Home Blog Page 85

Guddoomiye Aadan madoobe oo diray hambalyo ku aaddan 1-da Luulyo

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ugu hambalyeeyay munaasabadda xuska 1-da Luulyo.

1-da Luulyo markii Gobolada Koonfureed ee dalkeena ay ka xorroobeen gumeystihii Talyaaniga islamarkaana ay midoobeen Gobolada Waqooyi iyo kuwa Koonfureed ee dalkeena ayaa laga xusay goobo badan oo dalka ka mid ah.

1-da Luulyo โ€œMataanayntii Maandeeqโ€

0

Ummad walba oo dunida ku nool waxay leedahay maalmo ay si gaar ah ay u maamuusaan isla markaana ku weyn quluubtooda, kuwaasi oo ku astaysan diiwaan taariikheedka bulshada.

Maalmaha xorriyadda waxay mudnaantaan goonida ah ku heleen waa gaaritaanka guulo mudan in si joogta ah loo xasuusto ,kadib kolkii maalmahaasi loo huray naf iyo maal, gaar ahaan kuwa qiimaha badan sida maalmaha qarannimada.

Shacbiga soomaaliyeed oo ka mid ah umadaha ku sharfan magac weyna ku helay kifaaxii ay u soo galeen hanashada gobanimadooda ayaa halgankoodii gobanimodoon wuxuu la soo bilawday soo ifbaxii damcii gumaysiga ee xeebaha bariga afrika.

Dhaqdhaqaaqii ugu horeeyay ee lagaga soo horjeeday gumeystaha ee ka hana qaaday dhulka soomaalida wuxuu ahaa kii Axmed Garaad Ibraahim โ€œAxmed Gureyโ€ oo halgankiisu bilowday 1528 illaa 1543.

Axmad Gureey waxaa u suuro gashay in uu geesinimo leh kaga hortago gumaystayaashii isa soo bahaystay, muddo kadibna Waxaa shucladdii difaacidda sharafta dalka iyo dadka soomaaliyeed kor u qaaday Darwiishkii sayid Maxโ€™ed Cabdulle xasan oo dagaal muddo dhowr iyo labaatan sano socday la galay gumaystigii ingiriiska, wuxuuna jab taariikkaysan ku riday ingiriiska ciidamadiisii dhulka kuwaasi oo ka quustay inay u babac dhigaan ciidamadii jadbaysnaa ee Daraawiishta.

Sanadkii 1919-kii ayaa saraakiishii hogaaminaysay ciidamadii gumaystaha Ingiriiska waxay dowladooda u gudbiyeen in aysan dagaal dhinaca dhulka ah kaga guulaysan Karin ciidamada sayidka, isla sanadkaas ayaa ingiriisku goโ€™aan ku gaaray in dhinaca cirka laga weeraro qalcadihii adkaa ee Sayidka, 21kii Jannaayo 1920-kii ayaa diyaarado dagaal oo ingiriisku leeyahay noocooduna ahaa DH9 ayaa waxay weerar ku qaadeen Saldhigyadii ciidamadii daraawiishta.

Sidoo kale waxaa jirey halgamayaal badan oo naftooda iyo hantidooba u hurey dhulkooda hooyo waxaana ka mid ahaa Shiikh Xasan barsame, Xaaji Faarax Oomaar iyo sheikh Bashiir iyo dhalinyaradii Xisbigii S.Y.L ee laga dhisay Muqdisho 15kii may 1943dii iyo sidoo kale kuwo kale oo ka socday xisbiyadii S.N.L & U.S.P oo iyaguna ka qeybgalay kifaaxii goballada waqooyi ee dalka.

1948dii waxaa magaalada muqdisho ka dhacay dagaalkii Hanoolaato oo ku soo beegmay maalintii Q/M dalka Soomaaliya u soo dirtay guddi xaqiiqo raadin oo ka kooban 4tii dal ee ku guulaystay dagaalkii 2aad ee dunida, isla sanadkaad Q/M waxay goโ€™aamisay in gobollada koonfureed ee Soomaaliya muddo toban sano ah oo ka bilaabanaysa 1950ka ay si wada jir ah ay u sii maamulaan Q/M & dalka Talyaaniga kadibna xornimo la gaarsiiyo.

12kii octoobar 1954tii ayaa S.Y.L guddi xirfadlayaal iyo hal abuurayaal waxay u saartay inay alifaan naqshadda uu yeelanayo Calanka Soomaaliya, waxaana ku guulaystay Allaha u naxariistee Maxamad Cawaale Liibaan oo ka mid ahaa Leegada iyo midowga shaqaalaha ganacsatada.

Xiddigta cad ee shanta gees leh waxaa ay ka tarjumeysaa 5-ta qeybood ee dhulka Soomaalidu degto ka kooban yahay Midabka buluugga khafiifka ah waxaa uu u taagan yahay midabka cirka.

24 tii March 1956dii waxaa la dhisay Dowladdii Ugu horeysay abid ee dad soomaaliyeed hogaanka u qabtaan, waxay ahayd daakhili ka kooban 6 wasiir waxaana R/wasaare u noqday Allaha u naxariistee C/llaahi Ciise Maxamuud waxayna gobollada koonfureed maamulaysay illaa 1960kii.

Xilligii gobollada koonfureed ee dalka ay ku jireen mudada xornimo gaarsiinta , waxaa wada hadallo u bilaawdeen madaxdii koonfur iyo waqooyi oo ku heshiiyay in ay midoobaan labada gobol, lana yagleelo hal dal oo soomaaliyeed.

26 kii juun 1960kii ayaa beerta xoriyadda ee magaalada hargaysa waxaa la suray Calankii ugu horeeyay ee xor ah oo laga taago ciid Soomaaliyeed, waana habeenkii uu goobtii calansarka ka mariyay Allaha u naxariistee marxuum C/llaahi Suldaan Tima- cadde gabaygii taariikhda galay ee ahaa ( Sareeyoow ma Nusqaamoow aan siduu yahay eegaโ€™e kanna siib kanna saar).

4 maalmood kadib oo ku beegnay 1dii luulyo 1960kii waxaa xornimadooda qaatay goballadii koonfureed, isla markaana waxaa midoobay gobolladii waqooyi iyo koofur,waxaana dhidibada loo taagay Jamhuuriyaddii koowaad ee Soomaaliya.

July 1, 1960: Madaxweynihii u horeeyey ee Soomaaliya waxaa noqday Aaden Cabdulle Cismaan (Aaden Cadde), waxana uu madaxweyne ahaa ilaa June 10, 1967, markaas oo doorasho uu madaxweynanimada kula wareegey C/rashiid Cali Sharmarke. [Aaden Cadde waxa uu noolaa intii u dhexeysey 1908 ilaa June 8, 2007].

Gabagabadii, dadka Soomaaliyeed waxa ay maanta u dareereen xuska sanadguurada 65-aad ee ka soo waregatay dhalashadii xornimada,sidaa aawadeed, waxaa lagama maarmaan ah in dib boorka looga jafo wadaniyaddii iyo is jacaykii ay ku mataanobeen dadka soomaaliyeed,kaas oo abwaanada soomaaliyeed ay ka yiraahdeen(Dhaaxaan murugo iyo harraad mudanee, maantay curatoo mataanaysee aan maalno hasheenna Maandeeq).

 

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo calan saaray madaxtooyada xuska 65-aad ee xornimada awgeed

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa calan-saaray Madaxtooyada Qaranka, xuska 65-guurada ka soo wareegtay maalintii ay Soomaaliya xorriyadda iyo midnimada heshay awgeed.

Munaasabadda calan-saarka ayaa ku qabsoomtay Madaxtooyada, iyadoo Madaxweynaha uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Xuskan taariikhiga ah ayaa ah mid milgo iyo xusuus gaar ah u leh ummadda Soomaaliyeed, waxa uuna muujinayaa halgankii geesinimada lahaa ee ay shacabka Soomaaliyeed u soo galeen xornimada iyo midnimada dalka.

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

0

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka Sanaag, gaar ahaan agagaarka deegaanka dhul beereedka loo yaqaan Gaacidh.

Dabkan ayaa geystay qasaare xooggan oo dhul beereed ah. Guddoomiyaha gobolka Sanaag ee l Soomaliland Axmed Isdabar ayaa warbaahinta u sheegay in khasaare gaaray beero gaaraya ilaa 200 oo beerood.

Shacabka deegaanka ayaa codsanaya in gurmad lala soo gaaro maadaama uu dabka samaynayo fiditaan saayid ah, iyadoona hadda ay socdaan gurmadyo kala duwan si loo joojiyo dabkan xowliga ku socda.

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

0

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa maanta hawlgal ku dilay 19 Khawaarij deegaanka Baqooqaha ee gobolka Jubadda hoose oo qiyaastii 13km dhanka galbeed kaga beegan Buulo Xaaji.

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

0

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands, Ms. Pascalia Grotenhuis, iyo masโ€™uuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Netherlands.

Kulanka oo ka dhacay magaalada The Hague ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada la xiriira dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, sida:

Mashaariicda dhismaha dekedaha, Garoomada diyaaradaha, iyo wadooyinka muhiimka ah ee isku xira Soomaaliya iyo dalalka dariska ah.

Sidoo kale, waxaa kulanka lagu falanqeeyay, Maamulka dhulka.

Horumarinta degmooyinka iyo sidii sare loogu qaadi lahaa qorsheyaasha la xiriira dib-u-habeynta magaalooyinka.

Intii uu socday kulanka, labada dhinac waxay isku raaceen in la xoojiyo wada-shaqeynta, iyadoo mudnaan la siinayo:

Sareynta sharciga, nabadeynta, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo taageerada geeddi-socodka doorashooyinka

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo xiriirka Soomaaliya iyo Netherlands, waxaana la qorsheynayaa in la qabto kulammo dheeraad ah, si loo mideeyo qorsheyaasha Wasaaradda hawlaha guud iyo barnaamijka horumarineed ee shanta sano ee Wasaaradda arrimaha dibadda Netherlands.

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

0

Maareeyaha Guud ee Hayโ€™adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde), iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgalay Meertada 7aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah oo ka dhacday magaalada Geneva ee dalka Switzerland, Madashan ayaa hordhac u ah Shirweynaha Guud ee Iskaashiga Caalamiga ah ee Aqoonsiga Dhijitaalka ah.

Hayโ€™adda NIRA waxay madasha kaga qeybgashay soo bandhigidda guulaha ay ka gaartay hirgelinta Nidaamka Aqoonsiga Qaranka ee Soomaaliya, kaas oo laf-dhabar u noqonaya adeegyada dowladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay.

Shirkan waxaa martigelisay Dowladda Switzerland iyadoo lala kaashaday Bangiga Adduunka, ITU, iyo OpenWallet Forum, waxaana diiradda lagu saarayaa horumarinta teknoolojiyadda Aqoonsiga Dhijitaalka ah ee loo dhanyahay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Kordhinta Adkeysiga Iyo La-qabsiga Isbedelka Cimillada

0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa si rasmi ah u furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Kordhinta Adkeysiga Iyo La-qabsiga Isbedelka Cimillada.

Kulanka ay soo qabanqabisay Xarunta Qaran ee Horumarinta Reer Miyiga Iyo Xalka Waara ayaa waxaa ka qaybagalay Agaasimaha Guud ee Xarunta Marwo Zahra Cabdi, Ku Xigeenka Agaasimaha Dr. Abdullaahi Zaahid, Hayโ€™adaha Dowladda Iyo Saaxibada Caalamiga ah ee Soomaaliya ka taageera Mashruuca.

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABEY MAAREEYAHA GUUD EE WAKAALADDA MADBACADDA QARANKA

0

Madaxweynaha Jamnhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Madbacadda Qaranka u magacaabey Mudane Wali Guuleed Nuur, kadib soo jeedin ka timid Wasaaradda Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska.

Wakaaladda Madbacadda Qaranka oo ka mid ah hayโ€™adaha hoos yimaada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa dib u hawlgelinteeda waxaa la filayaa inay kaalin mug leh ka qaadato hawlaha la xiriira daabacaadda dukumentiyada kala duwan ee dowladda iyo hawlaha kale ee muhiimka ah ee dalka looga baahan yahay.

Waxaa markii ugu horeysay ay Wakaaladda Madbacadad Qaranka hawlgashey sannadkii 1971-kii, iyadoo door weyn ka cayaartey ka haqabtirka dowladda iyo hayโ€™adaha kala duwan ee dalka ka jiray dhanka arrimaha daabacadda.

Dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay ayaa saameeyay wakaaladda oo ka mid noqotey hayโ€™adihii ku burburay colaadihii jiray.

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: โ€œ๐Œ๐ฎ๐ฌ๐ญ๐š๐ช๐›๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐จ๐จ ๐›๐š๐ซ๐ฐ๐š๐š๐ช๐จ ๐š๐ก ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐ฎ๐ฎ ๐ค๐ฎ ๐ฃ๐ข๐ซ๐š๐š ๐ก๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐›๐ฎ๐ฅ๐ฎ๐ฎ๐ ๐ ๐š ๐š๐กโ€

0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, oo dhagax-dhigay Xarunta Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah, ayaa sheegay in Wasaaraddan ay ka mid tahay kuwa ugu muhiimsan hiigsiga horumarinta dhaqaalaha dalkeenna, maadaama khayraad badan dalkeennu uu uga imaanayo dhanka badda.

Raโ€™iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay in mustaqbalka Soomaaliya horumarsan uu ka iman doono dhanka badda, isla markaana Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ay door muhiim ah ka qaadan doonto kobaca dhaqaalaha dalka maadaama ay hadda kadib yeellan doonto dhisme weyn oo casri ah.

โ€œDhaqaalaha Buluugga ah waa mid muhiim ah oo la doonayo in Soomaalidu ka faaโ€™iideysato, waanna halka ay ka bilaabmi doonto Soomaaliya barwaaqo ah oo la soo baxda wax-soo saarka badda iyo khayraadka dihan ee dhulkeedaโ€. Ayuu yiri Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Mudane Xamsa, waxa uu xusay in laga doonayo dadka Soomaaliyeed in ay degaan dhulka xeebaha ah, dowladduna ay ka hirgalin doonto waddooyin waaweyn oo sahlaya isticmaalka khayraadka badda iyo ka faaโ€™ideysiga dhaqaalaha buluugga ah ee dalkeenna.