Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah Al-shabaab ka fuliyey G/Hiiraan.

Date:

Qeybta 27-aad ee xoogga dalka ayaa hawlgal ay ka sameeyeen inta u dhaxeysa degmooyinka Maxaas iyo Baladweyne ee gobalka Hiiraan, waxa ay kaga hor tageen isku day ay maleeshiyada Al-shabaab ku doonaysay inay halkaasi shacabka dagan uga qaado lacago baad ah oo ay Zako ku magacaabeen.

Maleeshiyada Al-shabaab ayaa qof rayid ah oo amarkooda diiday ku dhaawacay Isgoyska Filaay oo 25-km dhinaca woqooyi ka xiga degmada Maxaas, taas oo keentay inay ciidamadu halkaasi tagaan, kana cayriyaan maleeshiyaadka sida dhuumaalaysiga ah ku soo galay, sidaasi waxaa warbaahinta Qaranka u sheegay Ammaanduulaha guutada 5-aad ee qaybta 27-aad Kornel Cabdullaahi Barre.

Ammaanduulaha ayaa xusay inay sii wadayaan hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Al-shabaab, iyagoo hubinaya in wadooyinka Maxaas iyo deegaanada ku xeeran ku xira Baladwene in si nabadgalyo ah shacabku ku maraan.

Kornel Cabdullaahi Barre waxa uu digniin u diray dadka xilliyada qaar isku daya inay isbaaro dhigtaan jidkaasi, isagoo xusay in aan la aqbali karin tallaabo kasta oo sharci darro ah, caqabadna ku noqon karta hawlaha amniga gobolka Hiiraan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxay

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo La Kulmay Waxgaradka Beelaha Dega SSC-Khaatumo

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

NISA oo 13 Khawaarij ah ku dishay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgallo...

UNHCR oo walaac ka muujisay sharciga magangalyo-doonka Giriigga

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii...