Home Blog Page 84

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Koonfur Afrika u tegay furitaanka Safaaradda cusub

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya,Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali,ayaa soo gaaray dalka Koonfur Afrika, halkaas oo uu u tegay xarig-jarka dhismaha cusub ee Safaaradda Soomaaliya.

Wasiirka waxaa Garoonka diyaaradaha qeybta VIP-da kusoo dhaweeyay Safiirka Soomaaliya ee Koonfur Afrika, Mudane Maxamed Sheekh Isaaq, masuuliyiinta Safaaradda, safiirro ka tirsan Jaamacadda Carabta, iyo masuuliyiin kale.

Dhismaha cusub ee Safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika ayaa ah mid taariikhi ah, waxaana lagu fuliyay dadaal uu hormuud u ahaa Safiir Maxamed Sheekh Isaaq, oo kaashanaya Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo Dowladda Federaalka. Waa markii ugu horreysay oo Soomaaliya yeelato dhismo rasmi ah oo safaaradeed oo loogu adeego shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaasi.

Danjire Cali Cabdi Awaare oo ku guuleystay Danjiraha Sanadka ee Somali Social Media Awards

Danjire Cali Cabdi Awaare, Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Masar ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Ururka Jaamacadda Carabta, ayaa loo aqoonsaday Danjiraha Sanadka ee abaalmarinta Somali Social Media Awards.

Muddo sanad ah ayuu Danjire Awaare hoggaaminayay Safaaradda iyo Ergada Soomaaliya ee Masar, isagoo si weyn kor ugu qaaday xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal. Taasi waxay keentay in la kordhiyo darajada safaaradda, lana gaarsiiyo xiriirka labada dal heer istiraatijiyadeed.

Abaalmarinta waxaa Danjiraha lagu guddoonsiiyay xaflad ay ka qeyb galeen Xubin ka socotay Madasha Abaalmarinta Somali Social Media Awards iyo Duqii hore ee Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madale).

Danjire Awaare ayaa uga mahadceliyay abaalmarinta, isagoo ballan qaaday inuu sii laba jibbaarayo dadaallada matalaadda dalka iyo kor u qaadidda sumcadda Soomaaliya caalamka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah u daah-furtay nidaam cusub oo lagu sugayo amniga xuduudaha uu la wadaago dalalka dariska la ah, kaasi oo loo adeegsanayo qalab casri ah oo Mareykanku ugu deeqay Soomaaliya.

War-Saxaafadeedka ayaa lagu xusay in qalabkaan casriga ah uu saraakiisha Hay’adda Socdaalka ka caawinayo inay xoojiyaan guud ahaan amniga Qaranka iyo ka hortegidda tahriibinta sharci- darada ah iyo kooxaha Argagixisada ah.

Daah-furka qalabkaan cusub oo ay ku shaqeyneyso Hay’adda Socdaalka ayaa daba socday tababar afar maalmood socday oo Muqdisho ka dhacay, kaas oo qubaro Mareykanka ka socday ay ku tababarayeen saraakiisha socdaalka Soomaaliya si ay u adeegsadaan Nidaamka Isbarbardhigga iyo qiimeynta Aqoonsiga Gaarka ah (PISCES) oo ah qalab casri ah oo lagu isticmaalo goobaha muhiimka ah ee laga soo galo dalka  gaar ahaan dhanka xuduudaha si loo hubiyo dadka ka soo gudbaya xadka.

“Nidaamkani waxa uu u ogolaanayaa saraakiisha ku sugan xuduudaha in ay ogaan karaan sugnaanshiyaha saxda ah sharciyada ay wataan dadka xadka ka soo talaabaya nuuckasta oo ay yihiin, lana socdaan dhaqdhaqaaqa shakhsiga ah”. Ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Sevilla ee uu ka socdo shirka caalamiga ah ee maalgelinta horumarinta, Marwo Amina Mohamed, Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, taageerada horumarinta dhaqaalaha, iyo sidii loo dardar-gelin lahaa mashaariicda muhiimka ah ee taageeraya nabadda iyo horumarka dalka.

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ku dhuumalaysanayeen xubno katirsan khawaarijta.

Howlgalkaan ayaa yimid kadib markii Ciidamadu ay heleen xog sheegaysa in khawaarijta ay dhagar u soo maleegaayaan shacabka ku nool deegaannada nabada ah ee horay looga xorreeyey, kuwaas oo isku aruursanayey Tuulo Mabaax oo Hiiraan ah iyo Tawakal oo Shabeellada dhexe ah.

Saraakiisha Nabad Sugidda ee howlgalkaan hoggaaminaysay ayaa warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey inay dileen tiro maleeshiyaad ah sidoo kalana ay burburiyeen dhowr, fariisimo oo ay ku sugnaayeen khawaarijta .

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay ayaa waxa uu kulan gaar ah kula qaatay magaalada Seville ee Dalka Spain, 𝐌𝐫. 𝐂𝐥𝐚𝐯𝐞𝐫 𝐆𝐚𝐭𝐞𝐭𝐞 oo ah Xoghaya Fulinta Guddiga Dhaqaalaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Afrika.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray horumarada Dowladda Soomaaliya ay ka sameysay hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda, kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya iyada oo bulshada looga faa’iidaynayo iyo hannaanka isbaddalka qorshaha Qaranka (NTP).

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa is af garad looga gaaray xoojinta xiriirka wada-shaqeynta iyo horumarinta qorshayaasha maalgalineed ee Dowladda Soomaaliya u dagsan.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa la filayaa in uu ka qeyb galo kulamada heer wasiir ee ku saabsan horumarinta dhaqaalaha iyo in uu kulamo kala duwan la qaato masuulyiin iyo madaxda ka soo qeybgashay shirka sanadkan, kulamadaas oo dhammaantood ku qotoma horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

 

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka oo ka warbixiyay diyaarad kusoo dhacday Garoonka Aadan Cadde

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in diyaarad nooca Helicopter Army ah oo ay lahaayeen Ciidanka Midowga Afrika ay ku dhacday garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Diyaaraddan oo kasoo duushay garoonka diyaaradaha ee Balli-doogle ayaa sidday 8 qof, wuxuuna sheegay in ay dib ka faah-faahin doonaan wixii qasaara ah ee ka dhashay shilkaasi.

Maareeyaha oo la hadlayay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay shilkaasi ay ku howlan yihiin kooxaha dab-demiska iyo gurmadka degdegga ah, wuxuuna intaa ku daray in ay haatan socdaan hubinta qasaaraha iyo nadiifinta garoonka lana xakameeyay xaaladda.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa sheegay in duullimaadyadii caadiga ahaa ee iman jiray Garoonka Aadan Cadde iyo kuwii ka bixi jirayba ay socdaan, goobta uu shilka ka dhacayna ay u xireen howlwadeennada loo xilsaaray.

Soomaaliya iyo Tanzania oo horumarinaya iskaashiga ka dhexeeya

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Talaado ah kula kulmay Magaalada Dar es Salaam, dhiggiisa Tanzania, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Bariga Afrika, Mudane Danjire Mahmoud Thabit Kombo, isaga oo kala hadlay siyaabaha lagi xoojin karo xiriirka labo geesoodka, laguna ballaarin karo iskaashiga dhinacyada kala duwan si loo gaaro horumar labada dhinac ah, loona qoto-dheereeyo wax wadaagga.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen Wasiirro iyo mas’uuliyiin sare oo labada dal ah, ayaa lagu caddeeyay ka go’naanshaha labada dhinac ee kor-u-qaadidda iskaashiga labo geesoodka, iyadoo diiradda lagu saarray arrimaha dano wadaagga.

Qodobada ugu muhiimsan ee lagu fallanqeeyay fadhiga waxaa ka mid ahaa fududaynta ganacsiga, gaadiidka cirka, dal-ku-galka, iyo isdhaafsiga dhaqanka. Labada dhinacba waxa ay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay hagaajinta isku xidhka iyo fududaynta isu socodka dadka iyo badeecadaha, iyagoo ku heshiiyey in la qaado tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu horumarinayo iskaashiga iyo is-dhexgalka gobolka.

 

Xuska 65-sano guurada xornimada Soomaaliya oo Sucuudiga lagu qabtay

0

Ergada Soomaaliya ee fadhida Isbahaysiga Ciidamada Wadamada Islaamka ee La-dagaalanka Argagixisada (IMCTC) ee xaruntiisu tahay Riyaad, Sacuudi Carabiya, ayaa maanta xarunta Isbahaysiga ku qabatay xaflad lagu xusayay 65-guurada Xorriyadda iyo Midnimada Soomaaliya.

Xafladda waxaa ka qeyb galay ergada dalalka xubnaha ka ah Isbahaysiga, waxaana Madaxa Ergada Soomaaliya, Gen. Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare, uu dhambaal hambalyo ah oo uu ka gudoomay Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga, Gen. Maxamed Saciid bin Mogeydi.

Gen. Tuuryare ayaa sidoo kale khudbad ka jeediyay oo uu kaga hadlay horumarka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kaalinta ay maanta ka gaysan garaan xasillinta xasaradaha dunida Islaamka.

Xafladda waxaa lagu soo bandhigay filim dukumenteri ah oo soo bandhigay taariikhda, dhaqanka iyo guulaha Soomaaliya ee dowlad-dhisidda iyo la-dagaallanka argagixisada.

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QEYBGALAY XUSKA MAALINTA XORIYADDA IYO MIDNIMADA DALKA

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay munaasabadda xuska sannad guurada 65-aad ee xornimada iyo Midnimada dalkeenna ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay xoojiyaan wadajirkooda, midnimada iyo dowladnimada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Taliyaha Guud ee Ciidanka Qalabka Sida oo uu wehelinayo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage ayaa salaan sharaf kaga qaatay Taallada Daljirka Dahsoon cutubyo ka tirsan Ciidamada Qaranka oo gaardis ku soo maray qeybi ka mid ah wadada Maka Al-Mukaramma ee magaalada Muqdisho.

Dabbaal-degga munaasabaddan waxaa ka qeyb ka ahaa diyaaradaha qumaatiga u kaco ee Ciidanka Badda iyo Cirka Soomaaliyeed, dabaabadaha iyo gaadiidka dagaalka ee ciidanka Xoogga Dalka iyo Booliska, kuwaas oo soo bandhigay sida Ciidamada Qalabka Sida ee dalkeennu ay ugu diyaarsan yahay difaaca, ilaalinta amniga, midnimada iyo gobanimada dalkeenna.