Home Blog Page 86

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo safar shaqo ku jooga dalka Masar, ayaa la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika, Dr. Annette Weber, waxaana kulanka looga hadlay xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah, taageerada amniga, iyo horumarka laga gaaray dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa intii uu kulanku socday waxa uu soo bandhigay guulaha ay xaqiijisay Xukuumadda DanQaran, muddadii saddexda sano ahayd ee la soo dhaafay, kuwaas oo ay kamid yihiin sugidda amniga caasimadda, la-dagaallanka Khawaarijta, dib-u-dhiska ciidanka Qaranka, horumarinta dhaqaalaha, siyaasadda iyo tayeynta adeegyada bulshada.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xusay dadaallada Xukuumadda ee ku aaddan xilliga kala-guurka AUSSOM iyo taageerada caalamiga ah ee loo baahan yahay.

Dhankeeda, Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub ee Geeska Afrika, Dr. Annette Weber, ayaa bogaadisay guulo wax ku-ool ah ee ay xaqiijisay xukuumaddu, muddadii la soo dhaafay, iyada oo xustay in Midowga Yurub uu sii xoojin doono taageerada ay siiyaan Soomaaliya.

Tiigsigii wuu taabbo-galayaa

0

Waddada Dimuquraaddiyadda.

waxaa lasii daayay tiradii ugu horaysay ee Caasimadda Muqdisho isku diiwaangalisay in ay codeeyaan inka badan 50 Sano ka dib.

Waa natiijada dedaal dheer oo jid adag loosoo maray, kaas oo talada loogu celinayo gacmaha Dadwaynaha oo ay ugu danbaysay in ay Codkooda ku go’aamiyaan Madaxdooda 1969-kii.

In milyan Dagan Muqdisho isku diiwaangaliyaan in ay codkooda ku doortaan Madaxdooda kuma imaan si sahal ah, waxeey leedahay micno ka duwan waxkasta oo kale oo ka dhacay Dalka.

Inta aanan eegin farriimaha ay dirayso guushaani, waxaan tilmaan yar ka bixinayaa tusaalooyinka mudan wax ku miisaamista ee lasoo maray si loosoo gaaro natiijada lasoo bandhigay.

Shan talaabo oo ay qaadday Dawladdu si shaqadaani u qabsoonto aan tilmaamo.

1- heshiiska Siyaasadeed ee Doorasho toos ah.

Isaga oo xafiiska jooga wax ka yar Bil ayuu bilaabay Madaxwayne Dr Xasan Shiikh Maxamuud in uu Dawlad-goboleedyada kala heshiiyo nidaamka Doorasho ee uu farayo Dastuurku kuna caddaa balanqaadkiisii Siyaasadeed ee Doorashada si la mid ah Musharaxiintii kale ee 2022. Toban Shir oo uu u qabtay Golaha wadatashiga Qaran wuxuu wadada u xaaray in si siman ay is diiwaangalintu uga bilaabato inta badan Dalka, waa talaabada koowaad ee mudan in taariikhdu meel dhigto,

2- dhamaystirka Sharciyada ay u baahanayd Doorashada Toosan.

Xukuumadda Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre, oo hirgalinaysa Siyaasadda Madaxwaynaha, ayaa diyaarisay ka dibna marisay dhamaan jaranjarooyinka Sharci ee ay ku ansaxayaan Sharciyadu, dabcan iyada oo ka faaiidaysanaysa heshiiska Siyaasiga ah, taas ayaa sabab u noqotay in la galo Doorasho toosan oo leh sal Sharci oo dhamaystiran kuna qotonta Dastuurka,

3- dhismaha Hay’adaha fulinaya Doorashada.

Markii la xaqiijiyay labada qodob ee sare, markale waxaa loo guntaday sidii loo dhisilahaa Hay’adihii hirgalinlahaa Doorashada toosan ee Sharcigu jideeyay si waafaqsan Sharciga iyo Heshiisyada Siyaasadda, juhdi iyo dedaal adag ka dib markale xukuumaddu waxa ay salka u dhigtay Guddiyo haysta awood sharci oo dhamaystiran waana kuwa ugu danbayn galabta soo bandhigay natiijada diiwaangalintii ugu horaysay ee ay fuliyeen.

4- sugista Amniga.

Shaqooyinka aan sare ku xusay, waxaa dhinac socday Dagaal adag oo Dawladdu u gashay in la wiiqo awoodaha cargaladaynkara Amniga Doorashooyinka kuwaas oo ay ugu wayntahay Khawaarijta, ku xigo hubka Sharci darrada ah, lagu daray Tuugada iyo Dambiilyaasha abaabulan, juhdigaas ayaa keenay in Milyan Qof ay si nabadgalyo ah safaf ugu galaan dhamaan degmooyinka Caasimadda muddo ku dhaw Shan Bil oo Allaah fadligiisa aanu dhicin xitaa hal shil oo Amni darro ah.

5- Diyaarinta baahiyaha Agab ee Doorashada.

Si loo fuliyo shaqada Doorashada oo ay diiwaangalintu ugu horayso, waxaa qasab ah in la helo lana daboolo dhamaan baahida Qalab, Xafiis, Shaqaale, Gaadiid iyo adeegyada kale ee la midka ah taas oo u baahnayd Dhaqaale aad u badan, nasiib wanaag, Dawladdu iyada oo isku tashanaysa waxa ay guddiga Doorashooyinka u fududaysay kana dabooshay dhamaan baahiyihii ay qabeen ee dhanka tasiilaadka taas oo keentay in ay si guul leh u gaaraan natiijada Galabta ay soo bandhigeen.

Isku gaynta hawlaha qabsoomay ee aan ku xusay Qormadaan, waxeey run u badaleen Riyo soo taagnayd tan iyo Dawladdii Carta lagusoo dhisay oo waajibka dhamaan Dawladihii kala danbeeyay ay ahayd in ay halkaan Dalka soo gaarsiiyaan balse nasiibka iyo dedaalku ku caawiyay Madaxda Qaranka ee Maanta in ay wadada ku ridaan xaajada.

Qiimaha ay tani ku fadhiso waa mid ka sal balaaran dan Qof iyo Koox, waa tallaabo inoo dhawaynaysa Dawlad sharciyad ka haysata Dadkeeda, waa xaalad ka jawaabaysa himilada Ubadkeenna, sidaas awgeed, waxaan soo jeedinayaa sadex fariin.

1- Masuuliyiinta diidan.

Tani hubaal haddii aanay Maanta idinka farxin barri ayay idinka farxindoontaa, waad ogtihiin in ay tahay jid lagu qasbanyahay, nin unbaana marinlahaa jidkaan adag, haddii Madaxda Maanta joogta ay hiigsigaas albaabkiisa riixeen, dhinacyada la qabta adinka oo filanaya in aad noqonkartaan kuwa miraha gurta.

2- SHacabka.

Muwaadin, tani waa xaqiiqo dhab ah oo dawaynaysa xanuunka Qaran-jabka ee dhamaanteen aan la taahaynay mudada dheer, adiga oo aan ku eegin, aragti Qof, Koox, Qabiil iyo deegaan gaar ah, u arag Mustaqbalkaaga iyo kan Ubadkaaga oo gacantaada soo galaya, sidaas awgeed wixii aad ku darto ha ahaadaan mid horay u wadaysa oo aan dib inoo celinaynin.

Gunaanad, shaki malaha in aynaan Maanta filanaynin wixii ugu wanaagsanaa, shaki malaha in cillado jirikaraan, shaki malaha in aanay naga wada farxindoonin, balse mid kale oo aan shaki lahayn ayaa ah in aanu jirin Khiyaar kale oo ka wanaagsan oo aan ku badalano, waxaan kale oo shaki lahayn in ay tani inoo jiidayso jihada guusha insha allaah.

 

DF oo xoojineysa Gurmadka Dadka Danyarta ah

0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa maanta guddoomiyay shir gaar ah oo ay yeesheen Guddiga Qaran ee Gurmadka, kaas oo ka dhacay xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA).

Shirka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta gurmadka iyo taageerada dadka ay waxyeelladu kasoo gaartay qaraxii Soobe 2, oo maanta laga joogo saddex sano, Kulanka waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macalin Cabdulle, xubno ka tirsan ganacsatada, iyo wakiillo ka socda ururada bulshada rayidka kuwaasoo dhammaantood xubno ka ah guddiga.

Guddigu waxay isla meel dhigeen in si gaar ah loo daryeelo agoonta iyo carruurta ay waalidiintooda ku geeriyoodeen qaraxa si loo yareeyo culeyska iyo dhibaatada ay la daalaa dhacayaan, iyagoo ku booriyay bulshada Soomaaliyeed, ganacsatada iyo hay’adaha samafalka in ay sii wadaan ka qayb qaadashada gurmadka, si loo xaqiijiyo in taageerada la gaarsiiyo dadka ay musiibadu saameysay.

 

Wasiirka Howlaha Guud ee XFS oo La kulmay Wafdi ka socda Dalka Vietnam

0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, oo ay wehelinayeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Faarax Cabdinuur Axmed, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday dawladda Vietnam, kuwaas oo muujiyay xiisaha ay u qabaan xoojinta iskaashiga iyo maalgashiga Soomaaliya.

Wafdiga Vietnam waxaa hoggaaminayay Mr. Nguyen Tuan Long, Agaasimaha Xarunta Global Link Center oo hoostagta dawladda Vietnam, isla markaana ah Ku-xigeenka Guddoomiyaha Kooxda Maalgashiga Caalamiga ah ee LKS Group, iyo Mr. Nguyen The Tuan, Guddoomiyaha Shirkadda Paloma Development and Investment JSC. Labadan masuul ayaa sidoo kale ka tirsan Golaha Ganacsiga Soomaaliya–Vietnam (Somalia–VN Business Council), oo ah madal lagu xoojinayo xiriirka ganacsi iyo iskaashiga dowlad-dowladeed ee labada dal.

Intii kulanka uu socday, Wasiirka iyo Agaasimaha Guud waxay wafdiga si faahfaahsan ugu soo bandhigeen fursadaha ballaaran ee maalgashi ee ka jira gudaha dalka, gaar ahaan kuwa la xiriira kaabeyaasha dhaqaalaha sida dekedaha, garoomada diyaaradaha, biyaha iyo korontada.

Dhankooda, wafdiga Vietnam ayaa muujiyay daneyn gaar ah oo ay u qabaan ka qaybqaadashada mashaariicda horumarinta kaabeyaasha, gaar ahaan dhismaha jidadka iyo isku xirka magaalooyinka, kuwaas oo muhiim u ah kobcinta dhaqaalaha iyo fududeynta ganacsiga gudaha dalka.

Sidoo kale, waxaa kulanka si qoto dheer loogu gorfeeyay mashruuca dhismaha guryo la awoodi karo (Affordable Housing), iyadoo shirkadaha Vietnam ay muujiyeen diyaar garow ay u leeyihiin keenista tiknoolajiyad casri ah oo dhisme, iyo in ay sahamiyaan suurtagalnimada maalgelin toos ah iyo iskaashi lala yeesho shirkadaha maxalliga ah.

Ugu dambeyn, labada dhinac ayaa muujiyay yididiilo, is-faham iyo ballan-qaad lagu xoojinayo wadahadallada socda, iyadoo la isla meel dhigay in la qorsheeyo booqasho rasmi ah oo madax Soomaaliyeed ku tegi doonaan dalka Vietnam, si loo sii adkeeyo xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal.

Kulankan ayaa astaan u ah bilow cusub oo ku wajahan xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Vietnam, isagoo dhigay saldhig adag oo lagu dhisi karo iskaashi waara oo ganacsi, maalgashi iyo horumarineed.

Dowladda oo gacanta kusoo dhigtay eedeysane baxsada ka ahaa hey’adaha Cadaaladda

0

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo kaashanaya Booliska Soomaaliya qeybta la shaqeysa Booliska Caalamiga ah ayaa dalka Rwanda kasoo qabtay eedeysane Jaamac Cabdi Maxamuud oo baxsad ka ahaa hey’adaha Cadaaladda, kaas oo ku eedeysan Kufsi, Duubis muuqaalo anshax xumo ah, iyo tacaddi loo geystay gabdho Soomaaliyeed.

Shir looga hadlayay xoojinta amniga xuduudaha oo Lagu qabtay Muqdisho

0

Shirka xoojinta amniga xuduudaha dalka ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Dhexe ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, waxaana shir guddoomiyey Wasiirka Amniga Gudaha XFS, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, iyadoo ay ka soo qeyb galeen Taliyaha Booliska, Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo saraakiisha kale ee labada hay’adood.

Shirka ayaa lagu soo bandhigay istaraatiijiyadda isku-dhafan ee maareynta xuduudaha dalka, iyadoo diiradda la saarayo wadashaqaynta hay’adaha amniga ee xuduudaha, aragtida guud ee samaynta istaraatiijiyadda maareynta iyo kontoroolka xuduudaha ee isku-dhafan, doorka Ciidanka Booliska ee sugidda amniga xuduudaha, la-dagaallanka tahriibka iyo dambiyada abaabulan iyo diyaarinta qabo-qoraalka siyaasadda qaran ee soo guryo-noqoshada.

Sidoo kale, shirka ayaa lagu dhisay Guddi isku-dhafan oo diyaarinaya Istaraatiijiyadda Qaran ee sugidda amniga xuduudaha dalka iyo dib u eegista siyaasadaha qaran ee la xiriira ka hortagga tahriibka iyo dambiyada socdaalka, taas oo lagu xoojinayo wada-shaqaynta iyo isku-xirka hay’adaha amniga ee heer qaran.

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka oo gaaray Dalka Jabuuti

0

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa gaaray Dalka Jabuuti, kadib martiqaad uu ka helay dhiggiisa Wasiirka Wasaaradda Diinta, Dhaqanka iyo Awqaafta ee dalka Jabuuti, Mudane Muumin Xasan Barre.

Safarka wafdiga Soomaaliya ayaa lagu xoojinayaa wada shaqeynta labada wasaaradood ee Awqaafta.

Taliska Booliska oo gacanta kusoo dhigay nin lagu eedeeyay inuu xaaskiisa ku dilay toorey

0

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Saldhigga Garasbaaley ayaa gacanta kusoo dhigay eedeysane lagu magacaabo Abshir Sheekh Cabdisalaan Maxamed, kaas oo lagu eedeeyay inuu xaaskiisa ku dilay toorey.

Eedeysanaha ayaa hadda ku jira gacanta Booliska, waxaana la sheegay in loo gudbin doono maxkamadda awoodda u leh si sharciga loogu waafajiyo, sida uu sheegay Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaanshigga XFS oo tegay Awdheegle

0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cumar Cali Cabdi, oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose, si ay u qiimeeyaan xaaladda amni iyo tan bini’aadantinimo ee degmadaas oo dhawaan laga xoreeyay maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab.

Wasiiru Dowlaha iyo Taliyaha ayaa kormeeray goobihii uu cadawga argagixisadu burburiyay, oo ay ka mid yihiin guryihii shacabka, xarumihii waxbarashada iyo caafimaadka, iyo qalabkii tamarta qoraxda ku shaqaynayey ee bulshada muhiimka u ahaa.

Wasiiru Dowlaha ayaa tilmaamay in shacabka degmada Awdheegle ay wajahayaan xaalad adag oo u baahan gargaar degdeg ah, isagoo xusay in booqashadan ay qayb ka tahay dadaallada dowladda ee lagu garab taagan yahay shacabka laga xoreeyay Khawaarijta.

Sidoo kale, Wasiiru Dowluhu wuxuu bogaadiyay geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxiibada caalamiga ah gaar ahaan ciidamada ka tirsan howlgalka AUSSOM, kuwaas oo door muuqda ku leh sugidda nabadda iyo xasilloonida dalka.

Hantidhowraha Guud ee Qaranka oo tababar Muhiim ah soo xiray

0

Hantidhowraha Guud ee JFS, Mudane Axmed Ciise Guutaale, ayaa maanta soo xiray tababar muhiim ahaa oo lagu xoojinayey xirfadda iyo mihnadda shaqaalaha Xafiiska Hantidhowrka Guud, kaas oo si gaar ah muddo saddex maalin ah oo xiriir ah loo siinayey ku dhawaad 30 xubnood oo ka tirsan Baarayaasha “Waaxda Baarista U Hoggaansanaanta Sharciga” ee Xafiiska.

Ujeeddada tababarkan ayaa ah horumarinta iyo casriyeynta fahamka iyo aqoonta hirgelinta habraacyada baarista iyo korjoogteynta hay’adaha dowladda, taas oo kor-u-qaadeysa hufnaanta iyo isla-xisaabtanka, si loo horumariyo dowladnimada.

Mudane Axmed Ciise Guutaale ayaa u sheegay shaqaalaha tababarka qaatay in ay isu diyaariyaan in aqoonta iyo cilmiga ay heleen ay ugu adeegaan dhowrista hantida iyo khayraadka ummadda, iyaga oo ku ilaalinaya hay’adaha dowladda in ay u hoggaansamaan sharciga.

Intii lagu guda jiray tababarka, waxa ay micallimiintii bixineysay iyo latababarayaashabu isla falanqeeyeen qibradihii ay Baarayaasha U Hoggaansanaanta Sharcigu horay uga heleen baarisyadii ay sameeyeen, si xirfadda la siinayo ay ugu qalabeyso xeelado iyo farsamooyin ka caawiya baarisyada ay hadda u diyaargaroobayaan.

Xafiiska Hantidhiwrka Guud ee JFS waxaa uu had iyo jeer ku dedaalaa in uu shaqaalihiisa ku qalabeeyo dhammaan xirfadaha, aqoonta iyo fahamka la xiriira baarisyada maaliyadeed, u hogggaansanaanta sharciga iyo kuwa gaarka, fatashka ama teknoloojiyadda.