Home Blog Page 832

Wasiirka haweenka XFS ayaa maanta lagu soo dhaweeyey magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay+(SAWIRRO).

0

Wafdi ay hogaamineyso Wasiirka haweenka iyo horumarinta xuquuqul insaanka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mr.’s Xaniifa Maxamed Ibraahim (Xaabsade) ayaa maanta safarkeedii ugu horeeyay tan iyo markii xilka loo magacaabay ku tagtay magaalada Baydhabo.

Wafdiga Wasiirada ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo, si weyn ugu soo dhoweeyay Wasiiro xildhibaano iyo qeybaha bulshada ee Maamulka Konfur Galbeed.

U jeedka socdaalka wafdiga ayaa ah u ololeynta xuquuqda haweenka ee siyaasadda dalka iyo xaqiijinta kuraasta dumarka ee golayaasha dowladda gaar ahaan labada aqal ee baarlamaanka federaalka.

Wasiirka haweenka Koofur Galbeed, oo hor kacaysa soo dhoweynta wafdiga wasiirka ayaa sheegtay in ay ku faraxsan tahay soo dhoweynta wasiirka haweenka Soomaaliya.

Soo dhoweynta ka dib, wasiir Xaniifa, oo warfidiyeenka kula hadashay qeybta nasashada garoonka diyaaradaha ee Shaata gaduud ee magaalada Baydhabo ayaa u mahad celisay dadkii soo dhoweeyay, waxayna sheegtay in ay ku faraxsan tahay maanta in ay Baydhabo noqoto meeshii ugu horeysay oo ay timaado tan iyo markii xilka loo magacaabay.

“Ololeynta kuraasta haweenka, maadama wadanka uu galay xilli doorasho, halbeega xukuumadda aan ka tirsanahay ee Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay tahay xaqiijinta kuraasta haweenka, Insha’Allah dhowr maalin ayaa joogi doona, waxaana la kumayaa qeybaha bulshada” ayay tiri wasiir Xaniifa.

Soo dhoweynta wefdiga wasiirka waxaa ka qeybgalay, wasiiro, xildhibaano, maamulka gobolka iyo qeybaha bulshada ee Koofur Galbeed Soomaaliya.

Safaarada Boqortooyada Sacuudiga ay ku leedahay Dalka Holland oo Weerar Rasaas ah lala beegsaday.

0

Rasaas ayaa lagu furay dhismo ay ku taalo safaarada Sacuudiga uu ku lee yahay magaalada Hague ee dalka Holland.

Boolisku waxay sheegeen in aanay cidna wax ku noqon islamarkaana ay wadaan baaritaanka ku saabsan cida ka danbeysay iyo sababta.

Saxaafada gudaha ee Holland ayaa sheegtay in 20 xabo lagu dhuftay dhismaha oo daaqadaha ay ka muuqdaan duleelka ay rasaastu sameysay.

Safaarada Sacuudiga wali arintan kama hadlin

Falkan ayaa imaanaya maalin kadib markii garneylka gacanta lagu weeraray qabuuro ay ku duugan yihiin dadka aan muslimiinta ahayn oo ku yaala magaalada Jeddah ee dalka sacuudiga.

Weerarkaas oo dhacay xili la xasuusanayay askartii ku dhimatay dagaalkii labaad ee aduunka ayaa booliska Sacuudiga ku tilmaameen mid argagaxiso.

Qaramada Midoobay iyo Dowlada Suudaan oo iska kaashanaaya gargaarida dadka kasoo cararay colaada Itoobiya.

0

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay kala shaqeyneyso Xukuumada Suudaan sidii loogu gargaari lahaa in ka badan 7 kun oo qaxooti ah kuwaasi oo kasoo carartay colaadaha ka jira gobalka Tigreega ee dalkaasi Itoobiya.

Dalka Suudaan oo xuduud la wadaaga dalka Itoobiya ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ku qulqulaayay dad fara badan oo kasoo qaxay dagaalka u dhaxeeya Jabhadda Xoreynta Tigreega iyo Ciidamada Itoobiya.

Afhayeen u hadlay UN-ka ayaa sheegay in dowladda Suudaan iyo Qaramada Midoobe ka shaqaynayaan sidii loo diiwaan gelin lahaa dadka kasoo qaxay Itoobiya si loo gaarsiiyo gurmad deg deg ah.

Afhayaenka ayaa kula dardaarmay dowladaha deriska la ah Itoobiya inay xuddoodahooda u furan dadka kasoo cararaaya dagaalada si loo badbaadiyo dadka rayidka ah.

Dowladda Suudaan ayaa hore ugu baaqday beesha caalamka in loosoo gurmado dadkaan soo qaxay, iyadoo sheegtay in tiradu maalin ba maalinta ka danbeysa sii kordhayso.

Xukuumada Federalka Soomaaliya oo Heshiis Dhinacyo badan ah la saxiixatay Midowga Yurub.

0

Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa Wajigii labaad ee heshiiska Barnaamijka lagu horumarinayo dhaqaalaha dalka, la Saxiixatay Midowga Yurub kaas oo la sheegay in ay ku baxayso lacag gaareysa 98.2 Milyan oo Euro.

Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa goobjoog ka ahaa saxiixa heshiiskan oo dhinaca Dowlada uu u saxiixay Wasiirka Qorsheynta JFS Mudane Jamaal Maxamed Xasan iyo Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Mudane Nicolas Berlanga.

Heshiiskan ayaa Arrimo badan oo Hormarineed looga wada hadlay waxaana muhiimada ay saareen labada dhinac barnaamijka Kaabayaasha Dhaqaalaha ee Dalka oo ay dowladdu sheegtay inuu wax badan ka taridoono koboca dhaqaalaha ee Dalka.

Ra’iisul wasaare Max’ed Xuseen Rooble oo heshiiska ka hor shir guddoomiyay wada hadalo balaaran oo ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirada Xukuumada Federalka Soomaaliya iyo Ergo ka socotay Midowga Yurub ayaa sheegay in ay mihiim tahay xoojinta iskaashiga labada dhinac iyo dardar gelinta doorashooyinka Dalka.

Si kastaba Midowga Yurub ayaa Dhowr mar  oo hore Soomaaliya ugu deeqay lacago badan oo wax looga qabanayo Xaaladaha Bini’aadanimo iyo dib usoo kabashada dhaqaalaha Dalka uu u geystay Cudurka Safmarka ah ee Covid-19.

 

Baarlamaanka Itoobiya oo Ansixiyay go’aano xilka looga qaadayo Maamulka Tigreega.

0

Baarlamaanka Dowlada Itoobiya ayaa ansixiyay oo meel mariyay go,aan xasaanada looga qaadayo 39 qof oo ka tirsan maamulka tigreega iyo dad lashaqeenayay.

Go,aankan oo uu Baarlamaanka ka dalbaday xeer ilaaliyaha guud ayaa u jeedkiisu yahay in danbi lagu qaadi karo masuuliyiintaan oo maxkamad la keeni karo.

Dadkan waxaa ugu magac dheer madaxweynaha ismaamulka tigreega iyo saraakiil sare oo ciidanka ahaan jiray.

Shaqsiyaadka la yaqaan ee liiska ku jira waxaa ka mid ah, Dr Debretsion Gebremichael, Asmelash Weldesenbet, Abay Tsehaye, Dr Ambassador Addisalem Balema, Getachew Reda, Atsebeha Aregawi, Waxaa loo heystaa in ay noqdeen falaago dowlada ka soo horjeeda iyo in ay weerareen ciidanka difaaca qaranka iyo danbiyo kale.

Boqorka Baxrayn oo magacaabay Ra’iisal wasaare cusub ka dib geerida Ra’iisal wasaarihii hore.

0

Boqorka Dalka Baxrayn Xamad bin Ciise ayaa magacaabay ra’iisal wasaare cusub kadib markii ra’iisal wasaarihii dalkaas Khaliifa bin Salmaan shalay ku dhintay gudaha dalka Maraykanka oo uu ku xanuunsanaa.

Salmaan bin Xamad bin Ciise oo ah dhaxal sugaha dalkaasi Baxrayn ayaa loo magacaabay inuu noqdo ra’iisal wasaaraha cusub ee Wadankaasi Baxrayn.

War murtiyeed kasoo baxay shalay boqortooyada Baxrayn ayaa lagu shaaciyay in ra’iisal wasaarihii geeriyooday lagu aasi doono dalka gudihiisa iyadoo ay kasoo qayb gali doonaan qoyska iyo qaraabadiisa oo kaliya.

Munaasabad ay xilalka kula kala wareegayaan Maamulka Degmada Gaalkacyo oo lagu qabtay Gaalkacyo+(SAWIRRO).

0

Munaasabadan oo ay xilalka kula kala wareegayaan gudoomiyihii hore ee dagmada Gaalkacyo Xirsi Yuusuf Barre iyo gudoomiyaha cusub Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Jimcaale ayaa saakay ka dhacday xarunta maamulka dowlada hoose ee dagmada Gaalkacyo waxaa ka qeyb galay Masuuliyiin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Gudoomiyihii hore ee dagmada gaalkacyo Xirsi Yuusuf Barre oo ugu horeyn ka hadlay munaasabada xil wareejinta ayaa faah faahin ka bixiyay waxyaabihii maamulkiisa u qabsoomay mudadii 4ta sana aheyd ee uu xilka hayay taas oo muujineysay in maamulku uu wax weyn ka qabtay magaalada Gaalkacyo iyadoo maamulku mudadaasi uu ku soo shaqeeyay daruufo adag oo ay ka mid ahaayeen colaadihii iyo abaaruhii dheeraa ee ka jiray gobolka Mudug sanadihii 2016 ilaa 2018.

Gudoomiyaha cusub ee dagmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Sh/xasan ayaa qiray in wax weyn uu maamulkii hore, isagoo u mahad celinayay maadaama uu daruufo adag kusoo shaqeeyay waxuuna dhanka kale ka codsaday shacabka reer galkacyo in ay la shaqeeyaan maamulka cusub ee uu hogaanka u yahay.

Ugu danbeyntii wasiiru dowlaha wasaarada arimaha gudaha Galmudug Axmed nuur Xasan Cali ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay wax qabadka maamulkii hore ee dagmada Gaalkacyo isagoona xusay in uu amaan iyo bogaadin mudan yahay, waxuu sidoo kalana kula dar daarmay maamulka cusub ee dagmada Gaalkacyo in ay xoogga saaran dhameystirka hanaanka dowladanino iyo wax ka qabashada baahiyada jira.

         

Boqorka Sucuudi Carabiya oo adduunka ku Boorriyay in ‘mawqif adag’ laga qaato Iran.

0

Boqorka Sacuudi Carabiya Salman bin Abdulaziz Al Saud ayaa aduunka ku booriyay in ay qaataan “go’aan adag” si wax looga qabto dadaalada ay wado Iiraan ee lagu horumarinayo Barnaamijyada Nukliyeerka iyo gantaalaha Ballistic, khudbadiisa sanadlaha ah ee uu ka horjeediyo hey’adda ugu sareysa ee talada dowlada ama (Gulaha Shuurada).

Boqorka ayaa carabka ku adkeeyay qatarta mashruuca Iiraan ee gobolka, faragalinta ay ku hayso wadamada kale, kobcinta argagixisada, kicinta dab diimeedka waxayna ku baaqeysaa in bulshada caalamka mowqif adag ka qaadato Iiran taas oo damaanad qaadeysa in si adag wax looga qabto dadaalada ay ku dooneyso inay ku hesho, hubka wax gumaada iyo inuu horumariyo barnaamijkiisa gantaalada ballistic-ga, ”ayuu yiri boqorka.

Dowladaha Sacuudiga iyo Iiraan ayaa waxaa si weyn uga dhaxeeyo cadaawad mudo dheer taagneyd iyagoo sidoo kalana ku Loolamaya Awoodda Gobolka Bariga dhexe waxaa jirta Eedeymo labada dhinac ay isku jeedinayaa oo ku aadan Iiraan oo Taageerta Huutiyiinta halka Dowlada Sacuudiga lagu eedeynayo gacan siinta Kooxaha Argagixisada.

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden oo Ron Klain u Magacaabay Madaxa Shaqaalaha Aqalka Cad.

0

Madaxweynaha Dooran ee Mareykanka Joe Biden ayaa u magacaabay Madaxa Shaqaalaha ee Aqalka Cad Ron Klain oo lataliye u ahaa mudo dheer ah islamarkaana qeyb weyn ka ahaa Ololaha Doorasadiisa.

Madaxweynaha la doortay Mr. Joe Biden ayaa Arbacadii 11 November 2020 u magacaabay Ron Klain inuu noqdo madaxa shaqaalaha ee Aqalka Cad magacaabidiisii ​​ugu horreysay oo muhiim ah, maadaama uu dhisayo maamulkiisa iyadoo wali uusan madaxweyne Donald Trump aqbalayo natiijada doorashada.

Ron Klain oo 59 jir ah wuxuu ahaa madaxa shaqaalaha ee Joe Biden markii uu ahaa madaxweyne ku xigeen Mamulkii Madaxweyne Barack Obama Haseyeeshee waxaana si weyn loo filayay in loo magacaabo Madaxa shaqaalaha Aqalka Cad Hadii Biden la doorto.

Xaalada Covid-19 ee Dalka UK oo iminka gaartay meel halis ah, waxaana jira digniino dowlada loogu sheegayo in aanay isdhigan oo talaabo ay qaado.

0

Dalka England ayaa iminka noqotay dalka ugu dhimashada badan cudurka Covid-19 guud ahaan qaarada Yurub waxaana dhimashadu ay dhaaftay 50,000.

Sida ay sheegtay waaxda caafimaadka UK ee loo yaqaan NHS waxaa 24 saac ee la soo dhaafay la diiwaan galiyay 595 dhimasho ah.

Sidoo kale waxaa cudurka laga helay dad ka badan 22,000 oo qof .

UK hada waa dalka shanaad ee ugu dhimashada badan karoonaha guud ahaan aduunka waxaana ka horeeya Mareykanka,India,Brazil iyo Mexico.

Ra’isulwasaaraha Britain Boris Johnson ayaa sheegay in dhimasho kasta ay musiibo tahay dowladuna qaadi doonto talaabo kasta oo cudurka lagu xakameynayo.

UK hada waxay ku jirtaa bil xayiraad ah oo dhamaan doonta 2 December kadib markii bilowga bishaan November uu cudurku sare u kacay.

Hada waxaa la galay xiliga qabowga oo halis badan taas kaalin ka qaadan karta qatarta cudurka .

Tan iyo bishii Maarso ee sanadkan waxaa UK uu cudurka ku dhacay 1.8 malyuun oo qof