Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay askar xabado ku furtay Bajaaj
Xasan Muuse Warsame iyo Xasan Xuseen Maxamed ayaa loo heystaa in ay si bareer ah ugu fureen rasaas laba gabdhood oo wada saarnaa Bajaaj mareysay bar kontorool oo ay ku qornaayeen 07-da bishii sagaalaad ee Sanadkan.
Xasan Muuse Warsame iyo Xasan Xuseen Maxamed ayaa ka wada tirsanaa ciidamada Boliiska, waxaana isla xilligii ay geysteen dhaawaca iyo dhimashada la wareegay hey’adaha baarista.
Hey’adda dambi baarista Boliiska CID ayaa ku soo wareejiyay labada eedeysane Xafiiska Xeer Ilaalinta, waxa uuna xafiiska weydiistay Maxkamadda 15-ka bishii Sagaalaad ee sanadkan in loo dhaa-dhiciyo xabsiga dhexe garsuge ahaan.
Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa soo eedeeyay labada eedeysane baaritaan dheer kadib 16-ka bishii tegtay, waxa ayna Maxkamadda weydiisteen in la muddeeyo dacwad qaadista Xasan Xuseen Maxamed iyo Xasan Muuse Warsame oo loo heysto dilka Marxuumada Istar Axmed Cabdulle iyo Dhaawaca Dhibane Faadumo Axmed Cabdulle oo ahaa walaalo marayay agagaarka Isbitaalka Masaarida ee degmada Hodan.
Shan cisha kadib ayay Maxkamaddu ballamisay dhageysiga dacwadooda.
Maxkamadda ayaa ugu horeynba u jeedisay eedaha loo heysto labada eedeysane, waxaana fursad loo siiyay in ay ka jawaab celiyaan.
Dable Boliis Xasan Xuseen Maxamed oo ka jawaabayay eedda loo heysto ee ah dilka iyo dhaawaca ay u geysteen gabdho walaalo ah oo Bajaaj wada saarnaa ayaa Maxkamadda u sheegay in ay si wada jir ah xabada u rideen isaga iyo eedeysanaha labaad ee Maxkamadda hor taagan.
Dable Boliis Xasan Muuse Warsame oo isna fursad loo siiyay in uu ka jawaab celiyo eedda ay Maxkamadda u jeedisay ayaa u sheegay Garsoorayaasha in si wada jir ah ay xabada u rideen iyagoo oo kaga dan leh in ay ku kala fududeeyaan Jaamka ka jiray Isgoyska Maseerida ee degmada Hodan.
Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida oo ugu horeynba lahaa hab raacca dacwadda ayaa Maxkamadda weydiistay in la dhageysto markaatiyaal uu ku jiray wadihii gaariga, waxa uu Maxkamadda u cadeeyay in si wada jir ah ay xabada kas ah ugu rideen Bajaajta uu wadaha ka ahaa taasina ay dhalisay In gabdha walaalo ah midna geeriyootay midna dhaawacantay.
Qoryihii dhaawacca ay ku geysteen, warqadaha dhaawacca iyo dhimasha muujinta iyo markaatiyaal kale ayay Maxkamadda dhageysatay.
Xeer ilaaliya ku xigeenka Ciidamada Qalabka Sida Dhamme Ismaaciil Salaad Maxamed ayaa Maxkamadda u sheegay in labada eedeysane ay ku tala galeen dilka wadaha Mootada balse xabad uu riday Xasan Xuseen Maxamed xabad uu riday ay sababtay geerida Marxuumad Istar Axmed Cabdulle, halka Xasan Muuse Warsame uu dhaawac u geysatay Faadumo Axmed Cabdulle.
Qareenka labada eedeysane ayaa Maxkamadda u sheegay in ay ku wada jireen labada eedeysan howl shaqo oo lagu ogyahay, waxa uuna Maxkamadda weydiistay in magta dhibanayaasha lagu xukumo taliska Boliiska.
Dable Boliis Xasan Xuseen Maxamed ayay Maxkamaddu ku xukuntay diltoogasho oo ah qisaasta Marxuumad Istar Axmed Cabdulle halka Dable Boliis Xasan Muuse Warsame ay Maxkamaddu ku xukuntay Shan Sano oo xabsi ciidan ah iyo in uu bixiyo magta dhaawicii uu u geystay Faadumo Axmed Cabdulle sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute.
Xukunka waxaa ka furan Rafcaan ku siman Sodon Cisha xukunka kadib.
Daawo Sawirro Qurux badan iyo horumarka Dalka
Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa sawiro ka turjumaya bilicda iyo horumarka dalka
Wasiiru-dawlaha Boostada & Isgaarsiinta XFS oo dalalka Afrika uga warbixiyay dadaallada dawladda ee baahinta aqoonta tiknolojiyada
Wasiiru-dawlaha Boostada, Isgaarsiinta, & Teknolojiyada, Mudane C/llaahi Bile Nuur, oo ka qeyb galayay shirka heer wasiir ee Hal-abuurka Teknolojiyada ee Afrika ee galinkii dambe ee shalay lagu soo gabagabeeyay caasimadda dalka Ghana ee Accra, ayaa ka warbixiyay dadaallada Wasaaraddu ee la xiriira sidii loo horumarin lahaa aqoonta iyo helitaanka internetka ee dalka.
Wasiiru-dawlaha oo dood-wadaag kala qeyb galayay qaar ka mid ah wasiirrada isgaarsiinta Afrika ayaa ka warbixiyay waxyaabaha ay Wasaaraddu ka qabatay sidii loo baahin laha helitaanka internetka iyo horumarinta xirfadaha teknolojiyada, isagoo tusaale u soo qaatay qodobadan:
▪ Dalka waxaa soo gala 3 xarig oo internet, waxaana socda qorshaha 2 xarig oo kale lagu keenayo, kuwaas oo marka ay wada hirgalaan kordhin doona helitaanka, qiimaha iyo tayada adeegga internet ee dalka.
▪ Wasaaradda oo kaashaneysa Bankiga Adduunka waxay u fududeysay in qaar ka mid ah wasaaradaha dawladda federaalka iyo kuwa heer dawlad-goboleed iyo qaar ka mid ah jaamacadaha dalka ay helaan adeeg internet.
▪ Wasaaraddu waxay waddaa qorshe lagu dhisayo Xarunta Hal-abuurka Teknolojiyadeed ee dalka (Somalia National Innovation Centre – SO NICE), taas oo noqon doonta goob xiriirisa xarumaha hal-abuurka dalka oo la doonayo in la gaarsiiyo heer degmo iyo in jaamacad kasta ay u furto ardeydeeda si ardeyda ka soo baxaysa jaamacadda ay u abuuran karaan shaqooyin.
▪ Waxaa dhowaan Golaha Wasiirradu uu ansixiyay Siyaasadda Qaran ee Isgaarsiinta & Teknolojiyada, taas oo ahmiyad gaar ah lagu siiyay sidii teknolojiyada loogu isticmaali lahaa waxbarashada iyo adeegyada kale ee loo adeegsado teknolojiyada.
▪ Wasaaraddu waxay dib u hawl-gelisay Machadkii Isgaarsiinta Qaranka oo loogu talo galay inuu qeyb ka noqdo dadaallada lagu baahinayo aqoonta iyo xirfadaha teknolojiyadeed ee dalka.
Wasiiru-dawlaha iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa intii ay joogeen shirka waxay sidoo kale la kulmeen wasiirro, hay’ado iyo shirkado ka shaqeeya horumarinta aqoonta teknolojiyada iyo hal-abuurka si la isku weydaarsado waaya-aragnimada iyo teknolojiyadda loo adeegsado kobcinta aqoonta teknolojiyada.
Shirkan oo ay ka soo qeybgaleen wasiirrada waxbarashada iyo isgaarsiinta ee qaaradda Afrika waxaa looga hadlayay kaalinta ay teknolojiyadu ka qaadan karto horumarinta waxbarashada, iyadoo halkaas lagu soo bandhigay sida shirkadaha gaarka ah gacan uga siin karaan dawladaha Afrika dadaalladooda ku aaddan aqoonta teknolojiyada.
Bulshada ku nool deegaanada miyiga ah ee G/Bari oo si isku tashi ah u furaya Waddada Dhabaaqo
Bulshada ku dhaqan dagmooyinka fog fog ee Gobalka Bari oo u badan Xoolo dhaqato iyo Beeralay ayaa bilaabay isku tashi ay ku doonayaan inay dib ugu furaan waddooyinkii hal bowlaha u ahaa isu socodka gaadiidka iyo dad waynaha iskuna xiri jiray Degmooyinka Qandala, Caluula iyo Boosaaso, halkaasi oo ay go’een waddooyinkii loo mari lahaa deegaanno muhiim ah oo ka tirsan Gobolka Bari.
Marka laga yimaado dhanka badda oo ah wada sadexaad ee loo maro dagmooyinkaani waxa uu leeyahay Laba wado oo caan ah bulshada deegaanadaasina adeegsato kuwaasi oo la kala yiraahdo Lafa Goray iyo Dhabaaqo,hadana labaduba yihiin kuwa go an oo aan la adeegsan karin .
Dhallinyaro, waayeel Xoolo dhaqato iyo Beeralayba waxa lsu garab sadeen bulshada ku dhaqan agagaaarka Buurlayda Dhabaaqo sidii mar kale si iskaa wax u qabso ah loogu furi lahaa wadada dhabaaqo oo go’day masaafo ka badan 30km ayna ka dillaaceen godad aad u waawayni, taasi oo ay u sii dheertahay in daadadkaani soo dhigeen dhagxaan aad u waawayn oo ay adagtahay bur burintoodu.
Maxamed Jaamac Togox oo ka mid ah odayaasha deegaanka si gaar ahna wadadaani gacanta ugu hayay mudo 30 sano ah ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in hadafkoodu yahay in la helo meel la marsiiyo gurmadka kala duwan ee loo wado deegaannada ay roobabka saameeyeen.
Togax ayaa xusay in Maamulka Puntland iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya midna wali ka soo gaarin dadka deegaanadaasi wax gurmad ah marka laga reebo qiimayn ku saabsan inta uu khasaaruhu la egyahay oo ay u timid hay’ada jidadka Puntland iyo Guddi gaar ah oo arintaani u xilsaartay Puntland.
“Waxaa qiimihiisu laba jibaarmay maciishada noocyadeeda kala duwan, maadama isha kaliya ee dadkaani wax ka heli jireen ahayd magaalada ganacsiga ee Boosaaso, xitaa baddii way kacsantahay oo lama mari karo hadiiba dhanka badda la adeegsan lahaa, waxaan ka codsanaynaa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya inay arintayada il gaar ah ku eegto oo dadkaasi loo soo gurmado, hooyadii umulaysa hada wado la marasiiyo malahan oo xaalad caafimad darro inay u dhimataa suro gal ah”ayuu yiri Maxamed Jaamac Togox oo ka mid ah odayaasha gacanta ku haya waddada dhabaaqo.
Dadka deegaanadaasi ayay cabsi kale soo wajahday markii Hay’adaha saadaasha iyo Wasaarada arrimaha Gudaha Puntland si wada jir ah mar kale uga digeen Roobab dabaylo wata oo soo wajahan .
Guddoonka Baarlamaanka Golaha Shacabka oo ku baaqay in la joojiyo Colaadda Mudug
Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad, ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalka ka soo cusboonaaday Towfiiq iyo Afbarwaaqo ee Gobolka Mudug.
Mahad Cabdalla, ayaa faray Guddiga nabadeynta iyo Ciidamada isku dhafka ah in ay si deg-deg ah u kala dhex galaan Dadka Walaalaha ah ee ay colaaddu dhex martay.
“Waa arrin aan la aqbali karin Guddiga nabadeynta iyo ciidanka xasilinta ee isku dhafka ah waa inay si degdeg ah u kala dhex galaan dadka walaalaha ah ee colaadu dhex martay, ayuu yiri Guddoomiyuhu.
Colaadda Gobolka Mudug oo inta badan ka dhalata aano Qabiil iyo Dhul ayaa Sanadihii u dambeeyay ahayd mid laga nastay, taas oo ay qaboojinteedu door Lixaad leh ka qaateen Dhallinyarada oo kaashanaya Dowladda Federaalka, maamullada Labada dhinac iyo Ururrada Bulshada.
QM oo war ka soo saartay waxyeellada ay geysteen Roobabkii ka da’ay Bariga Afrika
Ugu yaraan 280 Qof ayaa ku geeriyootay, halka in ka badan 2.8 Milyan oo kalena ay wax yeello kasoo gaadhay Roobabkii dhowaan ka da’ay qeybo k mid ah Waddamada Bariga Afrika, sida ay shalayto shaacisay QM.
Xafiiska isku xirka arrimaha Bini’aadam-nimada QM ee OCHA ayaa sheegay in Roobabkii sababay fatahaadaha iyo daadadka Bariga Afrika ay waxyeello gaarsiiyeen Guryo iyo kaabayaal dhaqaale, iyadoo ay jirto halis ah in ay goobahaasi ka dillaacaan cudurro uu ka mid yahay Daacuunka.
Bishii Oktoobar ee Sanadkan ayay ahayd markii ay Roobab sababay fatahaado iyo Daadad lixaad leh ay ku dhufteen meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah, iyadoo ay sidoo kale dhowaan ay wax yeello kala duwan ka geysteen Waddamada Yugaandha, Tansaaniya iyo Kenya.
Digniin dhowaan lasoo saaray ayaa sheegeysa in laga baqdin qabo Roobab kale oo ka da’a Waddamo ay Soomaaliya ka mid tahay, gaar ahaan Dhulka Xeebaha ah,iyadoo Dowladduna ay si weyn uga gashaamatay, Dad weynaha u sameysay wacyi gelin ballaaran.
Duqa Muqdisho “Dib u kabashada Caasimadda ee dhanka amniga iyo kaabeyaasha dhaqaalaha waxay rajo gelinaysaa dhallinyaradeenna”
Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane; Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) oo soo xiray horyaalka Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa tilmaamay muhiimadda uu tartankaani u lahaa isdhexgalka Bulshada iyo nabadeynta Caasimadda.
Guddoomiyaha ayaa u hambalyeeyey Kooxda Dharkiinley oo hanatay sanadkan Horyaalka Degmooyinka Gobolka Banaadir, isagoo sidoo kale bogaadiyey dhammaan ciyaartooyda, macalimiinta iyo maamulka ka qeyb qaatay tartankan oo muujiyey ilbaxnimo iyo tartan
“Ciyaarahan caawa aan soo gabagabeynay waxa ay ka tarjumayaan qiimaha nabadda iyo is –dhexgalka bulshada. Dib u kabashada Caasimadda ee dhanka amniga iyo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha waxa ay rajo gelinayaan dhallinyaradeenna Soomaaliyeed oo u badan dad firfircoon, hibo iyo xirfadba leh.”
Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale ku ammaanay xulka degmada Waaberi dadaalka ay muujiyeen, iyagoo sanadkii saddexaad oo xiriir ah soo gaaray ciyaarta kama danbeysta ah ee Koobka Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa u mahad celiyey Wasaaradda Dhallinyarada iyo ciyaaraha, masuuliinta heer Federaal iyo heer Gobol ee ka qeyb qaatay qabsoomidda tartankan, isagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay in lasii joogteeyo, lana sii dhiirri geliyo dhallinyarada Caasimadda.
Madaxweynaha ayaa markii uu abaalmarinada guddoonsiiyey cayaartoyda iyo qabanqaabiyeyaashii cayaarahan, waxaa uu sheegay in isboortiga uu ka mid yahay waxyaabaha fududeeya isdhexgalka bulshada, qeybna ka qaata nabadeynta iyo horumarka.
Daawashada cayaarta kama dambeysta ah ee horyaalka Degmooyinka Gobolka Banaadir waxaa Duqa Caasimadda ku weheliyey Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Marwo; Khadiijo Maxamed Diiriye, Guddoonka Ciyaaraha heer Qaran iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Bulshada Gobolka Mudug oo ku baaqday in la joojiyo colaadda ka taagan Af-barwaaqo
Guddoomiyaha Tuulada Af-brwaaqo ee Gobolka Mudug, Cabdullahi Jaamac Dhoorre, Culimaa’udiinka, wax garadka iyo sama doonnada degaanka ayaa ku baaqay in si deg-deg ah loo joojiyo coladda Beeleedka halkaasi kasoo cusbaanaatay .
Maamulka iyo Cuqaasha Af-barwaaqo ayaa si gaar ah baaq ugu diray Dowladda Soomaaliya, mas’uuliyiinta Galmudug iyo Puntland,wax garadka iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed in kala dhex galaan dirita ka socota Af-barwaaqo, si aysan ugu baahin degaannada kale ee Gobolka Mudug.
Shalay ayay ahayd markii Laba Malleeshiyo Beeleed oo kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug ay ku dagaallameen degaanno hoos taga Tuulada Af-barwaao, halkaas oo uu ka dhashay qasaaro Naf iyo maal isigu jira.
Xubno ka tirsan Boliiska AMISOM oo loo xiray tababar la xiriira Jinsiga iyo xuquuqul insaanka
Howl-galka nabad ilaalinta midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa 22 Sarkaal oo ka tirsn Boliiska AMISOM usoo gaba-gabeeyay tababar soconayay Sadex Cisho .
Tababarkan ayaa waxa uu ku saabsanaa ka hor tagga dhibaatooyinka Jinsiga , ilaalinta xuquuqul Insaanka iyo dhowrista dhibaatooyinka loo geysto Carruurta.
Xubnahan oo dhammaantood ahaa Haween ayaa looga tala galay in ay tababarro iyo talooyin ku aaddan waajibaadkooda usii fidiyaan Saraakiisha Boliiska Soomaaliyeed oo ay wada shaqayn xooggan ka dhaxayso AMISOM.
Taliyaha Booliska AMISOM, Augustine Magnus Kailie, ayaa xiritaanka tababarka Saraakiishan ku boorriyay in ay casharradii la siiyay ku dabbaqaan aqoontooda, si ay u sii kordhiyaan kaalintooda kaga aaddan waajibaadka amni ee saaran.