Home Blog Page 847

Xaflad lagu weyneynaayay nabi muxamed NNKH oo ka dhacday magaalada Cadaado.

0

Isku imatinkaani ayaa ahaa mid lagu weyneynaayay dhalashada subanaheeba muxamed nnk ayaa waxaa soo agaasimay culimada masjidka al nuur ee magaalada cadaado.

Inta ey socotay xaflada quruxda badan ayaa waxaa looga hadlayay siirada rasuulka nnk iyo qasiidooyin lagu amanayo nabigeena muxamed nnk.

Shiikh Maxamud Maxamed yare oo kamid ah culumada dhulka soomalida sida weyn looga yaqaan ayaa kudheeraday kahadlaka sida ey waajibka utahay in lajeclaado nabigeena muxamed nnk iyo sida eyuga xunyihiin hadalkii kasoo yeeray madweynaha faransiiska ee uu ku weraray diinta islaamka.

Sanadka xiligaan oo kale ayaa magaalada cadaado laga xusaa dhalasha Nabigeena Muxammed NNK.

Dhul giriir sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay dalka Turkiga.

0

Ugu yaraan 6 ruux ayaa geeriyootay 200 oo qof oo kalena waa ay ku dhaawacmeen kaddib markii dhul gaririir cabirkiisu yahay 6.6 maanta oo Jimca ah uu ku dhuftay Gobolka Izmir ee dalka Turkiga sida ay shaacisay Hay’adda Maareynta musiibooyinka ee dalka Turkiga.

Guddoomiyaha Gobolka Izmir Yavuz Selim Kosger ayaa sheegay in kooxaha gurmadka deg deg ah ay soo badbaadiyeen 70, qof oo ku hoos jiray dhismayaasha dumay, waxaan ay weli ku howlanyihiin sidii loo baadi goobi lahaa dadka kale ee ku haray daaraha bur buray.

Duqa magaalada Izmir Tunc Soyer ayaa tilmaamay in ku dhawaad 20 guri uu bur buriyay dhul giriirka, isagoo intaa ku daray in meelaha ugu daran ee uu saameeyay dhul giriirka ay tahay degmooyinka Bayrakli iyo Bornova ee Gobolka Izmir.

Wasiirka Deegaanka ee dalka Turkiga Murat Kurum ayaa sheegay in dad badan ay ku xanibanyihiin ilaa iyo shan dhismo oo ku dumay dhul giriirka, waxaana uu intaa ku daray in kooxaha gurmadka deg deg ay ku howlyihiin sidii dadkaasi loo soo bad baadin lahaa.

Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dowladda ay u istaagtay sidii loogu gurman lahaa muwaadiniinta uu waxyeelada u geystay dhul giriirka ka dhacay Gobolka Izmir.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo Kormeeray fariisimada Ciidanka amniga Gaalkacyo+Sawirro.

0

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar  iyo saraakiil ka tirsan ciidanka booliiska Soomaaliyeed oo kormeero shaqo ku marayeen deegaanno ka tirsan galmudug ayaa maanta kormeeray saldhiga Booliiska degmada galkacyo ee galmudug iyo kontoraalada amniga ee magaalada galkacyo qaarkood.

kormeerkaan oo ujeedkiisu ahaa la socadka tayada ciidanka booliiska iyo sidii loo xoojin lahaa amniga inta lagu guda jiro doorashooyinka dalka maadaama Galkacyo ay ka mid tahay meelaha lagu qabanayo doorashada.

Doorashooyinka xubnaha xildhaabannada soo socda ee deegaanadda Galmudug ayaa lagu qaban doonaan Galkacyo.waxaana taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyed Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) intii uu ku guda jiray kormeerkiisa waxa uu warbixinno la xariira howalaha shaqo ka dhageysatay Saraakiisha ciidanka booliska galmudug ee ku sugnaa saldhigyada iyo baraha koontorool magaalada galkacyo.

Afhayeenka ciidanka booliiska Soomaaliyeed Gaashaanle Sidiiq Aadan Cali (Doodishe) oo ka mid aha saraakiisha uu hogaaminayay taliyaha ciidanka booliska ayaa kormeerka kadib warbaahinta la wadaagay kormeerka ay ku tageen deegaanno ka tirsan Galmudug.

Wasiir Dubbe: Bilaawga bisha soo socota ayaa lagu dhawaaqi doonaa Guddiga doorashooyinka dalka.

0

Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee xukumadda federaalka Soomaaliya Cismaan abuukar Duube oo maanta marti ku ahaa barnaamijka kulanka todobaadka ee warbaahintab qaranka ayaa ka hadlay barnaamijka xukumadda uu hogaamiyo Ra’isul wasaare Rooble oo ka kooban sugida amniga, hormarinta dhaqaalaha ,qabsoomida doorasho ku dhacda si nabad galyo ah iyo hormarinta mashaariicdii hore usocotay in laga shaqeeyo.

Wasiir dube waxa yy sheegay in misaaniyadu dowladda lagu xoojinayo adeegyada bulshada gaar ahaan waxbarshada sida qorshahun yahay sanadka soo socdo ee 20121 dalga laga hirgalin doono boqol iskuul ,sidoo kale dib udhis lagu sameynayo cisbitaalo iyo xoojinta garsoorka dalka.

“Miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2021 waxaa ka mid ah in la hirgalin doono ilaa iyo boqol iskuul ,dib udhiska qaar ka mid cisbitaalada dalka iyo xoojinta hay’addaha garsoorka si loo xoojiyo cadaalada.

Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee xukumadda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dube ayaa sidoo kale shaqeegay in qorashu yahay in la magacaabo guddiga doorashooyinka isku dhafka ee dalka isla markaana dowlad goboleedyada dalka ay soo diyaariyeen xubaha dowladdanuna diyaarisay.

“Bilaawga bisha soo socota ayaa lagu dhawaaqi doonaan guddiga isku dhaf ka ah ee doorashoooyinka dalka,dowlad goboleedka dalka waa ay soo diyaariyeen xubanahii umali lahaa guddiga si la mid ah dowladduna wa udiyaar si loo fuliyo hishiiskii doorashooyinka ee golaha iskaashada qaran ayuu yiri wasiir Dubbe

Wasiir Dube waxaa kaloo uu sheegay in barnaamijka xukumadda lagu adkeynayo howlaha hortabinta leh ee horyaala iyadoo sedexdii bilba wasaarad wabla laga rabo inay soo diyaariso qorshaha hormarinta taasina ay ka dhalatay talaabooyinka dib loofu furay qaar ka mid ah wadooyinka magaalada muqdisho.

 

Kenya: Xuska Nabi Muxamad NNKH oo lagu qabtay Nairobi.

0

Munaasabaddan oo aheyd mid lagu maamusayay xuska dhalashada Xabiibkeenna Muxamed NNKH ayaa lagu qabtay Masjidu Raxma oo ku yaalla xaaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Munaasabadda ayaa waxaa soo qaban qaban qaabiyay culimaa’udiinka ku nool magaalada Nairobi, waxaana ka qeybgalay qaar kamid ah culimada iyo jameecadda Masjidka.

Sheekh Feysal Cigaal Qeyliye oo ah Imaamka Masjidu Raxma iyo Shariif Maxamed Shariif C/fitaax oo isna ah Imaamka Masjidka Al Xaaq Plaza iyo culimada ASWJ ayaa ka sheekeeyay muhiimadda ay leedahay xuska dhalashada Nabigeenna Muxamed NNKH.

Culimaa’udiinka ku nool dalka Kenya ayaa sanad walba marka la gaaro 12-ka Bisha Mowliid oo ah xilliga uu dhashay Nabigeenna Muxamad NNKH waxa ay si weyn u maamuusaan xuskaasi.

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu ansixiyey Miisaaniyadda 2021 “SAWIRRO”

0

Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu meel mariyey ku talagalka Miisaaniyad sanaddeedka Dowladda ee 2021 oo ay qeyb ka tahay qarashka doorashada iyo sharci ahaanta dhammaan go’aammadii ay gaareen golihii Wasiirrada Xukuumaddii xil gaarsiinta.

Miisaaniyadda guud ee sanadka 2021 ayaa dhan $671.8 million oo u qeybsan saddex qeybood oo kala ah ,Dakhliga Gudaha 260.1 million iyo Kabka Miisaaniyadda oo noqonaysa 170.9 million, halka ay mashaariicdu yihiin 240.8 million.

Miisaaniyadda ayaa diiradda saareysa fulinta qorshaha qaranka, waxaana loo qoondeeyey dhanka horumarinta qaddar dhan 38 million, lacagtaas ayaa lagu bixin doonaa arrimo la xiriira.

  1. Caafimaadka
  2. Waxbarashada
  3. Ka hortagga fatahaadaha
  4. Cadaaladda iyo garsoorka
  5. Dib u dhiska waddooyinka
  6. Dastuurka

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la isku raacay sharci ahaanta dhammaan go’aammadii ay gaareen golihii Wasiirrada Xukuumaddii xil gaarsiinta, kuwaas oo isugu jiray xeerar , siyaasado iyo heshiisyadii ay galeen.

 

           

 

Ra’iisul-wasaare ku-xiggeenka XFS oo dhagax-dhigay dib-u-dhiska Guriga Hooyooyinka ee Baxsan “SAWIRRO”

0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa dhagax-dhigay dib-u-dhiska guriga Hooyooyinka ee loogu magac daray fannaanadii Qaran ee Seynab Xaaji Cali Baxsan oo door weyn ka qaadatay wacyigelinta bulshada, xoojinta dareenka wadaniyadeed, dhaqanka, afka iyo suugaanta Soomaaliyeed.

Dhismaha xarunta Hooyo Baxsan ayaa lagu dhisi doonaa barnaamijka isxilqaan ee horay loogu dhisay goobaha danta guud ee burburay dagaallada, intii ay dadka Soomaaliyeed sugi lahaayeen in dalkooda u dhisaan gacmo shisheeye.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ayaa tilmaamay in fannaanadii qaran ee Seynab Xaaji Cali Baxsan ay kamid ahayd haldoorkii Soomaaliyeed ee kaalinta wanaagsan ka soo qaatay difaaca iyo horumarka dalka, dowladda Soomaaliyana ay mudnaan gaar ah siineyso halgamayaasha bulshada.

“Dib-u-dhiska Guriga Hooyooyinka ee loogu magac daray fannaanadii qaran ee Seynab Xaaji Cali Baxsan, waxuu kamid yahay xarumaha lagu dhisayo barnaamijka guuleystay ee isxilqaan oo ku yimid hal abuurkii Madaxweynaha, waxaana dadka Soomaaliyeed xasuusinayaa gacmahood in ay ku dhistaan dalkooda, intii ay sugi lahaayeen shisheeye”.

Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Gargaar, Taliyaha Ciidanka Asluubta, Xildhibaanno ka tirsan labada aqal, Guddoomiye kuxigeenka arrimaha bulshada Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Haweenka Qaranka, Maareeyaha Wakaallada dhismaha Qaranka, Maareeyaha Tiyaatarka, Ehellada fannaanadii qaran ee Seynab Xaaji Cali Baxsan iyo marti Sharaf kale.

 

      

Saddex qof oo lagu dilay magaalada NICE ee Koonfurta Dalka Faransiiska “SAWIRRO”

0

Seddex  qof ayaa ku dhimatay magaalada NICE ee koonfurta dalka Faransiiska kaddib markii nin uu tooreey weeraray goob kaniisad ah.

Ninka weerarka geystay ayaa ku qeylinayay Allahu Akbar sida ay sheegeen booliska, waxaana uu qoorta ka jaray qof dumar ka hor inta uusan weerarin Kaniisad ku taala magaalada NICE

Duqa magaalada NICE Christian Estrosi ayaa weerarkan ku tilmaamay mid argaxiso, wuxuuna sheegay in boolisku xireen, isaga oo dhaawac ah qofkii weerarka fuliyay.

Waxaa la xiray aaga uu wararka ka dhacay halkaas oo iminka ay ku sugan yihiin ciidanka gaarka ah ee la dagaalama argagaxisada iyo boolis fara badan .

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa aaday magaalada si uu xaalada ula socdo.

 

 

  

Mareykanka oo diiday inay Gabar madow ah ay maamusho hey’adda WTO.

0

Qorshihii ahaa in wasiirkii hore ee Maaliyadda Nigeria loo magacaabo agaasimaha hey’adda Ganacsiga Adduunka ee WTO ayaa meesha ka baxay, markii Mareykanku ka hor yimid qorshahaas.

Arbacadii ayaa 164 xubnood oo ururkan go’aamiyeen in Ngozi Okonjo-Iweral ay noqoto madaxa hey’adda WTO, taas oo noqon laheyd haweeneydii ugu horeysay iyo Afrikaankii ugu horreeyay oo WTO hoggaamiya.

Mareykanka oo WTO si weyn ugu dhaliilsan sida ay u maareyso ganacsiga adduunka ayaa doonaya in hey’adda loo dhiibo gabar Koofur Kuuriyaan ah oo la yiraahdo Yoo Myung-hee, taas oo ay aaminsan yihiin in isbedel ku sameyn karto WTO.

Hanaanka magacaabista agaasimaha guud ee WTO ayaa socday affar bilood, laakiin hadda waxay u muuqataa in Mareykanku uu diiday, maadaama ay taageersan yihiin wasiirka ganacsiga Koofur Kuuriya.

Wakiilka Mareykanka ee WTO oo qoraal soo saaray, ayaa sheegay in madaxweyne Trump uu ku taliyay in siyaasadda ganacsiga ee ururka isbedel lagu sameeyo, isla markaana loo baahan yahay qof si dhab ah u hogaaminaya kaas oo leh waaya-aragnimo balaaran.

“Ms Yoo waxay leedahay shakhsiyad gaar ah, waa khabiir ganacsi oo leh xirfadaha lagama maarmaanka u ah hogaaminta hey’adda “, ayaa lagu yiri bayaanka.

Waxaa kale oo lagu yiri: “Hadda WTO iyo ganacsiga dunida wuxuu ku jiraa xilli adag. Ma jiro wax wadaxaajood ah oo ku saabsan ka wada shaqeynta tariifooyinka muddo 25 sano ah, hanaanka xalinta khilaafaadka faraha ayuu ka baxay, dalal yar ayaa fuliya mabaadi’da aas aaska ah ee waajibaadka iyo hufnaanta ururka. WTO waxay si aad ah ugu baahan tahay in isbedel micno leh lagu sameeyo.”

Hase yeeshee, qoraalka ka soo baxay Mareykanka laguma xusin magaca gabadha reer Nigeria ee Okonjo-Iweala.

Arbacadii wufuudda xubnaha WTO ayaa waxaa ay ka doodeen magacaabista agaasimaha cusub, afhayeenka ururka Keith Rockwell ayaa sheegay in uusan jirin wadan taageerey Okonjo-Iweal.

“Dhammaan wufuudda waxay muujiyeen sida ay ugu qanacsan yihiin hanaanka maanta socda, wayna taageereen natiijada marka laga reebo hal wadan,” ayuu yiri.

Mr Trump ayaa WTO ku sifeeyay mid dhibaato isla markaana u janjeerta dhinaca Shiinaha, Trump waxaa uu horey u joojiyay arrimo badan oo ururka khuseysa oo ay kamid tahay magacaabista agaasimaha.

Si kastaba, kulanka ugu dambeeyay oo lagu go’aaminayo agaasimaha ayaa qabsoomi doona 9 bisha November ka dib doorashada madaxtinimada Mareykanka, in Washington diiday gabadha reer Nigeria micnaheeda ma ahan in aan loo magacaabi doonin xilka WTO, laakiin Mareykanku waxay saameyn ku leeyihiin go’aanka kama dambeysta ah ee ururka.

Mr Rockwell ayaa war fidiyeenka u sheegay in Ms Okonjo-Iweala ay taageero ka heysato dalalka Midowga Yurub.

WTO hadda waxaa hogaaminaya affar agaasime ku xigeen ka dib markii bishii August uu iscasilay agaasimihii ururka Roberto Azevedo.

Ms Okonjo-Iweala, 66 sano jir ah, ayaa soo qabatay xilka wasiirka Maaliyadda Nigeria sidoo kale wasiirka arrimaha dibadda ayay ahaan jirtay, waxay leedahay waaya-aragnimo ka badan 25 sano, iyadoo la soo shaqeysay Bankiga adduunka.

Ciidamada NISA oo gacanta ku dhigay dhagarqabayaal Al-Shabaab ah iyo hub kala duwan.

0

Ciidamaa Sirdoonka ee NISA ayaa howlgal ka dhacay Xaafadda Oodweyne ee Degmada Dayniile ku soo qabtay Dhagar-qabayaal ka tirsan Argagixisada Al-shabaab iyo hub kala duwan oo ay gacanta ku haayeen.

Dhagar-qabeyaashaan la soo qabtay ayaa Argagixisada Al-shabaab u qabilsanaa dilalka iyo weerada qorshaysan ee laga fuliyo Caasimadda.
Maamulka Ha’yaddaha Amniga ayaa goor kasta diyaar u ah inay ka hor-tagaan, dhibaato kasta oo loo soo maleego Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Caasimadda.

Waxaan mar walba u mahad celineynaa shacabkii nagu garab siiyey helidda xogaha xaasaasiga ah ee lagu badbaadinayey Shacabka Soomaaliyeed.