Ciidamada amniga Sacuudiga oo ka hor tagay gaari doonayay in uu xoog ku galo Xaramka.

Date:

Riyadh-(SONNA)- War ka soo baxay Saraakiisha Amniga Sacuudiga ayaa lagu sheegay in maanta oo Sabti ah ay ciidamada qaabilsan sugidda amniga goobaha barakaysan ee Ku yaalla Sacuudiga ay gacanta ku dhigeen muwaadin u dhashay  Sacuudiga oo gaari uu watay si xoog ah isku dayay inuu ku galo Xaramka.

Saraakiisha ayaa sheegay in muwaadinka watay gaariga uu ahaa qof madaxa looga jiro, iyagoo qiray in isku daygaas aysan waxyeello ka dhalan.

“Albaabka 89-aad ee Xaramka ayaa laga hor istaagay gaari nooca raaxada ah oo isku dayay in uu xoog ku galo Xaramka shalay oo Jimco ahayd” ayaa lagu yiri warkaasi ka soo baxay hayadaha ammaanka sacuudiga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Ayaa Maanta Kormeer Ku Tagay Xaruntii Dhexe ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS xildhibaan Cali Yuusuf Cali...

Wasiirka Kalluumeysiga oo Qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya, Mudane...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Masar ee Arrimaha Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Hoggaamiyaha Koongur Galbeed oo Daah furay Imtixaanaadka Dugsiga Dhexe ee Degaannada KGS

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...