Home Blog Page 90

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo la kulmay Culimada Soomaaliyeed

0

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa kulan la qaatay Golaha Sare ee Midowga Culimada Soomaaliyeed oo booqasho ku yimid xarunta dhexe ee Guddiga.

Intii uu socday kulanka ayaa hoggaanka sare ee Culimada Soomaaliyeed, waxaa sharaxaad laga siiyey howlaha u qabsoomay muddadii gaabnayd ee uu jiray Guddiga iyo qorshaha guddiga mustaqbalka dhow.

Intaas kadib xubnaha Culimada ah ee ka socday Golaha sare ee Midowga Culimada Soomaaliyeed ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee xurunta dhexe ee guddiga oo ay ka midyihiin Opration Room-ka, Call Center-ka, qeybta Data Center-ka iyo Qeybta Operation-ka ama Howlgalka oo ah halka laga haga arimaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha mudane Cabdikariin Axmed Xasan ayaa Culimada Soomaaliyeed ugu mahadceliyey booqashada ay ku yimaadeen Xarunta dhexe ee guddiga asigoona ku amaanay kaalinta ay ka qaataan wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed.

Dhankooda, hoggaanka sare ee Golaha Culimada Soomaaliyeed ayaa guddiga ku bogaadiyey howlaha baaxadda leh ee u qabsoomay,iyoona ammaanay tayada qalabka casriga ah ee Diiwaangelinta Codbixiyeyaash, iyaga oo sidoo kale u balanqaaday Guddiga in ay kala shaqeyn doonaan sidii sare loogu qaadi lahaa Wacyiga iyo Dareenka Bulshada Soomaaliyeed ee ku aadan hirgelinta iyo xaqiijinta qabsoomidda Doorashooyinka Dalka heerarkooda kala duwan gaar ahaan Golaha Deegaanka ee Gobalka Banaadir.

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda Maalinta Calanka

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aaddan maalinta qiimaha badan ee Calanka dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in maalinta 12 Oktoobar ay ahmiyad weyn u leedahay dhammaan ummadda Soomaaliyeed maadaama oo ay ku beegan tahay markii la gardaadiyey Calankeenna oo ah astaan ka turjumaysa gobannimada, wadajirka iyo midnimadeenna.

“Maanta waa maalin ku weyn dhammaan ummadda Soomaaliyeed. Waxa ay ku beegan tahay markii 71 sanno ka hor halyey Maxamed Cawaale Liibaan uu hindisay calanka Soomaaliyeed oo ka turjumaya Qarannimada, Gobonnimada, Midnimada iyo Wadajirka Shacabka Soomaaliyeed oo halgan dheer u soo galay sidii ay u hanan lahaayeen xornimadooda iyo talada dalkooda.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u midoobaan xoojinta dowladnimadooda, difaaca dalkooda iyo ilaalinta danaha qarankooda, si loo ilaaliyo dhaxalka awooweyaasheenna, jiilasha danbe na loogu diyaariyo mustaqbal wanaagsan.

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay laba dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta

0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose ku qabtay laba dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta, kuwaas oo markii gacanta lagu dhigay sheegay in loo soo diray magaalada Muqdisho si ay u dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda.

Howlgalka Ciidanku sida xeeladeysan u fuliyeen ee lagu qabtay dhagarqabayaasha ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee isku dayaya inay carqaladeeyaan amniga iyo xasilloonida Dalka.

Ciidanka Xoogga Dalka oo dedaal ugu jira difaaca shacabka ayaa markale muujiyay feejignaan, karti iyo geesinimo ay kaga hortegayaan dhagar kasta oo cadowgu soo maleego, taas oo cadeyneysa sida Ciidanku ugu heellanyihiin sugidda amniga iyo badbaadada shacabkooda.

 

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray dib u-dhis lagu sameeyay Dugsiga Waxaracadde

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare ee Waxaracadde, oo dib loo dhisay kaddib burburkii dalka.

Dugsigan, oo markii hore la aas-aasay sannadkii 1984, ayaa dib u bilaabay bixinta adeeg waxbarasho oo lacag la’aan ah, taas oo qayb ka ah qorshaha Dowladda Hoose ee lagu horumarinayo waxbarashada bilaashka ah iyo dib-u-soo-nooleynta iskuulladii burburay muddadii dagaallada sokeeye.

Sheekh Mukhtaar Maxamuud, oo ahaa maamulihii ugu horreeyay ee dugsiga, ayaa dib loogu magacaabay xilkaas, halka Agaasimaha Guud ee Waxbarashada Gobolka Banaadir uu sheegay in qorshuhu yahay in xaafad kasta laga hirgeliyo iskuullo casri ah si loo ballaariyo helitaanka waxbarasho tayo leh.

Duqa Muqdisho, Dr. Muungaab, ayaa sheegay in maamulka gobolka uu diyaar u yahay daboolidda dhammaan baahiyaha dugsiga, isagoo carrabka ku adkeeyay in waxbarashadu tahay mudnaanta koowaad ee maamulka, lana dardar-gelin doono dayactirka iskuullada burburay si loo hubiyo mustaqbal ifaya oo carruurta Soomaaliyeed.

Munaasabadda xarig-ka-jarka waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan maamulka gobolka, bahda waxbarashada iyo bulshada deegaanka.

 

Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya

0

Maanta oo ah 12-ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay sannad guuraddii 71-aad ee ka soo wareegtay maalintii ugu horaysay ee la isku raacay soo bandhigidda naqshadda Calan Soomaaliyeed oo uu hal abuurkeeda lahaa Allaha u naxariistee marxuum Maxamed Cawaale Liibaan.

Xuska maalintaan waa mid qaran oo ku wayn quluubta shacbiga Soomaaliyeed,isla markaana ka tarjumaya dadaalkii loo soo galay lahaanshaha calan Soomaaliyeed oo ku yimid rabitaanka dad in muddo ah ku hoos nolaa gumeysi shisheeye.

Soo Bandhigiddii Calanka.

Kadib muujinta hannaanka ee loo xardhay Calanka,xubnihii ururka SYL ee waqtigaa dood dheer ka dib waxaa la isku waafaqay muxaafid iyo mucaaradba in la qaato Calanka uu soo bandhigay Maxamed Cawaale Liibaan.

Cabdulkadir Cali Boolay oo ka mid ahaa halgamayaashii S.Y.L ayaa yiri”waxaan nasiib u yeeshay in aan goob joog ka ahaa xilligaasi oo lagu soo bandhigay xarunta dhexe ee xisbigii SYL, waxaana cod buuxda la isku waafaqnay in la qaato naqshadda uu soo bandhigay marxuum Maxamed Cawaale Liibaan.

Laakiin, markii loo geeyay maamulkii Talyaaniga ayaa diiday ,iyagoo ku tilmaamay inuu u egyahay Calanka dalka Za’iir iyo kan Jimciyadda Qaruumaha ka dhaxaysa “United Nations-ka” waxeyna marmarsiinto ka dhigteen in aan la ogolayn calan dal leeyahay.

Maamulkii Talyaaniga wuxuu ku adkaystay hindisihii uu soo bandhigay marxuum Maxamed Cawaale Liibaan in aan la qaadan Karin,isku daygaasina uu yahay mid aan soo kordhineyn wax faa’iido ah.

Intaa kadib, Maxamad Cawaale Liibaan wuxuu Talyaaniga u sheegay in labada calan aanay isku mid ahayn sababtoo ah Calanka dalkii Za’iire horay loo oran jiray, xiddigta ku dhextaal waa mid Dahabi ama Huruud ah, sidaasi darteed dood dheer iyo wada tashi fara badan ka dib maamulkii Talyaaniga oo xiligaasi maamulaayay koonfurta soomaaliya wuxuu ogolaaday in la qaato calanka buluugga ah xiddigta cad dhexda kaga taallo.

Halgankii dheeraa, kadib ummadda soomaaliyeed waxay ku guuleysatay una suurta gashay in ay yeelato calan aad u qurux badan ,kaasoo ka tarjumaya jiritaanka iyo himilada ummadeed oo ah in la helo soomaali midaysan.

Calanka Qaranka Soomaaliyeed oo maanta 71- sano jirsaday, wuxuu ku yimid halgan adag oo ay hoggaanka u hayeen dhallinyaraddii soomaaliyeed xisbigii SYL, kuwaas oo loolan qaraar la galay gumaystayaashii isu soo bahaystay umadda Soomaaliyed.

12-ka Oktobar ee sanadkii1954kii waa maalin xasuus leh oo la soo bandhigay callanka buluugga ah ee xambaarsan sharafta umadda,waxaadna ka dhadhansan karnaa miraha can baxay ee ku jira heesta (Qoloba calankeedu) ee uu ku luuqeeyo Marxuum Cabdullahi Qarshe waxaana ka mid aha:- “Qolobaa calankeedu waa ceynoo-Innagaa keennu waa – Cirkoo kale’e – ee aan Caadna-lahayn – ee Caashaqa’e – Xiddig yahay Cadi-waad Na Ciidamisee- Caradaan Kaligaa Aadow Curadee – Cadceeda Sideeda Caan Noqo’ee”.

Hadabba,26kii Juun1960kii waa markii ugu horaysay ee calankaasi kifaaxa dheer loo soo maray laga taagay fagaaraha xoriyadda ee magaalada Hargaysa, kadib markii goballada waqooyi ay ka xoroobeen gumaysigii Ingiriiska,afar maalmood kadib, halka 1dii luulyo 1960kii gobolada koonfureed ay ,iyana ka xoroobeen gumaysigii Talyaaniga,isla markaana lagu guuleystay israaca labadii gobol ee Waqooyi iyo Koofur,kuwaas oo horsed u ahaa dhismaha Jamhuuriyaaddii Soomaaliya.

Calanka waa astaanta dalka, in la jeclaado korna loo qaado xuskiisa iyo munaasabaddiisa waa qayb wadaniyadda ka mid ah, waxaana habboon si dareenka wadaniyadeed ee shacbiga kor loogu qaado in manaahijta dugsiyada lagu dhigo lagu daro maaddo wadaniyadda ku saabsan.

Gabagabadii waa muhiim in ardayda iyo jiilasha dambe la baro qiimaha dalka iyo halgankii loo soo maray xoriyadda,gaar ahaan xusudda halgamayaashii taariikhda galay , qiimaha calanka iyo astaanta dalku leeyahay.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kulan la qaatay madax iyo siyaasiin heer qaran ah

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa caawa hoygiisa ku martiqaaday madax iyo siyaasiin heer qaran ah, isagoo u sameeyay casho-sharaf iyo soo dhoweyn.

Kulanka ayaa lagu lafaguray arrimo la xiriira xasiloonida, wadajirka iyo horumarinta caasimadda, iyadoo lagu xoojinayay iskaashiga u dhexeeya Maamulka Gobolka iyo madaxda qaranka.

Mas’uuliyiinta ka qeyb gashay waxaa ka mid ahaa Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare Cabdullaahi Cali Xersi Timacade, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Yuusuf Xoosh, Wasiirka Tamarta Cabdullaahi Bidhaan Warsame, Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Janaraal Asad Cismaan Cabdullaahi, Ra’iisul Wasaare hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, iyo Xildhibaan hore Maxamuud Xayir Ibraahim.

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday jawi is-faham iyo wadatashi sare leh, iyadoo lagu adkeeyay muhiimadda iskaashiga iyo wadajirka lagu horumarinayo nabadda iyo adeegyada magaalada Muqdisho.

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo Guddi Xildhibaano ah magacaabay

0

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay guddiga soo xulista Xildhibaanadda Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika.

Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

0

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh ku ansixiyey Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo ay maanta horgeysay Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya.

Dhinaca kale Wasiirka qoyska iyo horumarinta xuquuqul insaanka xukuumadda Federaalka Soomaaliga ayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS uga mahadcelisay sida sharafta leh ee ay maanta u ansixiyeen Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka.

” Ansixinta xubnaha Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka waa guul weyn oo usoo hoyatay shacabka Soomaaliyeed guud ahaan waana taariikh mug leh oo ay Soomaaliya qortay maanta” ayey tiri wasiirka qoyska.

Dhaarinta iyo ansxinta Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka iyo guushii dhowaan ay Soomaaliya ka soo gaartay shirkii Xuquuqul Insaanka QM ee magaalada Geneva waxa ay qeyb ka yihiin guullaha isdaba joogga ah ee ay Xukuumadda Dan Qaran ka gaartay fagaarayaasha caalamka iyo dhismaha hay’adaha Dowliga ah.

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

0

Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka iyo Caruurta Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS oo gudanaya waajibaadkooda Dastuuriga ah, ayaa maanta yeeshay kulan gaar ah oo ay ku falanqeynayaan hannaanka akhrinta iyo sixitaan lagu samaynayo Hindise sharciyeedka kaalmo sharciyeedka Federaalka.

Kulanka oo ay shir guddoominaysay Guddoomiyaha Guddiga Sanatar Naciima Xasan Xaaji (Gadhweyne), ayaa dood, falanqayn iyo gorfayn ay qayb ka ahaayeen sharciyaqaannada Golaha waxaa lagu go’aamiyay in loo yeero Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS; si loola yeesho waydiin oraaheed iyo fasiraad dheeraad oo looga baahday hindise sharciyeedka kaalmo sharciyeedka Federaalka.

 

Taliska Ciidanka Xoogga oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Calaamadaha iyo Astaamaha Ciidanka XDS

0

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Calaamadaha iyo Astaamaha Ciidanka XDS

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu ku caddeynayo digniin adag oo ku socota shaqsiyaadka ku hawlan isticmaalka calaamadaha iyo astaamaha gaarka u ah Ciidanka XDS, iyadoo lagu amray in si buuxda looga fogaado isticmaalka agabkaas aan sharciyeysneyn.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in qof kasta oo lagu qabto isagoo si aan sharci ahayn u adeegsanaya agabka, astaamaha ama darajooyinka Ciidanka Xoogga Dalka, laga qaadi doono tallaabo adag oo waafaqsan xeerarka ciidamada.

Taliska ayaa si gaar ah uga digay in cid aan ciidanka ahayn ay isticmaasho:

Dareeska Ciidanka XDS

Darajooyinka Ciidanka XDS

Calaamadaha iyo astaamaha kale ee gaarka u ah Ciidanka XDS

Sidoo kale, digniin ayaa loo jeediyay ganacsatada leh garaashyada, iyadoo lagu amray inaysan:

Midab ama beddelin karin gaadiidka Ciidanka XDS

Dayactir u samayn karin ama cillad bixin karin gaadiidka Ciidanka XDS

Iibin karin qalab ama adeegyo la xiriira gaadiidka Ciidanka XDS

Taliska Ciidanka XDS ayaa ku celiyay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo jebisa amarradan, iyadoo la wargeliyay in dhammaan ganacsatada iyo bulshada looga baahan yahay inay ka fogaadaan iibinta iyo isticmaalka astaamaha ciidanka.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu soo gabagabeeyay baaq lagu amrayo in lala socdo sharciyada ciidamada, lana ixtiraamo sumcadda iyo astaanta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.