Home Blog Page 86

Wasiiru Dowlaha Qorsheynta oo ka Qayb Galaya Shirka 2aad ee Guddiga Sare ee Machadka Qorsheynta Carabta (API)

0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Axmednuur Sheekh Maxamed ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Tripoli ee dalka Liibiya, isagoo ka qayb galaya Shirka 2aad ee Sannadlaha ah ee Guddiga Sare ee Machadka Qorsheynta Carabta (API).

Soo dhaweynta Wasiiru Dowlaha waxaa hormuud ka ahaa Wasiirka Qorsheynta ee Liibiya, taas oo muujinaysa midnimada iyo iskaashiga Carabta ee dhinacyada qorsheynta iyo horumarinta dhaqaalaha.

Wasaaradda Qorsheynta waxay uga mahadcelinaysaa Dowladda Liibiya soo dhaweynta sharafta leh, waxayna caddeyneysaa sida ay uga go’an tahay Soomaaliya in ay xoojiso iskaashiga gobolka ee qorsheynta iyo dhaqaalaha.

Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday Heshiis iskaashiga dhinaca gaadiidka ah

0

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdulkadir Mohamed Nur ayaa sheegay in maanta uu soo idlaaday saxiixidda heshiis is-afgarad oo u dhaxeeya Wasaaradda Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaale ee Jamhuuriyadda Türkiye iyo Wasaaradaha u xilsaaran Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaale ee dalalka Afrika ee xeebaha leh.

“Maanta waxaa si guul leh noogu soo idlaaday saxiixidda heshiis is-afgarad oo u dhaxeeya Wasaaradda Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaale ee Jamhuuriyadda Türkiye iyo Wasaaradaha u xilsaaran Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaale ee dalalka Afrika ee xeebaha leh”ayuu yiri wasiirka Gaadiidka XFS

Heshiiskan waxaa diiradda lagu saarayaa xoojinta iskaashiga dhinaca gaadiidka, kor u qaadista isku xirka ganacsiga, kobcinta wax-soo-saarka, iyo dhiirrigelinta dhaqaalaha guud ahaan gobolka.

Tallaabo muhiim ah oo mideyneysa dalalka Afrika ee leh xeebaha istiraatiijiga ah iyo Türkiye, si si wadajir ah loo horumariyo kaabayaasha isku xirka, loona dhiso mustaqbal dhaqaale oo xooggan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ka duuleysa istaraatiijiyaddeeda kobcinta kaabeyaasha, waxaa naga go’an horumarinta dekedaha Soomaaliyeed, kuwaas oo ah il dhaqaale muhiim u ah dalka. Ujeeddadeennu waa in aan gaarno isku filnaansho waarta, loona abuuro fursado shaqo iyo horumar dhaqaale.

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobolka Jubbadda Hoose

0

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa saaka waaberigii fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Deegaanno ka tirsan Gobolka Jubbadda Hoose.

Howlgalka ayaa si gaar ah loogu bartilmaameedsaday godad ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka Khawaarijta iyo horjoogayaal sar sare, kuwaas oo qorsheynayay falal amni darro iyo dhibaateyn shacabka ah.

Ciidamada ayaa ku guuleystay burburinta gawaari qaraxyo ah iyo godad ay gabbaad ka dhiganayeen.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa xaqiijiyay in weerarka uu ahaa mid qorsheysan isla markaana uu qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta iyo argagixisada guud ahaan deegaannada Jubaland.

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Dhagax Dhigay Dib U Dhiska Waddada Zoobe

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa dhagax dhigay dib-u-dhiska Laamiga Zoobe oo muhiim u ah isku socodka bulshada caasimadda, isla markaana ku burburay roobabkii xoogganaa ee ka da’ay Magaalada Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa ballanqaaday in dhawaan la dhisi doonno waddada shaqaalaha oo burbur xoogan uu ka jiro iyo waddooyin dhowr ah oo ku yaala Magaalada Muqdisho, asigoona adkeeyay in canshuurta laga qaado bulshada dib loogu celin doonno.

“Waxa aan ballanqaadeynaa in canshuurta laga qaado bulshada aan dib ugu celino, si aan ugu horumarino adeegyada aasaasiga ah oo ay ugu horeeyaan helidda dugsiyo waxbarasho oo lacag la’aan ah, horumarinta adeegyada caafimaadka iyo dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho.

Munaasabadda dhagax dhigga waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Degmada Hodan, Ganacsato, Odayaasha dhaqanka, Agaasimeyaal iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada.

Wasaaradda Amniga oo ku baaqday in la joojiyo Colaadda ka dhacday Caabudwaaq

0

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa ugu baaqyay dhinacyada maanta ku dagaallamay degmada Caabudwaaq ee Waqooyiga gobolka Galgaduud in ay joojiyaan dagaalka iyo daadinta dhiigga, lagulana xisaabtami doono cid walba oo horseed u ahayd colaadda uu dhiiggu ku daatay.

“Culumada, odayaasha dhaqanka, iyo waxgaradka degmada Caabudwaaq, waxaan ugu baaqayaa in ay u istaagaa xal u helidda colaadda, dhexdana ay u xirtaan sidii ay u dejin lahaayeen, qof walba oo gacan ku leh hurinta dhibaatada waa lagula xisaabtami doonaa, sharciga ayaana horgeynaynaa”.

Wasiir Fartaag ayaa ku adkeeyey hay’adaha amniga gobolka iyo maamulka Galmudug in ay si dhow uga wada shaqeeyaan nabadaynta iyo joojinta colaadda deegaanka ka soo cusboonaatay. Isaga oo Alle uga baryey in dadka Soomaaliyeed qalbigooda isu soo jeediyo, nabad iyo barwaaqana ku manneysto dalkeenna.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo si rasmi ah hirgelisay nidaamka PISCES

0

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (HSJ) ayaa si rasmi ah u hirgelisay nidaamka PISCES (Personal Identification Secure Comparison and Evaluation System), kaas oo hadda si buuxda uga hawlgala Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle ee Muqdisho. Hirgelinta nidaamkan ayaa la socda tababar heer sare ah oo loo qabtay saraakiil ka tirsan waaxyaha kala duwan ee hay’adda, si loo xoojiyo xirfadooda la xiriirta adeegsiga nidaamka iyo sugidda amniga xuduudaha dalka.

Munaasabadda xiritaanka tababarka iyo daahfurka nidaamka cusub oo ka dhacday magaalada Muqdisho, ayaa waxa ka soo qaybgalay mas’uuliyiin sare oo ay ka mid yihiin Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Agaasimaha Guud ee HSJ, Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow, wakiillo ka socday Dowladda Mareykanka oo uu hoggaaminayay Mr. Bob, iyo saraakiil ka socday hay’adaha amniga gudaha iyo kuwa caalamiga ah sida Interpol.

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa xusay in nidaamka PISCES uu sare u qaadayo awoodda dowladda ee la socodka dhaq-dhaqaaqa dadka, xakameynta tahriibka iyo dambiyada la xiriira, isla markaana uu kaalin mug leh ka qaadan doono sugidda amniga qaranka. Wasiirka ayaa dhiirrigeliyay in saraakiisha tababarka dhammeystay ay si hufan uga faa’iideeyaan aqoonta ay barteen.

Dhankiisa, Agaasimaha Guud ee HSJ ayaa tilmaamay in nidaamkan uu yahay tallaabo weyn oo lagu hormarinayo maamulka socdaalka iyo adeegsiga tiknoolojiyadda casriga ah, taasoo lagu gaari karo adeegyo degdeg ah oo ammaan ah.

Sidoo kale, wakiilka Mareykanka, Mr. Bob, ayaa sheegay in taageerada ay siiyeen hirgelinta PISCES ay ka tarjumayso iskaashi qoto dheer oo u dhexeeya labada dal, isagoo muujiyay kalsoonida ay Dowladda Mareykanku ku qabto dadaalka Soomaaliya ee dhinaca amniga.

𝐒𝐎𝐎𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈𝐘𝐀 𝐈𝐘𝐎 𝐔𝐍𝐄𝐒𝐂𝐎 𝐎𝐎 𝐆𝐀𝐀𝐑𝐀𝐘 IS 𝐀𝐅𝐆𝐀𝐑𝐀𝐃 𝐑𝐀𝐒𝐌𝐈 𝐀𝐇 𝐎𝐎 𝐊𝐔 𝐒𝐀𝐀𝐁𝐒𝐀𝐍 𝐊𝐀 𝐅𝐀𝐀’𝐈𝐈𝐃𝐄𝐘𝐒𝐈𝐆𝐀 𝐆𝐀𝐑𝐀𝐀𝐃𝐊𝐀 𝐌𝐀𝐂𝐌𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐀𝐇 (𝐀𝐈)

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adda UNESCO ayaa gaaray is afgarad rasmi ah oo lagu taageerayo ka faa’iidaysiga garaadka macmalka ah (Artificial Intelligence – AI) si Soomaaliya uga mid noqoto dalalka ka faa’iidaya isbeddelka teknolojiyadeed ee dunida ka socda.

Is afgaradkan, oo lagu saxiixay magaalada Bangkok, waxaa kala saxiixday Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, Mudane Axmed Diiriye, iyo Madaxa Hawlaha AI-da ee UNESCO, Dr. Lidia Brito.

Isfahamkaan cusub ayaa horseedi doona in si degdeg ah loo bilaabo qiimayn qaran oo AI ah, taasoo lagu ogaanayo heerka ay Soomaaliya ka joogto diyaar-garowga teknoolojiyaddan cusub, lana qeexayo tallaabooyinka loo baahan yahay si loo horumariyo ka faa’iidaysigeeda.

Is afgaradkaan ayaa la filayaa in uu xoojiyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo UNESCO, isagoo Soomaaliya u furaya waddo cusub oo horumar, hal-abuur iyo adeegyo casri ah lagu gaari karo iyada oo la adeegsanaayo garaadka macmalka ah.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA SULDAAN CABDIQAADIR XAAJI MAXAMUUD

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee, Suldaan Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud oo ahaa Madaxweyne Ku-xigeenkii 2-aad ee Dowlad-goboleedka Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuumku uu door ka soo qaatay nabadeynta, mideynta iyo dowlad dhiska, isagoo si gaar ah ugu tacsiyeeyey ehelka, qaraabada iyo bulshada Jubbaland ee uu ka baxay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey Marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdows, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo umadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Guddiga qaban qaabada maalmaha xoriyadda oo kormeeray Taliska Booliiska

0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh oo ay wehliyaan Xubnaha Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda ayaa kormeeray Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ku jira diyaargarowga ugu dambeeyay ee Munaasabadda Koowda Luulyo halkaas oo ay ka samayn doonaan bandhig iyo gaardi ka cayaar.

Wasiir Cali Xoosh ayaa u mahadceliyay Taliyaha Booliska Jenaraal Asad Diyaano, Saraakiisha, Saraakiil Xigeennada iyo Qaybaha kala duwan ee Booliska Soomaaliyeed dedaalladooda ku aaddan sugidda amniga iyo ka qaybgalka Maalmaha Xorriyadda.

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirweynaha 3-aad ee anshaxa garaadka macmalka ah

0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, Mudane Axmed Cusmaan Diiriye, ayaa ka qaybgalay Shirweynaha 3aad ee Caalamiga ah ee Anshaxa Garaadka Macmalka (Global Forum on the Ethics of AI) oo lagu qabtay Bangkok, Thailand.

Mudane Axmed ayaa ka qaybgalay doodo kala duwan oo lagu soo bandhigay madasha waxaana qeyb ka ahaa “Ministerial Dialogue on International Cooperation on AI”, taasoo ay kasoo qeyb galeen in ka badan 20 wasiir oo ka kala yimid dalal kala duwan. Dooddaas waxa si gaar ah diiradda loogu saaray iskaashiga caalamiga ah ee lagu hagaajinayo maamulka iyo anshaxa teknoolajiyadda Garaadka Macmalka ah (AI).

Wasiiru dowlaha oo khudbad kajeediyey shirka ayaa xusay:

– In Soomaaliya ay ku jirto marxalad muhiim ah oo la xiriirta isbeddelka dhijitaalka ah, iyadoo ay diyaarisay istiraatiijiyad qaran oo u dhaxaysa 2025–2029.

– In ay socdaan sharciyo muhiim ah oo dhanka tiknoolajiyadda ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin Xeerka Dhowrista Xogta, Xeerka E-Transaction-ka iyo Xeerka Amniga Seeybar-ka.

– Iyo In dalka uu bilaabay dhismaha xafiis u gaar ah oo u xil saaran arrimaha la xiriira AI, si loo helo siyaasad sugan oo waafaqsan horumarka dunida.

Dhanka kale, Wasiir Axmed ayaa ka qaybgalay dood dheeraad ah oo lagu falanqeeyey habka ugu habboon ee dalalku u sameyn karaan qiimeyn ku saabsan heerka isticmaalka AI-da, iyagoo raacaya habraaca ay dejisay UNESCO.

Wasiiru dowlaha wasaaradda ayaa kamahad celiyey in Soomaaliya ay ka mid noqotay waddamada cusub ee la siiyey fursad lagu cabbiro heerka ay ka taagan tahay diyaar-garowga maamulka ee la xiriira Garaadka Macmalka ah (Artificial Intelligence).

Shirka wuxuu fursad weyn u ahaa Soomaaliya, si ay u xoojiso xiriirka caalamiga ah, u hesho taageero farsamo, una qayb qaadato go’aanada caalamiga ah ee la xiriira mustaqbalka tiknoolajiyadda Garaadka Macmalka ah.