Home Blog Page 831

Dawladda Soomaaliya oo ku baaqday in la joojiyo colaad beeleedyada ka socda gobollada dhexe.

0

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Qadar) Mahadi ayaa oo ku hadlayay magaca dowladda federaalka soomaaliya ayaa ku baaqday in la joojiyo dagaal beeleedka ka socda deegaanno ka tirsan gobollada dhexe ee dalka gaar ahaan gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Ra’’iisul wasaare ku xigeenka dalka waxa uu sheegay in xilligaan aan loo baahneed colaado sakeeyo isla markaana nabad ay kuwada noolaadaan dadka walaalaha ah ee wada dega ./

Ra’isul wasaare ku xigeenka dalka Mudane mahdi Maxamed Guuleed (Qadar) waxaa kaloo uu sheegay in shirkii todobaadlaha ee golaha wasiirada ay ka mid aheyd wax yaabaha looga hadlay dagaalada kasoo cosboonaaday dalka isla markaana dowlad goboleedka Galmudug ay dowladda dhexe kala shaqeyneyso sidii loo xalin lahaa.

“Dagaalka waxaa ka wanaagsan dadka inay ka shaqeeyaan walaalnimada ,is aqbalaada iyo wada noolaashaha waayo dagaalka waxa uu saameeyay dad badana oo aan waxba galabsan marka waxaan ku baaqeynaa in dagaalka la jooiyo.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Qadar) waxa u uku cel celiyay in isaqbalaada iyo walaalnimada ay ka wanaagsantahay dagaalka micnaha aan ku jirin kaasi oo saameeyay dad badan oo aan waxba galabsan.

Ra’isulwasaaraha itoobiya ayaa saakay u magacaabay madaxa ismaamulka tigreega Mulu Nega.

0

Qoraal ka soo baxay xafiiska Abiy Ahmed ayaa lagu sheegay in Mulu Nega loo magacaabay hogaanka gobalka tigreega ee colaadu ka socoto islamarkaana looga fadhiyo in uu soo xusho xubnaha maamulka ee la shaqeynaya

Go,aanka ayaa waxaa lagu gaaray kulan ay yeesheen golaha wasiirada sida qoraalka lagu sheegay.

Aqalka sare baarlamaanka itoobiya ee loo yaqaan house of federation ayaa horay u go,aamiyay in maamul ku meel gaar ah loo dhiso gobalka tigreega kadib markii dowladu ku soo rogtay xaalad deg deg ah.

Sidoo kale waxa ay arintan imaaneysaa maalin kadib markii baarlamaanka itoobiya uu xasaanadii ka qaaday 39 xubnood oo maamulka tigreega ah kuwaas oo uu ku jiro madaxweyna hada ee ismaamulka tigreega.

Madaxweyne Farmaajo “Waxaan dalka u jihaynay Doorasho”

0
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay Heshiiskii Siyaasadeed ee Doorashooyinka Dadban kaas oo Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ay si wadajir ah cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen 26-kii Sebteembar 2020.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in saxiixa heshiiskan uu caddeyn buuxda u yahay sida ay uga go’an tahay Maamulka uu hoggaamiyo sii ambaqadidda hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka iyo qabsoomidda doorasho saldhigeedu yahay Heshiiskii Muqdisho ay ku gaareen Madaxda Heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed 17-kii Sebteemar 2020.
“Waxaan dalka u jihaynay doorasho. Laga soo bilaabo 1-dii Bishii Oktoobar ee sanadkan oo aan la saxiixanay Madaxda Dowladda Goboleedyada dalka Heshiiskii Habraacyada doorashooyinka, waxaan qaadnay tallaabooyinka Heer Federaal ee ku aaddan qabsoomidda doorashada iyo dhaqan gelinta dhammaan qodobbada ku jira Heshiiska Siyaasadeed ee Jiheynta Doorashada Baarlamaanka Federaalka.”
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir dadaalkii ay ku bixiyeen in heshiis laga gaaro wadahadalladii ku saabsanaa hannaanka doorashooyinka dalka ee ku qabsoomay Samareeb iyo Muqdisho.
Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey Guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare dhammeystirka habraacii uu sharciga ku noqday Heshiiskii Siyaasadeed ee Doorashooyinka.
Ugu dambeyntii, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Xukuumadda dardargelinta doorkeeda ku aaddan fududeynta qabsoomidda doorasho waafaqsan heshiiskan ay ansixiyeen Baarlamaanku, kuna meel maray saxiixa Madaxweynaha.
                                                  DHAMMAAD

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dooni ku burburtay xeebaha liibiya oo dad ay ku dhinteen+(SAWIRRO).

0

Wararka ka imaanayo Dalka Liibiya ayaa sheegayo in Gabar yar oo jirta lix bil ay ka mid ahayd 74 qof ee ku dhintay doon ku burburtay xeebaha liibiya.

Doonta oo ay saarnaayeen muhaajiriin afrikaan ah ayaa labo cad u kala go’day sida ay sheegeen shaqaalaha gurmadka.

Waxaa la arkayay qof dumar ah oo ku qeylinaya canugeyga.

Shaqaalaha gurmadka ayaa sheegay in 8 qof oo ka mid ah 47 oo la soo badbaadiyay ay aad u liitaan.

Laura Lanuza oo ka tirsan heyada Open arms ee dadka qaxootiga gargaarta ayaa sheegtay in talyaaniga iyo Malta ay ka dalbadeen gurmad si loo caawiyo dadka xanuunsanaya.

DAAWO:-Shirka Golaha Wasiirada oo lagu ansixiyay xeer-hoosaadka Golaha+(SAWIRRO)+(MUUQAAL).

0

Shirka golaha Wasiirada ayaa lagu ansixiyay xeer-hoosaadka Golaha Wasiirrada iyo magacaabista xubin ka bannaaneyd Guddiga Madaxa banan ee la dagaallanka Musuqmaasuqa.

Halkan ka DAAWO Warbixinta Shirka Golaha Wasiirada 

Hay’adda IOM oo sheegtay in 74 muhaajiriin ah ay ku dhinteen badda Libya.

0

Heyada socdaalka Qaramada Midoobe ee IOM ayaa sheegtay 74 muhaajiriin ah ay dhinteen kadib markii doon siday ay ku burburtay xeebaha magaalada Khums ee dalka Libya.

Doonta ayaa la sheegay in ay saarnaayeen 120 qof oo ay ku jiraan caruur yar yar iyo dumar.

Ilaalada xeebaha iyo kaluumeysato ayaa soo badbaadiyay 47 qof waxaana la helay meydadka 31 qof oo kale.

Waxaa soconaya gurmad iyo baaritaan si loo helo dadka la waayay nolol geeri sida ay sheegeen shaqaalaha qaramada midoobe.

19 qof oo caruur ay ku jiraan ayaa ku dhimatay labadii cisho ee ugu danbeysay doonyo ku dagay badda Mediterraneanka waxaana la soo badbaadiyay 200 oo qof.

Wasiirka Haweenka oo Baydhabo Ku Qabatay Shir Looga Hadlay Doorka Dumarka ee Siyaasadda+(SAWIRRO).

0

Wasiirka haweenka iyo horumarinta xuquuqul insaanka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xaniifo Maxamed Ibraahim Xaabsade, ayaa maanta magaalada Baydhabo kaga qeybgashay shir qeyb ka ah kulamo isadaba joog ah oo wasaaradda ugu ololeynayso qoonddada haweenka ee ka qeybgalka siyaasadda, kaas oo loo qabtay haweenka Koofur Galbeed.

Wasiirka oo hogaaminaysa wefdi xildhibaano ah oo k tirsan baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo isu xil saaray u qareemidda xuquuq siyaasadeedka dumarka, gaar ahaan ilaalinta qoonddada 30% ah oo ay ku leeyihiin golliyaasha dowladda federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin kala duwan ayaa dadkii ka hadlay waxay muujiyeen sida ay ugu qanacsan yihiin hanaanka ay wax u waddo wasaaradda haweenka Soomaaliya oo ay hormuud u tahay wasiir Xaniifa Maxamed Ibraahim.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Koofur Galbeed, Shamso Maxamed Yarow, oo kamid ahaa mas’uuliyiintii ka qeybashay kulanka ayaa sheegtay in xuquuq siyaasadeedka dumarka Soomaaliyeed aan wax gor gortan ah la gelinin, iyadoo xustay in Koofur Galbeed ay arrintaas hormuud u tahay.

Wasiirka haweenka Koofur Galbeed, Fahiima Cismaan, ayaa dhankeeda sheegtay in haweenka looga baahan yahay in ay geesinimo la yimaadaan si loo gaaro yoolka la hiigsanayo.

Xaniifo Maxamed Ibraahim (Xaabsade) wasiirka haweenka Soomaaliya, ayaa shirka ka sheegtay in magaalada Baydhabo noqotay meeshii labaad oo ololaha haweenka lagu qabtay isla markaana ay farxad gaar ah u tahay arrintaas.

Waxay sidoo kale xustay in Koofur Galbeed ay tahay meesha ugu badan oo ay ka yimaadeen haweenka ku jira baarlamaanka federaalka Soomaaliya, iyadoo ku amaantay hogaanka Koofur Galbeed oo arrintaas suurtageliyay.

Wasiirka haweenka Soomaaliya ayaa tilmaantay in haweenka ay yihiin kuwa ugu horeeya oo ay saameeyaan sharciyada dalka loo sameynayo sidaas awgeedna waajib tahay in haweenka door ku yeeshaan.

Wasaaradda haweenka iyo horumarinta xuquuqul insaanka Soomaaliya ayaa waddo olole daaran sidii loo xaqiijin lahaa xuquuqda siyaasadeed ee haweenka Soomaaliya oo ah 30%, wasiir Xaniifa oo arrintaas ka duulaysa ayaana hormuud u ah ololahaas wasaaraddu ku qaban doonto gobolada dalka, sida uu qorshuhu yahay.

Kulankan maanta waxaa ka qeybgalay, xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya, xildhibaano ka tirsan Koofur Galbeed, wasiirada waxbarashada, diinta iyo awqaafta Koofur Galbeed iyo mas’uuliyiin kale.

 

Dibadbaxyo lagu taageerayo howlgallada Dowladda ka waddo Ismaamulka Tigreega oo ka dhacay Itoobiya+(SAWIRRO).

0

Dibadbaxyo lagu taageerayo Dowlada Itoobiya isla markaana looga soo horjeedo Ismaamulka Tigreega ayaa ka dhacay qeybo ka mid ah Itoobiya.

Kumanaan qof aya isugu soo baxay Ismaamulada Oromada, Cafarta iyo Soomaalida ee dalka Itoobiya si ay u muujiyaan taageerada ay u hayaan howlgalka dowladda ee ka dhanka ah Maamulka Tigreega.

Magaalada Jigjiga ee xarunta Ismaamulka Soomaalida ayaa waxaa ka dhacay banaanbaxa ugu weyn oo ay ka qeyb galeen ardayda iskuulada.

Dadka dibadbaxayay ayaa ku dhawaaqayay erayo ka dhan ah Maamulka Tigreega, waxayna sheegeen in ay dowladda garab taaganyihiin oo ay soo dhaweynayaan howlgallada ka dhanka ah Maamulka Tigreega.

Xukuumadda oo ka hadashay hannaanka doorashooyinka, Amniga dalka xilliga doorashada iyo colaadaha ka jira gobollada Mudug iyo Shabeellada Dhexe.

0

Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Mudane Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa ka warbixiyey halka ay marayaan howllaha doorashooyinka, isagoo tilaamay in Xukuumaddu ay ku taagantahay fulinta qodobada heshiiskii ka soo baxay shirarkii Samareeb iyo Muqdisho, isla markaana ay wax walba oo la xiriira doorashooyinku ku qabsoomi doonaan xiligii lagu heshiiyey, wuxuuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in kaalintooda ay ka qaataan sidii ay nabadgelyo ugu dhici lahayd doorashadu.

Sidoo kale Wasiirka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee ku dagaallamaya deegaannada hoostaga Galmudug iyo Hirshabelle in colaadda ay ku joojiyaan shuruud la’aan, isagoo tilmaamay in odayaasha dhaqanka, culimada iyo waxgaradka deegaanadaas looga baahan yahay kaalintooda ku aaddan sidii colaadda loo joojin lahaa.

Dhanka kale Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Xasan Xundubey Jimcaale ayaa faray Ciidanka amniga in ay xoojiyaan nabadgelyada xiligan muhiimka ah ee lagu jiro doorashooyinka, wuxuuna xusay in amnigu uu yahay danguud oo muwaadin walba taabanaysa, loogana baahan yahay bulshadu in ciidanka ay gacan ku siiyaan sugidda amniga.

Biya qabadka Warta degmada Boondheere oo buuxdhaaftay ayaa sababtay in biyuhu gudaha u galaan xaafadaha ka agdhaw+(SAWIRRO).

0

Roobabkii Ka da’ay Magaalada Muqdisho Maalmahii u Dambeeyay ayaa Sababay Fatahaad ay Sameyeen Bulaacadaha Ku yaala Magaalada Muqdisho Gaar Ahaan Bulaacadda Warta Boondheere ee Gobolka Banaadir oo ku Fatahday Qaar ka mid ah Xaafadaha Degmada Boondheere Taasi oo Saameyn Ku yeelatay Nolosha iyo Caafimaadka Dadka Danta yar ee ku Nool Degmada Boondheere.

Bulaacadan Ku Taala Degmada Boondheere ayaa buux Dhaaftay Taasi oo Keentay in Xaafado Qaar ay Go’doon Galaan Guryahooda ay ugu galaan biyo xoog badan waxaa maamulka degmada boondheere oo kaashanaya kan gobolka Banaadir ay ku xireen warta matoor loogu tala galay in uu ka saaro biyaha ku jira warta iyadoo ay xiran yihiin ilaha biyo mareenada ee horay badda ugu shubi jiray.

Qaar ka mid ah Dadka ku Nool Degmaad Boondheere ayaa ka Hadlay Saameynta ay ku yeelatay fatahaada warta ay ku sameysay xaafadaha qaar waxayn sheegeen in guryaha ka agdhaw warta ay biyo badan ku soo celisay taasoo dhibaato xoogan kala kulmeen qoysaskii deganaa.

Raxma Maxamed Geedi oo ka mid ah howl wadeenada caafimaadka MCH-ka degmada boondheere ayaa ka hadashay dhibaatooyinka dhinaca caafimaadka ah ee ka dhashay warta iyo sida ay saameysay bulshada ku nool degmada waxayna sheegtay in dhibaato caafimaad ay ka dhasheen biyaha oo isugu jira cudurada faafo sida malaariyada iyo hergabka iyo sidoo kale cudurada caruurta ku dhaca.

Qaar ka mid ah odayaasha iyo culimada ku nool degmaad ayaa codsaday in loo dhiso goobaha biyo mareenada oo biyaha roobka badda ku shubi jiray taasi oo looga badbaadi karo saameynta iyo qasaaraha waxay sheegeen in biyahan halistoodu ay leeyihiin islamarkaana ay sababi karaa in caruurta ku harqadaan ama ku dhintaan.

Gudoomiye ku xigeenka siyaasada degmada boondheere Suldaan Maxamed Aweys Axmed ayaa ka hadlay saameynta warta iyo doorka Maamulka kaga aadan waxuuna sheegay in saameyn balaaran ay u geysteen Dad danyar ah oo ku noolaa qeyb ka mid ah meelaha ay biyuhu ku fataheen.