Xildhibaanada BFS oo ansixiyay Heshiiska Aaga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika

Date:

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad kulankiisa lixaad, waxaana shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliso Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar.

Guntanka ama kooramka kulanka oo ku furmay 146 Xildhibaan waxa uu ajendihiisu ahaa akhrinta sedaxaad iyo u codeynta Heshiiska Aaga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika oo ay Golaha u soo gudbiyeen Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha iyo Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Golaha Shacabka.

Intaasi ka dib Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo cod u qaaday heshiiskan ayaa waxaa ogolaatay 145 Xildhibaan, hal Xildhibaan ayaa diiday wax ka aamusayna ma jirin, sida uu sheegay Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo natiijada codeynta ku dhowaaqay.

Dhinaca kale Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa loo qeybiyey warbixinta akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Hanaanka Lacagbixinta Qaranka iyo Hindise Sharciyeedka Dib u Eegista Sharciga Ladagaalanka Burcadbadeedka iyo ka Hortaga Afduubka ee Sharci LR.36 ee soo baxay 30-kii Bishii April, sanadkii 1975-tii.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...