Maxaad kala socotaa halka uu marayo mashruuca dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye +sawirro.

Date:

Isticmaalka waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye waa marin muhiim ah, waxaana isaga kala goosha dhammaan gaadiidka u safra gobolada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, kuwaasi oo ku soo dhaca degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

Inkastoo waddadaasi ay burbursaneyd muddo 30 sano ku dhow ayaa haddana waxaa soconaya dadaalo ku aaddan dib u dhiska waddadaasi, mashruucaasi oo uu fulinayo Sanduuqa horumarinta (Qatar),kadib markii dowladda Soomaaliya ay isla garteen.

War ka soo baxay Sanduuqa hormarinta (Qatar) ayaa lagu sheegay in uu si habsami leh uu u socdo mashruuca lagu dhisayo waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye,waxaana talaabadan Sanduuqa horumarinta Qatar uu qaaday ay ka mid tahay qorshayaal dib loogu dhisayo waddooyinka kuyaalla gobollada dalka.

Kadib muddo dhowr billood ah oo uu hakad kujiray mashruuca dhismaha waddadaasi, ayaa haddana dhawaan dib loo bilaabay, iyadoo la arkayo howlwadeennada qaabilsan dhismaha waddada Muqdisho iyo Afgooye isku xirta, kuwaasi oo adeegsanaya agab iyo gaadiid loogu talagalay fulinta howshaasi.

Qaab dhismeedka laamiga cusub ee la saarayo waddadaasi ayaa ah labo laami, oo loogu talagalay gawaarida soo socda ama kuwa sii socda ay isaga gudbaaan si fudud.

Mashaariicdaasi ayaa dhanka kale fursad shaqo abuur u ah dhalinyarada Soomaaliyeed, iyadoo dalka horumarkiisa ay qeyb weyn ka tahay.

    

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga dhijitaalka ah

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gaaray Laascaanood

Laascaanood Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha...

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo ka qeyb galay daah-furka Istaraatiijiyadda Dhallinyarada Carabta

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...