Home Blog Page 88

Dowladda Jarmalka oo si Buuxda u Aqoonsatay Baasaboorka Diblomaasiga Soomaaliya.

0

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ku faraxsan tahay go’aanka rasmiga ah ee Dowladda Federaalka Jarmalka ay ku aqoonsatay Baasaboorka Diblomaasiga ee Soomaaliya, kaas oo lagu daabacay Wargeyska Rasmiga ah ee Dowladda Jarmalka (Bundesanzeiger) 1-da December 2025.

Go’aankan cusub ayaa dhigaya in Baasaboorka Diblomaasiga ee Soomaaliya si rasmi ah loo aqoonsaday gelitaankiisa iyo deganaanshaha ee Jarmalka, kaas oo beddelaya xeerarkii hore ee kaga jiray Jarmalka oo keliya aqoonsiga marka laga baxayo dalka (departure).

Tallabadan ayaa caddeyn u ah horumarka joogtada ah ee dowladda Soomaaliya ee lagu horumarinayo tayada dukumentiyada safarka, casriyeynta adeegyada, iyo howlaha socdaalka ee ku wajahan adeegyada ee labada dal.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha waxa ay Dowladda Federaalka Jarmalka ku bogaadinaysaa go’aanka ay qaadatay, waxayna ka rajaynaysaa in uu sii xoojin doono aqoonsiga baasaboorka iyo nidaamyada aqoonsiga ee dalalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda UK

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday dowladda UK oo ay hoggaaminaysay Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Xuquuqda Aadanaha, ahna Ku-xigeenka Wakiilka Joogtada ah ee UK ee Geneva, Marwo Eleanor Sanders.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa dowladda UK ugu hambalyeeyay kursiga dhowaan loo doortay ee ah in ay ka mid noqoto Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay. Sidoo kale wuxuu uga mahadceliyay kaalintii ay UK ku lahayd guulihii ay dowladda Soomaaliya ka gaartay qaadistii cunaqabataynta hubka, deyn-cafinta, iyo dib-u- la soo noqoshada Soomaaliya ee kursiga Xuquuqda Aadanaha ee QM.

Mudane Xamsa oo warbixin siinayey wafdiga, ayaa xusay in Soomaaliya ay hadda yeelatay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqda Aadanaha, oo dhowaan ay ansixiyeen labada aqal ee Baarlamaanka, isaga oo tilmaamay in dhammaan xubnaha guddiga lagu soo xulay karti, aqoon iyo waaya-aragnimo.

Danjiraha UK ee Xuquuqda Aadanaha, Marwo Eleanor Sanders, ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadcelisay qaabilaadda, waxa ayna ku bogaadisay horumarka laga sameeyay arrimaha xuquuqda aadanaha ee dalka.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha oo ay wehelinaysay Wasiirka Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka, Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi, ayaa Danjiraha guddoonsiiyay shahaado sharaf muujinaysa doorka UK ee garab istaagga Soomaaliya.

 

 

Wasiirka Qoyska oo Muqdisho kusoo dhaweysay Wafdi ka socda Boqortooyada Ingiriiska

0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo dhaweysay Wafdi sare oo ka socda Boqortooyada Ingiriiska oo ay hogaamineysay H.E Eleanor Sanders oo safarkeedii ugu horeysay abid ku timid magaalada, kadib markii ay Wasiirka Wasaaradda Qoyska u fidisay casuumaad rasmi ah.

Wasiir Amb Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Maxamed Bashiir Cumar iyo Khuburada Wasaaradda waxaa ay xarunta Wasaaradda Qoyska kulan ballaaran kula qaateen Wafdigan ka socday dowladda Ingiriiska, ayadoo ugu horeyn Wasiirku ay wafdiga warbixin ka siisay halka ay mareyso xaaladda Xuquuqul Insaanka Dalka iyo dadaalladii ugu dambeeyey ee ay Wasaaradda Qoyska ku guuleysatay, kadib guushii shirkii Geneva, guulahaas oo ay ka mid tahay dhismaha iyo meel marinta Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi ayaa si weyn ugu mahad celisay Boqortooyada Ingiriiska dadaalkii ay ku bixisay iney Soomaaliya dib u lasoo wareegto madax bannaanideeda Xuquuqul Insaanka, si la mid ah dowladaha caalamka ayadoo dadaalladaasi ay hormuud u aheyd Safiirka Xuquuqul Insaanka Dowladda Ingiriiska H.E Eleanor Sanders.

Intii uu socday kulank ayey dhankooda H.E Eleanor Sanders iyo Safiir ku xigeenka Safaaradda ingiriiska ee Muqdisho Sam Thomas waxa ay si wadajir ah u bogaadiyeen dadaallada xooggan ay Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ku bixisay Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya waxaana ay ballan qaaday Danjire Eleanor Sanders iney wada shaqeyntooda iyo garab istaagooda ay sii laba jibaari doonaan maadaama ay Wasaaradda dhankeeda shaqooyinkii laga rabay qabatay.

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey waday dadaal xooggan oo ku aaddan horumarinta Xuquuqul Insaanka, taasi oo keentay in sanadkan 2025 ay si weyn u kordheen guulaha ay Wasaaraddu ka gaartay horumarinta Xuquuqul Insaanka Dalka oo ay ugu weynaayeen iney Soomaaliya dib ula soo laabato madax bannaanideeda Xuquuqul Insaanka 32 sano kadib iyo dhismaha guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka.

 

G/ Ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare oo kormeer ugu tagay Guddiga dib-u-eegista Dastuurka

0

Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa maanta kormeeer kooban ugu tagay Guddiga dib-u-eegista iyo la-socodka hirgelinta Dastuurka oo ku guda jira howlahooda dib-u-eegista Dastuuurka gaar ahaan cutubyada 5-aad illaa 9-aad ee uu Guddiga Madaxabannaan ee Dastuurku usoo gudbiyay.

Guddoomiye Cali Shacbaan oo si kooban uga hadlay muhiimadda dastuur dhammeystiran uu u leeyahay geeddi-socodka siyaasadeed iyo dimuqraadiyadeed ee dalka, ayaa ku boorriyay xubnaha guddiga dib-u-eegista iyo la-socodka hirgelinta Dastuurka in la dardargeliyo howlaha wax-kabeddelka Dastuurka.

Arday Soomaaliyeed oo deeq waxbarasho ka heshay dalka Algeria

0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa ku dhawaaqday in kooxdii ugu horreysay ee arday Soomaaliyeed ee ka faa’iideysatay deeqaha waxbarasho ee Dowladda Algeria ay gaareen dalkaas.

Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda, Mudane Cali Maxamed Cumar, oo la hadlay warbaahinta qaranka, ayaa sheegay in ardaydan ay tageen Algeria, iyada oo la fulinayo heshiiska iskaashiga waxbarasho ee ay wada saxiixeen Dowladaha Soomaaliya iyo Algeria.

Wasiiru-dawlahu wuxuu tilmaamay in 45 arday oo isugu jira wiilal iyo gabdho ay haatan waxbarasho ka bilaabeen jaamacadaha Algeria. Ardaydan ayaa qayb ka ah 120-ka deeq waxbarasho ee loo qoondeeyay Soomaaliya, kuwaas oo lagu barto culuumo kala duwan, oo ay ku jiraan amniga internetka (cybersecurity).

Mudane Cali Maxamed Cumar ayaa sidoo kale xusay in deeqahan ay qeyb ka yihiin heshiisyadii ay wada gaareen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Madaxweynaha Algeria, Abdelmadjid Tebboune, kuwaas oo ku saabsan waxbarashada, arrimaha dibadda, xoolaha iyo gaaska dabiiciga ah.

Madaxweynaha Algeria ayaa hore u ballanqaaday in uu kordhinayo taageerada waxbarasho ee ardayda Soomaaliyeed, si loo xoojiyo xiriirka waxbarasho iyo iskaashiga labada dal.

 

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qeybgalay Madasha Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Sare ee dalalka Bariga Afrika

0

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Bashe Yuusuf Axmed, ayaa ka qeybgalay kullanka sanadlaha ah ee Madasha Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Sare ee dalalka Bariga Afrika, kaas oo ka dhacay magaalada Nairobi, dalka Kenya.

Madashan ayaa looga hadlay arrimo muhiim ah oo la xiriira horumarinta caddaaladda ku dhisan baahida shacabka, gaar ahaan nidaamyada caddaaladda ee ka baxsan dacwadaha maxkamadaha madaniga ah.

Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Sare ayaa is dhaafsaday waayo-aragnimo, hal-abuur casri ah, iyo qaabab cusub oo lagu ballaarinayo helitaanka caddaaladda.

Intii uu shirku socday waxaa si gaar ah looga falanqeeyay caqabadaha wadajirka ah ee ka jira dalalka gobolka, sida la jaanqaadidda sharciyada, wacyigelinta bulshada, dhisida awoodda garsoorka, adeegsiga tiknoolajiyadda, iyo joogteynta nidaamyada cusub ee caddaaladda. Waxaa sidoo kale laga dooday sida loo dardargelin lahaa wada-shaqeyn heer gobol ah, oo ay ka mid yihiin isdhaafsiga aqoonta, tababarrada wadajirka ah, iyo booqashooyinka waxbarasho ee garsoorayaasha.

Ugu dambeyntii, madashu waxay ku heshiisay in la diyaariyo war-murtiyeed mideysan oo qeexaya mudnaanta, ballanqaadyada wadajirka ah, iyo tallaabooyinka la qaadayo si loo horumariyo caddaalad ku saleysan baahida dadweynaha ee guud ahaan Bariga Afrika.

Wasiir Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Kulan La Yeeshay Xoghayaha Dowladda ee Arrimaha Afrika ee Aljeeriya

0

Wasiir Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar, ayaa maanta kulan rasmi ah kula yeeshay magaalada Aljeer Saalma Bekhta Mansuuri, oo ah Xoghayaha Dowladda ee Wasiirka Arrimaha Dibadda Aljeeriya u qaabilsan Arrimaha Afrika.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, iyo amniga ee Soomaaliya iyo Aljeeriya.

Labada mas’uul ayaa isdhaafsaday aragtiyo ku saabsan xaaladaha muhiimka ah ee qaaradda Afrika, iyagoo ka wada hadlay hindiseyaal lagu xoojinayo wadashaqeynta gobolka iyo dadaallada mideysan ee labada dal ay ka qaadan karaan arrimaha istaraatiijiga ah.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Aljeeriya, Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego).

Wasiiru Dowlaha Isgaarsiinta oo kulan la qaatay Wasiirka Isgaarsiinta Dalka Qatar

0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda JFS, Mudane Ahmed Diri, ayaa magaalada Doha kulan kula yeeshay Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Qatar, Mohammed bin Ali Al Mannai, xilli uu socdo MWC Doha 2025.

Kulanka labada dhinac ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Qatar, gaar ahaan dhanka dijitaleynta adeegyada dowladda, hormarinta kaabayaasha ICT-ga, iyo amniyeynta seybarka.

Wasiiru Dowlaha ayaa uga warbixiyay dowladda Qatar dadaallada ay Soomaaliya ku casriyeynayso adeegyada iyo dhismaha nidaam dhijitaal oo fududeynaya helitaanka adeegyada bulshada.

Dhankiisa, Wasiirka Qatar ayaa sheegay in dalkiisu diyaar u yahay ballaarinta taageerada, oo ay ku jiraan barnaamijyada maamulka dhijitaalka, tababarrada shaqaalaha dowladda, iyo horumarinta adeegyada casriga ah ee isgaarsiinta.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo ka qeybgalay Shirka Caalamiga ah ee Dambiyaynta Gumaysiga Afrika

0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed Cumar, ayaa maanta oo Axad ah kaga qeybgalay caasimadda Aljeeriya shirka caalamiga ah ee dambiyaynta gumaysiga Afrika, kaas oo ka dhacaya magaalada Algiers, soconayana 30-ka Nofembar ilaa 1-da Diseembar.

Shirka ayaa ujeedkiisu yahay isku keenidda dalalka Afrika ee soo maray heeryadii gumaysiga, si loo xoojiyo aqoonsiga heer caalami ee xadgudubyadii dhacay intii lagu jiray xilligii gumaysiga, loona dejiyo habraacyo wax ku ool ah oo lagu magdhabi karo dhibaatooyinka taariikheed, iyo wax-ka-qabashada uur-ku-taallooyinka iyo saameynta weli ka muuqata qaaradda.

Waxaa la filayaa in shirkani uu ka soo baxo “Baaqa Aljeeriya”, oo ka koobnaan doona soo jeedimo iyo talooyin muhiim ah. Nuqulka baaqan ayaa loo gudbin doonaa Shir-madaxeedka Midowga Afrika ee la qorsheynayo inuu qabsoomo bisha Febraayo 2026, si ay madaxda iyo hoggaamiyeyaasha qaaraddu u ansixiyaan.

Howlgal ka dhan ah khawaarijta oo ka dhacay Shebeellaha Dhexe

0

Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Gorgor ayaa howlgal qorsheysan kasameeyay deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, howlgalkaas oo ujeedkiisu ahaa baacsiga iyo kahortagga dhagarta kooxaha Khawaarijta.

Howlgalka ayaa ka dhacay deegaanada Aqabka Bidhida, Jabad Godane, Calanley, Masaale iyo Berweyn Celi, kuwaas oo lagu tuhunsanaa inay Khawaarijtu ku lahaayeen goobaha ay ka abaabulaan falalka amni darro ee ay ka geystaan gobolka.

Taliyaha Ururka 191-aad ee Guutada 19-aad ee Kumaandooska Gorgor, G/le Muqtaar Axmed Cumar, oo hoggaaminayay hawlgalkan, ayaa sheegay in ciidanku ay burburiyeen gabaadyo iyo meelo ay Khawaarijtu isku aruursan jireen, isla markaana ay sii wadaan dadaallada lagu xaqiijinayo amniga deegaanada Shabeellaha dhexe.