Munaasabadda Daah-furka Dekedda Kalluumeysiga Hobyo oo Soo gaba-gabowday+(SAWIRRO).

Date:

Qorshaha dhismaha Dekedda Kalluumeysi waxa uu soo socday muddo 3 Sanno ah, laakiin Dakadaha Galmudug Cabdi Saabir Nuur Shuuriye,wuxuu intii uu joogay xafiiska waqti badan galiyey in si hufan loogu tartamo howsha dhismaha, lana bilaabo howsha dhismaha.

Dekeddan waxaa maalgalinaya Dowladda Talyaaniga, iyagoo soo marsiiyey WFP, waxaana dhisaya shirkadda Global Link.

Dekeddan oo ay ku xiran karaan doomaha dhererkoodu yahay ugu badnaan 20 mitir, ayaa waxa aan rajaynaynaa in uu dhismaheedu ku soo dhammaado muddo Lix (6) bil ah, waxa aan sidoo kale si kumeel-gaar ah loogu adeegsan karaa Dekeddan baahiyaha kale.

Dekeddan Kalluumeysi waxa ay suurtagelin doontaa horumarinta kalluumeysiga Galmudug, qeyb muhiim ahna ka qaadan doontaa shaqo abuurka dhalinyarada.

Dhinaca kale waxaa dhammaadka bishan dalka soo gaari doona Injineero ka socda Shirkadda Oriental Terminal oo hordhaca u ahaa dhismihii Dekadda weyn ee Hobyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Gaashaandhigga oo xaqiijisay dilka Macallin Jinoow

Waxaa la xaqiijiyay dilka Macallin Jinoow, kaas oo Wasiirka...

Dab ka kacay Suuqa Bakaaraha oo damintiisa lagu guuleystay

Waaxda Gurmadka Deg Degga ah ee Maamulka Gobolka Banaadir...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeysay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...