Home Blog Page 832

Xildhibaannada Golaha Shacabka Oo Ka shiraya Sharciga Doorashooyinka Qaranka

0

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in markale ay ka doodaan Hindise sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka iyo Ajandayaal kale.

Akhrinta 2aad ee HIndise Sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka ayaa ah mid weli ay Xildhibaannada Golaha ka doodayaan.

Qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha shacabka ayaa fikradahooda ka dhiibtay kulankii shalay ee Akhrinta 2aad ee HIndise Sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka oo maalmahan ay mudanayaasha si adag uga doodayeen Xildhibaannada.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman ayaa Xildhibaannada u sheegay in Golaha uu maalin walba uu shaqeyn doono illaa iyo inta laga ansixinayo sharciga doorasho ee uu ay Soomaalia yeelato.

Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay Waddada isku xirta degmooyinka Shingaani iyo Xamar Jajab

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa maanta dhagax dhigay waddada isku xirto degmooyinka Xamar Jajab iyo Shingaani.

Dhismaha Waddadaan oo ah mid muhiim u ah isku socodka gaadiidka ayaa waxey ka soo bilaabataa Dekadda Muqdisho ilaa dhismihii Wakaaladda Madbacadda Qaranka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay dhismaha waddooyinka burbursan ee Magaalada Muqdisho.

Dhagax dhigga waddadaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir,mudane, Ibraahim Cumar Mahad Alle (Ibraahim Dheere),qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Xiriiriyaha guud ee Gobolka.

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta iyo tababarrada shaqaalaha Labada Dal

0

Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada Soomaaliya, Saddiiq Xirsi Warfaa ayaa Magaalada Istambul kula kulmay dhiggiisa Dalka Turkiga,Mss; Zehra Zumrut Selcuk.

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariic socota oo ku saabsan xoojinta shaqaalaha, shaqaalaysiinta iyo kor u qaadista iskaashiga ka dhexeeya Labada Dal.Wasiirrada ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo guda-geli lahaa is Af-garad la xiriira horumarinta iyo tababarrada shaqaalaha oo ay Labada wasaaradood horay u gaareen.

Is Af-garadka ay horay u gaareen Labada dhinac ayaa waxaa ansixiyay Golaha Wasiirrada Soomaaliya iyo Turkiga. Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada Soomaaliya, Sadiiq Warfaa ayaa Istanbul kaga qeyb galaya shirka Koowaad ee Wasiirrada Ururka Iskaashiga Islaamka oo looga hadlayo horumarinta Bulshada.

Wasiirka Shaqada & Arrimaha Bulshada XFS Sadiiq Warfaa oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

0

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa kullan gaar ah la qaatay Wasiirka Shaqada, Qoyska iyo Adeegyada Bulshada ee dalka Turkiga, Zehra Zumrut Selcuk.

Kullanka oo ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa looga wada-hadlay mashaariicda socda ee ku saabsan xoojinta shaqaalaha iyo shaqaalaysiinta.

Waxaa kale oo ay ku dheeraadeen inta uu kullanka socday sidii loo guda-gali lahaa is afgarad la xiriiray horumarinta iyo tababarada shaqaalaha oo labada wasaaradood ay horey u gaareen,iyadoo is afgaradka ay ansixiyeen golaha wasiirrada ee labada dal.

“Sidoo kale waxaan isweydaarsanay aragtiyo ku saabsan kor u qaadista iskaashiga ka dhexeeya labadeena dal.” ayuu yiri wasiir Sadiiq oo xukuumadda Turkiga uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan Dowladda iyo shacabka Soomaaliya.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, mudane Sadiiq Warfaa ayaa u jooga Istanbul ka qeybgalka shirka koowaad ee heerka wasiirrada ah ee ururka Iskaashiga Islaamka oo looga hadlayo horumarinta Bulshada,halkaa oo uu khudbad ka jeedin doono.

Maalinta la dagaallanka Musuq-Maasuqa oo Muqdisho laga xusay

0

Munaasabadda xuska 16aad ee maalinta caalamiga ah ee la dagaallanka Musuq-Maasuqa ayaa ka socota magaalada Muqdisho,waxaana ka qeybgalaya wasiirka cadaaladda,hanti Dhowraha guud ee Qaranka iyo masuuliyiin kale iyo qeybaha kala duwaan ee bulshada.

Musuq-maasuqa iyo daah-furnaan la’aanta ayaa waxay   si weyn u cuuryaamiyeen horumarka iyo xasiloonida dalal badan oo ka tarisan wadamada Caalamka, waxaa maanta laga xusaya guud ahaan caalamka maalinta ladagaallanka iyo xakamaynta  musuq-maasuqa Aduunka, la dagaalank musuqa ayaa waxaa saldhig u ahaa awoodsiinta sharciga iyo dhisidda hay’addo daah-furan oo la xisaabtama Eedeymaha musuqa.

Dunida daafeheeda, 9ka Disembar ayaa laga xusaa Caalamka La-dagaallanka Musuq-maasuqa iyadoo ujeedadu tahay in wacyi-gelin laga sameeyo musuq-maasuqa iyo sidii looga hortagi lahaa.

Soomaaliya oo ka qeyb galeysa shirka Ururka Baarlamaannada Adduunka oo ka furmay Qatar

Magaalada Doxa ee Caasimadda dalka Qatar waxaa Maanta ka furmay shirka 7-aad ee Ururka Baarlamaannada Adduunka oo sanadkaan looga hadlayo la dagaalanka Musuq maasuqa.

Shirka waxaa isla shir Guddoominaya Guddoomiyaha Golaha Shuurada Qatar, Guddoomiyaha Ururka Baarlamaannada Adduunka (IPU) iyo Guddoomiyaha Ururka Baarlamaannada Adduunka ee la dagaalanka Musuqa (GOPAC).

Soomaaliya waxaa Shirkaan uga qeyb-galaya wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, mudane, Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal.

Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa inta uu ku suganyahay Qatar shir doceedyo la qaadan doona Madaxda ka soo qeyb gasha Shirkaan.

Golaha Shacabka BJFS oo maanta kulan ku leh Caasimadda Dalka.

0

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Ajendaha kulanka maanta ayaa ah, dhameystirka Ansixinta heshiiska dhaqanka aan muuqan iyo kan dabiiciga ah.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa sidoo kale sii amba qaadaya Akhrinta labaad ee Hindise sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka.

Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maalmahaan lahaa fadhiyo is daba joog ah ayaa wado dadaallo lagu meel marinayo Shariciyada muhiimka u ah Qaranimada dalka.

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun ku riday Askari dilay Haweeney Ganacsata aheyd

0

Dable Xogga Dalka Cabdullaahi Cali Cumar ayaa loo heystaa dilka Marxuumad Dhibaay Maleele Maxamed oo ganacsata aheyd, dilkaas oo ka dhacay degmada Wallaweyn ee gobalka Shabeellada Hoose 23 May sanadkan.

Eedeysanaha oo muddo baxsad ka ahaa hey’adaha Amniga   ayaa  xafiiska Xeer Ilaalinta  01 August ee Sanadkan  waxa uu weydiistay Garsoorka in la siiyo waaran lagu soo xiri karo Cabdullaahi Cali Cumar oo baxsad ah, waxa ayna xilligaas aqbashay Maxkamadda Codsiga dacwad oogayaasha.

Cabdullaahi Cali  Cumar ayaa soo galay gacanta hey’adaha Amniga 28-kii September ee Sanadkan,  waxaana xilligaas lagu soo wareejiyay xafiiska  Xeer Ilaalinta oo codsaday in xabsiga dhexe loo taxaabo  garsuge ahaan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa baaris dheer kadib codsaday 16-ka bishii tagtay in la muddeeyo dhageysiga dacwadda ka dhanka ah Cabdullaahi Cali Cumar,  waxa ayna Maxkamadda  aqbashay dhageysiga dacwadda todobaad kadib.

Maxkamadda ayaa ugu horreynba u jeedisay eedda loo heysto Cabdullaahi Cali Cumar, waxaana  sidoo kale Maxkamadda  ay dhageysatay  Cadeymaha iyo markaatiyaasha Maxkamadda la hor keenay.

Dadka ay dhageysatay Maxkamadda waxaa kamid ah Sarkaalkii u talin jiray Dable Cabdullaahi Cali Cumar, waxa uu Maxkamadda u sheegay in ay Fakad ka gudbiyeen eedeysanah, wixii intaas ka dambeeyane uu dhuumaaleysi ku ahaa waddada xiriirisa Yaaq Biri Weyne, IIdow Jaalle ilaa leego oo uu ka geysan jiray dhac.

Sidoo kale Maxkamadda waxa ay dhageysatay mid kamid ah dhibanayaasha gaadiidka ee Isticmaala waddada xiriirisa Muqdisho iyo Baydhabo, waxa uu u sheegay Garsoorayaasha in $300  kaga qaatay Isbaara ahaan eedeysanaha Maxkamadda hor taagan.

Ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Sida Muumin Xuseen Cabdullaahi ayaa Maxkamadda u sheegay in eedeysanaha uu ahaa shaqsi caadeystay dhacca dadka, waxa uu u sheegay Maxkamadda in uu  sidoo kale baxsad ka ahaa Ciidamada.

Muumin Xuseen Cabdullaahi oo ka hadlayay gabagabada Kiiska ayaa sheegay in Eedeysanaha Maxkamadda hor taagan oo dil bareer ah u geystay Marxuumad Dhibaay Maleele Maxamed oo aheyd haweeney Ganacsata ah oo aad looga yaqiinay Degmada Wallaweyn ee  gobalka Shabeellada Hoose, waxa uu u sheegay Maxkamadda in eedeysanaha uu u dilay Marxuumadda deyn uu ka qaatay darteed.

Markaatiyaal  afar ah oo ay ku jiraan dad uu dhac u geystay iyo kuwa ka marag kacaya  dilka Marxuumadda ayay dhageysatay Maxkamadda, waxaa sidoo kale Maxkamadda la horkeenay cadeymaha warqadda waaranka Maxkamadda, Cabashooyinka gaadiidleyda iyo warqad uu ka qoray taliyihiisa.

Qareenka u dooday eedeysanaha ayaa Maxkamadda weydiistay in loo naxariisto oo lagu xukumo magta Marxuumada Dhibaay Maleele Maxamed.

Garsoorayaasha ayaa ugu dambeyn go’aan ku gaaray in lagu xukumo Dable Cabdullaahi Cali Cumar dil toogasha ah oo ah qisaasta Marxuumad Dhibaay Maleele Maxamed sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukun waxaa ka furan Rafcaan ku siman 30-Cisho Xukunka kadib.

How to find the Safest Dating Sites

0

It may seem difficult to get the most secure dating sites that are cost-free, but it is certainly not. Should you be looking for someone http://www.blushingbrides.net/ to spend your daily life with, then you definitely should definitely consider the services. The reason why various people love to use these websites is because of all their ability to provide safe and secure offerings.

There are several websites that provide this service. The most frequent service furnished is totally free dating web-site. Many online dating web sites provide an option to get yourself a membership with them for a trial period. This allows users to get a look and feel for how secure the site is. The trial period allows them make sure the memberships will be a good investment they will be having to pay.

After a user finds the dating site that they can be comfortable with, then it is time for you to start earning profits. Many persons enjoy the idea of applying online dating in an effort to meet others who share similar interests. Nevertheless , it is important to consider that not almost all dating websites offer the same amount of safety and security. After the free seeing site continues to be used, then a paid dating website is definitely the next reasonable step.

Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ayaa u xilsaaran Dhaqanka.{Warsaxaafadeed}

0

Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ayaa u xilsaaran Dhaqanka wasaaradda waxbarashadu shaqo kuma lahan.