Ra’iisul Wasaare Xamsa “Halkan waxaan u nimid iskaashi”

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo khudbad ka jeediyay kulanka xiritaanka ee Madasha Caalamiga ah ee MEDays ee Boqortooyada Morooko, ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda ay leedahay isku xirnaanta iyo iskaashiga dalalka ku yaalla Daanta Koonfureed ee Dunida (Global South).

Ra’iisul Wasaaraha oo khudbaddiisa ku muujiyay marxaladda cusub ee ay Soomaaliya gashay, ayaa xusay in dalku qoreyso bog cusub oo taariikheed, isla markaana uu dib u hantay sumcaddii iyo mansabkii uu caalamka ku lahaa. Wuxuu carabka ku adkeeyay in Soomaaliya maanta tahay dal xasilloon oo amnigiisa iyo siyaasaddiisa la isku halayn karo, isla markaana uu ka socdo dib-u-qaabeyn iyo dib-u-dhis miro dhal leh, taasoo u diyaarinaysa in ay kaalin muuqata ka qaadato degganaanshaha guud ee gobolka iyo adduunkaba.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sii hadlayay ayaa yiri:

“Halkan uma aanan imaan annaga oo raadinayna samafal, ee waxaan u nimid annaga oo doonayna iskaashi, diyaar u ahna in aan aragtiyo biirinno, wax-is-weydaarsi sameyno, isla markaana aan ka qeybqaadanno xal u helidda caqabadaha jira.”

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in Afrika aysan sii ahaan karin daawade kaliya oo arrimaha adduunka dib uga daawata, balse ay tahay inay noqoto dalad firfircoon oo kaalin muuqata ku leh dejinta qorshayaasha mustaqbalka.

Shirka Madasha MEDays, oo socday muddo afar maalmood ah, ayaa xirmay iyadoo Soomaaliya sanadkan ka qaadatay kaalin hoggaamineed, laguna soo gabagabeeyay xiriirro iyo iskaashi ballaaran oo waxtar u leh danaha dhow iyo kuwa fog ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...