Diiwaangalinta Musharaxiinta Xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Hirshabelle oo maanta ku eg.

Date:

Diiwaan gelinta musharixiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabelle oo soo bilaabatay shalay ayaa maanta ku eg sida ay horey u shaaciyeen guddiga doorashooyinka.

Musharixiin badan ayaa is diiwaan geliyay, halka kuwa dhimana ay maanta is diiwaan gelin doonaan.

Musharixiinta qaarkood ayaa horey u shaaciyay in ay u tartamayaan xilka madaxweynaha iyo ku xigeenka maamulka Hir-Shabeelle.

Xubnaha ugu cad cad ayaa waxaa ka mid ah madaxweyne ku xigeenkii hore ee Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen.

10 bishan oo Beri ku beegan ayaa la filayaa in musharixiinta madaxweynaha Hirshabelle iyo ku xigeenkiisa ay khudbad ka horjeediyaan xildhibaannada cusub ee baarlamaanka 2aad ee maamulkaasi.

Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle ayaa dhici doonta maalin Arbaco oo ku beegan 11 bisha November.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...