Home Blog Page 833

Madaxweynaha Farmaajo oo kulan la qaatay qaar ka mid ah Haweenka Soomaaliyeed ayaa kala hadlay xoojinta doorka ay ku leeyihiin dowladnimada+(SAWIRRO).

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo kulan la qaatay qaar ka mid ah Haweenka Soomaaliyeed ayaa kala hadlay xoojinta doorka ay ku leeyihiin dowladnimada, horumarinta dhaqaalaha, dib u heshiisiinta iyo xoojinta midnimada Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay mudnaanta gaarka ah ee dowladdu ay siisay kobcinta doorka Haweenka ee siyaasadda, maamulka iyo arrimaha bulshada, isaga oo ku ammaanay sida waddaniyadda leh ee ay ugu taagan yihiin horumarinta dalka, ka shaqeynta danta guud iyo dib u dhiska dowladnimadeenna.

“Abaal weyn ayay nagu leeyihiin Haweenka Soomaaliyeed, xilligii xornimo doonka waxa ay ahaayeen udub-dhexaadka halgankii xorriyadda iyo midnimada. Xilliyadii duruufaha adag ay soo wajaheen dalkeenna waxa kaliya ee loo baxsaday waxa ay ahaayeen dumarka Soomaaliyeed”.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo dhageystay talooyinka iyo weydiimaha Haweenka ka soo qeyb galay kulankan ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dowladdu ay xoojiso fursadaha shaqo ee Haweenka iyo ilaalinta saamigooda siyaasadeed iyo maamul ee dalka.

Dhankooda, Marwooyinka ka soo qeyb galay kulanka ayaa Madaxweynaha uga mahad celiyey mudnaanta uu siiyey Haweenka iyo kalsoonida uu ku qabo doorkooda dib u dhiska dalka, hirgelinta qorsheyaasha Qaran ee dhanka horumarka, adkeynta midnimada iyo ka miro-dhalinta dadaallada dib u heshiisiinta.

Arday Baratay farsamada Gacanta oo shahaadooyin la guddoonsiiyay+(SAWIRRO).

0

Munaasabad shahaadooyin lagu gudoonsiinayay laba boqol dhallinyaro ah oo ka kala yimid Gobolka Banaadir iyo qaar ka mid ah Gobolada Dalka  oo ka qalin jabiyay barashada farsamada gacanta  sida barashada cilmiga beeraha,  maamulka hoteelada, cuno karinta iyo barashada aaladda Computer-ka ee machadka Hano Academy ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho

Qaar ak mid ah ardayda oo ka hadlay dareenkooda iyo sida ay ugu  faraxsanyihiin aqoonta ay ka barteen ayaa tilmaamay inay haatan barteen farsamo mustqalka anfaceyso oo ay ku shaqeysan karaan.

Qaar ka mid ah waalidiinta ayaa ku booriyay ardayda sida wanaagsan ay ugu adkeysteen barashada  farsamada oo muhiim u ah dhalinyarada Soomaaliyeed.

Madaxa Machadka Hano Academy Dr Sacdiyo Siyaad oo ka warbixisay muhiimadda  barashada xirfadda ay u leedahay  bulshaad Soomaaliyeed ayaa ku guubaabisay ardayda in ay kordhiyaan aqoontooda, isla markaana waxyaabaha ay barteen ay bulshadooda ugu adeegaan.

 

73 Arday oo ka qalin jebisay Jaacamadda Qur’aanka Kariimka+(SAWIRRO).

0

Munasabadda ay ku qalin jebinayeen 73 arday oo baratay cilmiga diiniga ayna soo qabanqaabisey Jaamacadda Qur’aanka Kariinka ayaa waxaa ka qeybgalay Xildhibaanno, siyaasiin   aqoonyahanno  iyo walidiinta ardeyda qalin jalinjabineysay

Agaasimaha Waaxda Shaqada, Shaqaalaha iyo Tabarada ee Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdirixiin Ciise Cadoow oo ku hadlayey magaca waalidiinta ardayda qalinjabisay ayaa kula dardaarmay  ardayda inay dadaalkoodii Waxbarashada ay  halkoodii ka sii wadaan.

Guddoomiye ku-xigeenka Jaamacadda Quraanka Kariimka Cabdala Cabdala Sabriye oo munaasabadda ay ku qalin jabinayeen  ardayda  hadal kooban ka jeediyey ayaa sheegay in waxbarashadu ay muhiim u tahay qofkasta.

Ardayda ayaa noqonaya dufcaddii ugu horeysay ee Jaamacadda ka qalin jebisa, waxaana ardayda la guddoonsiiyay shahaadooyin iyo hadiyo kale.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta iyo odoyaal dhaqameed ayaa ku baaqay in la joojiyo colaadda Gobolka Mudug.

0

Odoyaal dhaqameed Muqdisho ku sugan ayaa baaq nabadeed u diray dad walaalo ah oo maalmihii la soo dhaafay ku dagaalamayay deegaanka Hul-dooyaale oo bari kaga began Gobolka Mudug.

Suldaan Cali Horseed iyo Imaam Cumar Macalin Abshir ayaa baaq nabadeed u diray dadka walaalahaa ee ku dagaalamaya deegaanka Hul-Dooyaale, iyagoo dalbaday in si sharuud la’aan lagu xoojiyo dagaalka.

Wasiir ku-xigeynka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala  ayaa ugu baaqay in ay xabadda joojiyaan nabadda iyo wadajirkana ay ilaaliyaan  dadka wada dhashay ee halkaasi ku dagaalamaya, isagoo intaa ku daray in wakasta ay ku dhameeyaan miiska wada hadalka.

Maamulka Degmada Deyniile oo kulan qado sharaf ah u sameeyay guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

0

Kulanka qada sharafta ah oo ay soo qaban qaabiyeen Maamulka Degmada Deyniile ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Xildhibaanno, Wasiiro ka tirsan Galmudug iyo qeybaha bulshada ee ku nool Caasimadda.

Kulanka kaddib Wafdiga uu hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad Goboleedka Galmudug waxa ay kormeereen deegaannada Ceel-Jaale iyo Warta Shirkadda oo ah goobaha loo dalxiistago ee Degmada Deyniile, halkaasi oo ay ku soo arkeen goobo u diyaarsan dalxiiska.

Guddoomiyaha Degmada Deyniile Maxamed Abuukar Jacfar ayaa mas’uuliyiinta ku soo dhaweeyay Degmada, isagoo sheegay in ay ku faraxsanyihiin imaashahooda.

Maxamed Mire Axmed iyo Canab Maxamed Cosoble oo ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Galmudug iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Galmudug mudane Xasan Cabdullaahi Cas-caseey ayaa Maamulka Dayniile ku amaanay amniga ka jira degmada.

Guddoomiyaha Baarlamaaka Dowlad Goboleedka Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal ayaa Maamulka degmada uga mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay, isaga iyo wafdiga la socday, waxaana uu maamulka ku boggaadiyay sida ay amniga uga shaqeeyeen iyo maashaariic horumarineed ee ka socda Degmada.

Qarax dad ay ku dhaawacmeen oo ka dhacay Boqortooyada Sacuudiga.

0

Afar qof ayaa ku dhaawacmay qarax ka dhacay magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga

Dadka dhaawacmay waxaa ku jira qof u dhashay UK sida ay sheegtay Wasaarada Arimaha Dibadda.

Qaraxa oo ahaa bamka gacanta ayaa lagu weeraray qabuuraha dadka aan Muslimka ahayn oo ku yaala magaalada Jeddah .

Markii uu wararka dhacayay waxaa goobta ka socday xusuus loo sameynayay askartii ku dhimatay dagaalkii labaad ee adduunka.

Waxaa goobta ku sugnaa diblomaasiyiin ka kala socday Britain, France, Greece, Italy iyo Mareykanka.

Booliska Sacuudiga ayaa weerarka ku tilmaamay mid argagaxiso, waxayna xireen qof lala xiriirinayo weerarka

Madaxweyne Farmaajo Oo U Hambalyeeyay Madaxweynaha Cusub Ee Hirshabeelle Iyo Ku-Xigeenkiisa.

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka cusub ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Mudane Yuusuf Axmed Hagar oo maanta ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee ka qabsoontay Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Guddoonka, Xildhibaannada Baarlamaanka iyo Guddigii Doorashooyinka Hirshabeelle daah-furnaanta iyo habsami u socodka ay ku maamuleen hannaanka doorashadan oo wadajirka ay uga soo shaqeeyeen dhammaan shacabka, waxgaradka iyo masuuliyiinta deegannada hirshabeelle

“Waxaan ugu hambalyeynayaa Madaxweynaha iyo Madaxweyne K/Xigeenka cusub ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Mudane Yuusuf Axmed Hagar xilalka loo doortay maanta, anigoo ka rajeynaya in ay u horseedan bulshada deegaannada Hiirshabeelle xasillooni, amni, midnimo,caddaalad iyo horumar loo dhanyahay”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku dhiirri-geliyay shacabka iyo maamulka Hirshabeelle adkeynta midnimada iyo wax wada qabsi miro-dhal ah oo horseeda horumar ay si wadajir ah ugu tallaabsadaan bulshada deegaanka, taas oo xasillooni ka abuuraysa deegaanada Hirshabeelle, nolol iyo mustaqbal wanaagsanna u ah bulshada.

Ugu dambeyntii, Madaxweyne Farmaajo ayaa Alle uga baryay Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle iyo Ku xigeenkiisa in ay ku guuleystaan gudashada waajibaadka culus ee horyaalla, bulshada deegaankana ay ku hagaan caddaalad iyo horumar waara.

Maamulka Gobolka Banaadir oo Hambalyo u diray Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle.

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa yiri, “Anigoo ku hadlayo magaceyga iyo kan maamulka gobolka Banaadir waxaan Hambalyo u dirayaa Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo  Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Yusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo ay maanta doorteen Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle”.

Duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Filish ayaa sidoo kale yiri, “maamulka gobolka Banaadir iyo Shacabka Muqdisho waxa ay diyaar u yihiin xoojinta wada shaqeynta iyo iskaashiga ka dhaxeeyay dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Sidoo kale wuxuu u rajeeyay in uu Alle u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo doortay Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Hirshabeelle iyo Madaxweyne ku-xigeenkiisa.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo guddoomiyay shir muhiim ah oo u dhexeeyay Soomaaliya iyo Midowga Yurub+(SAWIRRO).

0

Sida uu dhigayo qodobka 8aad ee heshiiskii Cotonou, dowladda federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa Muqdisho ku yeeshay kulan wadaxaajood siyaasadeed ah 11 November 2020, kaas oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo dhaweeyay wafdiga midowga Yurub, lana wadaagay muhiimmadda uu Soomaaliya u leedayahay xiriirka kala dhexeeya Midowga Yurub.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimaha ay sida isku midka ah u daneynayaan ee ku saleysan ajandaha wadajirka ah ee lagu heshiiyay. Wadaxaajoodkan ayaa muujiyay wadashaqeyn heerkeedu sarreeyo oo ku dhacday jawi furan, saaxiibtinimo oo wax dhisaya.

Ajandaha shirka waxaa ku jiray arrimo khuseeya doorashooyinka soo socda iyo xiriirka ka dhexeeya hoggaamiyeyaasha siyaasadda ee dalka, dib u habeynta ciidamada ammaanka oo ay ku jirto dib u eegista qorshaha kala guurka (Transition Plan), dib u habeynta dhanka dhaqaalaha, iskaashiga dhinacyada horumarinta iyo xuquuqul insaanka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa isku afgartay qabashada shirka amniga la xiriira oo ku dhici doona qaab fogaan arag ah, ayna isla guddoomin doonaan DFS, Midowga Afrika iyo Midowga Yurub, shirkaas oo dhici doona 30-ka November 2020.

Gunaanadkii Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku celisay sida ay uga go’an tahay dib u habeynta dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga iyadoo Midowga Yurubna xaqiijiyay sida uu ugu heellan yahay ka qeyb qaadashada dadaallada qaran dhiska Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya waxa ay ammaantay kaalinta iyo ka qeyb galka Midowga Yurub ee dhanka ammaanka iyo hoggaanka sii kordhaya ee hay’daha difaaca Soomaaliya. Labada dhinac waxa ay sheegeen in ay ka go’antahay sii wadista wadashaqeynta ka dhaxeysa ee ku aaddan doorashooyinka soo socda iyo horumarinta dimoqraadiyadda Soomaaliya iyadoo loo marayo dib u habeynta dastuurka, garsoorka iyo xuquuqda aadanaha.

Ra’iisul Wasaaraha oo shirka guddoomiyay ka sokow, waxaa DFS shirka uga qeyb galay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Wasiirka Caddaaladda, Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Amniga Gudaha, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Wasiirka Arrimaha Dastuurka, Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka iyo Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Dhanka Midowga Yurub waxaa hoggaaminayay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya oo ay wehliyeen Safiirrada Jarmalka, Finland, Spain, Italy, Sweden, Denmark iyo Ireland. Waxaa sidoo kale wehliyay taliyeyaasha howlgalka Midowga Yurub ee EUNAVFOR, EUCAP iyo EUTM.

 

Dowlada Ethiopia oo burburisay goobo muhiim u ah ciidanka gobolka Tigreega.

0

Dowladda Ethiopia ayaa sheegtay in ay burburisay goobo muhiim u ahaa ciidanka gobalka Tigreega ee TPLF

Taliyaha ciidanka cirka Ethiopia Sareeye Gaas Yilma Merdassa  ayaa sheegay in ciidankiisu duqeeyeen goobaha keydka shidaalka iyo hubka u ah kooxda TPLF.

Talaabadan ayuu ku sheegay mid lagu wiiqayo waxa uu ugu yeeray danbiilayasha baxsadka ah, isla markaana cadaallada lagu keenay madaxdooda.

Dagaalka u dhaxeeya ciidanka dowlada Ethiopia iyo kuwa maamulka Tigreega ee TPLF ayaa galay maalinkii sideedaad.

Dowladda ayaa guula ka shaeeganeysa dagaalka, waxaana ciidankeedu shalay qabsadeen garoonka diyaaradaha ee muhiimka ah ee Humera.