Fircooniga ah.

Munaasabadda shahaadada sharafeed, oo shalay (28 Nofeembar 2025) lagu qabtay Jaamacadda Trinity, ayaa lagu guddoonsiiyay afar shaqsi oo caan ah, iyadoo Ifraax Axmed ay ka mid tahay dadka ugu muhiimsanaa ee la sharfay, maadaama ay door weyn ka qaadatay ololeyaasha looga hortagayo gudniinka tan iyo imaatinkeedii Ireland sanadkii 2006. Waxay sidoo kale kaalin muuqata ku lahayd ansixintii sharciyadii Ireland ku mamnuucay gudniinka sanadkii 2012.

Ifraax Axmed ayaa ahayd haweeneydii ugu horreysay ee si fagaare ah dunida ugu sheegta khibraddeeda gudniinka, taas oo ay ka hadashay shir Qaramada Midoobay ee sanadkii 2010. Waxay aasaastay “Ifrah Foundation,” oo ka hirgelisa Soomaaliya barnaamijyo lagu wajahayo rabshadaha ku saleysan jinsiga iyo wacyigelinta bulshada.

Sanadkii 2021, waxay bilowday ololaha “Gabadheyda Qaaliga ah” oo ay la kaashatay UNFPA, kaas oo ilaa hadda helay in ka badan 100,000 ballanqaad oo waalidiin ku caddeeyeen inay gabdhahooda ka difaacayaan gudniinka fircooniga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Ayaa Maanta Kormeer Ku Tagay Xaruntii Dhexe ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS xildhibaan Cali Yuusuf Cali...

Wasiirka Kalluumeysiga oo Qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya, Mudane...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Masar ee Arrimaha Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Hoggaamiyaha Koongur Galbeed oo Daah furay Imtixaanaadka Dugsiga Dhexe ee Degaannada KGS

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...