Wasaaradda Ganacsiga oo bogaadisay tallaabada uu Golaha Shacabka ku ansixiyay heshiiska Aagga Ganacsiga Xorta ah

Date:

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS, Mudane Maxamuud Cabdullahi Axmed (Abukaate), ayaa bogaadiyay tallaabada uu Golaha Shacabka ku ansixiyay heshiiska Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA).

Wasiirka oo ka hadlayay kulankii ay Golaha Shacabku ku ansixiyeen heshiiska Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid taariikhi ah oo muujinaysa sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in ay door muuqda ka qaadato iskaashiga dhaqaale ee waddamada Afrika.

Wasiir Maxamuud Abukaate ayaa sheegay in heshiiskan uu si weyn uga faa’iideyn doono ganacsatada Soomaaliyeed, korna u qaadi doono fursadaha shaqo, maalgashi iyo kobaca waxsoosaarka gudaha.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay in ay tahay fursad ay Soomaaliya ku xoojin karto xiriirka ay la leedahay suuqyada Afrika, taas oo muhiim u ah horumarinta dhaqaalaha dalka.

Ugu dambayn, Wasiir Abukaate wuxuu uga mahadceliyey dhammaan hay’adaha dowladda, gaar ahaan Golaha Shacabka sida ay uga go’an tahay hirgelinta siyaasadaha kor u qaadaya dhaqaalaha dalka iyo midnimada Qaaradda Afrika.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...